Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 182aad kana Soo baxay Hargeysa Maanta oo Salaasa ah

0
597

“Waxanu Dhammaystirnay, Qabyana Aanay Ku Jirin Doorashada Madaxtooyada, Balse Caqabadda Keliya Ee Jirtaa Ay Ku Kooban Tahay Doorashada Golaha Wakiillada Oo Xeerkii Lagu Dooran Lahaa Xildhibaannadu Aannu Weli Diyaar Ahayn.
Gudoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, Ayaa la kulmay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayo

Hargeysa(Warsugan)War-saxaafadeed: Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu la kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayo oo booqasho ku yimi dalka Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxay weftiga Safiirka la yeesheen kulan saacado qaatay oo ka dhacay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa galinkii dambe ee shalay, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan.
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay iska waraysteen xaaladdaha guud ee Mandaqada, qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhinacyada dawladda Ingiriiska iyo guud ahaan beesha caalamku kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa.
Labada dhinac waxay si xoogga ah uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo u diyaargarowga qabsoomidooda.
Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi waxa uu u sheegay in hawlaha loogu diyaaragaroobayo doorashooyinku gabogabo yihiin, maadaama diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku dhammaad ku dhawdahay oo uu socdo gobolkii u dambeeyey oo ah Sool. Waxa kaloo uu u caddeeyey weftiga Ingiriiska mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisu inuu yahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda bisha March 2017, isla markaana ay horeba u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada Madaxtooyada, balse caqabadda keliya ee jirtaa ay ku kooban tahay doorashada Golaha Wakiillada oo xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaannadu aannu weli diyaar ahayn.
Qodobada kale ee masuuliyiinta KULMIYE iyo Safiirku ka wadahadleen waxa ka mid ahaa wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo horumarin laga sameeyo gobollada bari ee Somaliland, iyadoo la qiimaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka hirgashay iyo shirarka wadahadallada wax-wada-lahaanshaha iyo nabadda ah ee u socda shacabka deegaanadaasi iyo dawladoodda.
Dhankeeda Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews oo ay wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda UK ee Itoobiya Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta iyo kulanka ay la yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE.
Harriet Mathews waxay soo dhawaysay dadaallada xisbal-xaakimka Somaliland iyo xukuumaddiisu wadaan iyo mowqifka cad ee rabitaankooda doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda.
Waxa kaloo Safiirku xustay in dawladeeda Ingiriiska ay ka go’antahay sii wadida taageerada hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha horumarinta adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Doorashada La qaban Karo Haddii Madaxweynuhu Soo Saaro Go’aan Uu Cirro Hore Uga Baqay.

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in doorashada wakhtigeeda lagu qaban karo haddii madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilli hore soo saaro go’aanka uu ka qaadanayo saami qaybsiga kuraasta wakiillada. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in haddii madaxweynuhu soo saaro go’aan lagu wada qanco isku mar la qaban karo doorashada Wakiillada iyo Madaxtooyada.

Xeerka lagu dooranayo golaha wakiillada ayaa ah caqabada kaliya ee doorashooyinka Somaliland dib u dhigi kara mar labaad, maadaama diiwaangalinta codbixiyeyaashu hadda gabogabo ku dhawdahay. Golaha wakiillada ayaa tunka loo saaraa habsanka xeerkan maadaama ay muddo 10 sanno ka badan indhaha ka lalinayeen samayntiisa.Muddooyinkii u dambeeyay ayaa la hadal hayaa in la kala qaado doorashada wakiillada iyo Madaxtooyada ama inay dib u wada dhici doonaan maadaama saami qaybsiga wakiillada oo xaasaasi ahi wali yahay habsan.Madaxweynaha oo arrintaasi hor taallo ayaan sidoo kale la ogayn muddada ay ku qaadan doonto qaybinta kuraasta wakiillada.

“Bishii afraad ayaa golaha wakiilladu madaxweynaha u gudbiyay in talo qaran laga yeesho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, madaxweynuhu axsaabta ayuu bishii lixaad ku soo celiyay, asxaabtana markii talo midaysan laga waayay madaxweynaha ayay dib ugu celiyeen, arrintaasi wali madaxweynaha ayay la taallaa, jawaabtiina madaxweynaha ayaa laga sugayaa,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo telefishanka Universal u waramayay wuxuu sheegay in xukumaddu dhawaan caddaysay in doorashadu xilligeedii ku qabsoomayso “ Todobaadkii hore, asxaabta, qaadhaanbixiyeyaasha, Komishanka doorashada iyo xukumaddu waxay galeen kulan lagaga arrinsanayay arrimaha doorashada iyo dhammaystirka wixii ka dhiman, xukumadduna waxay caddaysay inay ilaa hadda u qorshaysan tahay sidii ay labada doorashaba ugu dhici lahaayeen wakhtigoodii,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Waxa uu sheegay in qabsoomida doorashooyinka ee wakhtigeedu ku xidhan yahay go’aanka madaxweynaha “ Waxaan qabaa haddii madaxweynuhu go’aan ka gaadho arrinta saami qaysbiga oo aanu ku waafaqno, anagoo ku taageeri doona go’aan kasta oo uu ka qaato in labada doorashaba la wada qaban karo laakiin, go’aanka madaxweynaha laga sugayo ayay ku xidhan tahay,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Gobollada Awdal iyo Salal ayaa si weyn uga cawday saamiga kuraasta wakiillada ee xilligan, arrintaasi oo keentay in xal loo raadiyo, balse gobollada bari oo haatan u soo jeestay saami qaybsiga ayaa sababay in laga sii fiirsado arrinta oo marka horeba ahayd mid xaasaasi ah sida ay muujiyeen xog ururin la qabtay.

Xildhibaan Axmed Gacan Oo Tallo Waayeel U Jeediyay Beelaha Ku Muransan Goobaha Doorashada Ka Caaganaa

Hargeysa(Warsugan)Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo ka tirsan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada degta xeebaha ay ku kulmaan gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil ugu baaqay inay is dejiyaan oo ka qayb galaan doorashooyinka madaxweynaha, wakiillada iyo kuwa deggaanka, maadaama ay muddo dheer doorashadu ka caaganayd goobahaasi. Beelaha halkaasi wada dega ayaa ku muransan gobolka ay raacayaan maamul ahaan, balse xukumadda ayaa soo jeedisay inay codkooda dhiibtaan doorashada madaxweynaha, laakiin doorashada wakiillada iyo deggaanka lala sugi doono xal laga gaadho gobolka ay raacayaan.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in beel walba codkeeda dhiibato maadaama ay helayso tirada ay ku leedahay, waxaanu meesha ka saaray inuu jiro dhul la kala qaadayo “ Beel kasta oo leh waxbaan halkaas Is taawiyay, sanduuqa la dhigo wixii ay ku leedahay way helaysaa, hadday degaanka u badan tahay, haddii dadkeedu joogo, haddii wax kasta jiraan cid ka qaadaysa wixii ay leedahay ma jirto,” ayuu yidhi xildhibaan Gacan.

Waxa uu soo jeediyay in laga taxadaro cunsuriyadaynta iyo kala sheegashada dhulka “Waxaa dhibaato ah in wixii la cunsuriyadeeyo oo la fool xumeeyo, anigu taas ayaan dhibaato u arkaa. Waxaan leeyahay dadka is dejiya, haddii wax laga doorto nin walooba waxaad leedahay ayuun baad ka qaadi ee waxaanad lahayn ma helaysid. Somalia waxay maraysaa waanu idin leenahay oo nagama tagi kartaan, iyadoo halkaa la marayo inaynu inaguna qabyaalad abuurno oo is qabqabsanno maaha, waliba sanduuq meel la dhigayo isku qabsanno,” ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye

Waxa uu soo jeediyay in sanaaduuqda diwaangalinta iyo doorashada la dhigo deggaannadaasi, islamarkaana laga doorto madaxweynaha, wakiillada iyo goleyaasha deggaanka, cid walbana ka hesho codka ay ku leedahay “Waxaan leeyahay ha la is dejiyo, dhibaato meesha yaan la soo galin, wanaag baynu u baahannahay ee dadku maskaxda ha ka shaqaysiiyo oo wanaag ha la keeno,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani Oo Bulshada Reer Sool Uga Mahadceliyay Ka Qayb Qaadashada Diiwaangalinta

Hargeysa(Warsugan) Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa bogaadiyay diwaangalinta ka socota gobolka Sool, waxaanay bulshada ku dhiiri galiyeen sii wadida diwaangalinta codbixiyeyaasha. Habsami u socodka diwaangalinta ayay ku macneeyeen mid muujinaysa midnimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida bulshadaasi ugu heellan tahay wax la qaybsiga Somaliland inteeda kale kadib muddo uu jiray saluug dhinaca waxqaybsiga ah. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro iyo afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi, ayaa tilmaamay in diwaangalinta Sool ka socotaa muhiim tahay.

Guddoomiye Cirro ayaa tilmaamay in arrintaasi tahay dhammaystirka Somaliland “Waxaan jecelahay inaan bulshada Somaliland uga mahadnaqo dadaalkii iyo adkaysigii ay muujiyeen ee diwaangalinta guud ahaan. Waxaan si gaar ah ugu sii mahadnaqayaa shacbiga gobolka Sool, Saraar, Xaysimo iyo Buuhoodle oo diwaangalintu ka socoto, todobaadkii horena hadda soo dhammaanayo. Waxa muuqatay in shacbigu diyaar u yahay inay is diwaangaliyaan, waxaana caddaatay in dhammaan goobihii loogu talo galay la geeyay, goobo dheeraad ahna shacbigu doonayeen, balse aanay suuro galin. Waan u mahadcelinayaa shacbiga gobolladaas, waxayna muujinaysaa dhammaystirka Somaliland iyo in maamulkeedu dalka wada gaadhay, in shacbigu ka qayb qaataan doorashada iyo isbedel yimaadda, waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay talada dalka qayb ka qaataan,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa isna sheegay in kulan shalay ay yeelatay guddida fulinta Kulmiye lagu falanqeeyay diwaangalinta Sool, islamarkaana lagu bogaadiyay shacabka sida ay u socoto “Waxaanu hambalyaynaynaa gobolka Sool, dhalinyaradiisa, waayeelkiisa, siyaasiyiintiisa iyo waxgaradkiisa, sida mugga leh ee ay uga qayb qaateen diwaangalinta ka bilaamatay gobolka Sool, aad iyo aad baanu ugu dhiiri galinaynaa, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarka iyo waxtarka siyaasadda, arrinkaas oo muddo dheer ka maqnaa saami qaybsiga gobolka ee Somaliland. in maanta 120 goobood oo gobolka Sool ah si buuxda ay diwaangalintu uga socoto, waxa weheliya 22 goobood oo Buuhoodle ah oo ay si buuxda uga socoto, aad iyo aad baan ugu hambalyaynaynaa,” ayuu yidhi afhayeenka Kulmiye.

Gobolka Sool oo saluug ka jiray muddooyinkii u dambeeyay ayaa hadda u diyaar ah ka qayb qaadashada doorashada Somaliland. xilalka madaxweyne Siilaanyo u kordhiyay oo wasiirka daakhiligu ugu sarreeyo ayaa soo jeediyay quluubta reer Sool, iyadoo sidoo kalena wada hadalka u furmay Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif hoggaamiyo qayb weyn ka qaatay niyad samaanta bulshada reer Sool, taasi oo rajo weyn laga qabo inay meesha ka saarto arrimaha ammaan darro loona jeesto horumarka.

“Waxaanu Rajaynaynaa Cod Fiican Oo Aanu Gobollada Kula Tartanaano Inuu Nooga Soo Baxo.” Baashe Maxamed Faarax

Laascaanood(Warsugan) Guddoomiye xigeenka wakiillada mudane Baashe iyo wefti uu hoggaaminayo oo xukumadda ka tirsan ayaa shalay kormeeray deggaanno diwaangalintu ka socoto oo gobolka Sool ka tirsan. Masuuliyiinta ayaa soo maray deggaannada Laascaanood, Adhi-caddeeye, Yagoori, Oog, Caynaba, Guumays, Samakaab iyo Wadaamo-goo, goobahaasi oo diwaangalintu si habsami ah uga socotay, islamarkaana ay sheegeen in nabada iyo is diwaangalinta dadku tahay mid sideeda u socota.

Wasiir xigeen Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Sool diwaangalintu si fiican oo nabad gelyo ah uga socoto, islamarkaana ay wada gaadhay guud ahaan goobihii loogu talo galay diwaangalinta.Waxa uu sheegay inay si fiican dadku isu diwaangalinayaan loona baahan yahay inay muujiyaan codkooda.

Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal, oo ka hawl galayay deggaannada Caynaba ayaa sheegay inay si habsami ah diwaangalintu uga socoto deggaannadaasi.Waxa uu sheegay in diwaangalintu hal maalin hakad ka gashay, balse maalintaasi xagga dambe lagaga dari doono.Waxa uu sheegay inay si nabad ah deggaannada uga socoto.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa isna ka hadlay habsami u socodka diwaangalinta iyo dareenka bulshada “Si fiican bay diwaangalintu u socotaa, waa la isu tirinayaa codka gobollada, waxaan rajaynayaa in gobolka Sool ka cod bato gobollada la midka ah. waxay u socotaa si nabad galyo ah, wax walbana waxaa ka qaalisan nabad galyada, waxaanu rajaynaynaa cod fiican oo aanu gobollada kula tartanno inuu noo soo baxo waxaase noo muhiim ah, in sanduuq walba meeshiisii la geeyo, kana soo noqonayo isagoo nabad galyo ah oo aanay wax dhib ahi dhicin,” ayuu yidhi guddoomiye xigeenku.

Waxa uu sheegay in nabada gobolka Sool ka soo ifaysa uu hormuud ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland “Nabaddaas waxa keenay madaxweynaha oo mashaariic badan ka qabtay dalka oo la arkayay inuu Laascaanood u hoyday oo mashaariic ka furay, waddooyinkii wax laga qabtay, dib u heshiisiintiina socoto oo 25-ka October gogol balaadhan la dhigay Burco,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo tilmaamay in kooxda Khaatumo laga rajaynayo inay nabadda qaataan.

Berbera: Biyaha Oo Xoolaha Dhoofaya iyo Dadweynaha Ku Wada Fillaan Waayay iyo Weedha Maamulka Biyaha

Berbera(Warsugan) Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa laga dareemayaa biyo yaraan xilligan kulaylka ee dabaysha kulul dhacayso. Maamulka wakaallada biyaha ayaa sheegay in xoolaha dhoofaya oo soo batay biyaha ku suququliyeen dadweynaha, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan muddada dhoofka xooluhu socdo.

Kayd Cabdillaahi Xandulle, maareeyaha wakaaladda biyaha ayaa sababeeyay biyo yaraanta bulshadu dareentay “Wakhtigan aynu joognaa waa xilli Xagaa ah, waa wakhti aad u kulul, waxaynu ku jiraa xilli xoolaha Carrafadu dhoofaan oo xoolo aad u badan dhoofaan.Wakhti kasta oo xilligan ah waxaa suuro gali wayda in biyaha magaalada soo gala u qaybsamaan dadka iyo xoolaha dhoofaya,” ayuu yidhi maareeyuhu.

Waxa kale oo uu sheegay inay cilladi ku timid ceelasha biyaha ee Dubaar, haddana xallinteeda ay gacanta ku hayaan “Ceelasha Dubaar waa meel ka mid ah meelaha magaalada Berbera biyuhu uga yimaadaan, waxaa ka samaysma dhuumaha dhexdooda dhagax shucaabi ah, markaa shaqadiisa ayaanu wadnaa oo ah inaanay magaaladu biyo la’aan dareemin,” ayuu yidhi maareeyuhu.

Waxa uu bulshada reer Berbera ugu bushaareeyay in higsigoodu yahay sidii wakaalladu u kafayn lahayd biyo ku filan magaalada Berbera oo sii balaadhanaysa. Waxa uu soo jeediyay inay bulshadu u samirto “ Hiigsigayaga dhabta ahi waxa weeye Berbera oo hesha biyo badan oo ku filan, waxaanu leenahay dadweynaha dulqaad yeesha inta hawshu socoto,” ayuu yidhi maareeyuhu.

 “ Ilaa Siddeed Mashruuc Oo Waaweyn Dhaqaalena Soo Galiya Gobolka Ayaan Samayn Doonaa,” Badhasaab Ramaax

 Laascaanood(Warsugan) Badhasaabka cusub ee gobolka Sool mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka gobolkaasi, waxaana xilka u tiriyay badhasaabkii hore Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo hadda ah badhasaabka gobolka Awdal. Waxaa munaasibada ka qayb galay madaxdhaqameed, xildhibaanno iyo wasiiro xukumadda ka tirsan.

Badhasaabkii hore ee gobolka Sool Mustafe Shiine ayaa sheegay in isbedel dhinaca ammaanka ahi ka dhacay gobolka, islamarkaana diwaangalintu si habsami ah uga socoto “Dabaysha isbedel ee dhacday anigu waan dhex joogay laakiin, kuma faano, waayo guusha rag baa leh, waxaana ugu horeeya wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac.Safarkii uu noogu yimid waa ka keenay in dadka deggaanku maanta wanaaga u tartamaan, waa ka keenay in waxqabadka lagu kala horraynayo balse aan colaad iyo san taagid waxba lagu noqonayn.Wanaagga ka socda gobolkan oo dhan waxaa leh dadka deggaanka,’ ayuu yidhi isagoo madaxtooyadana uga mahadceliyay kaalintay ku lahayd.

Badhasaabka Cusub mudane Ramaax ayaa balanqaadyo ku iba furay xil la wareegidiisa “Waxaan fulin doonaa mashaariic badan oo agoomuhu ka mid yihiin madaxweynahana aan balanqaad kaga haysto, waxaan dhisi doonaa gurigii dawladda, waxaan samayn doonaa Maktabadii, ilaa sideed ama sagaal mashruuc oo waaweyn oo gobolka dhaqaale iyo shaqaale badan soo galin doona ayaan hirgalin doonaa,” ayaa ka mid ahaa hadalka mudane Ramaax.

Wasiir Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan Indho-indho iyo madaxdhaqameed goobta ka hadlay ayaa si niyad samaan ah ugu soo dhaweeyay gobolka badhasaabka cusub, islamarkaana sheegay inuu xilli horumar socdo ku soo beegmay.

Nuxurka Qodobo Muhiim ah oo lagu Faaqiday Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE oo Qabsoomay

Hargeysa (Warsugan )- Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo arrimaha xisbiga ku saabsan.
Shirkan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga maanta, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay ka qaybgaleen aqlabiyadda xubnaha Guddida Fulinta, ayaa saacado badan qaatay, waxaana lagu gorfeeyey arrimo door ah ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta hawlaha xisbiga, warbixinno la xidhiidha safarradii uu dhawaanahan xisbigu gobollada Bariga ugu maqnaa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waliba arrimo kale.
Markii uu kulankaasi dhammaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxyaabihii ay Guddida Fulintu ka wadahadleen Afhayeenka xisbiga KULMKIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxaannu ugu horrayn sharraxay waxyaabaha kulankaas lagu gorfeeyey, “Shirka Guddida Fulinta ee saaka waxa lagu soo qaaday qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen weftigii uu Guddoomiyuhu hoggaaminayey ee dhawaan u ambabaxay gobollada Bariga, gaar ahaan gobolka Sool, iyagoo ka qaybgalayey dhiirrigelinta diiwaangelinta gobolka Sool ka bilaabantay, halkaas oo guddoomiyaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ay xubnaha kale ee Guddida Fulinta uga xog-warrameen,” ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.
Afhayeen Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in sidoo kale kulankaas lagaga wadahadlay dhammaystirka qabyooyin kooban oo ku jira hay’adaha kala duwan ee xisbiga iyo waliba taageero loo muujiyey go’aamadii xukuumadda iyo Komishanka Qaranku ku gaadheen in diiwaangelin laga sameeyo lixda deegaan ee ku yaal xeebta galbeed ee muranka ka taagnaa dhaliyey in aan doorashooyinkii hore laga qaban, waxaanu yidhi, “Arrimaha kale ee Guddida Fulintu shirkooda kaga hadleen, ayaa ahayd dhismaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka oo la isla qaatay in si buuxda gobol iyo degmo kasta maalmaha soo socda loo dhammaystiro dhismahooda. Intaas waxa wehelinayey lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah in dadkeeda la diiwaangeliyo oo aannu codka dadka deegaannadaasi lumin, deegamadaasi meesha ay raacayaanna waa waqtigeeda oo hadda meesha ay raacayaan laga hadlimaayo, laakiin xisbigu waxa uu taageersan yahay go’aankii xukuumaddu soo saartay ee sheegayey in dadka la diiwaangeliyo.”
Wxa kaloo uu xusay in shirka lagu bogaadiyey kaalinta ay shacabka Gobollada Sool, Buuhoodle iyo waliba Xaysimo ka qaateen diiwaangelinta haatan deegaanadaas ka socota, “Aad iyo aad ayaanu u hambalyeynaynaa dadweynaha, waayeelka iyo siyaasiyiinta gobolka Sool sida mugga leh ee ay diiwaangelinta ugu qaybqaateen, waana tallaabo qurux badan oo loo qaaday dhinaca horumarka, waxaanay taasi keentay in maanta 120 goobood oo gobolka Sool ay si buuxda diiwaangelintu uga socoto oo ay garab socoto 22 gooobood oo Gobolka Buuhoodle ka tirsanna ay si buuxda uga socoto, xisbiguna arrintaas wuu bogaadinayaa,” ayuu yidhi Afhayeen Xasan Gaafaadhi.
Shirka Guddida fulinta ee xisbul-xaakika KULMIYE, ayaa si joogto ah uga qabsoomayey xarunta xisbiga muddooyinkan dambe, inkastoo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi iyo hoggaanka sareba ku mashquulsan yihiin hawlo badan oo ay ugu wayntahay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ee hadda ka socota gobolkii u dambeeyey dalka oo ah Sool.

Werar Sababay  Lagu Qaaday Xarun Milatary  Oo Ku Taala Dalkaasi Yemen Oo Dhimashada 40-Ruux

Wararka Laga helaayo  Magaalada Cadan ayaa sheegaya in Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun millatari oo ku taalla magaalada koonfureed ee Cadan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Xarun tababar ama dhisme ay isticmaalayeen malayshiyo dawladda taageersan oo caan ah ayaa la bartilmaameed saday, islamarkaana laga fuliyey qaraxyo iyo weerar halis ah.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya  iyada oo badhtamaha  lagaga jiro dagaallo hor leh oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Yemen ee 17-ka bilood jirsaday ee u dhaxeeya dawladda ay Sacuudigu taageerto iyo jabhadaha.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in in kabadan 6,600 oo ruux ay ku dhinteen dagaalkaas ayna u badan yihiin shacab.

Sidoo kalena waxaa lagu qiyaasaa dadka ku barakacay dagaalkaasi wakhtigii uu socday dad gaadhaya  2.5 milyan oo inay ka barakaceen guryahoodii

Brussels: Weerar Lagu Qaaday Xarun Lagu Baadho Danbiyada Oo Ku Taaala  Dalkaasi

Dab wayn oo ka kacay shaybaadh dambiyada lagu baadho oo ku yaala magaalada Brussels ayay u badan tahay in looga gol lahaa in lagu burburiyo cadaymo sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha.

Wax yar kahor 2:30 daqiiqo wakhtiga dalkaas gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey  ayaa la jiidhsiiyay saddex xayndaab oo uu dhismuhani  lahaa taas oo horseeday qarax iyo dab wayn,

Qarax oo ahaa mid weyn ayaan ilaa hada ciidamada boolisku aanay xaqiijin  inuu bam  iyo in  kale , Afhayeen u hadashay xafiiska dacwad oogaha ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegtay in ujeedada dabku ay ahayd in la burburiyo faylal dhawr ah.

Dhawaaqa qaraxa ay maqleen dadii deriska la ahaa goobtaasi ayaa waxa loo malaynayaa  in dhawaaqaasi uu ahaa qalabka iyo agabkii shaybaadh ee yaalay xaruntaasi oo qarxay  taasina ay sababtay dhwaaq qarax oo meel dheer laga qalo

Feejignaanta sare oo falalka argagixisa la xidhiidha  ayaa ka jirta dalka Belgium tan iyo markii qaraxyada lagu weeraray garoonka Brussels iyo khadadka tareenka ee magaaladaas, kuwaas oo galaaftay  nafaha 32- ruux  ayna  sheegteen kooxda loogu Dawladda Islaamka (Daacish)  bishii saddexaad ee sanadkan aynu ku jirno

Ma jirto cid wax ku noqotay dabka ka kacay shaybaadhka dambiyada sida ay ku warantay warbaahinta Belgium, mana cadda wixii ay la kulmeen dadkii falkaas ka dambeeyay oo baxsaday goobtaas.

Ilaa soddon dab damis ah ayaa ka qaybqaatay daminta dabka ka kacay mac’hadka Qaran ee Dambiyada oo warbaahinta dalkaasi ay ku warantay in ay soo gaadhay  dhibaato “baaxad leh”.

Dalka Shiinaha Oo Samaysanaya Shirkad Soo Saarta Hijiinada Diyaaraha Xamuulka Iyo Kuwa Dagaalka

Wadanka Shiinaha ayaa sameeyay shirkad soo saaraysa matoorada diyaaradaha markii ugu horaysay si ay ula tartamaan warshadaha reer Galbeedka.

Shirkadda ay leedahay dowlada ee Aero-Engine Group ee Shiinaha ayaa la sameeyay, iyadoo la isku daray shirkado matoorada diyaaradaha si ay warfaafinta gudaha ay sheegeen.

Waxay is diiwaan galisay inay haysato 50bn yuan ($7.5bn) ayna soo saarayso matoorada diyaaradaha rakaabka iyo kuwa milatariga.

Shiinaha ayaa hadda soo saara  diyaaradaheeda. Laakiin waxay sanado badan la halgamaysay inay matoorada diyaaradaha ee heerka caalamiga ay soo saarto.

Talaabo istaraatijiyad ah

Shiinaha ayaa hadda matooradeeda diyaaradaha rakaabka ka gadata General Electric and United Technologies’ Pratt & Whitney. Diyaaradaha milatariga Shiinahana waxay isticmaalaan matooro lagu sameeyay Ruushka.

Madaxweyne Xi Jinping , ayaa ku tilmaamay shirkadda cusub ee la sameeyay ‘talaabo istaraatijiyad ah’ oo loogu talagalay in la dhiso awooda wax soosaarka diyaaradaha ee Shiinaha ee uu caalamka ku leeyahay, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua.

Dowladda Shiinaha, shirkadaha Aviation Industry Corp of China (AVIC), iyo Commercial Aircraft Corp of China (Comac) ayaa maalgaliyay shirkadda cusub.

AVIC ayaa samaysa diyaaradaha milatariga iyo hilikobtarada, halka Comac ay soo saarto diyaaradaha rakaabka ee ugu wayn Shiinaha ee C919.

Iran Oo Hirgelisay  Khad Internet ah Kaasi Wadankeeda U Gaar Ah

Iran ayaa ku dhawaaqday inay dhamaysay wajigiii koowaad ee qorshe ay ku samaysanayso internet waddanka gooni u ah, waxaana khadkaasi isicmaali kara dadka muwaadiniinta ah ee u dhasahy wadankaasi , mashruucan oo ay beryihii u danbeeyey waday Dawladda Iran  ayaa hada hirgalay.

Xaflada furitaanka oo loo sameeyey daah furka mashuurca  ayaa wasiirka warfaafinta iyo isgaadhsiinta dalkaasi  Mahmoud Vaezi uu ku sheegay inuu mashruucii khadka internetka ahaa ee beryihii u danbeeyey ay dawladiisu ku hawlanayd uu hada wajigii  koobaad si rasmiya u hirgalay,  Internetkan gaarkaa ee ay samaysatay Iran ayaa ay ugu goleedahay xafidaada siraha wadankaasi iyo inaan dadkoodu ismticmaalin social media aduunka.

Wakaalada wararka ee waddanka ee Iran ayaa sheegtay in mashruuca uu bixin doono internet tayadiisu fiican tahay oo dhaqso badan islamarkaana qiimo  raqiisna ah dadka lagaga iibin doono, dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in ujeedada mashruuca ay tahay in dowladda ay koontaroosho waxa ay bulshada internetka u isticmaalayaan.

Inkastoo Iran ay xayirtay baraha bulshada ee Twitter, Instagaram iyo Facebook oo saldhigoodu yahay dibadda, macaamiil badan ayaa isticmaala iyagoo adeegsanaya adeegyada internetka ee khaaska ah ee (VPNs).

Xayiraad aan wada dhamayn

Ujeedada ka danbaysa mashruuca ayaa markii u horaysay lagu dhawaaqay 2010, wuxuuna qorshaha uu ahaa in la hirgaliyo sanadka 2015.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeedada ay tahay in la sameeyo internet gaar u ah waddanka oo loo isticmaali karo xogta Islaamka iyo in kor loo qaado isticmaalka digitalkaee dadka.

Ujeedadu waxay tahay in lagu badalo internet la isticmaalo, kaasoo ay dowladda ay xayirto meelaha qaar ah  laakiin dadka ay is ticmaalaan adeegyada khaaska ah ee internetka ee (VPNs), iyadoo Mr Vaezi uu ku tilmaamay  xayiraad aan wada dhamayn

“Dhamaan adeegyada waddanka, borogoraamyo badan oo kala duwan ayaa ku jira internetka waddanka ayuu sheegay wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu ka hortagi doono weerarka lagu qaado computarada.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Iran ee Mehr :

  • Wajiga hore waxaa dadka helayaan webiteyada dowladda iyo wbsiteyada Shirkadaha waddanka
  • Wajiga labaad oo bilaabanaya February 2017, waxaa lagu darayaa video-yaasha waddanka
  • Wajiga saddexaad oo bilaabanaya March 2017, ayaa bilaabaya adeegyo dheeraad ah oo taageeraya shirkadaha sameeya ganacsiga caalamiga.

Laakiin kooxda Britishka ee u ololaysa xaquuqda bini’aadanka ee Article 19 ayaa ka digtay mashruucan.

Waxay sheegtay mashruuca internetka ee waddanka inuu sii balaarinayo xayiraada, ilaalinta iyo xog la’aanta.

” Waxay khatar galinaysaa in ay Iran ka soocdo internetka adduunka intiisa kale, iyadoo xayiraysa sidii xog loo heli lahaa iyo in laga hortago inay dadka sameeyaan mudaaharaadyo” ayay sheegtay kooxda Articale 19 ee Britishka.