Afhayeenka Aqalka Cad Oo Iska Fogeeyey Taageerada Donald Trump

0
770

Afhayeenka Aqalka Cad Oo Iska Fogeeyey Taageerada Donald Trump
Donald Trump oo laga kala yaacey kadib fadeexaddii Jimacadii ay baahisey Washington Post ee ku saabsaneyd sida uu hawo u haabt, wuxuu rabona ugu sameeyo
Paul Ryan afhayeenka Aqalka Kongeress-ka Maraykanka, kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, horeyna u soo noqdey Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka sanadkii 2012 ayaa sheegay maalintii Isniinta in aanu ka qayb-qaadaneyn ol-olaha doorashada ee Donald Trump. Sidoo kale in uu dib ula noqdey taageeradii uu siiyey.

Paul Ryan ayaa laga soo doortaa gobolka Wisconsin oo muhimad weyn u leh doorashada kaas oo kamid ah gobolada loo yaqaan Swing States ee aan weligiis hal Xisbi keliya looga codeyn.
Kadib markii Paul Ryan uu shir la qaatey qaar kamid ah Xildhibaanada Kongferesska ee Xisbiga Jamhuuriga, ayuu saxaafadda u sheegay in ay diirada saari doonaan sidii Xisbigoodu u sii haysan lahaa Aqlabiyadda Aqalka Hoose, oo aysan isku mashquulineyn in ay taageeraan in uu guuleysto musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

– Afhayeenka Aqalka Hoose iyo Jaalayaashiisa ku dhaw waxay diirarada saarayaan in ay helaan aqlabiyadda Aqalka Kongress-ka, ayey tiri AshLee Stgrong oo ah afhayeenka Paul Ryan.
Tan iyo markii ay soo abxdey cajilka Video-ga ah ee Trump uu wax ka sheegayo haweenka, kuna hadlaayo hadalo ciyaal-suuqnimo ah ayaa waxaa ka yaacey oo ka baxsadey dhamaan Siyaasiyiintii Jamhuuriga ee horey u taageeray, kuwaas oo ka cabsanaya in taageerada ay siinayaan ay ku waayaan kuraasta ay hadda fadhiyaan.

Donald Trump ayaan taageero ku lahayn xisbiga Jamhuuriga ee uu musharaxa u yahay, waxaana soosaarey uu uu taageero ka helay kacdoon iyo caro ay qabaan dadka horey u taageeri jirey Xisbiga Jamhuuriga iyo weliba kuwa aan cidna u diiwaan gashaneyn, taas oo meesha ka saartey, siyaasiyiintii awoodda kulahaa Xisbiga.