Afkeeni Waynu Nacnay,Lacagteeni Waynu Nacnay Inaguna Isma Jeclin

0
530

Afkeeni Waynu Nacnay,Lacagteeni Waynu Nacnay Inaguna Isma Jeclin

Laba shayba wadnahayga way dhanbaleen mid waa lacag qalaad oo caasimadii Hargaysa iyo kolay dhamaan Hargaysa dharaaro aan ku sugnaa dadkeedii waanu is afgaranwaynay anagoo hadana isku af ku hadlayna waxna waanu kala iibsan kari waynay.Qacda horeba waxa lagalo hadlaya lacag la yidhaahdo dollar lagugu baayacaya shay kasta ood sare u qaadid. Shaadh ayan is idhi iibso bacadlaha ku yaal suuqa Waaheen ee Hargaysa ku yaala saradan u qaadayba wuxu ii sheegay inankii iibinayay ten dollar weeye. Naxdin aya igu dhacday waxan la kulmay wax anan ku tashan in Waaheen oo ku suntan suuqii ugu waynaa Somaliland ay sidaas ku danbayn doonto.

Laba shayba wadnahayga way dhanbaleen mid waa lacag qalaad oo caasimadii Hargaysa iyo kolay dhamaan dalka oo dhan ka noqotay lacagta wadaniga ah ee rasmiga ah ee wax lagu kala doorsado, mida labaadna waa afka qalaad oo lu socda isna inuu noqdo afka wadaniga ah ee rasmiga ah ee bulshadeenu bilawday inay ku doorsato afkii hooyo ee aynu gaarka u lahayn.

Telefanka gacanta lagu qaato ayan ka ergistay hooyaday waxan la tagay dukaan si aan lacag aan ku hadlo ugu shubto, walaal waxan u baahnay inan telefankan lacag ku shubto ayan waydiiyay dukaan lihii, ma buluubard ayad rabtaa ayuu iigu warceliyay dukaan lihi waxaa uu sheegay waxba kaman fahmin hase yeeshee waxan ku celiyay imisaa ugu yar ee aad iibisaa , wan dollar ama siiro boint fayf kaad doonto ayuu iigu warceliyay dukaan lihi, waxan ka codsaday afkan aad wax iigu sheegayso walal anigu ma garanayo ee afkii dhulkan laga hadli jiray maad iigu sheegi? aad ayay iigu adagtahay inan afsomali kuugu sheego ayuu hadalkii sii ku soo ururiyay dukaanlihii aanu waliba jaarka ahay.

Gurigayagii ayan iskaga noqday anigo telefan madhan sita, xaafadayadi ayan uga waramay wixi na kala qabsaday aniga iyo dukaanlihii, waa laygu qoslay badawnimada gaamurtay ee i haysa waxana laygu daray gabadh aan adeer u ahay si ay afcelye uga noqoto aniga iyo dukaanlaha.

Gabadhii aan adeerka u ahaa ayaan daba heetiyay ilaa iyo dukaankii, hawlba kumay qaadan ee markiiba hawshi aan u baahna way dhamaatay anigoo taagan waxa lagu wada hadlayay boqolkiiba sideetan afqalaad, boqolkiiba labaatan af soomali.Sidan TV ga ka aragnay wixii tiro la odhan jiray af soomaali cidina kuma taqaano xiliga hada la joogu miyi iyo magaalo toona waxad ka maqli uun zero seven one four nine , waxa soo raaca tiro sanadeedkii xaga taariikhda two tousankii ninteen seventigii weeye waxa laga sheekaynaya wax yar ayad arki oo labadii kun ama sagaliyo tobankii boqol sideetankii garanaya.Kala tagsananta bulshadeena isuma sheegayno iyo siday u kala fogtahay ee qabyaaladu kala furfurtay iyo dhibaatoyinkan aynu soo xusnay iyo qaarkalo badanmarka laysku daro waxa inoo muuqanaya inaynu hayno jidkii rogmadka iyo inaynu aduunka ka tirtirano isu rogno umad kale dhaqan kale afkale lacag kale. qaranka dhexdooda is qadariya isku kalsoonada ayaa afkiisana jeclaada kuna kalsoonada lacagta dalkiisana qiime u yeela gartana in wixiisu hanti u yihiin wax dadkale samaysteena aanu ku baahi bixi karin.

Waydiintu waxa weeye maxa lacagteeni inagu diray eynu xashiishka ugu haysana? Maxa afkeeni inagu diray af aynan aqoon oo gaalo ku hadasho ina baday inaynu ku hadaaqno? WAXAAS OO dhan waxay ka imanayan kalsooni daro baahday qofna aanu ku kalsonayn waxa uu yahay waxa u haysto iyo dhulka ilaahay ku abuuray.

Lacagta dollarka ah ee adag waxa samaystay qof adiga kula mid ah waliba muslinnimadan aynu sheeganayna waxabay sheegaysa inaad adigu ka saraysid iswaydii adigu maxad lacagtaadina xashiish ugu haysata dollarka gaalku leeyahayna aad u jeceshahay??? Maxaad afkaaga ugu firdhanaysa ee xitaa kuwa culama sheegta ay ugu hadaqaan iyagoo masajidka fadhiya afka qalaad ee ay ku hadlan gaalada uu dadka ka wacdiyayo inaanay raacin, SIYAASIGA waaba dhaqankiisa inuu iisho komishan sosayati iyo wax ka sii daran dadka la soo horfadhiisto, waxay maalin walba siyaasi isku sheega warbaahinta soo hawaarsada soo kordhiyaa erey qalaad oo uu malaha ka soo maqlay gaalada ay kabaha u sidaan,halkay wax inoo tari lahaayeen siyaasiyiinteena wadaadaduba waxay inoo soo kordhiyaan ereyo qalaad oo afkeena lagu badhxo lagu biyo dhiciyo lagu baabiiyo. Horumarku wuxu ku jiraa afkaaga iyo dhaqankaaga iyo naftada ood ku kalsoonato iyo dalkaaga ood jeclaato dadkaaga ood sinto so kala dhawaysan

qalikii xuseen maxamed siciid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here