Adeegsiga “Ramadaan Kariim” Ma Khalad Baa?

0
311

Ramadaan waa bil ku weyn Muslimiinta, sidaa darteed in la isugu tahniyadeeyo curashadeedu waa mid wanaagsan. Ereyada la isugu tahniyadeeyo waxa ka mid ah: Ramadaan Kariim iyo Ramadaan Mubarak.

Maalmahan waxa jira labadaa adeegsi in mid ka mid ah la diidayo. Su’aasha ayaa ah maxaa loo diidayaa?

Ilaahay ha janneeyo sheekh Cusaymiin oo ka mid ah culimadii Sucuudiga ayaa la leeyahay wuxu fatwooday in aan la adeegsan: Ramadaan Kariim. Sida oo kale Ibnu Baas ayaa isna la qaba diidistan.

Cusaymiin waxa la waydiiyey in qof sooman kolka dambi uu galo uu ku andacoodo Ramadaan Kariim. Su’aasha sida ku cad qofkani kariimnimadii-deeqsinimadii wuxuu siiyey bisha. Waxaad mooddaa inuu leeyahay, “Ramadaan ayaa ii dambi dhaafaysa.” Waana halka khaladka fahan ku jiro, laakiin asalka adeegsiga ereyga kuma jiro oo waxa la leeyahay Cusaymiin laftiisaa adeegsaday dhowr jeer Ramadaan Kariim.

Jawaabtu waxay sax ku tahay in aan adeegsiga “Ramadaan Kariim” aan dhib ku jirin, lana mid tahay adiga oo yidhaa: Ramadaan Mubarak.

Xarunta Fatwada Masar-Daarul Iftaa waxay fatwodeen adeegsiga “Ramadaan Kariim” in aanay dhib lahayn haddaan ujeeddadu ahayn in la leeyahay Ramadaan ayaa deeqsi ah.

Ereyga “Alkariim” ayaa laba macno luuqadda carabiga ku leh. Macnaha kowaad waa in lagu cabbiro ficilka-falka, sida hebel waa kariim-deeqsi oo kale.

Macnaha labaad ayaa ah in laga cabbiro daatada-ahaanshaha qofka, sida hebel waa kariim oo laga wado waa qof sharaf leh

Midda kowaad haddii qofku ula jeedo sax maaha, sababta oo ah bisha Ramadaan karamka-deeqda iyadu ma bixiso. Haddii se uu ula jeedo Ramadaan inay tahay bil karaamaysan oo Ilaahay fadilay wax dhib ah kuma jiraan adeegsiga Ramadaan Kariim.

Xarunta Fatwada-Daarul Iftaa waxay leeyihiin adeegsiga “Ramadaan Kariim” waxay la mid tahay adeegsiyada Quraanku adeegsado.

Suuradda Dukhaan Alle SWT wuxuu ku yidhi,  “Waanu imtaxaannay hortood reer Fircoon, waxaana u yimid rasuul sharaf leh.”

Suuradda Anaml Alle wuxuu ku soo guuriyey hadalkii Balqiisa kolkay u timid warqaddii nebi Saleebaan, “Waxay tidhi: madaxeey, waxa ii soo gaadhay warqad sharaf leh.”

Suuradda Waaqica Alle SWT, wuxuu ku sheegay  in Quraanku yahay mid kariim ah oo uu ula jeedo in uu yahay mid sharfan.

Rasuulka lagu tilmaamay mid sharaf leh,  warqadda lagu sheegay inay sharfan tahay iyo Quraanka sharafta lagu sheegay, waxba ugama duwana ramadaan oo la yidhaa way sharfan tahay. Sidaa daraadeed dhib la fogaystaa kuma jirto adeegsigan.

Dhammaantiin Ramadaan Kariim akhristayaal.

W/Q Cabdirisaaq Rakuub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here