Todobaadkii Rajada Ee Somaliland Qalinkii: Maxamed Cumar Jibriil (MOJ)

0
406

Todobaadkii Rajada Ee Somaliland

Wadahadalada U Furmay Somaliland Iyo Khaatumo, Ansixinta Golaha Wakiilada Ee Shirkada DP World Iyo Odayaashii Somaliland Ee Muqdisho Ku Sugnaa Oo Cadeeyay In La Joogi Wakhtii Somaliland Iyo Somalia Ay Noqon Lahaayeen Laba Jamhuuriyadood Oo Jaar Ah.

Maalmo kooban ayaa laga joogaa markii xukuumadda Somaliland ay wadahadal ugub ah la furtay hogaanka Khaatumo oo fadhigoodu yahay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, ka dib markii dhaqdhaaqa agaas ka jira la dafirsanaa tan iyo markii la aasaasay.

sidoo kale waxa todobaadkan meel maray oo baarlamaanka Somaliland ansixiyey heshiiskii shirkada DP World, oo noqonaya heshiiskii ugu meeqaamka sareeyay ee abid ay Jamhuuriyadda Somaliland cid la gaadho shirkad Caalami ah.
Dhanka kale waxa isla todobaadkan magaalada Muqdisho shir ay ku qaadacayeen Somalia ku qabtay odayaashii ku maxaafsan jiray magaca Somaliland ee soo xuli jiray xubnaha magaca Somaliland ku caano-dhama ee ku fadhiista qaybo ka mid ah kuraasta tirada badan ee dhex goglan aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

Sadexdan dhacdo ayaa noqonaya kuwo dhamaantood ugub ku ah taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, waana iftiin aan la qarin Karin oo usoo baxaya umadda ku dhaqan dalka Somaliland ee samirka iyo sugaalaha rajada wanaagsan mudada dheer ka dhursugaysay.

Hadaba sadexdan dhacdo ee isku marka dhacay hadii aynu mid mid u kala qaadno oo sharaxaad ka bixino waxay u dhiganyihiin sidan:
1.Wadahadalka U Furmay Somaliland Iyo Khaatumo:

Bulshada ku wada dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waa bulsho wadaagta taariikh mug wayn oo laxaadle oo aan cidina sheegi Karin goorta ay soo bilaabantay, waana bulsho wadaagta hab dhaqan aan la kala sooci Karin iyo dhul aan la kala xadayn Karin oo aan magacyo loo kala bixin Karin.
Bulshadan ku dhaqan dhulkii hore loo odhan jiray maxmiyadii Ingiriiska (British Somaliland protectorate), waa bulshadii hindistay midnimadda shanta Soomaaliyeed isla markaana suurtogalka ka dhigtay ee bilowday midowgii labadii Jamhuuriyadood ee ugu horeeyay si loo unko jamhuuiyraddii Soomaaliyeed (Somali Republic).

Taariikhda faca-wayn ee ay wadaagaan labada shacab ee Khaatumo iyo Somaliland kumuu koobnayn oo kaliya raadintii midnimadii shantii Soomaaliyeed, laakiin waa shacabkii suurtogaliyay wax aan hore uga dhicin qaarada Africa, sida in ay gumaystihii Ingiriiska harag dushii kaga sexeexeen in aanu dalka Somaliland ku dhalin kuna dhaqan qof saan-cadaale ah oo ka soo jeeda wadanka Ingiriisku. Shacabkan midkii waa kii dhaliyaycalankii ugu horeeyay xor ah ee laga taagay magaalada Hargeysa 26-kii june 1960-kii. Waa shacabkii jibada Soomaaliwayn horseedka ka noqday calankii Hargeysa laga taagay suurtogaliyay in mar labaad laga taago Muqdisho iyaga oo ku rajo waynaa in ay helaan Soomaali midaysan.

Hadaba wadahalka maanta u furmay bulshada walaalaha ah ee ay siyaasadu kala irdhaysay waxa uu albaab cusub u furayaa in dib loo helo midwogii Jamhuuriyada Somaliand.

Si taasi u midho dhashana waxa xukuumada Somaliland looga fadhiyaa in ay shacabka reer Khaatumo u muujiso soo dhawayn iyo kalgacal badan si midnimada loo suurtogaliyana waa in Xukuumadu samaysaa tanaasulaad badan oo bogsiin kara tabashooyinka mudada dheer soo jiitamayay ee ay tirsanayso bulshada reer Khaatumo.
2.Qaadacaadii Odayaasha Somaliland Ee Midnimada Somalia:

Odayaasha Somaliland ee jooga magaalada Muqdisho waxay qaadaceen ka qaybgalka shirarka lagu cumaamadayo cidii horjooge ka noqon lahayd Somalia afarta Sano ee soo socda, iyaga oo u daliishaday in aanu nidaamka Federalka ee Somalia laga hirgeliyay ahayn mid cadaalad ku salaysan ee goboladii Koonfureed maamulo laga dhigay Somaliland-na la doonayo in maamul ka mid ah kuwa koonfuri isku qaybisay ama ka hooseeya la ogolaysiiyo.

Odayashan Muqdisho shirka Jaraa’id ku qabtay oo ay wehelinayeen siyaasiyiin iyo Wasiiro ka soo jeeda Somaliland ayaa si dhiiran ugu dhawaaqay iyaga oo jooga gudaha Muqdisho in la gaadhay wakhtigii la isla xisaabtami lahaa ee dib loo kala guran lahaa iyada oo la yahay laba Jamhuuriyadood oo siman oo kala ah Somaliland iyo Somalia.
Warkan odayaasha kasoo yeedhay ayaa hadii uu fulo isna keeni doona saamayn siyaasadeed oo horseedi doonta in labada dal kala gurmaan oo doorashada dhawaan ka qabsoomi doonta Somalia ay noqoto doorasho u khaas ah bulshada ku dhaqan Somalia oo kaliya.
3.Ansixinta Golaha Wakiilada Ee Shirkada DP World:

Tan iyo markii xukuumadda Somaliland ay heshiiska hordhaca ah la gashay shirkada dekedaha maamusha ee DP World, wuxu heshiiskaasi bulshada ka dhex abuuray dareeno is khilaafsan laakiin ugu danbayntii Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa heshiiskii xukuumada iyo shirkada Dp World cod gacantaagis ah kaga dhigay mid sharci ah.

Hadaba heshiiskan caalamiga ah oo ugub ku ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qayb ka noqon doona hadii sidiisa loo fuliyo heshiisyo kale oo lala galo shirkado caalami ah iyaga oo ku dhiiran doona sida loola macaamilo shirkada Dp World.
Ugu danbayn muwaadin meel kasta oo aad ka joogto gayiga Somaliland waxa lagama maarmaan ah in aad dareen wanaagsan ku qaabisho rajooyinka todobaadka ee midnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana muhiin ah in aad garowsato in dhib iyo dheefba loo simanyahay oo hadii shirkada DP World ay dalka faa’iido u yeelato dhamaan dadka Somaliland oo dhami ay ka faa’iidaysan doonaan oo aanay ku koobnaan doonin gobol iyo degmo kaliya, khasaaraha lagala kulmaana uu taas la mid yahay oo aanu cid kaliya dhibaato ku noqon doonin dalku wadaagi doono.

Hadaba hadii ay dhaboobaan rajooyinka todobaaka ee Somaliland waxa shaki la’aan ah in dalku gacaha saari doono dhabihii midnimada iyo horumarka lagu gaadhayay.

Qalinkii: Maxamed Cumar Jibriil (MOJ)
Mx7lee@gmail.com
Hargeisa Somaliland