Somaliland iyo DP World Oo Wada Jir U Saxeexay Heshiiskii U Dambeeyey Ee Casriyeynta iyo Horumarinta Dekeda Berbera
“Hilinka horumarka ganacsiga geeska Afrika waa Marsada Berbera, haddii aanu nahay Shirkadda DP World waxaanu diyaar u nahay inaanu maalgelino” Suldaan Ahmed bin Sulayem
“Tallaabadani waxay kor u qaadi doontaa fidinta, casriyeynta iyo tayaynta adeegyada ay bixiso Marasada Caalamiga ah ee Berbera” Wasiir Sacad Cali Shire
Hargeysa (Warsugan) Shirkadda DP iyo Somaliland ayaa heshiis kama dambays ah wada sexeexday, kaas oo salka ku haya balaadhinta, horumarinta iyo casriyeynta dekeda Berbera. Heshiiska ayaa ah mid mudo qaatay oo aakhirkii ay ansixiyeen golayaasha sharci dejinta ee Somaliland.
Madaxtooyadda ayaa ka hadashay heshiiska la wada sexeexday, waxana lagu yidhi war qoraal ah oo k asoo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda “Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05.09.2016 waxa si rasmi ah qalinka loogu duugay Heshiiskii Casriyeynta iyo Ballaadhinta Dekedda Caalamiga ee Berbera kaasoo u Dhexeeyey Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiska dhex maray laba dhinac nuxurkiisu wuxuu ahaa in Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dubai (UAE) ay maalgaliso Marsada Caalamiga ah ee Berbera (BPA).
Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, sexeexa heshiiska waxa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxana Jamhuuriyadda Somaliland u sexeexay Dr. Sacad Cali Shire (Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda) oo ka tirsan Xubno Wasiiro ah oo uu Madaxweynuhu u xil saaray gor-gortanka iyo dhammaystirka heshiiska. Dhanka Dawladda Imaaraadka Carabta waxa heshiiska u sexeexay Suldaan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyahay Guud ee Shirkadda DP WORLD. Madashii heshiiska lagu sexeexay waxa Saxaafadda kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP WORLD Dr. Suldaan Ahmed bin Sulayem, hadalladoodiina waxa ka mid ahaa:
Suldaan Ahmed bin Sulayem: “Labada Shacbi ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland maanta (05.09.2016) waxay u tahay maalin taariikhi ah. Waxaan jecelahay inaan Xukuumadda Somaliland si weyn ugaga mahad celiyo kalsoonida iyo aaminaada ay na siiyeen in Shirkadda DP WORLD ay horumariso isla markaana ay casriyeyso arrin run ahaantii labada shacaba ku yeelan karta saamayn weyn oo dhaqaale. Tallaabadan qiimaha leh ee aynu maanta wadajirka u xaqiijinay waa tallaabo rajo iyo yididiilaba leh, waxayna horseed u tahay horumarka xagga dhaqaalaha ee ay Somaliland hiigsanayso mustaqbalka. Hilinka horumarka ganacsiga geeska Afrika waa Marsada Berbera, haddii aanu nahay Shirkadda DP World waxaanu diyaar u nahay inaanu maalgelino, horumarino oo aanu Casriyeyno Marsada Caalamiga ah ee Berbera. Waxa xusid mudan in Dekeda Berbera ay ku taallo marinka ugu muhiimsan shixnadaha ganacsiga ee u kala gooshaya Dunida Bariga iyo Galbeedka ee ku yaala marinka biyaha Badda Cas. Sidaa darteed, hadaanu nahay Shirkadda DP World waxa naga go’an sidii aanu Dekedda Berbera uga dhigi lahayn Marsada ugu muhiimsan uguna casriyeysan Gobolka Geeska Afrika.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna geba-gabadii madashii heshiiska lagu sexeexay Saxaafadda la hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa:
“Mudanayaal iyo Marwooyin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP WORLD Suldaan Ahmed bin Sulayem, maanta waxaynu goob-joog iyo markhaatiba ka nahay dhacdo taariikhi ah. Qof ahaana sharaf iyo karaamo weyn ayay ii tahay inaan qayb ka ahay dhacdadaa taariikhiga ah. Maanta waxaynu dhignay aas-aaskii iyo xuduntii iskaashiga iyo horumarka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Tallaabadani waxay kor u qaadi doontaa fidinta, casriyeynta iyo tayaynta adeegyada ay bixiso Marasada Caalamiga ah ee Berbera, taasoo si habsami leh wax weyn uga tari doonta baahiyaha iyo isku xidhka ganacsiga ee Gobolka Geeska Afrika. Heshiiskan la wada gaadhay waa war wanaagsan oo lagu farxo, kaasoo aan keliya ku koobnayn Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD, laakiin wuxuu farxad iyo wanaagba u yahay guud ahaanba mandaqada aynu ku naallo iyo Qaarada Afrikaba.”
Ugu dambay heshiiskan ayaa dhiirigelin iyo hami mustaqbal oo muhiim u ah Qaranka Somaliland iyo guud ahaan shacbigiisa, iyadoo shaqo abuur iyo horumar balaadhan oo aynu kula tartami karno suuqyada dekedaha caalamka u horseedaya dalka Somaliland. Waana heshiis taariikhiya oo muddo rubuc qarni ah ay Somaliland hirgeliso ammaanteeda iyo bogaadintiisana uu hormuud u yahay madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Wasiirka Daakhiliga Oo Sheegay Inay Dib U Eegis Ku Wadaan Xeer Mamnuucayna Caleemo Saarka Madaxdhaqameedka Cusub
Hargeysa(Warsugan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inay dib u eegis iyo nidaamin ku wadaan madaxda dhaqanka Somaliland. waxa uu sii adkeeyay go’aan hore wasaaraddu u soo saartay oo lagu joojiyay caleemo saarka madaxda dhaqanka, inkasta oo aanay go’aammadaasi shaqayn.
“Sidaad la socotaan waxay wasaaradda arrimaha guduhu hore u soo saartay wareegto joojin ah oo la xidhiidha caleemo saarka madaxdhaqameedka, hadday tahay suldaan iyo hadday tahay cuqaalba.Haddaba iyadoo wasaaraddu ku hawlan dib u eegista iyo nidaaminta hawlaha madaxdhaqameedka, waxaa la idin farayaa inaan la ogolayn caleemo saarka madaxdhaqameed cusub oo aan ogolaansho ka haysan wasiirka arrimaha gudaha,” ayaa lagu yidhi wareegtada wasiir Faratoon.
Amarka wasiirka laguma sheegin ilaa xilliga ay xayirnaanayaan caleemo saarka madaxda dhaqanka ee cusub hase ahaatee waxaa lagu sheegay inaan la aqbali doonin ilaa amar dambe oo wasaaraddu ku ogolaato soo baxo “Sidoo kale waa in la hakiyo cid kasta oo ku hawlan caleemo saarka madaxdhaqameed cusub ilaa amar dambe ka soo baxayo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland,” ayaa lagu yidhi wareegtada.
Wareegtadan uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudhu laguma sheegin sababaha loo xakamaynayo caleemo saarka hogaanka dhaqanka, hase ahaatee waxa soo baxaya walaacyo ku aadan korodhka madaxda dhaqanka oo ammaanka iyo wada jirka bulshada khalkhal ku abuuri kara.
Somaliland Oo Ka Hadashay Qaadka Miirooga Ah Ee Dawladda Soomaaliya Joojisay
“Wasaaradu waxa ay ku war galinayasaa Dhamaan Shirikadaha Gaadiidka Cirka in aan waxaba iska badalin Isticimaalkoodii hore ee ay ku wada shaqayan jireen” Afhayeen Ismaaciil Cali Axmed
Muqdisho(Warsugan) Dawladda Somalia ayaa soo saartay go’aan ay ku joojisay qaadka uga yimaada waddanka ay dariska yihiin ee Kenya. Xukumadda Muqdisho ayaa arrintan ku macnaysay duruufo jiro, islamarkaana ay sidaasi u aragtay inay dan u tahay dalkeeda.Waxaanay guud ahaan mamnuucday diyaaradaha qaadka ka Keenay dalka Kenya oo aan ka soo degi Karin qaybaha Somalia ka kooban tahay.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in go’aanka loo qaatay duruufo jira oo aanu faahfaahin ka bixin.Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in arrintan ay tahay mid ku meel gaadh ah, balse aanu iftiimin ilaa wakhtiga ay qaadan karto.
“Waxaa la joojiyay diyaaradihii qaadka keeni jiray, waxaana sidaas loo yeelay duruufo jira awgeed, waana ku meel gaadh, anagaana soo sheegi doono wakhti la furayo diyaaradahaasi iyo habka lagu furayaba,” ayuu yidhi Mr Jangeli, wuxuuna intaas raaciyay “ Waa duruufo isku jira uun, diyaarna uma nihin inaanu faahfaahin ka bixino, waa arrin dan la mooday.
Waxa uu sheegay in guud ahaan Somalia go’aankaasi khuseeyo, islamarkaana hay’adda duulista Somalia ogaysiisay go’aankan guud ahaan dadka ay khusayso ee ku lug leh soo dejinta qaadka, hase ahaatee wali dhinaca Kenya lagama maqal wax jawaab ah.
Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.Tallaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go’aankii ay dawladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiyo, maadama ay qaadka u aqoonsatay in uu yahay muqaadaraad.
Ciidamada Kenya ayaa ka mid ah kuwa midawga Afrika ee ku sugan Somalia, kuwaasi oo ilaa sanadkii 2011 ku sugnaa gudaha Somalia.Xidhiidhka labada dal ayaa sii xumaaday markii Kenya go’aansatay soo celinta qaxoontiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxoontiga Dhadhaab iyo Kakuma, sidoo kalena Kenya waxay qorshaysay inay xuduudka Somalia ka dhisto dayr aanay isla waafiqin Somalia.Qaadka ayaa Kenya dhaqaale badan ugu fadhiya gobollo dalkaasi ka mid ah oo qani ku ah qaadka, waxaana dhawaan muuqatay in Kenya suuq uga raadinayso qaadka Miirooga dalka Somaliland.
Geesta kale Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya ay Jaadka ku joojisay aanu khuseyn iyaga oo garoomada diyaaradaha Somaliland ay ka soo degi karaan dayaaradaha Kenya Jaadka ka keena. Qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda duulista ayaa lagu yidhi ” Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadii Cirka J/S/L , iyada oo ka duulaysa shuruucda Wadanka iyo Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay cadaynayasaa in aanay waxaba ka khusayn Amar ka soo baxay Dawlada Somaliya oo ay ku joojisay Diyaaradaha Qaadka Miirooga ka keena Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi. Wasaaradu waxa ay ku war galinayasaa Dhamaan Shirikadaha Gaadiidka Cirka in aan waxaba iska badalin Isticimaalkoodii hore ee ay ku wada shaqayan jireen.
Dawladda Kenya ayaa dhawaan muujisay inay danaynayso suuq ay qaadka uga hesho Somaliland oo si weyn qaadka looga isticmaalo, taas badalkeedana ay siinayso xidhiidh dublamaasiyadeed.Badhasaabka gobolka qaniga ku ah qaadka ee Miro ayaa kulamo la qaatay madaxda Somaliland, wuxuuna sheegay in suuqaasi u furan yahay. Waxa ay warbaahinta Kenya muujisay inaanay Somalia wax dan ah ku qabin, marka laga reebo weeraro kooxda Shabaab ku soo qaado.
Danjire Baashe Cawil Oo Sharraxay Muhiimada Horumar Ee Heshiiska Somaliland iyo Shirkadda DP World
Hargeysa(Warsugan)Waxaa shalay magaalada Dubai heshiis ku kala saxeexday shirkada Dubai World ee Imaaradda Dubai iyo dawladda Somaliland si maalgashi loogu sameeyo dekadda Berbera. Heshiiskan kama dambeysta ah waxa uu wax weyn ka tari doonaa horumarka Somaliland sida ay sheegeen madaxda Somaliland u qaabilsanaa heshiisku.
Waxaa saxeexa heshiiska joogay wafti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayao Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Caraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Saylici, waxaana Somaliland heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire, dhanka Dubai World waxaa u saxiixay agaasimaha shirkadda Sayid Suldaan.
.Safiirka Somaliland u fadhiya Dubai mudane Baashe Cawil Cumar oo kaalin muhiim ah ka qaatay hirgalida heshiiskan ayaa BBC-da uga waramay muhiimada heshiiskan “ Heshiiskan faa’iido faro badan ayaa ugu jirta umadda Somaliland, maadaama Somaliland yahay dal aan la aqoonsan oo aan helayn maalgashi caalami ah, waxaa muhiim noqotay in la raadiyo maalgashi, mana aha kii u horeeyay ee waxaa jira shirkado shidaal baadhis dalka ka samaynaya oo jooga, markaa arrintani waxay xoojinaysaa maalgashiga caalamku ku sameeyo Somaliland iyo kalsoonida maalgashadayaasha waana guul u soo hoyatay Somaliland,” ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.
“Mar kasta oo wax lagu dhaqaaqo way jiraan dad si kale wax u dhiga oo damca inay dadka humaag ama shaki ku dhex tuuraan shacabka, haseyeeshee si guud markaad u eegto shacabka Somaliland Bari ilaa Galbeed maalgashiga DP World si isku mid ah ayay u soo dhaweeyeen, waxaana marag ka ah sidii baarlamaanka Somaliland u ansixiyay, waana heshiis maalgashi oo muhiimad dhaqaale iyo horumar u leh Somaliland. Afar boqol oo milyan oo dolar lacag ka badan oo DP World galinayso dekedda waxay keenaysaa in la dayactiro dekedda hore, lana dhiso mid cusub, in dadku shaqo abuur ka helo, guud ahaan Somaliland, gaar ahaana dadka degaanka, waxa uu furi doonaa albaab cusub oo ah xidhiidhka ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya, waxaana dhici doonta in Somaliland badeecadeeda u gudbiso Itoobiya, markaa waa heshiis horumar, dadkana waxaanu ka rajayn inay si asluub leh u soo dhaweyn doonaan,” ayuu yidhi Danjire Baashe.
Wasaarada Duulista Oo Kulan Layeelatay Madaxda Shirkada FLY DUBAI
Hargeysa (Warsugan) Wasaaradda duulista hawda Somaliland ayaa kulan la qaatay shirkada duulimaadyada ee Fly Dubai. Kulankan oo ka dhacay xarunta Fly Dubai ayaa si weyn loogu falan qeeyey hawlaha shaqo ee shirkada iyo xoojinta wada shaqaynta labada dhinaca.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee wasaaradda duulista oo ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradu mudane Ismaaciil Cali Axmed ayaa lagu yidhi “Dubai 05 09 2016 Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL Mudane Axmed Nuur Faahiye oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar Sayid C/lahi Aadan oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dubai ayaa kulan rasmiya la yeesha madaxda Shirkada FLY DUBAI oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Shirkaas MR Sudhiir Serederen ( Senior Vice president- ) Kuna wehilinayeen kulanka Madaxa Madaarada u qaabilksan Shirkada MR Lukasz Skorupa, iyo Wakiilka Shirkada FlY Dubai ee Wadanka Somaliland Cumar Siciid Ducaale.
Kulankaas oo ku qabsoomay Xarunta shirkada fly Dubai ayaa labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka ka dhaxeeya shirkada iyo Wasaarada Duulista Hawada sidii loo sii xoojin lahaaa.
Ugu horayn shirkada FLY dubai ayaa si wayn uga mahad celisay Wasaarada Duulista Hawada mudadii ay ka hawl galaysay Madaarka Caasimada hargaysa ee EGAL international Airport, sidii fiicnayd ee ay ula shaqaysay una garab istaagtay.
Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL waxay balan qaaday inay kor u sii qaadi doonto xidhiidhka wada shaqayneed iyo adeega ay u fidiso shirkadan iyo shirkadaha kaleba ee ka hawl gala Madaarada JSL.
Sidoo kale shirkada Fly Dubai waxay balan qaaday inay Wasaarada gacan ka siin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa heerka tababar, amni iyo adeeg ee Madaarada JSL, gaar ahaana Mladaarka Caasimada.
Ugu dambayntii kulankan ayaa ku soo gababoobay guul iyo isfaham buuxa oo labada dhinac ay ka yeesheen dhamaan qodobadii laga wada hadlay.
Allaa Mahad Leh
Ismaaciil Cali Axmed
Afhayeenka Wasaarada Duulista
Hawada iyo Gaadiidka Cirka
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Go’aan Ka Soo Saaray Qandaraasyada Lala Hareer Maro
Hargeysa(Warsugan) Shariif Abokor Dhuuxyare, guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland, ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inaanay wasaaraddaha qaranka iyo hay’addaha kale ee dawliga ahi xaq u lahayn saxeexidda qandaraasyo aan ogolaansho ka haysan guddida qandaraasyada qaranka oo u igman baahinta iyo qabashada qandaraasyada qaranka.
Mudane Dhuuxyare oo wareegtadiisa ku socodsiiyay laamaha dawladda waxa uu shir jaraa’id ku sheegay in sharcigu yahay in hay’addiisa loo soo gudbiyo wixii qandaraasyo dawli ah ee dalka laga qabanayo “Mudaneyaal wuxuu Qaranka Somaliland u igmaday baahinta iyo qabashada qandaraasyada qaranka, guddi uu magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo madaxweynuhu ku caddeeyay wareegtadiisa shaqada ay qaranka ugu igman tahay guddida qandaraasyada qaranku,” ayuu yidhi mudane Dhuuxyare.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in xafiiskiisu joojiyay warqad guddidu hore ugu ogolaan jirtay qandaraasyo hay’addaha dawladdu hawshiisa qabsadeen “ Waxay guddida qandaraasyada qaranku idinku wargelinaysa ama idiin sheegaysaa inaanu joojinay warqaddii xafiisku bixin jiray ee idiinku ogolaan jiray qandaraas hay’ad ama wasaarad dawladda ka mid ahi qabatay oo dadkii soo dalbaday hore u tartan siisay ama ciday la jeclaatayba siisay. Guddidu waxay joojisay warqadaas ay ku ogolaan jirtay mashruuc ama qandaraas aanay iyadu bixin,” ayuu yidhi mudane Dhuuxyare.
Waxa uu sheegay in hay’adda qadaraasyada qaranku hadda kadib raaci doonto waajibkeeda shaqo islamarkaana ay kaliya ogolaanayso qandaraas ay iyada la soo mariyay oo ay shaqadiisa qabatay “Wixii hadda ka dambeeya hay’addu waxay waafiqi doontaa kaliya qandaraas ay iyadu qabatay oo ay si caddaalad ah ugu tartan siisay dadka danaynaya qandaraaskaasi,” ayuu yidhi mudane Dhuuxyare.
Salaadiinta Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay Degaannada Ceelafweyn
Hargeysa(Warsugan) Qaar ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ood wadaagta iyo ehelka ah ee ku dagaalamay degaannada hoos taga degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag. Salaadiinta ayaa bulshada ugu baaqay in halkaa lagu joojiyo dhibaatada, loona soo noqdo wada hadalka iyo wanaagga. Waxay sidoo kale ku baaqeen in saxaafaddu joojiso waxyaabaha sii xumayn kara xaaladda ee aan xaqiiqada ku salaysnayn.
Salaadiinta Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay shalay waxaa ka mid ahaa Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, Suldaan Axmed Xasan Jaamac, Suldaan Maxamed Axmed Shiikh, Suldaan Cumar Suldaan Faarax, Suldaan Nuur Faarax, Suldaan Yuusuf Baddacas iyo Saleebaan Cabdillaahi Xandulle, kuwaasi oo weedhaha baaqoodu u dhignaa sidii wax looga qaban lahaa khilaafka beelaha, bulshadaasina u hakin lahayd colaadda.
“Waxaanu leenahay qofka dagaallamaya, bal horta xisaabtan qofka aad dilaysaa, ma abtigaaba, ma kii inantaada qabay baa, ma kaad adigu ka qabtay baa, waar bal barrito nabadi waa dhacaysaa oo waan hubaaye, bal wixii hadha e maxaa ku sheekayn doontaan? Bal kii dilay inankii inantiisa qabay-yow maxaad barri ku hadli?”
“Suldaan aan dalkaba joogin oo Itoobiya jooga oo nabada ka shaqeeya, waa Suldaan Maxamed Sul. Xiri Qani, suldaanka guud ee Habar Yoonis ayaa waxaa warbaahin ku qornayd oo la lahaa wuxuu dirayaa 10 gaadhi oo ciidan ah oo u diraya dagaalka, kuwaas ayaa ka mid ah kuwa dadka isku diraya oo marka la yidhaa suldaan baa ciidan ururinayay saw kii kalena ururin maayo, ha laga daayo ayaan leeyahay, suldaan Maxamed Xirsi Qani wuxuu joogaa Itoobiya e.”
“Iyadoo lagu jiro tobankii cisho ee ugu khayr badnaa ee Illaahay Quraankiisa ku sheegay oo maalmaha soo socda la rajaynayo in xashkii loo dareero, waxaa nasiib darro ah in xaggana dhiig iyo qudh gooyo loo dareero. Waxaan aad iyo aad uga xumahay dadka degaannada Ceelafweyn ee walaalaha ah, ee waligood wax wada cunka, waxqaybsiga iyo wada noolaanshaha lahaa inay maanta is gumaadaan oo waxba la hadhi waayaan aad iyo aad baan uga xumahay.”
“Waxaa la yidhi colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, haddaynu xagga diinta ka eegno, waxaa la yidhi ciddii is disha ee muslim ah waa in la heshiisiiyo, cidda diidana waa in lala dagaallamo..Qayladiinii waanu maqlaynay, waana la idinku soo socdaa, dawladdana waxaanu leenahay arrinkaas dhakhso ha u gasho, waxaan leeyahay dadka halkaas jooga Alle ka baqa waxaa lagu jiraa 10-kii cisho ee khayrka lahaaye.”
“Waxaan leeyahay qolada is dishay saddexdii la isku habaari jiray ayaa idinka dhex dhacday ee ahaa Ceeshku ku qabay, Gogoshu ku qabatay iyo Naasku ku qabay. Waxaanu leenahay saddexdaas ka ducaysta.”
“Dadka halkaas ku nool ee walaalahayo ah, ee dhibaatadu dhexmartay, waxaanu ka codsanaynaa inay halkaas ku joojiyaan, waxaanu ka codsan inay dhibta halkaas ku joojiyaan, walaalnimada u soo noqdaan, wada hadalka u soo noqdaan.”