Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 189aad Kana Soo Baxay Maanta Oo Khamiis ah Hargeysa

0
305

Xubnihii Guddida Heshiiskii DP World u joogay Dubai Oo Maanta Laga Sugayo Hargeysa Ayaa Intaanay Soo Duulin Kulan Layeeshay, Jaaliyada Reer Somaliland Ee Imaaraadka Carabta .

“Berberi inay balaadhato oo ay korto wax badanina ay ka soo degaan, kana dhoofaan micneheedu maaha dekedaha kale ayey wax ka yaraanayaan, maaha macnaheedu, ee kuwo kale oo ka badan ayeynu u baahanay”. Dr Sacad Cali Shire

*****************************************************************************************************

Waxan leeyahay reer Somaliland, nac-naca yaan la burburinine ha la muudmuudsado si uu macno inoogu yeesho oo aynu u dhadhamino nolosha ay dadka kale ku nool yihiin” Maayar (Ciddin)

Dubai(Warsugan)Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Safiirka Somaliland u fadhiya safaaradda Imaaraadka aynu ku leenahay ayaa Xaflad balaadhan oo sagootis iyo xog kala qaadasho ah u sameeyey weftigii isugu jiray guddida Heshiiska Dekeda Berbera oo ay wehelinayaan Maayarka Magaalada Berbera, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, iyo gudoomiyaha xisbiga UCID.

Munaasibadaas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay kana soo shaqeeyeen jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan oo kaashanaysa safiirka Somaliland, ayaa waxay xogwaran ka dhegeysteen xubnihii gudidii heshiiska Dekeda Berbera ee taariikhda galay ee ay la saxeexdeen shirkada caalamiga ah ee DP World, waxaanay xubnaha wasiirada ahi faahfaahin ka siiyeen qiimaha, horumarka, iyo shaqo abuurka ku lamaan heshiiskaasi iyo xaalada guud ee dalku halka ay marayso. Waxa kale oo ay jaaliyada uga warameen muhiimada ay qaranka Somaliland ugu fadhido inay Caalamka la sameeyeen xidhiidh ganacsi oo la mid ah kan DP World iyo kuwo kaleba, taasi oo bay yidhaahdeen ku xidhan dedaalka aynu kolba la nimaadno haddii aynu nahay dawlad iyo shicib-ba.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland mudane Sacad Cali Shire oo ay hadladiisi ka mid ahaayeen “Salaan ka dib waxan idinka mahadcelinayaa sida diiran ee sharafta leh eed noo soo dhawayseen, waxan jeclahay in aan halkan ka xuso safiirka iyo jaaliyadii munaasibadan inoo soo agaasintay, waxaana xusid mudan kaalintii uu ka qaatay mashruuca, waxa kale oon halkan uga mahadcelinayaa tiimkii wasiirada, tiimkii farsamo yaqaaanka, iyo tiimkii garyaqaanada ee arrinkan ka soo shaqaynaayey shantii bilood ee u dambeeyey, waxa mudan in aan iyadana u mahadceliyo shirkada Dubai World iyo madaxdeeda sidii wanaagsanayd ee ay noo soo dhaweeyeen wada hadalkiina uu noogu dhamaaday sida wanaagsan, waxan isdultaagayaa dhawr su’aalood oo laga yaabo inaad is waydiinaysaan oo aan si kooban uga jawaabo.

Waxad maqasheen heshiisbaa la kala saxeexday, heshiisku muxuu yahay? Heshiisku waxa weeye heshiis maalgashi, Maxaa la maalgashanayaa? Waxa la maalgashanayaa dekeda Berbera. Maxaa markaa maalgashigaasi natiijadiisu ay noqonaysaa? Waxa ay noqonaysaa dekeda oo aynu balaadhino. Maxaynu uga jeednaa balaadhin? Maanta dekedeena Berbera waxa ka soo dega soddon kun oo koontiiner sanadkii qiyaastii, soddonkaa hadaynu rarno kuwa ka soo dega iyo kuwa la raro waxay noqonayaan 60,000. Mashruucan labadiisa weji markay dhamaadaan Insha Allaah, muddada 30ka Sano ah, waxay inoo suurto gelinaysaa marka loo eego halka ay imika 60ka koontiiner laga raro lana dejiyo, in aynu gaadhsiin karno 1milyan iyo laba boqol oo koontiiner, markaa balaadhintiisa waad garan kartaan faraqiga weyn ee u dhexeeya.

Su’aasha kale waxa weeye sidee baa, waayee loo balaadhinayaa? Imisa weji ayuuse leeyahay mashruucu. saddex weji ayuu leeyahay, wejiga hore deked cusub ayaa lagu dhisayaa, tii horena waa la qalabaynayaa, wejiga labaa tii hore ayaa la dayactirayaa, wejiga saddexaadna mid cusub ayaa lagu darayaa. Wejiga Koowaad, iyo ka saddexaad mid walba waxa lagu darayaa 400M oo deked ah oo maraakiibtu ku soo xidhato iyo 25Higter oo meesha badeecada la dhigaayo ah.

Maxaynu uga baahanay dekeda inaynu balaadhino miyaanay inagu filnayn dekedan aynu haysano? Waxaynu uga baahanay dekedan laba jeer ayaa la sameeyey oo marna ruushkii baa sameeyey marna 64kiibaa la bilaabay, hadaanan qaldanayn, ta dambena maraykanka sameeyey oo waxa la dhameeyey 82kii, muddo badan ayaa ka soo wareegtay oo waxa loogu tallo galay markaasi baahideeni markaasi taagnayd in la daboolo, baahideenu maanta way ka badan tahay dekedeenu intay qaadi karto, Somaliland ahaan adigoon cid kaleba gaadhin, waxa iyana inagu soo biiray Itoobiya oo dadkeedu imika ku dhaw dhaw yahay ama ka badan yahay 90Milyan, oo si xawliya u koraysa sanadka 2050kana lagu qiyaasay in dadkeedu gaadhi doonaan 250Milyan, dhaqaaleheedu aad u koraayo sanadkiiba oo runtii baahida ay u qabto in wax dibeda uga soo degaan iyo inay wax u dhoofisaaba ka badan yahay marka loo eego dekeda ku yaala gobolka, baahida aynu u qabnaa wuu ka badan tahay capacity-ga jira ama awooda ay leeyihiin dekedaha gobolku.

Berberi inay balaadhato oo ay korto wax badanina ay ka soo degaan, kana dhoofaan micneheedu maaha dekedaha kale ayey wax ka yaraanayaan, ka yaraan maayaan, ee kuwo kale oo ka badan ayeynu u baahanay.

Maxaynu ka faa’iidaynaa ee inoogu jirta?, midi waa dekedii oo la balaadhiyey oo allaab badani ka soo degi karto kana dhoofi karto, taasi waa qodob. maxaa kale faa’iido inoogu jirta? Waxa inoogu jira waxa la maalgelinayaa oo qorshuhu yahay waa 442Milyan, meesha 442M la geliyo, waxa ka abuurmaysa shaqo, shaqana waxa abuura maalgashiga, hadaan maalgashi jirin shaqona jiri mayso, shaqada dhismaha dekeda marka laga yimaado kuma eekaanayso magaalada iyo dekeda oo keliya ee Somaliland oo dhan ayaa ka faa’iidi doonta Insha Allaahu.

Waxa kale oo faa’iido inoogu jirta aqoon kororsi, shaqaalaha aqoontooda kor loo qaado, waxa inoogu jirta hawaayi siyaasadeed baa inoogu jira, haddii la doonayo in layna ictiraafo, waxa laysku qadariyaa ee la isku ictiraafaa waa dano, waxaynu u baahanay in aynu abuurno dano siyaasadeed, dane dhaqaale, ictiraaf doonka laynala yeesho, waxa kale oo faa’iido inoogu jirtaa caalamkii oo inna baranaaya, maantaba Somaliland waa la yaqaanaa intii hadalkaasi socday, intii ka dambaysay markii la kala saxeexday, magaca Somaliland caalamka oo dhan ayuu gaadhay, waxa kale oo aynu rajaynaynaa in mashruucani uu noqdo hordhac oo ay mashaariic kale oo badani ay ka daba yimaadaan oo ku soo dhiiradaan, kuwo maalgashi iyo kuwo kaleba.

Mashruuca sideebaa loo maamulayaa? Heshiiska waxa kala saxeexday inaga iyo shirkada la yidhaahdo Dp world, waxaana loo maamulayaa wada jir shirkad aynu wada leenahay ayaa maamuli doonta Insha Allaahu.

Goorma ayuu dhismaha iyo wereejintu uu bilaabmi doonaa? Wuxuu ku bilaabmi doonaa weji-weji lixda bilood ee soo socda waa diyaar garaw 12ka bilood ee ku xiga waxay noqonaysa nashqadayntii (Design)kii Injineerankii iyo farsamo ayuu noqonayaa, 24ka bilood ee ku xiga wuxuu noqonayaa dhismihii qaybta hore, markaa sidaasi ayey balaadhintu isu daba joogi doontaa.

Maxaa inaga laynooga baahan yahay hadaynu nahay shicibka Somaliland oo dhan? Waxa laynooga baahan yahay hadaynu nahay shicibka Somaliland, inaynu mashruuca taageerno soo dhawayno, waa khayr Ilaahay sumxaana wata-caala uu inoo keenay ilaahay aynu ku mahadnaqno, runtii laynoogama baahna inaynu cayno ceebayno balse waxa uu geyaa in aynu soo dhawayno gudo iyo dibedba, waxaanu ganacsigan aad iyo aad isugu soo keen dhawaynayaa inaga iyo imaaraadka, hadii aad tihiin idinku jaaliyadii imaaraadka dee faa’iidadiisu way idin taabanaysaa, dadka dalka joogana way taabaynaysaa insha Allaahu, halkan waxa inala fadhiya madax ka socota shirkado danaya inay wadankeena yimaadaan oo maalgashadaan iyagana waynu soo dhawaynaynaa.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo ay hadaladiisi ka mid ahaayeen “Marka hore dalkaygii iyo dadkaygii waxan bushaaro weyn iyo farxad aan kula guryo noqonayaa in nolosha aad halkan ku wada nooshihiin eed ku wada qanacsan tihiin reer imaraad iyo inta qurba-joogta ah ee qurbaha joogta in aanu anaguna kula noqon doono dalkii insha Allaahu tacaala oo dalku noqon doono dal horumar, sida hilaaca insha Allaahu, waxaynu nahay dad hide u leh oo wax abuuri kara ayeynu nahay, waxanan rajaynayaa in dalkeenu degdeg horumar u gaadhi doono, qodobka labaad ee aan jecelay in aan halkan uga faa’iidaystaa waxa weeye, waxa la yidhaahdo fursadu marka jaaniska qofku helo, jaanisku qofka ma sugo, waxan aad ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo xukuumadda uu daadihiyo inay ka faa’iidaysay jaaniskii ay heshay oo ay u dhabar adaygtay in waxa ay dadku fahmin ay iyagu fahmaan, dadkana ay fahan siyaan, aad baan ugu hambalyeynayaa, qodobka saddexaad ayaan ku darayaa oon jeclahay in aan bulshadaydii uga faa’iidaysto waxaanu noqonayaa nac-naca waxa la yidhaahdo waa macaan ama dadkeenu ama reer Somalilandba, ma muudmuudsadaan ee way burburiyaan, nac-nacuna wuxuu ku wacan yahay in la muudmuudsado, si aad dhadhankiisa u hesho, Waxan leeyahay reer Somaliland, nac-naca yaan la burburinine ha la muudmuudsado si uu macno inoogu yeesho oo aynu u dhadhamino nolosha ay dadka kale ku nool yihiin ”

Wa-bilaahi Tawfiiq

 “Sidii Barigii Aniga iyo Madaxweynaha 80-ka cod Nalagaga Helay Aanu U Hambalyaynay Isugu Hanneeya.” Cabdiraxmaan Aw Faarax

Hargeysa(Warsugan) Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa xukumadda Somaliland iyo xisbiyada qaranka ku boorriyay in la wanaajiiyo tartanka doorashada soo socota si looga hor tago khilaafaad doorashada ka dhasha oo yimaada. Waxa uu sheegay in doorashadii u dambeysay khaladaad jiray, lana arkayay ololeyaal qabyaaladaysan iyo khaladaad dhib keeni kara.

Madaxweyne xigeenka hore oo shalay ka hadlay madal ururada bulshadu ku shaaciyeen guddi ka shaqayn doonta xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay in loo baahan yahay ka hor tag balaadhan oo khilaafaadka lagu yareeyo “Waxaynu ka hadlaynaa khilaafaadka doorashooyinka soo socda, Illaahay waxaan ka baryaynaa inaanu khilaafba inagu keenin oo waxeenu inoogu socdaan si hufan oo habsan oo khilaaf, is jiid-jiidasho iyo iska hor imaadba aanu ka dhicin, waxaase wanaagsan in khilaafka laga hor tago oo waxyaabaha uu ku imanayo laga fogaado, xilkaasna umadda Somaliland oo dhan wuu saaran yahay, in wixii khilaaf ku imanayaba laga fogaado oo si hufan, turxaan lahayn oo wanaagsan u tartamaan,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.

Waxa uu intaasi raaciyay in masuuliyadda ka fogaanshaha khilaafka ilaalinta habsami u qabsoomida doorashadu si gaar ah u saaran tahay madaxweynaha, xukumaddiisa iyo xisbi xaakimka “Madaxweynaha, xukumaddiisa iyo xisbi xaakimku waa inay ogaadaan in masuuliyadda saaran cid walba ka culus tahay, waxaa iyana dhinacooda ka tiirinaya xisbiyada qaranka, waar sidaad u tartantaan ayay ku xidhnaanaysaa, khilaafku wuxuu u yaraanayaan sidaad kolba hawsha doorashada iyo ololaha u gashaan,” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in xisbiyada looga baahan yahay tartan hufan oo qabyaaladda ka madhan, islamarkaana dadka lagu wacyi galiyo inay yihiin dad walaalo ah oo meel u wada socda, lana eego mustaqbalka dadka iyo dalka, wuxuuna tusaale u soo qaatay sidii ay dalka ugu tidheen doorashadii isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay kaga guulaysteen Daahir Riyaale iyo kuxixeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin codad yar oo 80 ah.

“Xisbiyada qaranka waxaan leeyahay sida hufan ee u abuurtaan jawi wanaagsan ee u gashaan ololaha ayay ku xidhnaanaysaa doorashada wanaagsan. Walaalayaal Ninkii  kursiga Illaahay ugu talo galay way imanaysaa. Samada ayay ka qoran tahay; wax la xoogo maaha, wax la boobo maaha, waxaanu idinka rajayn umaddaa idin dooranaysa inaad milgaheeda iyo sharaftooda dhawrtaan oo sida ugu hufan u tartantaan. Kursiga kollay cid baa heli doonta, waar ciddii laga helay sidii aniga iyo Madaxweyne Siilaanyo ee 80-ka cod nalagaga helay ee aanu Daahir Riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ugu hambalyaynay isugu hanneeya,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in adkaysigii iyo samirkii xilligaasi uu madaxweyne Siilaanyo markii dambe ku helay kursiga Madaxweynaha, balse haddii uu dalka qalaanqal galin lahaa aanay suuro gasheen inuu madaxweyne noqdo oo dalka u taliyo “ Doorashooyinkii u dambeeyay waad arkayseen, aad bay u fool xumaayeen, ololuhu wuu qaab darraa, aad bay qabyaalad iyo waxaan la jeclaysan uga muuqdeen, waar wax wanaagsan oo lagu niyad samaado inoo galiya, dadkana aad u wacyi galiya,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka hore.

Wakaaladaha Wararka Dunida Oo Si Weyn wax uga Qoray Culayska Heshiiska Horumarinta Dekeda Berbera

Dubai (Warsugan) Wakaaladaha wararka iyo qaar ka mida hay’adaha warbaaahinta dunida ayaa si weyn wax uga qoray heshiiska horumarinta Dekeda Berbera ee dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo shirkada DP World.

Heshiiskan oo dhawaan lagu kala saxeexday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa dhigayey in shirkada DP World ay maalgalin 442$ milyan oo doolar ah galiso Dekeda Berbera mudo sodon sano ah.

Warka la xidhiidha heshiiska maalgalinta Dekeda Berbera ayaa aad u soo jiitay wakaaladaha wararka dunida oo si weyn waxa uga qoray, kuwaas oo baahiyey war bixino la xidhiidha heshiiskaasi iyo saamaynta uu ku yeelan doono mandaqada bariga Afrika.

Wakaalada Wararka ee AP, AFP, Reuters, iyo hay’ada warbaahinta ee Fox News, Daily Mail iyo Gulfnews ayaa baahiyey warka heshiiskaasi, iyagoo diirada saaray baaxda maalgashi iyo fursadaha horumarineed ee uu u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo heshiiskan waxa ka qoray wargeyska arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha wax ka qora ee Wall Street Journal, oo warbixin uu baahiyey ku sheegay sidan “ shirkada fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa isniintii shaacisay inay ku guulaysatay inay horumariso maamushana Dekeda Berbera ee Somaliland, taas oo ka mid noqonaysa 75 dakadood oo kale oo ay maamulaan.”

Geesta kale warbixin uu daabacay wargeyska Dailymail ee ka soo baxa dalka Ingriiska oo uu ka soo xigtay Wakaalada wararka Maraykanka ee Associated Press (AP) ayaa lagu sheegay sidan “ Bebera waxay ka qayb qaadan doontaa fiditaanka aanu ku fididayno suuqa kobcaya ee Afrika sanadaha soo socda.” Hadalkaasi oo uu yidhi gudoomiyaha shirkada DP World Suldaan Axmed Binu Sulaymaan. Wakaaalada AP ayaa sidoo kalena warbixinteeda ku sheegtay sidan “ Somaliland waxa ay fursad u soo bandhigaysaa jaarkeeda Itoobiya ee aan badda lahayn ee leh suuqa kobcaya ee 96 milyan ee ruux ah.”sidoo kalena AP ayaa xustay in dhismaha dekeda Berbera uu fursad u yahay dekeda Jabuuti oo uu calays iyo cidhiidhiga saraan ka kala yarayn doono.

Geesta kale Wakaalada wararka Faransiisaka ee AFP ayaa warbixin ay heshiiskan ka qortay ku sheegtay in heshiiskani uu fursad dhaqaale iyo horumarineed u yahay Somaliland waxaanay warbixinteeda ku tidhi “ mashruucan wuxuu fursad horumanideed uu siinayaa Somaliland, oo aqoonsi caalami ah aan ka  helin beesha caalamka taas oo jirtay 25 sano oo madax banaani jiritaan ku dhisan (De facto independence)  ka haystay dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen.”

Wakaalada wararka Ingiriiska ee Reuters ayaa warbixin ay hesiiska ka qortay ku sheegtay sidan “ Dekeda ku taala badda cas ee Bebera ayaa waxa ay diirada saari doonta Koontiidharada iyo alaabaha Kaargooga ah, dekeda-na sidaa loo tayeyndoono.”

Hay’adda lagu magacaabo Port Strategy, ayaa iyaduba baahisay warka hesiishkan iyadoo soo xigatay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo yidhi “ Somaliland way ku faraxsan tahay inay heshiiskan ku midoobaan DP World.”ayuu yidhi Wasiir Sacad waxaanu intaasi ku daray “ Dekeda Berbera ee DP World waxay fursad gaar ah siin doontaa dadka wax ka dhoofiya iyo kuwa kala soo daga bariga Afrika.”

Warka heshiiskan ayaa waxa sidoo kalena wax ka qoray saxaafadda danaysa arrimaha ganacsiga iyo xeebaha sida, JOC.com, Construction Week Online, Container Management, Port Strategy , The Maritime Executive, iyo Splash 247.

Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Xilliga La Dhegaysanayo Dacwadda  Xisbiga UCID Ee Hortaala Maxkamadda Sare

Hargeysa(Warsugan) Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in maxakamadda sare ee dastuuriga ahi fadhi ka yeelan doonto khilaafka Ucid 18-ka bishan, kadib markii guddoomiye Faysal Cali Waraabe dacwadaasi u gudbiyay maxakamadda, markii uu ku qanci waayay xal ay soo jeediyeen guddida diwaangalinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen ayaa rajo fiican ka muujinaya in maxakamaddu si caddaalad ah uga garnaqi doonto muranka ragaadiyay xisbiga, islamarkaana ay dhexdhexaadimihii hore kaga gar heleen Eng Faysal Cali Waraabe “ Ilaa intaas waanu ka soo gar helaynay Faysal, hadday odayaal noqoto, hadday xisbiga dhexdiisa noqoto iyo hayadday guddida ururada siyaasadda noqotaba waanu ka gar helaynay, maanta waa halkii u dambeysay, waxaan shacabka u sheegayaa in la muddeeyay dacwadii oo 18-ka bisha la qabanayo oo maxakamadda sare ee dastuuriga ahi dhegaysanayso,” ayuu yidhi mudane Jamaal.

Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inay caddaalad ku dhammaato dacwada xisbiga Ucid, waxaanu tilmaamay inay haystaan caddaymo taageeraya doodooda ay kaga hor jeedaan Eng Faysal “Waxaan rajayn inay caddaalad ku dhammaato, waayo waxayagu caddaan ayay iska ahaayeen oo waa wax duuban oo markhaatiyo leh, waanay isku markhaati furayeen oo muuqaallo ayaa la hayaa, markaa waynu sugaynaa,” ayuu yidhi Jamaal.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku dooday in guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe u muuqdo mid ku biiray xukumadda Kulmiye, haatana uu ku mashquulsan yahay arrimo isaga u gaar ah.waxa uu tilmaamay in hawlaha xisbiga oo cakiran uu danihiisa ka shaqaysayo Eng Faysal.

Dr Edna Aadan“ Hablow Cilmi Kasta Oo Aan Muruq U Baahnayn Hiigsada Oo Muruqa Maskaxdiina Dhisa.”

Burco(Warsugan)Dr Adna Aadan Ismaaciil, Khudbad u jeedisay hablaha wax ka barta dugsiga sare ee Sheekh Osman oo ku yaalla magaalada Burco. Munaasibada ayaa ujeedkeedu ahaa sidii habluhu ugu dayan lahaayeen Marwo Adna Aadan ismaaciil oo tusaale fiican u ah dumarka horumarka ka gaadhay tacliinta iyo wax u qabashada bulshada, si gaar ahna ugu ololaysa kor u soo qaadista haweenka.

“Waxaan dugsiga sare ee Sheekh Cismaan Nuur ku soo dhaweynayaa Dr Edna Aadan, waxaa munaasibadan dartood loo qabtay hablaha dhigta dugsigan oo Dr Edna Aadan ilaa Hargeysa dartood u soo socdaashay, waanan kugu mahadin. Awr ba awrka hore socodkiisa ayuu leeyahay, hablow waa inaad hoggaankaas iyo dariiqaa Dr Edna idiin jeexday raacdaan oo hiigsataan,” ayaa ka mid ahaa hadalka maamulka dugsiga Sheekh Cismaan Nuur.

Dr Edna ayaa hablaha ku boorisay hiigsiga horumarka iyo inay ku dedaalaan waxbarashada qaybaheeda kala duwan “Waxaan doonayaa inay idinka soo baxaan macalimiintii barrito, injineeradii barrito, dhakhaatiirtii barrito, waxaan doonayaa inaad hiigsataan cilmi walba oo bani aadam baran karo oo aan se Muruq u baahnayn, waa inaa barataan oo hiigsataan, waayo Muruq ma lihid laakiin maskax baad leedahay, maskaxdaada  muruqeeda dhis, aqoontaada dhis, haddaanad aqoon lahayn meel ma gaadhaysid,” ayuu tidhi Marwo Adna.

Soomaliya Oo Qaadka Kenya U Joojisay Hinaase Ay Ka Qaaday Xidhiidhka Diblamaasiyadeed Ee Somaliland iyo Kenya U Bilawday

Diyaaraddaha Kenya Oo Wali Qaadka Keena Laascaanood Baabuurna Ku Geeya Somaliya

Nairobi(Warsugan) Dawladda Muqdisho ayaa amarkii ay ku joojisay diyaaraddaha qaadka ee Kenya kula soo galgalatay Somaliland. waxay sheegtay inay arrintaasi kaga aargoosanayso xidhiidh diblamaasiyadeed oo u bilawday Somaliland iyo dawladda Kenya, kaasi oo salka ku haya bookhasho badhasaabka gobolka Qaadka qaniga ku ah ee Miro Mr Peter Munya ku yimid Hargeysa.

Danjiraha Somalia u jooga magaalada Nairobi Jamaal Xasan ayaa habeennimadii Salaasada waxa uu wargeyska Kenya ka soo baxa ee Daily Nation u sheegay in sababta qaadka loo hakiyay tahay bookhashada badhasaabka Meru ku tagay Hargeysa, waxaanu ku dooday in arrintaasi tahay faro galin uu ku sameeyay wax uu ugu yeedhay Soohdimaha Somalia “Waxa jira in ay faragelin ku sameeyeen jiritaanka  soohdimaha dalka, ganacsiga Miraa waxey fara gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee dalka,” ayuu u sheegay Danjire Jamal wargeyska Daily Nation.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in tallaabada ay qaadeen tahay mid Kenya ay kaga aargoosanayaan, maadaama Kenya dhaqaale badan ka soo galo qaadka “Tani waxa ay abuurtay in dowladdu ay hakiso qaadki ka iman jiray Kenya, iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada qaadka Meru” ayuu yidhi Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, waxaanu dhawaan si adag u maagay ra’isal wasaarihii hore ee Kenya haddana ah hoggaamiyaha mucaaradka mr Raila Odinga oo taageeray qaddiyadda Somaliland.

Dawladda Somalia ayaa waraaq ay ku mamnuucayso qaadka wakhti aan cayinayn soo saartay 4-tii bishan, taasi oo dhaqan gashay 6-dii bisha.Dawladda Kenya ayaan arrintan ka hadal marka laga reebo wasiirka daakhiliga oo dawladda Somalia isaga riixay inay faahfaahiso sababta ay u hakisay qaadka.

Bishi July ayuu badhasaabka gobolka Meru ee Kenya Mr Munya waxa uu socdaal ku yimid magaalada Hargeysa,  si uu u qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee ku wajahan dhoofinta qaadka iyadoo dalka Kenya ay bixineyso beddelkeeda nooc ka mid ah aqoonsiga Somaliland.waxa uu kulamo la qaatay madaxweyne xigeenka Somaliland, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibada, arrintaasi oo muujisay xidhiidh diblamaasiyadeed oo u furma Somaliland iyo Kenya.

Dawladda Somalia ayaa ku mashquulsan carqaladaynta xidhiidhada diblamaasiyadeed ee Somaliland la yeelato waddamada Dunida iyadoo hore isugu dayday carqaladaynta heshiiska balaadhan ee Dekedda Berbera dawladda Imaaraadku ku horumarinayso, waxay sidoo kale marar badan isku dayday curyaaminta cilaaqaadka Somaliland iyo waddamada dunida.

Kenya iyo Somalia ayaa isku haya arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin muranka badda oo muddo soo jiitamayay, dayr Kenya ka dhisayso xadka Somalia, balse aanay dhanka Somalia kala tashan, soo celinta qaxoontiga iyo arrinta cusub ee ah xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland. Somaliland ayaa u muuqata mid ka faa’iidaysanaysa isku dhaca Somalia iyo Kenya, islamarkaana albaabada u furtay Kenya.

Diyaarad sida qaadka Miirooga ayaa shalay iyo doraadba ka soo degtay Laascaanood, iyadoo degaanno badan oo Somalia ka tirsan baabuur loogu gudbiyay qaadka, arrintaasi waxay ka dambeysay markii Somaliland sheegtay inaanu khusayn amarka Somalia qaadka ku joojisay, islamarkaana madaarada Somaliland u furan yihiin diyaaradaha Kenya ee qaadka sida.

Weftigii Somaliland Ee Ku Sugnaa Isu-tagga Imaaraadka Carabta Ayaa La Kulmay Boqorka Raysal Khayma Xukuma, Sheikh Saud Bin Saqr Al Qaasim.

Raysal Khayma(Warsugan)Weftigii Jamhuuriyadda Somaliland, kuna sugnaa Dubai, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay boqorka xukuma Raysal Khayma oo kulan balaadhan la yeeshay weftigii Somaliland ee halkaa u joogay meelmarinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen 05/09/2016, Somaliland iyo Shirkada DP World, weftigaasi oo ka  kooban Wasiirada Arrimaha Dibeda, Qorshaynta Qaranka, madaxtooyada, Maaliyada, Maayarka Magaalada Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Kulankaas oo daarnaa dardar gelinta iyo dhiirigelinta hawlaha maalgashi ee ka socda dalka Somaliland, iyadoo uu boqorku ka mid yahay dadka sida gaarka ah ugu xidhan Somaliland, kuna dhiiraday inuu maalgashi ka sameeyo gudaha Somaliland, hadday noqoto shirkada sahaminta shidaalka ee RASGAS, kuna sugan Somaliland, hadday noqoto arrimaha dhoofka xoolaha oo uu sheekhu ka mid yahay masuuliyiinta maxjarka Al-jaabiri ee xaruntiisu tahay Berbera, iyo isagoo sheekhu marwalba la barbartaagan taakulo iyo dedaal dheeriya jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan halkaasi.

Arrimahaas oo ay weftigu uga mahadnaqeen ka dib waxa ay weftiga Somaliland uga warameen arrimaha la xidhiidha heshiiskii DP World ee ay ku maalgelinayso dekeda Berbera iyagoo u soo jeediyey una taabtay in ay shirkadaha Raysal Khayma ay u furayso inay dhankooda ka qaybqaataan haday tahay kuwa bangiyada, macdanta, arrimaha caafimaadka, iyo waxbarashada ee degen raysal khayma ay yimaadaan Somaliland oo ay maalgashadaan dalka.

Ugu dambayntii weftiga Somaliland waxay uga mahadceliyeen sheekha sida uu u barbartaagan yahay arrimaha maalgashiga ee ka socda Somaliland, waxaanay sheekha ku hambalyeeyeen kuna dhiirigeliyeen inuu halkaa ka sii wado hawlaha, isla markaana uu fursado siiyo ardayda ka qalinjebisa Jaamacadaha Somaliland, siiyana fursado ay ugu shaqo tagaan Raysal Khayma iyo inay sii wataan aqoontooda waxbarasho intii u baahani, kulankaasi oo ahaa mid ku soo dhamaaday is fahan iyo guul labada dhinacba ay isla garteen arrimahaa kala duwan.

Xubnaha Weftiga ee la kulmay boqorka ayaa ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Maayarka Magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) Maareeyaha Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Wasiirka  Daakhiliga Iyo Wefti Hoggaaminayo & Waxgaradka Sool Oo Ka Wada Hadlay Shaqaaqadii Ka Dhacday Laascaanood

Laascaanood(Warsugan) Wefti balaadhan oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, mudane Yaasiin Maxamuud Faratoon, hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Sool. Kulankan magaalada Laascaanood ka dhacay ayaa lagaga wada hadlayay dhacdo dhawaan sababtay dhimashada askar boolis ah oo ka dhacday Laascaanood taasi oo boolisku baadhis laxaad leh ku hayo sababaheeda iyo siday wax u dhaceen.

Kulankan balaadhan ayaa Cuqaasha iyo waxgaradka kala duwan ee magaalada Laascaanood ka soo qayb galeen, halka xukumadda ay ka socdeen Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirudawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada bari, Wasiirudawlaha Warfaafinta, Wasiir xigeenka Cadaaladda, taliyaha guud ee Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale. Shirkan waxaa si aad ah layskula jeex jeexay guud ahaan amniga magaalada Laascaanood iyo sida wax looga qaban lahaa dilalka soo noq noqda ee magaalada ka dhaca, iyo rabshadihii u danbeeyey oo saamayn yeeshay.

“Halkan waxaanu ku nimid wefti balaadhan oo wasaaradda daakhiliga ah, oo wasiirka arrimaha guduhu hoggaaminayo, aniga oo taliyaha booliska ahina la socdo, waxaa naga soo horeeyay taliye xigeenka labaad ee booliska iyo saraakiil sarsare oo baadhaya dhacdadii dhawaan ka dhacday Laascaanood.Waxaanu la kulanay cuqaashii, waxgaradkii, odayaashii iyo aqoon yahankii gobolka Sool, waxaanu ka wada hadlaynay dhacdadii bisha 4-teeda iska daba dhacday oo aanu baadhisteeda si adag gacanta ugu hayno iyo sidii nabad gelyada looga wada shaqayn lahaa,” ayuu yidhi Taliyaha guud ee booliska Sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal oo shirka kadib saxaafadda la hadlayay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, mudane Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa sheegay in waxgaradka Sool ay ka muuqato ka go’anaanta sidii ay uga gudbi lahaayeen mushkiladaha amni darro ee degaannadooda ku raagay. Waxa uu sheegay inay iskood isu soo abaabuleen, is afgarad buuxana laga gaadhay arrimaha ammaanka ee laga wada hadlay.

“Kulanka waxaa lagu faaqidayay siday wax u dhaceen, waxaanu kulan la yeelanay odayaasha iyo cuqaasha oo isa soo abaabulay oo dareen xoogleh ka muuqdo, oo ay kaga hadlayaan wixii ka dhacay gobolkan iyo sida aan dib loogu dulqaadan doonin ee ay doonayaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka degaannadooda haysta, arrimahaas ayaanu ka wada hadalnay, is afgarad buuxana waanu ka gaadhnay oo waliba xamaasadi ku jirto. Anagu halkan, wasaarad ahaan iyo boolis ahaan iyo dhammaan intayadii dawladda ka socotay ee kulanka joognay waxaanu siinay balanqaad buuxa oo ah inaanu la shaqaynayno,” auu yidhi wasiir Faratoon.

Wada xaajoodkan ayaa la rajaynayaa inay keenaan isku xidhnaan dheeraad ah oo xukuumadda,maamulka gobolka, ciidamada amniga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Sool dhexmarta, si aakhirka meel looga soo wada jeesto cid kasta oo nabada iyo deganaanshaha wax yeelaysa.

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ka Hadashay Wakhtiga La Qabanayo Ciyaaraha Gobolada Dalka

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa sheegtay in wakhti dhaw la qaban doono goobka gobollada Somaliland oo Hargeysa ka dhici doona. Dabayaaqadii sanadkii hore ayaa isreebreeb lagu qabtay magaalooyinka Boorama iyo Burco waxaa ka soo baxay sideed gobol oo Hargeysa kuwada dheeli lahaa, hase ahaatee wasaaradda ayaa ku dooday inaanay ku fashilmin qabashada koobkaasi balse qorshahoodu ahaa in gobollada oo tiro batay la kala reebo.

Gobollada qaarkood ayaa haddaba bilaabay tababarida xulalka uga qayb galaya koobka Gobollada, waxaanu agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Maxamed Xuseen Dhabbeeye sheegay inay dhawaan tartan siin doonaan 8-da gobol ee isu soo hadhay. Waxa uu sheegay in ciyaaraha sanadkiiba hal mar la qaban jiray hadda kadib wasaaraddu isla garatay in la qabto labadii sannaba mar “ Waxaa la isla gartay in ciyaaraha gobollada la galiyo is reeb-reeb maadaama gobolladdii bateen oo 14 noqdeen, labaddii sannana mar la qabto, Waxaanu 2015 qabanay isreeb reebkii ciyaaraha, waxaana soo baxay 8 gobol, rasmi ahaana imika ayaanu u qabanaynaa,” ayuu yidhi agaasime Dhabbeeye.

“Ciyaaruhu way qabsoomayaan, maanan tahli kari waayine sidii qorshahayagu ahaa weeye, anaga iyo gobolladuna waanu is ognahay, xilligii aanu doonaynay ayaanu qabanaynaa. Way jireen duruufo oo diwaangalintii iyo abaarihii ayaa soo dhexgalay, ciyaaruhuna waxay u baahan yihiin wakhti firaaqo ah inay qabsadaan aanay jirin wax dareenka dadka jeedin kara,” ayuu yidhi agaasimuhu, wuxuuna intaasi raaciyay inay si degdeg ah u cayimi doonaan xilliga ciyaaraha.

Wasaaradda ayaan wali iclaamin xilliga la qabanayo, hase ahaatee waxay tilmaameen in marka diwaangalintu dhammaato la iclaamin doono wakhtiga la qabanayo koobka gobollada. Diwaangalinta ayaa hadda ku dhaw gabogabo, maadaama gobolkii u dambeeyay ee Sool hadda ay ka soo dhammaanayso, halka la rajaynayo inay goobaha lixda ah ee waqooyigana ay wakhti kooban ka socoto.