Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 188aad kan Soo baxay Maanta oo Arbaca ha Hargeysa

0
377

Madaxweyne Axmed Siilaanyo: “Waxa Marag Ma Doon Ah In Xukuumaddaydu Ay Xaqiijisay Is-Beddel Laxaad Leh Iyo Horumar Balaadhan Oo La Taaban Karo”

Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xadhigana ka jaray dhismaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, dhismahaas oo noqday dhismihii ugu quruxda badnaa guud ahaan wasaaradaha dalka ka hirgalay intuu madaxweyne Silaanyo hoggaaminaayey talada dalka.

Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray muwaadiniin iyo xubno ka socday shirkadaha xidhiidhka la leh wasaarada Macdanta, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka jeediyey khudbad, waxaanu shahaadooyin gudoonsiiyey xubno lagu sharfay sida ay uga qaybqaateen dhismaha quruxda badan ee halkaasi laga bineeyey. Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxa marag ma doon ah in Xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey Heshiiskii Casriyeynta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera oo Shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan maanta xadhiga ka jaro Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah ee loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. Waxaan halkan si mug leh ugu mahad naqayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa, maadaama ay suurto geliyeen dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha ay ilaa haatan Xukuumaddu yeelato. Waa dhisme tusaale iyo ku dayashaba u ah qaabka casriga ah ee loo baahan yahay in loo dhiso Xarumaha Dawladda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu Shirkadaha Baadhista Shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan iyagana halkan si weyn ugu mahad naqo Shirkadihii Baadhista Shidaalka ee iyagu ajiibay codsigii Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, kuwaasoo Xukuumad ahaan naga caawiyey kharshka ku baxay dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Casriga ah ee ay yeelatay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Shirkadda Dhismaha ee NAJAX oo iyagu Xaruntan dhisay iyo Shirkadda Rio Architects oo iyagu lahaa Naqshadaynta Dhismahan Casriga ah.

Guntii iyo geba-gabadii, Xaruntan loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay kor u qaaday Bilicda iyo Quruxda Caasimadda, cid kasta oo gacan ka geysatayna waan uga mahad naqayaa”.

ILAAHAY BAA MAHAD LEH,

GUULNA QARANKEENAA LEH, 

“Maal-gashiga Calamiga Ah Waa Dariiq Iyo Albaab Inoo Furan Oo Aduunyadu Inaga Daalacn Kartro”Afhayeen Deyr

Hargeysa (Warsugan) Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Cige oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in saamiyo kale oo saddexaad ay ku jiraan heshiiska dekeda Berbera, waxaanu warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Afhayeen Deyr ayaa isaga oo ka hadlaya beeninta warkaas yidhi”Heshiisku wuxuu u dhaxeeya dawladda Somaliland iyo DP World cid saddexaad oo la yidhi hala siiyo [Share) dheeraad ah midna ma jirto. Wararka warbaahintu ay soo qoraysana waxa aan leeyahay waa kuwo aan sal iyo raad lahayn waxa muhiim ah in haddii warbaahintu ay madax banaan-yihiin waanan ku bogaadinaya inay madax banaanidooda ilaaliyaan laakiinse arrinta waddaniyada markay noqoto arrinta qarankaaga bilaysa waxa lagama maarmaan ah in aad warka miisaanto oo aad ka eegto muxuu warkani faa’iido u leeyahay qaranka muxuuse khasaare u leeyahay, wixii xun ha sheegin macnaheedu maaha wixii qaldan waa la toosin kara”

Geesta kale afhayeenka ayaa shacabka ugu baaqay inay taageeraan horumarka Somaliland u soo kordhay waxanu yidhi”Waxa aan shacabiga Somaliland ugu baaqayaa iyo guud ahaan ummadda jecel horumarka inay garab istaagan guusha qaranka Somaliland u soo hooyatay, qaranka Somaliland cadowyo badan ayuu leeyahay dad badan ayaan raali ka ahayn in horumarka ay Somaliland ku talaabsato in dekadeena la hormariyo dad badan ayaa jecel in aynan fadhiga ka kicin dad badan ayaa jecel in aynaan waxba qabsanin; shan iyo labaatan sanadood inaga ayaa wax walba isku qabnay, inaga ayaa horumarkaa gaadhnay maynaan hoorsan gacmaha”

Mudane, Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo hadalka sii wata ayaa intaas ku daray”Run ahaantii heshiiska la seexay faa’iidooyin fara badan ayuu u yeelan doona qaranka Somaliland ha noqoto xaga horumarka, ha noqoto xaga shaqooyinka , maal-gashiga calamiga ah waa dariiq iyo albaab inoo furan oo aduunyadu inaga daalacn kartro mar haddii shirkado noocaas ahi ay kugu soo dhiiradeen inay qarankeena maal-gashadaan waxa aan filayaa waa arrin cid walba ay soo dhawayn karto sidaa daraadeed guud ahaan ummadda jamhuuriyadda Somaliland aniga oo ku hadlya afka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo afka xukuumadaba waxa aan jecelahay inaan ugu baaqo ummadeena sharafta iyo qiimaha leh in la garab galo, la taageero wax kasta oo horumar ku jiro”

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Casri Ah Oo Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Loo Bineeyey 

Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Xadhigga ka jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, kaasi oo ka kooban Afar Dabaq oo lababa Dhinac yihiin.

Dhismaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo socday Muddo dheer isla-markaana si Casriya loo dhisay, ayaa waxa Xafladda Furitaankiisa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Xisbiga KULMIYE, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Deegaan iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Kayser Cabdillaahi Axmed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Shukri Xariir, Xildhibaan Xaaji Cabdi-waraabe, Masuuliyiin ka socday Shirkadaha Hawlaha Macdan-baadhiseed u jooga Somaliland iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey Maraaxilkii uu dhismaha Cusub ee Wasaaraddu soo maray, waxaanu yidhi, “Waxaanu ku jirnay Guryihii uu Kotomaadkii dhisay Isticmaarkii. Waxa jirtay in yar oo lagu kordhiyey oo aan Aad u qurux badnayn oo Xukuumadihii naga horeeyay ay dhiseen, markaa waxaanu ku tashanay inaanu Wasaarad Qurux badan dhisno, sababtoo ah Madaxtooyo ayay ka soo horjeeddaa, markaa waxaanu dhisnay Wasaarad bilic ku soo kordhinaysa Halka ay ku taallo iyo Magaaladaba.”

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu ka warramay Cidda ka caawisay dhismahan sida Casriga ah loo dhisay, “Annaga oo ka duulayna in Maaddaama oo Dawladdu ay intaa oo Wasaaradood (dhistay) oo aanay Qasnadda Wax Lacag ahi ku hadhin waxaanu isku daynay inaanu meelo kale wax ka raadinayo. Markaa waxaanu eegnay Shirkadaha Shidaalka ee Heshiiska innagula jooga inaanu waydiisanno inay wax nagala qabtaan (dhismaha cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu u Mahad-celiyey Shirkadaha Shidaal-Baadhista oo uu sheegay inay ka caawiyeen Dhaqaalaha lagu hirgeliyey Dhismahan.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo hadalkiisa sii wata, Ilaahay ka sakow wuxuu u Mahad-naqay Shirkaddii lahayd Naqshadda Dhismaha Wasaaradda, Shirkadda dhistay iyo Shirkadaha ka shaqeeyay Bilicda Hoose ee dhismaha Wasaaradda, sida Shirkadda ku beertay Dhirta Ubaxa ah, dhirtaas oo kor u qaadday bilicda guud ee Wasaaradda Macdanta.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Dhismaha Casriga ah ee loo bineeyay Wasaaraddiisu qayb yar ka tahay Horumarka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tallaabsatay muddada ay Xukunka Somaliland haysay, “Waxaanu ku tallaabsanay Horumar Ballaadhan, dhismaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamartuna wuxuu qayb ka yahay Horumarka Xukuumadda Xisbiga KULMIYE gaadhsiisay Somaliland.” Ayuu yidhi, Wasiir Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Cabdiraxmaan Siciid Axmed oo ku hadlayey Magaca Shirkadda NAJAX oo hirgelisay dhismaha cusub ee Wasaaradda Macdanta, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Wasiirka ku amaanay inuu Farsamo-yaqaannada dhisay Wasaaradda ku daba taagnaa shaqada isla-markaana uu si joogto ah u hubin jiray agabka dhismaha sida Sibidhka iyo wixii kale ee la mid ah, “Wasiirku wuxuu eegayey alaabta aanu dhismaha gelinayno sida Sibidhka oo uu naga hubin jiray” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Taasi waxay keentay in marka Wasiirku yimaaddo Wasaaradda ay Shaqaaluhu yidhaahdaan Waakan Wasiirkii Foormaanka ahaa.”

Xubin ku hadlayey Magaca Shirkadda RIO oo Nashaqdeysay Dhismaha Wasaaradda Macdanta, ayaa isaguna Munaasibadda ka sheegay, “Waxaanu Nasiib u yeelanay inaanu llaalinno in Nashqadda la raacayo, ILAAHAY Mahaddiina waanu ku guuleysanay.”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo iyaduna halkaa ka jeedisay hadal kooban oo Munaasibadda ku salaysnaa, ayaa amaantay Dhismaha Wasaaradda Macdanta oo ay tilmaantay inuu bilicsan yahay, “Wasaarado badan baa la dhisay, laakiin Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa kaalinta koowaad qaadday, Waayo? Wasiir Xuseen baa Injineer ah.” ayay tidhi, Wasiirka Deegaanku.

Munaasibaddan oo sidoo kale ay hadallo ka jeediyeen Masuuliyiin ka socday Shirkadaha Shidaal Baadhista ee Gacanta ka geystay Dhaqaalaha lagu dhisay dhismaha Cusub ee Wasaaradda Macdanta, Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) iyo Dad kale oo Muhiim ah, ayaa waxa Gabogabadii khudbad-dheer ka soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi, “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxa marag ma doon ah in Xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey Heshiiskii Casriyeynta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera oo Shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan maanta xadhiga ka jaro Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah ee loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. Waxaan halkan si mug leh ugu mahad naqayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa, maadaama ay suurto geliyeen dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha ay ilaa haatan Xukuumaddu yeelato. Waa dhisme tusaale iyo ku dayashaba u ah qaabka casriga ah ee loo baahan yahay in loo dhiso Xarumaha Dawladda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu Shirkadaha Baadhista Shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan iyagana halkan si weyn ugu mahad naqo Shirkadihii Baadhista Shidaalka ee iyagu ajiibay codsigii Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, kuwaasoo Xukuumad ahaan naga caawiyey kharshka ku baxay dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Casriga ah ee ay yeelatay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

 Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Shirkadda Dhismaha ee NAJAX oo iyagu Xaruntan dhisay iyo Shirkadda Rio Architects oo iyagu lahaa Naqshadaynta Dhismahan Casriga ah.

 Guntii iyo geba-gabadii, Xaruntan loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay kor u qaaday Bilicda iyo Quruxda Caasimadda, cid kasta oo gacan ka geysatayna waan uga mahad naqayaa”.

Madaxweynuhu markaasi ka dib, waxa uu Shahaado Sharafyo guddoonsiiyey Masuuliyiin matalayey shirkadaha Shidaal Baadhista, Shirkadaha iska kaashaday fulinta Dhismaha Wasaaradda, isagoo gabogabadiina Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Guddoonsiiyey Shahaado Sharaf ay Shaqaalaha Wasaaradda Macdantu ugu talo-galeen Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Ugu dambeyn, waxa Xusid Mudan in Maayarka Hargeysa uu Wasiirka Macdanta guddoonsiiyey Shahaado-Sharaf uu sheegay inuu ku muteystay dhismaha bilicda leh ee uu Magaalada ku soo kordhiyey.

 Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Shaaciyay Tirada Xoolaha Dhoofay Moosimka Xashka

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in adhi hal milyan ka badan xilligan carrada ka dhoofay Somaliland, halka sideedii bilood ee u dambeeyayna ay dhoofeen xoolo gaadhaya saddex milyan. Waxa uu sidoo kalena sheegay in xoolo badan dawayn iyo tallaal loo wado.

“Muddo sideed bilood ah xoolaha inaga dhoofay waa saddex milyan iyo shan iyo lixdan kun oo neef. Haddii carrafada uun aynu eegnana waa hal milyan lix boqol iyo sideed iyo sodon kun oo neef, waana adhiga oo kaliya. Geela iyo Lo’du inta badan way yar yihiin xilliga carrafada, sababtoo ah carrafada neefka adhiga ah ee Diintu waajibisay qalistiisa ayaa noqonaya ka dhoofaya,” ayuu yidhi mudane Cukuse.

Geesta kalena wasiirku wuxuu faahfaahin ka bixiyay barnaamij lagu tallaalayo xoolo tiro badan “Mashruucaas qorshihiisu wuxuu ahaa in la talallaalo saddex milyan oo neef, waxaanu ilaa hadda tallaalay laba milyan iyo boqol kun oo neef, waxaa hadhaya sagaal boqol oo kun, waxaana la talaalayaa saddexda todobaad ee soo socda oo wali wakhtigii tallaalku ma dhammaan. Waxaa la daweeyay afar boqol iyo shan iyo lixdan kun oo neef,” ayuu yidhi wasiirku.

Xoolaha sanadkan dhoofay ayaa la rumaysan yahay inay ka hooseeyaan sidii hore, islamarkaana ka qiima hooseeyaan. Dadka ganacsiga xoolaha ku lug leh ayaa sheegaya inaanu suuqu xaami u ahayn sidii hore, balse ilaa hadda sababo rasmi ah lama sheegin. Sucuudiga oo ah suuqa ugu weyn ee xoolaha Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku lug lahaa siyaasado ay ka mid yihiin dagaalka Yemen ee ay xuutiyiinta kula dagaallamayso.

 “Waxaanu Shirkadda DP World wada Galnay Heshiis Weyn oo Qiimo leh Oo Qaranka Somaliland Horumarkiisa Saamayn Weyn ku leh.” Wasiirka  Madaxtooyadda

Dubai (Warsugan)  Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey faa’iida uu qaran ahaan leeyahay Heshiiska Horumarinta Dekeda Berbera oo ay shalay qalinka ku duugeen.

 Wasiirka ayaa geesta kalena ka hadlay sida ay u arkaan in Soomaaliya ay ka soo hor jeedo heshiiskaasi waxaanu tilmaamay ina Sooaaliya aanay shuqul ku lahayn arrimaha Somaliland.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay Waraysi uu siiyey Idaacada VOA isaga oo ku sugan magaalada Dubai waxana hadladiisii ka mid ahaa “ Maanta waxaanu shirkadda DP World wada galnay heshiis qiimo wayn ku fadhiya kaas oo lagu balaadhinayo dekedda magaalada Berbera, una horseedaya in deked cusub la dhiso tan hada jirtana la casriyeeyo isla markaana aanu wada abuurno kambani aanu wada leenahay oo dekedahaas maamula, wuxuu u muuqdaa heshiis weyn oo qiimo leh oo qaranka Somaliland horumarkiisa saamayn weyn ku leh, waxaan odhan kara marka laga yimaado go’aankii gooni isutaaga iyo madax banaanida qarankani uu la soo noqday, waa heshiiskii ugu weynaa ee saamayn ku yeelanaya nolosha bulshada Somaliland, heshiis kaas ayaanu maanta saxeexnay, waxaanu ku rajo weyn nahay in hawshaasi ay sidaa u dhici doonto.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo la waydiiyey sida  ay Xukuumad ahaan u arkaan diidtaanka ay Soomaaliya diidan tahay heshiiskaasi ayaa ku jawaabay  “ Waxaanu u aragnaa ka Dawlad ahaan in aanu heshiiskan gali karno, Somaliland waa wadan madax banaan, waa run dunidu ma aqaansana, hasayeeshee xaqiiqadu waxay tahay in Somalilad ay tahay qaran jira oo dunida in neceb iyo in jecelba hortaala, Somaliland maaha gobol iyo maamul goboleed ka mida Soomaaliya, meel ay xukumaan maaha meel go’aamada ay iyagu gaadhaan ay ka fulin karaan maaha, waanu is ognahay cida iyaga u tagta ee tidhaa halkaas ayaanu wax ka doonaynaa waxay yidhaahdaan waar anagu meeshaas shaqo kuma lihin, ee ragaa la xaala. “

“ Anagu walaaladayo xumahooda ma jeclin nabadooda iyo horumarkooda ayaanu jecel nahay, dawna maaha, jidna maaha, garna maaha inay horumarkayaga ka xumaadaan, inay carqaladeeyaan waa godob waana wax aanay Soomaaliyi isugu soo dhawaanaynin way isuku sii nacaysaa, Soomaali waxa jiri kara wax ka dhaxeeya iyo wax ay la kala tagtay, waxa ka dhaxayn kara Soomaalinimada oo qoomiyad ah ee aan qaran ahayn.” Ayuu yidhi Mudan Xaashi.

Wasiirka ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixiyey faa’iida uu heshiisku u leeeyahay Somaliland waxaanu yidhi “ Somaliland Dekedeedu waa deked aanay ku soo xidhan maraakiibta waaweyn ee ka yimaada dunida meelaha xooga wax looga soo dhoofiyo ee bariga fog oo kale markab toos uga yimaada oo Berbera ku soo xidhaa ma jiro, maraakiibtaasi waxay ku xidhaan dekedo bariga dhaxe ah, kuwaas ayaaa  markabo yaryar ku wareejiya koontiidharada iyo bushcurada imanaysa Somaliland, heshiiskani wuxuu horseedayaa inay maraakiibtaasi toos u yimaaadaan Berbera oo wakhti ka fudud  kii hore, iyo qiimo ka jaban ka hada ay ku yimaadaan. Waxa kale oo ay horseedaysaa gaadiid badan iyo bushcurad badan inay yimaadaan, hadii ay hada yimaadaan shan iyo sodon kun oo koontoodhar waxa iman doona boqolaal kun oo koontiidhar, waxa ka suuroobaya ganacsi badan oo haba mandaqada geeska afrika.”

Maxamuud Xaashi  ayaa waxa uu sidoo kalena xusay inay aad ugu baaraan dageeen heshiiska waxaanu yidhi “ Qaabka aanu wax u wada yeelanaynaa waa qaab wadaag ah oo heshiis yadayada ku cad oo aan madmadow lahayn, waxaanu ku dadaalnay shantaa bilood ee wadahadalku socday in aanu galno, maadaama heshiiska mudadiisu dheer yahay oo ragayaga maanta talinaya, laga yaabo in intooda badani ay ifka hoos maraan, oo go’aankayagu noqonayo ka saameeya heshiis wanaagsan, waxana aanu rabnaa inuu wadankayagu noqdo mid la maalgaliyo, maal galintaasi ay noqoto mid wanaagsan oo aan laysku qabqabsan.” Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Maamulka Madaarka Hargeysa Oo Boqor Raabbi Ku Eedeeyay Inuu Soomaaliya Xidhiidh La Leeyahay

Hargeysa(Warsugan) Maxamed Yuusuf Ismaaciil, maamulaha madaarka Hargeysa ayaa si kulul uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Boqor Raabi oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland. boqorka ayaa doraad sheegay in madaarka Hargeysa laga celiyay isagoo ku sii jeeda Xashka oo uu soo gudan lahaa, wuxuuna soo celintiisa ku macneeyay inay arrimo siyaasadeed ku lug leedahay, kuwaasi oo xukumaddu diidan tahay, hase ahaatee arrimahaasi waxaa beeniyay maamulka madaarka Cigaal.

“Dhawaaqa Boqor Raabi waxaa ka mid ahaa in amar xagga masuuliyiinta madaarka ka yimid loogu diiday inuu dhoofo isagoo gudanayay waajibaadka xashka, sababaha uu cuskanayayna waxaa ka mid ahayd in abaabulka shirar beeleed uu ku lug lahaa, waxaan halkan umadda uga caddaynayaa inaanay jirin amar iyo meel aanu kaga joojinay Boqorka isagoo soo gudanaya waajibka xashka, waxaan caddaynayaa cid u diiday iyo cid hor istaagtay midna inaanay jirin,” ayu” yidhi maamulaha madaarka Cigaal.

Maamule Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in muwaadin kasta oo fiisahiisa sita, islamarkaana buuxiyay shuruudaha socdaalka aanay jirin cid celin karta, hadday tahay masuuliyiinta wasaaradda iyo laanta socdaalkaba, balse qofka cid dacwayso ee waraaq maxakamadeed loo soo goosto laga celin karo madaarka “Waxa aan jeclahay, Boqor Raabi haddii uu caadaystay wax ka sheega iyo aflagaadaynta masuuliyiinta dawladda inuu ka waantoobo, waxaanu u soo jeedin inuu dhalliilaha iyo cambaaraynta aan ka mudnayn masuuliyiinta wasaaradda uu ka waantoobo,” ayuu yidhi maamuluhu.

“Nimankaasi waxay iskugu jireen wasiiro, taliyihii hore ee sirdoonka iyo niman kale oo fara badan, wuxuu damcay boqorku inuu kula kulmo nimankaasi halkii ay ku sugnaayeen ee madaarka Hargeysa, Boqorka kulankaas uu nimanka Somalia la kulmayay ayaa loo diiday oo laga hor istaagay. Boqorku barigii hore markuu Xamar tagayo wuu dhuuman jiray laakiin, hadda haddii uu doonayo inuu dalka gudihiisa kula kulmo oo inagu metelo wax suuro galaya maaha. Hadduu Boqorku damco in qaranka iyo rabitaanka umadda laga laaluusho oo waxaan umaddani ku midaysnayn uu ku metelo waxay noqonaysaa in arrintaas laga tashado,” ayuu yidhi maamuluhu.

Waxa uu intaasi raaciyay in Boqor Raabi ku jiray liiska dad boqortooyada Sucuudigu xajinaysay balse loo soo mariyay Somalia, waxaanu sheegay in arrintaasi muujinayso sida Boqorku xidhiidh ula leeyahay Somalia “ Waxay arrintaasi muujinaysaa in Boqorka Qalbigiisu Xamar Joogo, Jasadkiisuna Hargeysa inala joogo,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarku.

Xukumadda Somaliland Oo Wefti Wasiiro Ah U Dirtay Colaadda Ka Taagan Degaannada Ceelafweyn

Ceelafweyn(Warsugan)Wasiiro ka tirsan xukumadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka socdaan hawlaha lagu daminayo shaqaaqada u dhaxaysa beelaha wada dega degaannadaasi oo dhawaan dagaal khasaare gaystay dhexmaray. Weftiga xukumadda ayaa ujeedkoodu yahay sidii xal loogu heli lahaa dagaalka beelaha u dhexeeya oo walaac badan ku abuuray bulshada Somaliland.

Weftiga oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaa ka mid ah wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal, wasiirka duulista Farxaan Aadan Haybe, wasiiru dawlaha xannaanada xoolaha Dr Cabdirashiid Riyo-raac, wasiirka warfaafinta Cismaan Saxardiid Caddaani iyo masuuliyiin kale waxay shalayba bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan waxgaradka ku hawlan dejinta colaada.

“Wasiirada shanta ahi waxay u yimaadeen soo afjarida  dhibaatada dhimashada iyo dhaawacaba keentay ee dhexmartay dadka walaalaha ah ee aanay jirin wax hore oo u dhexeeyay. Guddidan uu madaxweynaha qaranku soo diray waxaanu rajaynaynaa inay dirirtaas iyo colaadaas soo afjaraan,” ayuu yidhi badhasaabka Sanaag mudane Falaay oo weftiga soo dhaweeyay.

Waxa uu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland kaalin ka gaysteen hakinta colaadda iyo hirgalinta xabad joojinta labada dhinac “ ilaa maalintii shaqaaqadu dhacday aniga iyo ciidamada qaranka Somaliland ee geesiyaasha ahi waxaanu ku kala dhex jirnay labada beelood, Illaahay ayaanu u mahadinaynaa wixii hore wax ka dambeeyay inaanay dhicin,” ayuu yidhi Badhasaab Falaay.

Badhasaabka ayaa bulshada colaaddu dhexmartay ku booriyay inay adeegsadaan caqliga, islamarkaana aanay khasaaraha hore wax dambe ku darin,maadaama aanay colaad wax ku dhinta mooyee wax laga dheefaa jirin, waxa uu qaybaha bulshada u soo jeediyay in hareeraha laga istaago sidii bulshadaasi nabad loo kala dhex dhigi lahaa, loona dejin lahaa xaaladda colaadeed ee kacsan xilligan.

Colaadda Beelaha ayaa ku soo noqnoqata Somaliland, iyadoo si gaar ah ay ugu badan tahay bulshooyinka wada dega gobollada bariga oo aanay dawladnimadu si buuxda uga hirgalin. Dagaallada ayaa ku salaysan aano qabiil iyo muran dhul, kuwaasi oo aan ilaa hadda cidna ka hor taggooda ku hawlanayn.