Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera iyo Magacaydda Xildhibaanada Diiday & Kuwa Ka Dareeray Golaha. 69 xildhibaan oo codeeyey+4 xildhibaan oo diiday iyo 2 xildhibaan oo dibad joog ahaa
Hargeysa (Warsugan) Golaha wakiilada ayaa shalay oo Isniin ahayd fadhi ay yeeshaan ku ansixiyey heshiiska balaadhinta dekeda Berbera, waxana fadhigaas ka soo qayb galay 73 mudane oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland.
Gudoomiye Cirro oo shirka gudoominaayey ayaa halkii ka sii waday markii goluhu furmay in doodii halkeedii ka soo socoto, waxaanu ku bilaabay xildhibaanadii shalay is qoray inay ka doodaan, kuwaas oo markii mid mid loo xaadiriyey dhamaan ka cudur daartay inay dooda sii wataan goluhuna doodii labaad galo balse sideed xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii lagu bilaabay ayaa diiday inay wax dooda ka qabaan heshiiska dekeda.
Intaasi ka dib ayaa la guddo galay in golaha loo qaybiyo aaraada golaha waxaana loo gudbay in cod loo qaado heshiiska waxaana cod gacan tag ah loo qaaday cidii ka soo horjeeda kuwaas oo noqday 4 xildhibaan.
Xildhibaanada ogolaaday ansixinta heshiiska
- Baashe Maxamed Faarax
- Dr. Cali Yuusuf Axmed
- Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
- Cali Maxamed Aadan (Calibarre)
- Saleeban Cawad Cali (Bukhaari)
- Axmed Cabdi Nuur (kijandhe)
- Maxamed Cali Xirsi (Obama)
- C/raxman Cisman Caalin
- C/raxman Yuusuf Cartan
- Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush)
- Baar Siciid Faarax
- Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)
- Ibraahim Mahdi Buubaa
- Naasir X. Cali Shire
- C/raxman Maxamed Talyanle
- Cabdi Maxamud Jaamac (Gaagale)
- C/casiis Ismacil Ducaale
- Saleeban Yuusuf Cali (Koore)
- Siciid Maxamed Cilmi
- Xaashi Xuseen Caabi
- C/karim Abuubakar Good
- C/ramxan Maxamed Jaamac
- C/qaadir Jibriil Tukaale
- Axmed Barkhad Obiisye
- Cali Sh. Ibraahim Aareeye
- Siciid Warsame Ismaciil
- Farxan Maxamed Cali
- Faarax Maxamuud Cabdule
- Maxamuud Dhunkaale Guutaale
- Xamze Maxamed Gaadaweyne
- Axmed Jaamac Warfaa (Wadka)
- Maxamuud X. Maxamed Cumar Xaashi
- C/karimm Aw Cali Shabeel
- C/laahi Xuseen Cige (Blacky)
- Axmed Faarax Jooge
- Xusen Ismaciil Yuusuf
- C/qaadir Jamac Xaamaud
- Axmed Maxamed Nuur
- Maxamed Cisman Bulqaas
- Cali X. Maxamed Muuse
- Maxamed Cumar Aadam (Jiir)
- Maxamud Axmed Obsiiye
- Axmed Ducaale Bulaale
- Axmed Cabdi Kaahin
- Maxamed Saalax Cige
- Wali Axmed Xaawo
- Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
- Cabdi Hiirad Warfaa Faahiye
- Yuusuf Liibaan Cumar
- Cali Obsiiye Diiriye (Gabiley)
- Maxamed Jamac Cabdi
- Maxamed Jama Cali
- Maxamed Baaruud Shide
- Aadan X. Diiriye DIrir
- C/raxman Jaamac Muuse
- AxmedYaasiin Sh. Cali Ayaanle
- Xusen Maxamed Cige
- C/laahi Axmed Yuusuf (Madar)
- Ibrahim Axmed Reygal
- Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
- Maxamed Xusen X. Ciise
- Mahdi Xusen Cadar
- Mahdi C/laahi Maxamuud
- Xasan Cawaale Ceynaan
- Xasan Muuse Hufane
- C/qaadir Askar Xasan
- Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos-ujeed)
- Ismaaciil Maxamed Xasan
Xildhibaanada Diiday ansixinta heshiiska
- Xil. Siciid Xilmi Rooble
2. Xil. Siciid Cartan Cismaan
3. Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal
4. Xil. Axmed Xasan Aadan Waysacade
Xildhibaanada ka baxay golaha - Xil. Cabdiraxmaan Xoog
2. Xil. Maxamed Faarax Qabile
Halka ay cod aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen xildhibaanadii fadhiyey kuwaas oo 69 Mudane ay u gacan taageen.
Kadibna waxa ku dhawaaqay in heshiiskaasi ansaxay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Xukuumadda Somaliland oo soo Dhawaysay Go’aanka Golaha Wakiilladu ku Ansixiyeen Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera
Hargeysa ()- Xukuumadda Somaliland, ayaa si diiran u soo dhawaysay go’aanka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiiska maalgashiga ee Dekedda Berbera, kaasoo ay wada galeen xukuumadda iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiirrada Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe) oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada shalay, waxa ay mudanayaasha Golaha Wakiillada ku hambalyeeyeen sida geesinimada leh ee ay u ansixiyeen heshiiska shirkadda DP World oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid faa’iidooyin kala duwan u leh qaranka Somaliland.
“Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ay soo doorteen shacabka Somaliland, mar haddii ay ku ansixiyeen muxaafid iyo mucaaridba, aqlabiyadda sidaas le’egna waxay tusaysaa muhiimada iyo ahmiyadda heshiiska noocaas ah uu u leeyahay dekeddeenna iyo qaranka Somaliland, haddii uu hadal jirayna oo hoos loo hadlayey amma kor loo hadlayeyba arrintaas waxa soo afjaray coddayntaas ay ku ansixiyeen Golaha Wakiilladu.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe), kaasoo sheegay in dekedda Berbera tahay mid muhiim u ah qaranka Somaliland, waxaannu soo dhaweeyey go’aanka mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiiska maalgashiga ee Somaliland la gashay Shirkadda DP World.
“Waxa ay Berbera maanta dib ugu soo noqonaysaa meeqaamkii ay ku lahayd qarniyadii 18aad iyo 19aad ee caalamka, waxa aad moodaysaa 40-kii sanno ee u dambeeyey ay Berbera hoos u sii shiikhaysay oo ka sii baxaysay saaxadda, iyadoo horumarin lagu sameeyey dekeddaha ku yaal mandaqada oo dhan, markaa maanta kuwaas ayey la jaan-qaadaysaa oo ay la tartamaysaa, ummaddeenna oo lagu qiyaaso ilaa 4 milyan oo qof iyo dheeraad, waxaan u malaynayaa inay noqonayaan kuwa ugu nasiibka badan dadka,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.
Waxaannu intaas ku daray; “Anniga oo ku hadla afka guddidii ka shaqaynayey heshiiska dekedda Berbera, waxaan u mahadnaqayaa Golaha Wakiillada oo iyaga oo adeegsanaya dimuqraadiyadda aynu caanka ku ahayn ka dooday,falanqeeyey oo dagaal badan galay, waana la arkayey wixii dagaal la nagu soo qaadayey intii aannu ku jirnay hawsha dekedda saddexdii bilood ee u dambeeyey, waanan u dhabar-adaygnay wixii weerar la nagu hayey, laakiin Golaha Wakiilladu markii u dambaysay waxay nala fahmeen wixii aanu intaasba arkayey ee aannu u aamusnayn oo ah horumarka ay Somaliland ku tallaabsanayso.”
“Shirkad Somaliland iyo Imaaraadku Wada Leeyahay Baa Maamulaysa Dekedda, Shaqaalaha iyo Cashuuraha Waxba Lagama Bedelayo,” Guddoomiye Cirro
Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa tilmaamay in heshiiska maalgashi ee dekedda Berbera ay ku jiraan mashaariic muhiim ah oo ka baxsan horumarinta dekedda Berbera kuwaasi oo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada wax ka taraya.
Golaha wakiillada ayaa si aqlabiyad ah shalay u ansixiyay heshiiska shirkadda Imaaraadka ah ee DP World iyo Somaliland hordhaca u wada gaadheen ee lagu maalgalinayo dekedda Berbera.Ansixinta ayaa muujinaysa sida muxaafad iyo mucaaradba heshiiskaasi loo aqbalay maadaama mudaneyaasha xisbiga Waddani iyo guddoomiyaha xisbigaasi muujiyeen siday ugu qanacsan yihiin heshiiska.Xisbiga Ucid ayaa hore heshiiska u taageeray, wuxuuna guddoome Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay mid horumar weyn keenaya.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo shalay markii heshiisku ansaxay la waydiiyay nooca heshiis ayaa tilmaamay in saddex warqadood oo heshiisku kula qoran yahay goluhu ansixiyay, kuwaasi oo ah heshiiska hor dhaca ah ee la kala saxeexday “Saddex dhukumenti ayaa golaha la keenay; mid waa heshiis is fahan, ka labaadna waa heshiiska saamileyda dekedda, ka saddexaadna waa heshiiska kiraynta ama siinta isticmaalka dekedda,” ayuu yidhi guddoomiyaha wakiillada iyo Waddani.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiisku yahay mid hor dhac ah oo ay isla gaadheen xukumadda Somaliland iyo shirkadda Imaaraadku “Heshiiskii rasmiga ahaa maaha ama maaha heshiiskii u dambeeyay(lama dhammaystirin heshiiska) wasiiraduna waa sheegeen, gole waynahana waanu ugu celinay, markaa heshiiska rasmiga ah xukumadda ayaa laga sugayaa, kanina heshiis hordhac ah ayuu ahaa,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Guddoomiyaha oo BBC-da u waramayay waxaa la waydiiyay qodobada waxqabad ee heshiiskani taabanayo “Wuxuu qorayaa in maalgashi dekedda la galiyo, in la hirgaliyo mashaariic kale oo maalgalinta dekedda la socda oo uu ka mid yahay Berbera Coridor( Dhisidda Jidka Berbera iyo Wajaale isku xidha), oo ay ka mid yihiin Laydh tiriigga(Laydhka), oo ay ka mid yihiin Beeruhu oo ay ka mid yihiin hudheel 4star ah( Hotel dalxiis oo heer sare ah), qodobadaas iyo kuwa kaleba waa ku jiraan heshiiska,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Guddoomiye Cirro wuxuu sidoo kale sharaxay qodobka sheegaya saamiga ay kala qaadanayaan xukumadda Somaliland iyo shirkadda DP “ Horta waxaa la abuurayaa shirkad la wada leeyahay. Dekedda maamulkeedii sidiisii buu ahaanayaa laakiin, waxaa la abuurayaa shirkad ay wada leeyihiin Imaaraadka iyo Somaliland oo mustaqbalka maamuli doona dekedda.Xagga saami qaybsiga ayay ku qoran tahay in shirkaddaa la wada leeyahay saamiga loo kala qaadanayo 35% Somaliland ah iyo 65% oo shirkadda DP World ah,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Ugu dambeyna wuxuu sheegay inaanay cashuuraha iyo shaqaalaha dekedda waxba iska bedeli doonin “Sida wasiiradu caddeeyeen, gaar ahaana wasiirka maaliyaddu, dekeddii hore sideeda ayay ahaanaysaa, kastamku sidiisa ayuu ahaanayaa, marka dekedda kale la dhammeeyo ayuun baa tan loo soo wareegayaa in la hagaajiyo.Shaqaalaha siday xukumaddu ballanqaaday wax la bedelayaa ma jiraan,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Salaadiinta, Cuqaasha Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beesha Ciise Muuse Ayaa Ganafkana Ku Dhuftay, Kana Soo Horjeestay Shirka Deegaanka Baxarasaafka
Hargeysa(Hargeysa) Cuqaasha Ciise Muuse oo shalay warbaahinta qaranka kula hadlay huteel Golis ayaa waxa ay sheegeen in shirka baxarasaafka ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin mucaarada oo kasban kari waayay bulshada gobalka saaxil. waxaana ay tilmaameen shirkaasi inuu yahay mid aanay waxba ka jirin.
Suldaanka guud ee beesha awal bari suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin shir beesha Ciise Muuse isku raac santahay oo ay u balantay, waxaana uu yidhi “Waxa aan iftiiminayaa oo Somaliland iyo beesha Ciise Muuse u sheegayaa in aanu jirin shir laysku raacsan yahay oo beeshu u balantay shirkaasuna yahay mid aanay wax ba ka jirin waxaana wada koox dan siyaasadeed leh oo dadka kicinaya oo waayay dariiq ay siyaasadooda u maraan ayaa dadka beer la xawsi ku wada dadka, Waxa aan leeyahay cuqaashii beesha matalayay ee shirka beeshu ka go’ayay halkan ayay fadhiyaan oo gudidii dan iyo duco ka mid tahay, cida waxan wadaana waxa weeye siyaasiyiin tiro yar oo mucaarada oo reer ka kasban kari waayay doonaya in ay dadka ku kiciyaan shirkii beesha ayaa la diiday. shir naloo diidan yahay majiro mid la iclaamiyayna majiro oo loo balamay hadii aanu u aragno in shir qabsanana anaga ayaa iclaaminayna xiliga la shirayo waxaana u igmanay oo nooga wakiila oo ku dhawaaqi kara gudida dan iyo duco oo lagu soo doortay shirkii dubur oo xilkii haysa,”ayuu yidhi Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim.
Suldaan Xasan Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay in ka salaadiin ahaan aanay isku raacsanayn shirka baxarasaafka. “Anaga oo salaadiintii beesha ah waxa aanu isku raacsanahay in aanu shirka baxarasaafku maanta haboonayn cida shirkaa qabataana waa cid danbiile ah, wax aan laysku ogaynina waa khalad nin ka gudida dan iyo duco diidanoow la kaalay shir caafimaad qaba oo lagaga hadlo waxa laga cabanayo,”ayuu yidhi .Suldaanku.
Suldaan Aadan Cawil Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in aanay haboonayn in wakhti xaadir kan la qabto shir ay yeeshaan beesha Ciise Muuse. Waxaana uu yidhi “Waxa aan ayidayaa oo taageer sanahay cuqaasha dhaqanka ee beesha ee ku dhawaaqday in wakhtigan aanay haboonan in shir beesha ah la qabto, marka reer ku u baahdana waa laga tashan oo waa layska arki xiligeeda hala gaadho shir dhaqan uma baahnin ayay yidhaahdeen cuqaasha beeshu” ayuu yidhi Suldaan Aadan Cawil Cilmi.
Caaqil Axmed Caaqil Yare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa, Waxa uu sheegay in qabashada shirka beesha saaxil ay mudan karaan uun cuqaasha Ciise Muuse. waxaana uu yidhi “Waxa aanu ka hadlaynaa shirka Ciise Muuse ee la sheegayo in lagu qabanayo baxarasaafka ee waxba ka socon waayeen dadka lagu walaaqayo ayaan ka hadlaynaa, waxaana qabashada shirka beesha xaq u leh qabashadiisa madax dhaxaqameedka beesha Ciise Muuse oo leh ajandaha shirka beesha reer na marka uu shir qabsanayo waa lays kugu yeedhaa oo marka laysku yimaado ayaa la yidhaahdaa shir ma, u baahanahay haa marka ay noqoto halkaynu ka dhignaa ayaa la yidhaahdaa meel hablaayo ayaa la yidhaahdaa, horta shirkan dhalinyaradan huteelada kaga dhawaaqayaan xaq ma’u leeyihiin suuldaankuna waxa uu xaq u leeyahay waxa beeshu ka shirto ee isku raacdo in uu goddoomiyo salaadiintuna gudoonka ayay leeyihiin, laakiin qabaa’ilka shirar kooxda malaha iyo in ay iskaga dhawaaqaan shir aan laysku afaran. waxa kale oo aan xaq u lahayn in xildhibaanada siyaasada loo doortay ku dhawaaqaan shirka reerka goorma ayaa loo doortay shirka reerka. waxa aanu leenahay Ciise Muuse shirkaa uma baahna marka uu u baahdo wuu ka tashan oo wuu qabsan,”ayuu yidhi. caaqil Axmed Caaqil yare.
Caaqil Xasan Shaqale Maxamuud ayaa waxa uu tilmaamay in cuqaasha beesha Ciise Muuse waxba kala socon shir baxarasaafka. waxaana uu yidhi. “Hadaanu nahay wax garadkii iyo salaadiintii beesha Ciise Muuse waxa aanu isla garanay in shirkaa Baxarasaafka waxba kala socon arrinkiisana aanaan ogayn, hadaanu nahay golihii dhaqanka ee beesha anagaa xaq u leh qabashada shirka Beesha Ciise Muuse isku dhan, reer kuna gudi ayuu doortay oo cuqaasha beeshu ayiday oo la soo doortay ayaa jirta oo shir beeshu u dhan tahay lagu soo doortay. nin aan loo dhiibin arrin reer oo aan war u hayn halka uu arrinka reer ku marayo in uu yidhaahdo shir baan idiin qabanayaa Ciise Muuse ma qabato waxa aanu si wada jira u qaadacaynaa hadaanu nahay cuqaashii Beesha Ciise in aanu shirkaasi ahayn shir ka yimid gudidii haysay talada beesha ee dan iyo duco iyo cuqaasha beesha,”ayuu yidhi Caaqil Xasan Shaqale.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Cumar Ibraahim Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in aanay waxba ka jrin shirka baxarasaafka waxaana uu yidhi “Shirka baxarasaafka waa mid aanay waxba ka jirin cidii shir cuqaashu aanay ogayn ku dhawaaqda xukuumadda waxa aan ka codsanaynaa in ay u aqoonsato cid rabshad wada”ayuu yidhi Caaqil Cumar Ibraahim.
Kulankan oo ahaa mid ay madax-dhaqameed badani isugu yimaadeen ayaa ahaa mid salka ku haya arrimaha ka taagan gobolka saaxil, waxaanay dul istaageen salaadiintu in ay iyaga ka godo talada iyo masiirka ummada ku dhaqan gobolku, waxaana hadalka iska daba maray ugu yaraan 10 Suldaan iyo Caaqilo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Qasriga Ku Qaabilay Safiirka Finland U Fadhiya Nairobi
Hargeysa (Warsugan) Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka wadanak Finland u fadhiya dalka Kenya Mr. Tarja Frenandez oo ay wehelinayso madaxa safaaraddaas ee dhinaca xidhiidhka horumarinta Mrs. Eeva Alarcon.
Kulanka madaxweynaha iyo safiirka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) qoraalkaas oo u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Dalka Finland u fadhiya Kenya, Tarja Fernandez, oo ay weheliso Madaxa safaaraddaasi ee dhinaca xidhiidhka horumarinta Eeva Alarcon.
Madaxweynaha oo ay fadhiga ku wehelinayeen wasiirada Arrimaha Dibeda, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa ugu horaynba halkaasi ka jeediyey ereyo uu kusoo dhawaynayo weftiga, isagoo ku dheeraaday kana sheekeeyey xidhiidhka labada dale e Somaliland iyo Finland.
Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay dublamaasiyiinta reer Finland deeqaha hagar la’aanta ah ee Somaliland kasoo gaadha dalkaasi iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada dal. Waxana ka mid ahaa hadalladiisa,“Waxan idiinku soo dhawaynayaa dalka, waxan si mugleh idiinkaga mahadnaqayaa xidhiidhka muddada dheer soo jiray ee wada shaqaynta iyo iskaashiga ee labada waddan”.
Waxan jeclahay inaan si gaar ah u xuso deeqaha wax ku oolka ah ee dalkiinna naga soo gaadha, uguna balaadhan tahay tan aad kaga qaybqaadataan dhinaca caafimaadka, iyo dhinacyada kale ee binu aadaminmo.
Madaxweyne Axmed Silaanyo wuxu ku adkeeyey weftiga dalka Finland inay sii wadaan taageeradooda Somaliland, waxanu yidhi “ Waxaan idinku boorrinayaa taageeradiina Somaliland, idinkoo Finland ah iyo idinkoo ka mid ah midowga Yurubba”
Sida aalaaba Madaxweynaha u caadada ah, wuxu u dhaafay intaa hore inuu ka warbixiyo xaaladaha gudaha ee dalka oo isugu jira dhinacyada maamulka dawladda, nabadgelyada, iyo dhismaha dimuqraadiyadda.
Markuu dhinacaa ka hadlayey, waxa ka mid ahaa howraarta Madaxweynaha Somaliland, “Dal kayagu waa dal haatan gaamuray, isku tashaday oo noqday qaran hirgalay. Waxan samaynay nidaam noo gaar ah oo xallinta khilaafaadka ah, nabadda oon hoosta ka soo dhisnay, taasoo dadkayagu iskaga raalli yahay, kuna kala nabadgalo”.
Wuxuu raaciyey madaxweynuhu inuu ka hadlo sida Somaliland qayb uga tahay caalamka oo waxa dunida kale tahdiidda ku ahi ay Somalilandna ku yihiin, dhinaceedana Somaliland ay wax kala qabanayso caalamka wixii khatar ah ee jira “Waxan wadaagnaa la dagaallanka budhcad badeedda, ka hortagga kooxaha mayalka adag ee xagjirka ah iyo guud ahaanba wax ka qabashada dhibaatooyinka amni ee caalamka ”.
Madaxweynuhu wuxuu u baydhay arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxan la midawnay Soomaaliya July 01-1960kii, waxayse noqotay midnimo shaqayn wayday, waanu xisaabtanay shacbi ahaan, waxanan soo ceshanay madaxbanaanidayadii 18, May,1991kii. Waxaan ku wada jirnaa Soomaaliya Wada hadal dunidu markhaati ka tahay oo annaga naga go’an in uu sii socdo, balse ay caddaanayso marba marka ka dambaysa in uu dhinaca Soomaaliya ka gaabinaayo”. Waxan soo jeedinaynaa inay wada hadaladan ka hawlgalaan dhexdhexaadiyeyaal badan oo ay ka mid yihiin midawga Yurub, siiba dalkiina Finland, si ay wada hadaladaasi u noqdaan kuwo midho dhala.
Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday weedho ku saabsan geeddiga dumuqraadiyada dalka “Waddankayagu dhinaca dumuqraadiyadu geeddi fiican ayuu guuray. Bishan gudeheeda ayaa gobolkii ugu dambeeyey ay ka hirgelaysaa diiwaangelinta codbixiyeyaashu. Waxaa naga go’an doorasho qabsoonta bisha March 2017, oo hawleheeduna marayaan gebegebo.”
Dhinaceeda safiiradu, Tarja Fernandez waxay si weyn ugu mahadnaqday soo dhawaynta ay kala kulantay shacbiga iyo xukuumada Somaliland, iyadoo intaa ku dartay inay ka warranto, hay’adaha dawladda ee ay ilaa hadda la kulantay iyo kuwa ay la kulmi doonto inta ay dalka ku sugan tahay.
Waxay safiiradu ku dheeraatay kaalmada dhinaca caafimaadka ee Finland siiso Somaliland, waxaanay tidhi “Madaxweyne, Waad ku mahadsan tahay soo dhawaynta. Runtii waan jeclaystay Somaliland, iyo sida wanaagsan ee ay hawluhu idiinku socdaan. Waxaan dalka horeba uga qaban jirnay hawlo dhinaca caafimaadka ah oo ay nagaga wakiil ahaayeen khuburo caafimaad oo annaga ah, oo halkan ka hawlgeleyey. Tii ayaan imika kormeeraynaa, isla markaana aanu sahaminaynaa si aanu u sii xoojinno”.
Hadalka haweenayda safiirada ah waxa ku cusbaa inay dawlada Finland doonayso inay qashinka ka dhaliyaan tamar ay ka mid tahay korantadu, taasoo ay sheegtay inay noqotay wakhti xaadirkan cilmi caan baxay, kana suurtawdo in laga hirgeliyo Somaliland. “Waxaan wadnaa qorshe ah in qashinka laga dhaliyo tamar taasoo ka suurtoobi karta dalkiinna, sahaminteediina aanu wadno”.
Waxay intaasi raacisay inay ka hadasho doorashooyinka Somaliland, waxanay tidhi “Waan soo dhawaynaynaa sida fiican ee hawlaha diyaar garawga doorashu uga socdaan dalka. Waxanan jecelnahay inaad sii guntataan, oo aad xaqiijisaan qabsoomida doorashada waa laydin eegayaaye”. Waxa iyaguna hadalka ku darsaday wasiirada kulanka ka qaybgalay iyo haweenayda kale ee wehelisay safiirada, iyagoo markii shirku soo dhamaadayna ay wada jir warbaahinta ula hadleen, wasiirka khaarajiga Somaliland iyo haweenayda Safiirada ah.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadlay Khilaaf U Dhexeeya Masuuliyiinta Wasaaradda
Hargeysa(Warsugan) Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa shalay saxaafadda u sheegay inuu jiro khilaaf sababay in shaqada laga joojiyo agaasimaha wasaaradda oo u dhexeeya madaxda wasaaraddaasi. Waxa uu sheegay in wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habbane Sabtidii shaqada ka joojiyay Agaasimaha guud Abiib Axmed Cali kadib khilaaf soo kala dhexgalay. Waxa uu ka gaabsaday inuu sheegay khilaafka labada masuul hase ahaatee wuxuu tilmaamay in madaxweynaha war laga sugayo sidoo kalena masuuliyiinta wasaaraddu isku dayi doonaan inay khilaafkaasi xalliyaan.
Wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay inaanay habboonayn in madaxda wasaaraddan u igman tacliinta bulshadu ku dhex milmaan siyaasadda “ Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waa wasaarad halbowle qaranka u ah. waa wasaarad ka mid ah wasaaraddaha ugu mudan ee inta badan aad loo ilaaliyo waayo? Waa wasaarad ka madax bannaan inay arrimo badan oo siyaasi ah ku dhex milanto, waa wasaarad tacliinta ubadka iyo dadku mustaqbalka yeelanayo soo saaraysa, waxaanay qaabaynaysaa mustaqbalka ubadkeenu yeelanayo mar hadday waxbarashadii gacanta ku hayso,” ayuu yidhi Yuusuf.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu xaqiijiyay jirtaanka warqad shaqo joojin ah oo wasiirku ku xannibay agaasimaha guud “Runtii xafiisyo walba oo laga shaqeeyo mid dawli ah iyo mid aan dawli ahaynba ismaandhaafkeeda iyo shaqo isla afgaran waageedu wuu iska yimaadaa laakiin, waxay ku qurux badan tahay inay markiiba sidaas ku dhammaato. Wax dhibaato oo weyn oo jira oo khalkhal abuur ama dhibaato ahina ma jiraan. Intaas yar waa run oo wasiirku wuu qoray warqaddaas isagoo madaxweynaha, kolay madaxweynaha ayaa magacaabista iyo xil ka qaadista agaasimeyaasha leh haddana wasiirku awood buu u leeyahay inuu shaqada ka fadhiisiyo ama ka joojiyo, arrintaasina waa mid jirta, waxayna warqaddu baxday Sabtidii, waana arrin sideeda u shaqaysay,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.
“Kollay wasiiru dawlaha iyo wasiirka marka la isu eego awoodda wasiirkaa leh, sabab uu wasiiru dawle u jabin karo awoodda wasiirkuna ma jirto, intaan ogahayna warqadda uu soo qoray ogolaanshiiyo ah inuu agaasimaha guud dhismaha(Wasaaradda) soo galo mooyaane muu odhan kumana jirto shaqadii ha bilaabo, mana soconayso ilaa madaxweynuhu soo amro mooyaane, wixii faahfaahin ah wasaaradda ayaa dib isugu noqonaysa, wasiirkuna wuxuu soo noqonayaa Arbacada(Maanta) waxyaabaha yar ee jira markaa anaga dhexdayada ayaa dhammaysanayna,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Sheegay In Somaliland Faraha Ka Laabatay Xal u Helista Mushkiladaha Somalia
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen(Odowaa), wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka Somalia ayaa rumaysan in bulshada Somaliland faraha ka laabatay inay wax ka qabato mushkiladaha ka taagan gudaha Somalia ee ammaan darada iyo baahidu ka mid tahay. Waxa uu sheegay in dhinacooda uu ka furan yahay sii wadista wada hadalladii Somaliland iyo Somalia u socday dhawrkii sanno ee la soo dhaafay.
Wasiir Odowaa oo Muqdisho ugu waramayay Suxufi Maxamed Boosh oo ka tirsan telefishanka Horn Cable, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wada hadal lagu dhammeeyo kala taga ama wada jooga Somaliland iyo Somalia “Haddii la wada joogayo iyo haddii la kala tagayo waa inay ku timaado miiska(Wada hadal). Qolana inay tidhaa illawba illaw waad joogaysaan, qolada kalana tidhaa waanu tagnay ee waxaad rabtaan sameeya kuma ahaanayno laba dal ama kuma ahaanayno laba dal,” ayuu yidhi wasiir Odowaa.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay indiciifnimada iyo tamar la’aanta Somalia haysata ay qayb ka tahay aayo ka tashiga Somaliland “Dadkani waa dad wada dhashay, waa dad ehel ah, waa dad isku xidhan; anagu waxaanu aaminsanahay ka maqnaanshaha Somaliland ee nidaamka hadda Somalia ka jira wuxuu qayb ka yahay diciifnimada iyo tamar darrada ka jirta Somalia, qayb muhiim ah ayay ka tahay,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somalia.
Geesta kale wuxuu ku dooday in Somaliland indhaha ka qarsatay dhibaatooyinka ka jira Somalia, isagoo ku dooday in dhibaatadii Somaliland nidaamkii Siyaad Barre u gaystay nacayb galisay “ Waxaad moodaa in Jugtii ka tan badisay lafo gurkii iyo taxliilkii laga rabay reer Somaliland inay sameeyaan oo ah waar dadkani waa dadkiinii hadday baahan yihiin, hadday bakhtiyayaan, haddii dhib ka jiraba dadkiinii baa halkan jooga. Tabarucii ama ka qayb qaadashadii looga baahnaa Somaliland in laga helay uma haysto laakiin, wada hadalkaasi wuu furan yahay, albaab weyn baa ka furan,” ayuu yidhi Mr Odowaa.
Hadalka wasiirkan xukumadda Muqdisho ka tirsan ayaa imanaya iyadoon bulshada Somaliland garowshiiyo ka helin xukumaddihii u kala dambeeyay Somalia, islamarkaana ay dafirsan yihiin dhibaatadii bulshada Somaliland uu u gaystay nidaamkii Siyaad Barre. Madaxda Somalia isaga dambeysay ayaa inta badan xasuuqii bulshada Somaliland u dhiga inuu la mid yahay dagaalladii sokeeye ee Somalia ka dhacay, islamarkaana ay midnimo raadinayaan, arrintaasi oo sii fogaysa dareenka bulshada Somaliland ee Somalia ku aaddan.
Sidoo kalena wada hadallo labada dhinac u socday dhawr sanno oo ilaa 8 jeer la isugu yimid ayaa muujiyay kala fogaanshaha labada dhinac kadib markii waxba ka socon waayeen arrimihii laga wada hadlay oo isu socodka iyo isu soo dhaweynta labada bulsho ku saabsanaa, halka lagu dhici waayay in arrimaha mustaqbalka siyaasiga ah lagu dhiirado, aakhirkiina wada hadalladu u burbureen.
Wefti Wasiiro Ah Oo Degmada Ceelafweyn U Tagay Xallinta Shaqaaqo Dhawaan Laba Beelood Dhexmartay
Ceelafweyn(Warsugan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal iyo masuuliyiin kale ayaa shalay gaadhay deggaannada degmada Ceelafweyn, halkaasi oo dhawaan beelo ehel ah shaqaaqo ku dhexmartay. Weftiga ayaa sheegay inay xal u raadinayaan shaqaaqada dhimashada iyo dhaawaca keentay.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ayaa sheegay inay hawl adag ka galeen colaadda labada beelood ku dhexmartay deggaanka Bacaha ee ka tirsan degmada Ceelafweyn, halkaasi oo uu sheegay in ciidamada qaranku kala dhexgaleen, sidoo kalena ku guulaysteen xabad joojin iyo in la kala qaado ciidamada labada beelood. Shaqaaqadan oo salka ku haysa maranno dhul ayaa muddooyinkii u dambeeyay laga dareemay gobolka Sanaag, islamarkaana baaqyo nabadeed loo dirayay dadka halkaasi wada deggan.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa amar ku bixiyay inay hubka dhigaan beelahaasi, wixii hadda ka dambeeyana ciidamada qalabka sidaa hawl gali doonaan “Waxaanu u nimid sidii wax looga qaban lahaa shaqaaqadii ka dhacday gobolka. runtii aad ayaanu uga xunnahay waxyeellada ka timid dagaalkaas, Illaahay ayaanu ka baryaynaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay, inta dhaawaca ahna u sahlo. Waa caqli xumo, waa garaad darro, waa waxaan Somaliland u baahnayn in maalin walba dadku sabab la’aan isku dilaan, iyadoon wax badan oo dhexyaalla jirin,” ayuu yidhi wasiirku.
Isagoo sii hadlaya wuxuu farriin u diray dhinacyada dirirtu dhexmartay “Arrintaas inaanu wax ka qabanno ayaanu u nimid, inaanay dib u soo noqon ayaanu doonaynaa, waxaanu ku war galinaynaa labada dhinacba waddankan ama degmadan laba ciidan oo ka jirayaa ma jiro, ciidanka qalabka sida oo kaliya ayaanu u aqoonsanahay inuu qori sidan karo,cid alle cidii kale ee lagu arko qori waa dab saar, wixii kaga yimaadana iyagaa masuuliyadeeda leh cid loo raacayaana ma jirto. Qofka qori lagu arko ciidamadu dhig ayay odhan doonaan, hadduu dhigi waayana Alle ha u sahlo,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu sheegay in guddi loo saari doono waxyaabaha keenay isku dhaca labada beelood ee walaalaha ah “Wixii meesha ka dhacay xallintooda waxaanu u saari xeer beegti ka kooban gobolka iyo degmada,” ayuu yidhi wasiirku, iyagoo gaadhay deggaanka shaqaaqadu ka dhacday maalmihii la soo dhaafay.
Guddoomiye Xigeenka Wakiillada Oo Soo Dhaweeyay Wada Hadalka Cali Khaliif iyo Somaliland
Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee aqalka wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Cali Khaliif iyo kooxdiisu ku gaadheen inay Somaliland kala xaajoodaan khilaafka iyo tabashada ay qabaan. Waxa uu sheegay in wada hadalka oo muddo gogoshiisu fidsanayd yahay guul Somaliland gaadhay.
Waxa uu tilmaamay in dalabka wada xaajoodku ka yimid dhinaca Somaliland “ Kooxda la baxday Khaatumo, wada hadalku inbadan buu socday, hadda wuxuun baa timid aqbalaadii, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in wada hadalku sii socdo, waanu soo dhaweynaynaa, in natiijo fiican ka soo baxdana diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi Mr Baashe.
Waxa uu tilmaamay inuu guushaasi ku suntan yahay madaxweyne Siilaanyo “Waxaanu u mahadnaqaynaa xukumadda Axmed Maxamed Siilaanyo, ilaa maalintii uu fadhiistay gogoshu way socotay, hadba meel ha soo marto, haddana meeshii ugu dambeysay ayay maraysaa, waxay maraysaa salaadiintii iyo siyaasiyiintii.Waxaan u mahadnaqayaa shacabka Somaliland siday u soo dhaweeyeen in lala hadlo khaatumo,” ayuu yidhi guddoomiye xigeenka oo la hadlayay telefishanka Somali Cable.
Dawladda Somaliland ayaa dhawaan wada hadal la furtay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa, wada hadalkaasi oo xukumadda Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif ba soo dhawaysay.Wada hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli diwaangalinta codbixiyayaasha lagu wado inay ka qabsoonto deggaannada gobolka Sool iyo Buuhoodle.
Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Qalbi Furan Ku Soo Dhawaysays Heshiiska Maal-gashiga Dekeda Berbera
Hargeysa (Warsugan) Dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa heshiiska maal-galinta dekeda Berbera ee shalay golaha wakiiladu ansixiyey soo dhawaysay. War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta SONYO oo uu ku saxeexan yahay gudoomiye Sayid Cumar Cali ayaa lagu yidhi “Sideedaba Maal-gashiga Waddanka iyo Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka Dalkeenu waa hanaanka ugu weyn uguna wax-tarsan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka isla markaana lagu abuuri karo Shaqo-abuur hor leh oo suurto-galin kara in la jiheeyo da’yarteena lana hawlgaliyo awooda dihin ee dhallinyaradda JSL. Sidaa daraadeed, Dallada SONYO waxay taageeraysaa hal-abuur kasta oo lagu suurtogalinayo Maalgashi iyo Horumarin–dhaqaale oo dalkeenu helo.
Ka dib 25-sanno oo dalkeenu aannu helin maalgashi dibadeed oo waxtar leh iyo aqoonsi caalami ah, waxaa xusid mudan heshiiska Maalgalinta Dekada Berbera oo maalmahanba la hadal hayay kaasoo Xukuumaddu hordhigtey Baarlamaanka Somaliland isla markaana Baarlamaanku maanta ka gutay waajibaadkiisii dastuuriga ahaa. Haddaba Dallada SONYO waxay carabka ku adkaynaysaa faa’iidada shaqo-abuuriseed ee uu yeelan karo mashruucani iyadoo dhiirigalinaysa ka midho-dhalinta fursadaha shaqo ee uu mashruucani yeelanayo.
Sidoo kale Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay soo dhawaynaysaa hannaan kasta oo mashruucan iyo kuwa la midka ahi ay dhallinyarada ugu abuuri karaan shaqooyin wax la tara dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee la deriska da’yarteena reer Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Siyaad Cumar Cali
Guddoomiyaha Dalladda SONYO