Afhayeenka Aqalka Cad oo eedeyn kulul oo ku aadan qaabkii ay u tabiyeen xafladdii caleemasaarka u jeediyay warbaahinta

0
535

Sean Spicer, afhayeenka Aqalka Cad ee xukuumadda Donald Trump ayaa shir jaraa`idkiisii ugu horreeyay ku eedeeyay warbaahinta in ay buraash wasaqeysan la daba socdaan madaxweynaha cusun ee dorrad la caleemasaaray

Afhayeenka ayaa dhaliilay qaar ka mid ah warbaahinta qaabkii ay u tabiyeen caleemasaarka madaxweyne Donald Trump kaas oo uu sheegay in ay warbixinno khaldan ay ka bixinayeen madaxweynaha cusub.

Labo arrimood ayuu sheegay in ay warbaahintaasi ka been sheegtay kuwaas oo kala ah:

1- In xafiiska madaxweynaha laga tuuray sanab yar oo ka tarjumayay halgamihii madoobaa ee Martin Luther King Jr., kaas oo xafiiska laga waayay marki uu Trump xafiiska la wareegay, waxaana uu afhayeenku sheegay in arrinkaasi laga beer abuuray.

2- In iyadana xafladdii caleemasaarka sawirro laga qaaday meelo firaaqa ah oo ay dad badani joogin si loo xaqiro dadweynaha taageerada u haya madaxweynaha cusub ee Donald Trump.

Sawirkan hoose ayaa qeyb ka ah muuqaallada uu ka cabanayo afhayeenka kaas oo muujinaya farqiga u dhexeeya xafladihii caleemasaarka Obama ee sanadkii 2009 iyo tan Trump ee 2017.