Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 197aad kana Soo baxay Maanta Hargeysa

0
395

Madaxweynaha Oo Qoraal Codsi Dib U Eegid Fasiraad Ah U Diray Maxkamadda Dastuuriga Ah iyo Milicsiga Go’aamadii Saami Qaybsiga Ee Xalka Loo Waayey

“Markii aan xaqiiqsaday in ay tahli kari waayeen Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu diyaarinta Xeerka Doorashada Aqalka ee uu bud-dhigga u ahaa Saami-qaybsiga  Kuraasta Golaha”…

Markii aan qiimeeyey in ilaalinta midnimada iyo wada jirka Ummadda Somaliland ay tahay waajib hoggaamiye ahaan i saaran….iyadoo ay iga go’an tahay in aan ka tago dal mid ah iyo dad midaysan” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Warsugan) Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah u diray cod dib u eegid qaraarkii fasiraada ee maxkamadda dastuuriga ah. Madaxweynaha oo tix raacaya go’aankii ay asxaabtu ay kalsoonida ku siiyeen in madaxweynuhu uu go’aan ka gaadho mashruuca saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha mudane, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Maanta u gudbiyey qoraal Codsi dib-u-eegida Qaraarkii  Fasiraada ee Maxkamadda Dastuuriga ah.  Waxaanu u qorsaa sidan:-

Ku:         Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah                                                         Hargeysa

Og:         Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (Sonsaf)                                                               Hargeysa

Og:         Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta (APD)                                                       Hargeysa   

Og:         Guddoomiyaha Xisbiga UCID                                                                                      Hargeisa

Og:         Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI                                                                            Hargeisa

Og:         Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE                                                                                              Hargeisa

Og:         Guddida Doorashooyinka Qaranka                                                                          Hargeisa

Og:         Shir-guddoonka Golaha Wakiillada                                                                           Hargeysa

Og:         Shir-guddoonka Golaha Guurtida                                                                             Hargeisa

 

Ujeeddo:              Codsi dib-u-eegid Qaraarkii  Fasiraada ee Maxkamadda Dastuuriga ah

Mudane Guddoomiye,

Markii aan tix-raacay go’aanka axsaabta qaranka ee ay kalsoonida buuxda ii siiyeen in aan go’aan ka gaadho Mashruuca Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, ka dib markii ay ku adkaatay in ay talo middaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan.

Markii aan tixgeliyey Warbixinta Akaademiyada Nabadda (APD) iyo Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSAF), oo si cad u muujiyey codsiga Bulshada Gobollada Somaliland, kaas oo ku soo ururraya baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qeexo Saami-qaybsiga Kuraasta Aqalka Wakiillada doorashada ka hor, warbixintaas oo tilmaantay gobolna in aanuu ku qanacsanayn tirada kuraasta uu wakhtigan haysto, sidaa darteedna ay muhiim tahay in loo helo xal waara.

Markii aan arkay qoraallada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Warbixinta Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Aqalka, oo si qeexan u faahfaahiyey tabashada Gobollada Dalka ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, kuna taliyey in talo qaran laga yeesho.

Markii aan arkay Dastuurka Qaranka Qodobka 8aad xubintiisa 1aad iyo 2aad, Qodobka 22aad iyo Qodobka 90aad.

Markii aan qiimeeyey Qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-kii, kaas oo jidaynayey in Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee hadda lagu kala fadhiyo hal mar oo keli ah doorasho lagu galo, wixii ka danbeeyana tiro-koob guud dalka laga qabto.

Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobolka Awdal ee ku saabsan saamiga uu hadda gobolkaasi ku leeyahay Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ku saabsan saluugga awood qaybsiga talada dalka iyo saamiga ay hadda gobolladaasi ku leeyihiin Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aan ku qancay cabashada Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ku saabsan Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada, taas oo u baahan in loo sameeyo qorshe u gaar ah.

Markii aan yaqiinsaday in qaabka saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada haddii doorashada lagu galo sidii hore, ay caqabad ku noqon karto shirarka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta qaran ee aan ku martiqaaday wax-garadka iyo waayeelka bulshada deegaanada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ka dhici doona Magaalada Burco 25/10/2016-ka.

Markii aan shaki la’aan isku qanciyey in muddada kooban ee ka hadhsan Xilliga Doorashada Golaha Wakiillada, iyo Ahmiyadda Siyaasadeed ee ay Qarankan u Leedahay in la helo saami-qaybsi lagu wada qanacsan yahay oo si sharciga waafaqsan u daboola cabashooyinka hadda taagan aanay suurtagal ahayn in lagu dhamaystiro xilliga doorashada ka hadhay oo dhan 7-bilood, iyada oo loo baahan-yahay in la helo wakhti ku habboon oo lagu xalliyo mushkiladan.

Markii ay ii cadaatey in haddii Doorashada Golaha Wakiillada lagu galo qaabka saami-qaybsiga ee hadda jira, ama la sameeyo saami-qaybsi cusub oo aan laga baaraan-degin ama aan taladiisa la balaadhin oo u muuqda mindi roortayn, in taasi ay keeni karto muran iyo buuq hor leh oo sabab u noqon kara in uu galaafto doorashada kale ee barraxan, taas oo micnaheedu yahay in labada doorasho uu ku yimaado dib-u-dhac, laf-jab qarankan ku ah.

Markii aan ka duulay sida ay iiga go’an tahay shakhsi ahaan in aan dalkan ka suurta-geliyo doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loogu talo-galay.

Markii aan dersay Go’aankii Golaha Guurtida ee jideeyey in labada doorasho (Wakiillada iyo Madaxtooyada) hal mar la wada qabto 28/03/2017 iyo Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ku ayidday labada doorasho ee isku-lamaan.

Markii aan xaqiiqsaday in ay tahli kari waayeen Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu diyaarinta Xeerka Doorashada Aqalka ee uu bud-dhigga u ahaa Saami-qaybsiga  Kuraasta Golaha Wakiilladu, xilligii ku habboonaa muddo xileedkii dheeraa oo uu goluhu lahaa mas’uuliyadda sharci-dejinta koowaad. Aniga oo dareensan in markii ay golaha ku adkaatay in uu iskaga aragti noqdo qabyo-tirka xeerkan, gaar ahaan xal u helidda Saami-qaybsiga kuraasta uu isa soo dhaafiyey oo uu ii soo gudbiyey.

Markii aan xog-ogaal u noqday in Doorashada Golaha wakiillada ay hortaal caqabad farsamo oo aan yarayn, taas oo salka ku haysa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo u baahan in la dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeelad leh.

Markii aan qiimeeyey in ilaalinta midnimada iyo wada jirka Ummadda Somaliland ay tahay waajib hoggaamiye ahaan i saaran, taas oo mudan in aan muhiimada ay leedahay darteed ka hor mariyo wax kasta, iyadoo ay iga go’an tahay in aan ka tago dal mid ah iyo dad midaysan.

Waxaan go’aamiyey;

  1. in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.
  2. in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool iyo Sanaag Bari.
  3. in qiimayn iyo tixgelin lagu sameeyo saamiga kuraasta Golaha Wakiillada ay ku yeelan karaan Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.
  4. in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.
  5. in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go’aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Haddaba, ka dib markii aan soo saaray go’aamada kor ku xusan, waxaan u gudbiyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga ah, maadaama ay iyagu hore ugu codeeyeen in la isku lamaaneeyo labada doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada, isla markaana go’aan ku soo saareen.

Mudane Guddoomiye, waxaan si xushmad leh kuugu war-gelinayaa in Golaha Wakiilladu iyaga oo tixgelinaya sababaha aan u cuskaday dartood ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 17/09/2016, go’aan Lr. GW/KF-31/708/2016 kala qaadista Doorashada Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxtooyada, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, Doorashada Madaxtooyadana wakhtigeeda lagu qaban doono.

Sidaa darteed, waxaan Maxkamadda Dastuuriga ah ka codsanayaa in ay dib-u-eegis ku samayso Qaraarkii Fasiraadda ahaa ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015, iyada oo ka duulaysa, isla markaana tixgelinaysa sababaha kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Banaan-Baxyo Waaweyn Oo Lagu Taageerayo Go’aankii Madaxweynaha Ee Kala Qaadista Doorashooyinka Oo Ka Dhacay Hargeysa Iyo Boorame

Hargeysa(Warsugan)  Kumanaan qof  oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshadda Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta iskugu soo baxay banaan-bax salmi ah oo ay ku muujiyeen taageerrada ay u hayaan go’aankii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu 10-kii bishan ku kala qaaday doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda. waxa kale oo banaan-baxan  lagu naqdiyay bayaankii beesha caalamku ay ku baaqday in mar la wada qabto doorashooyinka.

Banaan-baxayeyaashan oo iskood isku soo abaabulay, ayaa  iskugu jiray Madax-dhaqameed, waxgarad, ururrada bulshada , ardayda jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada hoose dhexe iyo sare iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa  ku soo bandhigay jidka u dhaxeeya Huteelka Imperial ee magaaladda Hargeysa illaa wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaaraha Somaliland. waxa kale oo ay ku baaqeen in beesha caalamku ay Somaliland ku ixtiraamto go’aan ka gaadhista masiirkeeda.

Dadweynahani waxay siteen boodhadh iyo maryo ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujinayeen siday ula dhaceen go’aanka madaxweyne Axmed Siilaanyo ka qaatay arrinta doorashooyinka. “Waxaanu si mug leh u taageeraynaa go’aanka taariikhiga ah ee madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyadda iyo wakiiladda,”ereyadaas iyo kuwo kale oo macno ahaan la mid ah ayay mudaharaadeyaashu siteen.

Guddoomiyaha gobollka Maroodi Maxamuud Ismaaciil Cilmi, ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay banaan-baxan. “Banaan-baxan balaadhan ee shacabka Somalilad sameeyeen waxa ujeedadiisu tahay in lagu taageero madaxweynaha go’aankii geesimada lahaa ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada, isaga oo u arkay kala qaadista labadaasi doorasho in ay dani ugu jirto guud ahaan qaranka Somaliland. Madaxweynuhu waa ka aynu u dooranay maslaxadda ummada iyo Qaranka Somaliland, mucaaridkana waxaan leeyahay waxaad sheegteen in aad tallada kala qaadista Madaxweynaha u dhiibteen markaa waa in wixii uu soo saaro aad ku kalsoonaataan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maroodi-jeex.

Maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Siciid Cabdi  Shiil oo ka mid ahaa dadkii warbaahinta la hadlay ee horkacayay Mudaharaadkan,  ayaa sheegay inay taageersan yihiin qaraarka  uu madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho kuna hambalyaynayaan  waxaanu yidhi “Madaxweyne, waanu kugu hambalyaynaynaa go’aanka aad qaadatay beesha caalamkanna waxaanu leenahay nagu taageera hadba habka iyo hanaanka aanu u shaqeynayo ee Madaxweynuhu go’aanka u soo saarayo markaa waa inaad nagula shaqeysaan inaanu aayahaga ka tashanno.”

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo isaguna ka mida sulaadiinta reer Somaliland ayaa sheegay ka sakow taageeradda go’aanka madaxweynaha inay sidoo kale ka soo hor jeedaan bayaankii beesha caalamku ku naqdiday in la kala qaado doorashooyinka wakiiladda iyo madaxtooyadda.  “Go’aankii beesha caalamka soo saareen waxaanu ku celcelinaynaa waanu diidnay arragtida caalamka.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac ayaa isagunan dadweynaha ku hambalyeeyay banaan baxan ay isugu soo baxeen waxaanu yidhi “Beesha caalamka waxaanu leenahay idinku nooma talisaan ee waxaanu leenahay Madaxweyne qaran, saddex gole qaran ayaanu leenahay Madaxweynaha Somaliland-na waanu ku ayidsanahay shacabkana waxaanu leenahay waad ku mahadsan tihiin.”

 Dhanka kale, banaan-bax kan oo kale ahi ayaa ka dhacay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaanay dadweyne tiro badani ay madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyeen tallaabada uu ku kala qaaday doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda. Waxay dadkii banaan-baxan ka qeyb qaatay oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshaddu ay sheegeen in madaxweynuhu uu ka jawaabay salluugii ay ka muujiyeen saami-qeybsiga doorashadda Baarlamaanka lagu gelayo. 

Dadweynaha reer Boorame waxa la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa sheegay inuu dadweynaha  gobolka la qabo  taageeradda ay u muujiyeen go’aanka kala qaadista doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda. “Sida banaan-baxan isugu soo baxdeen waan idinla qabaa aniga oo matalaya. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland go’aanka uu qaatay ee kala qaadista doorashooyinkana waaanu ku taageersanahay, Madaxweynuhu isaga oo innoo shaqeynaya doonayana inuu ka midha dhaliyo qadiyada iyo gooni isutaaga qaranimada Somalilland.”

Wasiirka Ganacsiga Oo Sheegay In Kala Xadaynta Ganacsigu Diyaar Tahay

Hargeysa(Warsugan) Dr Cumar Shucayb Maxamed, wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa iclaamiyay in si dhakhso ah loo kala xadayn doono ganacsiga kadib markii ay soo baxeen in dadka intii lacagta haysatay xuurtaysatay ganacsiga. Dadka alaabada soo dejiya ayaa yeeshay bakhaarada lagu rogayo, gaadiidka qaadaya iyo sidoo kale goobaha tafaariiqda u iibinaya, arrintaasi oo uu tilmaamay wasiirku in wax laga qabanayo.

Wasiirka oo shalay u waramayay telefishanka Star waxa uu sheegay in xeerkii kala xadaynayay ganacsigu horyaalla golaha wakiillada lana sugayo ansixintiisa “Waa dhibaato jirta in ninkii alaabta soo waariday tafaariiqdii iyo ilaa bakhaarkii yaraa ee hoose sii leeyahay. Waxa jirta shuruuc golaha wakiillada hortaalla oo ah kala xadaynta ganacsiga, sida ugu dhakhsaha badan ayay arrintaasi inooga fulaysaa, nin walbana wixii shaqadiisu tahay ayuu qabsanayaa, ninkii wax soo dejin jiray wuxuu ku eegaan soo dejinta, ninkii tafaariiqda iibinayayna tafaariiqdiisa ayuu ku eegaan, arrintaasi baarlamaanka ayay hortaal waanay dhammaanaysaa inshaa Allah,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay inuu wanaajinayo xidhiidhka wasaaradda iyo ganacsatada maadaama uu ku cusub yahay xilka wasaaradda, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay wasaaradda xidhiidh la yeeshaan.Waxa kale oo uu ugu baaqay inay dedejiyaan liisamada ka dhacsan cusboonaysiintooda, islamarkaana wakhtigii loo qabtay ugu soo celiyaan.

Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Horjeestay Mudaharaad Bulshada Somaliland Samaysay, Una Xagliyay Mawqifka Bulshada Caalamka

Hargeysa(Warsugan) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka soo horjeeda in la kala qaado doorashada wakiillada iyo tan madaxtooyada ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inaan laga horkeenin beesha caalamka. Xisbiga ayaa ka jawaabayay dibad baxyo  ka dhacay Hargeysa, Boorama iyo meelo kale oo bulshadu kaga soo horjeeday mawqifka beesha caalamka ka taagan tahay dib u dhigista doorashada wakiillada.

Waddamada dhinaca dhaqaalaha ka taageera doorashooyinka Somaliland ayaa ku goodiyay inaanay bixin doonin kharashka doorashada wakiillada haddii dib loo dhigo, waxaanay madaxweynaha ugu baaqeen inuu ka noqdo go’aankiisa, hase ahaatee xukumadda iyo bulshadu way ku gacan saydhay dalabka beesha caalamka, inkasta oo xisbiga Waddani la saftay.

Shir Jaraa’id oo xisbiga Waddani shalay ku qabtay xaruntiisa waxa uu kaga jawaabay dareenka bulshadu muujisay “Beesha caalamka isma hayno ee waxay ina leeyihiin sharcigiinu sida uu yahay ee nagula heshiiseen ee nagu hawl galiseen sidiisii u qabta, sidaasna anagaaba leh oo Waddani ah. waxa taagan doorashadii komishanku sheegay inay qaban karaan ee dhaqaalaheedii la hayay maxaa loo kala qaaday? Sharci ma tahay?“ ayuu yidhi Dr Maxamed Cismaan Fadal xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Waddani.

Isagoo sii hadlaya waxa uu ka jawaabay mudaharaadka bulshadu ku taageeraysay madaxweynaha “Haddii maanta dawladdeenii mudaharaad u qabanqaabiso in beesha caalamka la eedeeyo oo dadka lagu diro maxaa inoo hadhay?Dadkeenii haddii la jaahwareeriyo oo beesha caalamka lagu diro maxaa hadhay?Waxaanu leenahay dadkayagow beesha caalamka yaan la idinku dirin, iyagaa citiraafku ku xidhan yahay, iyagaa maalgashiga iyo baayacmushtarkeenu ku xidhan yahay, iyagaa ka wada shaqaynta ammaanku ku xidhan yahay iyaga ayay dimuqraadiyadda iyo dawladnimadeenu ku xidhan tahay,” ayuu yidhi Dr Fadal.

Xukumadda ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani hore ugu eedaysay inuu qayb ka yahay habsanka xeerka saami qaybsiga maadaama guddoomiyahoodu ku guul daraystay samayntiisa hase ahaatee Waddani wuxuu ku doodayaa in labada doorasho mar la wada qaban karo.

Ucid Iyo Xukumadda Oo Guddoomiye Cirro Ku Eedeeyay Inuu Ka Gaabsanayo Go’aankii Uu Xisbiyada La Qaatay

Hargeysa(Warsugan)Masuuliyiin ka kala tirsan xukumadda Somaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa xal la’aanta saami qaybsiga kuraasta wakiillada la xidhiidhiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,ahna hoggaamiyaha wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Eedahoodan ayaa ka dambeeyay markii xisbiga Waddani ka soo horjeestay dib u dhigista doorashada wakiillada, islamarkaana masuuliyadda dib u dhista dusha u saaray xukumadda iyo xisbiga Ucid oo ay tilmaameen inuu gacan saar la leeyahay xukumadda Kulmiye.

Wasiiru dawlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa tilmaamay in golaha wakiillada iyo hoggaanka saddexda xisbi qaran ku fashilmeen samaynta xeerka doorashada wakiillada, taasina madaxweynaha ku kalliftay inuu doorashada dib u riixo inta saami qaybsiga dib loo saxayo maadaama xeerkii doorashadii wakiillada 2005 ahaa mid mar kaliya la isticmaalay “Marka xeerkii laga sugayay golaha wakiilladu soo saari waayay ilayn kii hore hal mar buu ahaaye, ee hoggaankii saddexda xisbi ku heshiin waayay saami qaybsiga, waxay noqotay in madaxweynihii ay kallifaan oo yidhaahdaan wax alla wixii aad soo saarto ayaanu madaxweyne diyaar u nahay, isna markuu umaddiisa eegay ee haddalladii gobollada ka soo yeedhayay eegay, wuxuu yidhi taa saami qaybsigana aan dib u dhigano ta madaxtooyadana aan galno,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Geesta kale xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid, Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa xisbigiisa ka difaacay eedaha xisbiga Waddani uga yimid, islamarkaana sheegay in guddoomiye Cirro qayb ka ahaa dadaalladii fashilmay ee saami qaybsiga xalka loogu raadinayay sidaasi darteedna aanay haboonayn inuu hadda xisbigiisu diidma la soo istaago.

“Saddexda guddoomiye Xisbi; Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro waxay saxeexeen heshiis ah inay qaataan wixii madaxweynuhu ka soo saaro saami qaybsiga, sidaas ayaanu anagu ku qaadanay oo ay nagu eedaynayaan.Maaha guddoomiye Cirro inuu ka warwareego sida caadada u ah ee Somaliland oo dhan ku taqaan heshiisyada uu la galo axsaabta qaranka.Maaha markii koobaad ama markii labaad ama saddexaad ama afraad ee guddoomiye Cirro ka baxo heshiiska uu la galo xisbiyada kadibna uu soo diro inamada yaryar een waaya aragga ahayn ee aan aqoonta siyaasadeed lahayn,” ayuu yidhi Xoghaye Yuusuf.

Xoghayaha warfaafinta Ucid wuxuu guddoomiye Cirro ku booriyay inuu ka jawaabo mawqifkiisa ku aadan go’aanka madaxweynaha “Guddoomiyahoodu(Cirro) wuu nala galay heshiiska, haddaanu raali ka ahayn barri Tv-ga ha soo fadhiisto oo ha yidhaahdo ma ogoli, ha soo fadhiisto Cabdiraxmaan muxuu u gabanayaa ee kolba u soo dirayaa Uurcadde(Xoghayaha Waddani), guddoomiye soo fadhiiso saxaafadda oo caddee mawqifkaaga,” ayuu yidhi Mr Kayse.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland arrinta saami qaybsiga hor dhigay saddexda hoggaamiye xisbi ee Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaasi oo muddo kadib madaxweynaha ku soo celiyay iyagoon hal talo ku lifaaqin, islamarkaana saxeexay heshiis ah inay ku qancayaan go’aan kasta oo madaxweynuhu qaato. Inkasta oo aanu wali guddoomiye Cirro mawqifkiisa caddayn haddana madaxda sare ee xisbigiisu arrinta dib u dhigista doorashada wakiillada way ka soo horjeesteen.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo 11 Xubnood U Magacaabay Guddiga Sare Ee Jaamacadda Hargeysa

 

Hargeysa (Warsugan) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magacaabay guddiga sare ee jaamacada Hargeysa, kuwaas oo ka kooban 11 xubnood oo ka kala socdo Haya’ddo kala duwan. Guddiga ayaa waxa gudoomiye looga dhigay garyqaanka guud ee qaranka, halka gudoomiye ku xigeena ay ka noqon doonto Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed oo ah gudoomiyaha ururka Negaad.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Ku Qancay:                         In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;

 Markuu Arkay:                                  In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);

 

Wuxuu go’aansaday;

 

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

 

  1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
  2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed                                 Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
  3. Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
  4. Cali Cabdillaahi Daahir                                                 Madaxa ICT Commission-ka.
  5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud                                 Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
  6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid                                 Duqa Caasimadda Hargeysa.
  7. Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse                                 Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
  8. Maxamed Faarax Xirsi                                                 Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
  9. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.
  10. Cabdikariin Maxamed Iid                                                 Ganacsatada.
  11. Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.

 

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Oo Xog Waraystay Maareeyaha Dekedda Berbera

Berbera(Warsugan) Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa ee golaha wakiillada, ayaa shalay kulan la qaatay masuuliyiinta dekedda Berbera, waxaanay ka waraysteen arrimaha dekedda horyaalla iyo sida ay ula shaqaynayaan shirkadda DP World ee dhawaan lagu wareejiyay maamulka dekedda. Mudaneyaasha iyo maareeyeyaasha dekedda ayaa sheegay inay is afgarad ka gaadheen arrimihii la isla soo qaaday.

Guddoomiyaha guddida wakiillada ka socday xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sharaxay waxyaabaha ay ka waraysteen madaxda dekedda “waxaanu la kulanay maareeyaha iyo maareeye xigeenka dekedda, waxyaabo fara badan baanu iska waraysanay oo ku saabsan qaabka dekeddu u shaqayso, hiigsigooda mustaqbal, gaar ahaana iyadoo la filayo inay dhawaan hawshii DP World bilaamato, waxay nooga warameen waxyaabo badan oo ididiilo leh oo ku salaysan isbedelka weyn ee la filayo inuu dekedda ka dhaco marka DP World timaado, waxay nooga sheekeeyeen khibradda ay ka heleen intii ay shirkadda DP World hawsha la wadeen, waxaa kale oo muhiim ah in dekeddu tahay halbawlaha dhaqaale ee dalku leeyahay,” ayuu yidhi Mudane Naasir.

Axmed Yuusuf Dirir, maareeyaha dekedda Berbera ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen guddidan gudanaysa waajibkooda shaqo “ Shaqada qaranka ayaa hareeraha laga joogaa, markaa waanu soo dhawaynay guddidan hawshooda gudanaysa si fiicanna waanu ugu soo bandhignay wixii ay doonayeen, anagoo u sharaxnay wixii socda, waxaanu hiigsanayno iyo baahiyahayaga jira,” ayuu yidhi maareeyuhu.

“Reer Waddani Laf Bay Toobin Ku Qabteen, Waxaan U Arkaa Dhidar Onkod Kiciyay Inay Yihiin,” Jamaac Shabeel

Hargeysa(Warsugan)Guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa guddoomiye Cirro ku booriyay inuu u hoggaansamo heshiiskii uu la saxeexday hoggaamiyeyaasha xisbiyada. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland taladeeda u madax bannaan tahay, islamarkaana aanay beesha caalamku waxba u yeedhin Somaliland.

“Reer Waddani Laf bay toobin ku qabteen, waxaan arkaa inay Dhidar onkod kiciyay uun yihiin, sababtoo ah markii ay maqleen beesha caalamka ayaa madaxweynaha ugu baaqday inuu ka noqdo  go’aankii uu labada doorasho ku kala qaaday ayuun bay sidii dhidar onkod kiciyay soo yaaceen oo maxakamadda sare ayaanu wax gaynaynaa yidhaahdeen.

“Maxakamadda sare waxaa ka horreeya saxeexoodi baa yaalla, waxaa laga hayaa ka gonaansho (Inay qaadanayaan go’aanka madaxweynuhu saami qaybsiga ka soo saaro) markaa dee garan maayo inay saxeexoodii dafirayaan. Saxeex cad ayay xisbiyadu galeen oo Awood buuxda ayay madaxweynaha ku siiyeen in wixii uu dan moodo go’aan ku gaadho, markaa saxeexoodii ayaa horyaalla,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Waxa uu sheegay in guddoomiye Cirro laga hayo saxeex, balse uu u muuqdo mid ka warwareegaya u hoggaansanaanta go’aanka madaxweynaha maadaama uu ka maqnaaday maalintii wakiilladu ansixinayeen go’aanka madaxweynaha sidoo kalena maxakamadda sare uu u diray xoghayaha guud “Wuxuun buu ka dhigan yahay sakaaraddii saxarada muuqata aasaasaysay, waxaanse leeyahay madaxweyne ayaad u ordaysaaye waxaa lagugu qiimayn sidaad saxeexaga uga dhabayso, sidee barmaamijkaaga loo aaminayaa haddii aad saxeexagi dafirto,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Jawaabta Koowaad Ee Soomaaliya: Yuusuf Garaad

 

Afar qareen oo caalami ah ayaa maanta bixiyay Jawaabta Soomaaliye ee ku wajahan diidmada Kenya ay dooneyso in ay isku hortaagto in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay gasho kiiska muranka soohdinta badeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

Waxaa xusuus mudan in ay dacwadda badda ay marka hore Makxmadda u gudbisay Soomaaliya oo dalbtay in ay calaamadeyso soohdinta badda ee labada dal.

 

Kenya diidmadeeda waxay u cuskaneysaa waxyaabo ay ka mid yihiin in aan labada dhinac weli si miisaan leh uga wadahadal wakhti ku filan in ay xal ku gaaraan, taas oo ah waxa ay ku heshiiyeen markii ay 7-dii April 2009 ay Nairobi ku kala saxiixdeen Is-Afgarad.

 

Kenya waxaa dooddeeda ka mid ah in maanta waxa aan heshiis lagu ahayn ay dhici karto in mustaqbalka heshiis laga gaaro.

 

Jawaabta Soomaaliya waxaa maanta bixiyay afar qareen oo caalami ah. Waxaa u horreysay Dr. Mona Sharmaan, oo iyadu ah qareen Soomaaliyeed.

 

Sharmaan

Mona waxaa ay ku billowday magaca Eebbe.

 

Waxaa ay ka mahadcelisay abaalka ay Kenya shalay sheegatay in ay u gashay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay ciidammada dalkeeda ka jooga Soomaaliya. Waxaa kale oo ay u mahadcelisay dhammaanba dalalka kale ee Afrikaanka ah iyo kuwa kaleba ee gacanta siiya Soomaaliya.

Ka dib Mona waxay sheegtay in Soomaaliya ay maanta awood u yeelatay in ay xuquuqdeeda ay daafacdo iyada oo u mareysa nidaam caalami ah oo lagu xalliyo khilaafaadka. Xuuqdaas oo ay ka mid tahay xuquuqda badda iyo kheyraadkeeda. Maaddaama aan ka mid nahay ayay tiri dalalka adduunka ugu saboolsan, kheyraadka baddu waa hanti Qaran oo halbowle ah, aadna muhiim ugu ah horumarka mustaqbalka iyo xasilloonida dalkayaga. Waa kheyraad xaqiijin kara ayay tiri in horumarka dalkayagu uu ku sii socdo hab dadka Soomaaliyeed oo dhan faa’iido ugu jirto.

 

Haddana awooddii aan u heli lahayn in aan kheraadkaas ka faa’iideysanno iska daaye xataa in aan baarno oo aan ogaanno meesha laga heli karo waxaa naga hor taagan soohdin badeedda annaga iyo Kenya oo aan asteysneyn.

Mona waxay sheegtay in ay Soomaaliya is xakameysay, oo ay ka gaabsatay in ay wax howl ah ka fuliso aag badeedka ay Kenya muranka naga gelisay. Waxaa wax laga xumaada ah, ayay tiri Mona, in taas cagisgeed ay Kenya u dhaqantay sidii iyada oo aagga ay iyadu leedahay. Waxay heshiisyo la gashay sharikado shidaalka baara oo haddadaas ku guda jira baaritaan.

 

Soomaaliya aad ayay uga walaacsan tahay sida Kenya ay u wajahday arrintan ayay Mona ku tilmaantay waxayna raacisay in Danjire Kenyan ah oo shalay Maxkamadda ka hadashay ay Soomaaliya ku eedeysay in ay dacwaddan xumaan ula dan leedahay, welibana ay khiyaamo ku tilmaantay.

 

Mona waxay ku jawaabtay in ay nasiib darro tahay eedyenta noocaas ahi, isla markaasna aan xumaan lagu tilmaami karin in caddaalad caalami ah la isla hortago.

 

Maxkamadda kama dalbayo maanta, ayay tiri Mona, wax ka badan ama ka yar in ay asteyso soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India.

 

MoU – Soomaaliya iyo Kenya

Waxaa xigay Prof. Alain Pellet oo sida ay tahay u kala dhigdhigay una icraabay fasiraadda afka qaanuunka ee Is-Afgaradka ay gaareen Soomaaliya iyo Kenya, 7-dii April 2009.

 

Prof. Pallet, wuxuu sheegay in aan Is-Afgaradkaasi ahayn sida keliya ee lagu xallin karo khilaafka u dhexeeya labada dal. Welibana khasab ka dhigaya in xalka lala sugo soo jeedinta Guddiga CLCS ee Qarammada Midoobay oo ay labada dal mid waliba sida ay isaga la tahay u gudbiyay sheegashada soohdin badeeddiisa.

 

Paul Reichler ayaa isaguna qaatay oo ku caddeeyay in aan labada dhinac waa Soomaaliya iyo Kenya aan midnaba marnaba u qaadan in Is-Afgaradku yahay ama loogu talo galay in uu noqdo qaab loo raaco xallinta khilaaf.

 

Ujeeddada keliya ee laga lahaa Is-Afgaradku wuxuu ahaa ayuu yiri in CLCS uu u suurta geliyo CLCS in ay eegto soohdimaha labada dal ay sheeganayaan. Taas waxaa muujinaya markhaatina ka ah ayuu yiri sida ay labada dal u macaammilaan iyo sida uu Wasiirkii heshiiska u saxiixay Soomaaliya uu u macneeyay fahamkiisa.

 

Reichler wuxuu sheegay in heshiiskan oo ay diyaarisay Norway ay marka hore kala hadashay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, ka dibna ay Soomaaliya codsatay in cinwaanka wax laga beddelo. Waxaa la soo bandhigay email uu diray Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenku.

 

Marka la eego cinwaankii hore iyo midka hadda ahba waxay caddeynayaan in ujeeddada dokumentigaas loo kala saxiixday ahayd oo keliya in labada dal uu mid waliba Guddiga CLCS u gudbiyo soohdintiisa sida uu u arko.

 

Sheegashada Kenya ee ah in aan labada dhinac wadahadal, wuxuu ku tilmaamay in aanay sax ahayn.

Kulammada dhex maray Kenya iyo Soomaaliya mid ka mid ah oo ay Goobjoog ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo markaa xilka hayay uu weydiiyay dhiggiisa Kenya, Danjire Amina Mohamed, ilaa goorma ayay tahay in wufuudda labada dal sii wadaan wadaxaajoodkan kulul ee ay qoorta iskula jiraan iyada oo aanuu muuqan xal ay gaari karaan.

 

Wasiir Amina waxay jawaabteeda ku sheegtay in inkasta oo labada ergo ay mowqifyadoodu kala fog yihiin in haddana ay jeclaan lahayd in labada wafdi ay hal mar oo ah marka ugu dambeysa ay kulmaan si ay isugu dayaan in ay gaaraan xal saaxiibtinnimo.

 

Shirka saddexaad noqonna lahaa kan ugu dambeeya ee ama lagu heshiinayo ama dacwad looga gudbayo waxaa lagu ballamay in lagu kulmo Muqdisho. Wafdigii Kenya waa la waayay oo uu wuu imaan diiday. Isla markaana kuma soo wargelin Soomaaliya sababta ay uu uga baaqday shirka. Maxkmadda ayay Kenya shalay ka sheegtay sababta ay u maqnaatay in ay ahayd arrin amniga la xiriirta.

 

Reichtler wuxuu sheegay in maaddaama labada dhinac ay kala fogaadeen, xal aanuu muuqan, Kenya iyada oo aan fasiraad ka bixin ay ka baaqsatay shirkii ugu dambeeyay, in Soomaaliya ay go’aansato in ay dacwooto ma ahan ayay yiri sida Kenya ay ku tilmaantay deg deg iyo khiyaano toona.

 

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku wuxuu email uu u diray Danjiraha Norway uga mahadceliyay in ay qabashada how uu yiri waxay ahayd in aan annagu qabanno.

 

In Kenya ay dooneyso in ay soo nooleyso Is-Afgaradkii 2009, si ay isugu hor taagto sharciyadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay muujineysaa ayuu yiri in Kenya ay ku jirto xaalad adag, haddaanayba ahayn xaalad cakiran. Dooddan cusub ee Kenya wuxuu ku tilmaamay in ay tahay mid aan macna sameyneyn.

 

Haddii la rabo in mar kale la dilo fasiraadda Kenya ee Is-Afgaradka, waxaa la soo xigan karaa Qoraalka Diplomaasiyadeed ee Kenya ay u dirtay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay ku sheegtay in Kenya ay doorbideyso in ay arrinta ku xalliso wadaxaajood laba geesood ah oo heerka ugu sarreeya ah oo ay la gasho Soomaaliya si dhakhsa lehna u xalliso khilaafka. Paul wuxuu sheegay in taasi ay muujineyso in aan Kenya rumeysneyn in Is-Afgaradku yahay tabta loo raacayo xallinta khilaafka. Sababta oo ah Is-Afgaradka waxaa ku qoran keliya in wadahadal furmi doono ka dib marka CLCS ay soo jeediso bareeraheeda ku saabsan soohdinta labada dal.

 

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka saxiixsay Is-Afgaradku wuxuu sheegay in uu fahamkiisu ahaa in sababta uu u saxiixay ay tahay in Soomaaliya iyo Kenya ay u suurto gasho in uu mid waliba uu soohdimihiisa iskiis ugu gudbiyo SLCS.

Qareennada Soomaaliya waxaa hadalkooda soo gunaanaday Prof. Philippe Sands. Isaga oo hadalkiisa ku wajahaya Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda wuxuu yiri, waxaan rajeynayaa in aad aragto in Kenya diidmada hordhaca ah ee Kenya aad u aragto waxa ay tahay; waa in ay sii dheereyso xaalad aan caddaalad ku dhisneyn oo bilaa mada’ ah. Kenya waxay dooneysaa in ay dacwadda is hirtaagto si ay u furto wadahadal aan dhammaad lahayn, muhiimad looga qeyb galaana aanay jirin.

Qareennada Soomaaliya u dooday waxay u dhasheen Faransiis, Mareykan iyo Ingiriis.

Isu-geyn Qareennada Soomaaliya waxay tusaale u soo qaateen kiisas badan oo ah dacwado ay Maxkamaddani u qaadday dalal bad isku haysta. Mid kastana meel ayay tilmaameen uu kiiska Soomaaliya kala mid yahay dalkii ku guuleystay dacwad kasta oo ay tusaale u soo qaateen.

 

Dad Online farriimo iigu soo diray aad ayay ula dheceen sida ay Soomaaliya isu daafacday.

 

Mid ka mid ah wuxuu ii soo qoray “Sida aad isu daafacdeen aad iyo baa maqsuud looga yahay.”

Berri galab 16:30 wakhtiga Hague ayaa waxaa billaabanaya wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada Kenya. Waxaa diidmo afka ah mar kale soo jeedin doona ergada Kenya. Halkan kala soco habeen dambe haddii eebbe idmo.

 

Maraykanka Oo Ka Cadhooday Duqeynta Loo Geystay Gawaadhida Gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa cadho ka muujisay weerar lagu qaaday kolonyo siday gargaar bani aadamnimo oo u socday magaalada Xalab ee Suuriya, iyadoo gargaarkaasina uu ku wajahnaa dadka tabaalaysan ee ku sugan deeganadaasi.

Weerarka ayaa yimi  xili  saacado kadib markii dowladda Suuriya ay shaacisay in xabad joojintii isbuuca socotay ay dhammaatay, waxaana sidaasi ku bilaamay dagaal iyo duqaymo dhanka cirka ah, Qaramada Midoobeey ayaa waxa ay sheegtay in gawaadhida gargaarka ay duqeysay diyaarad dagaal.

Kooxaha u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in ugu yaraan 12 qof lagu dilay duqeynta,  Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in qalalaase siyaasadeed laga soo sheego guud ahaanba dalkaasi suuriya kaasi oo sii xoogaysanaya islamarkaana ku fidaya dalkaasi

Waxay u muuqataa in heshiiskii xabad joojintii ay gadhwadeenka ka ahaayeen Mareykanka iyo Ruushka uu burburay, duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic ayaa lagu warramayaa in lagu garaacay degmada mucaaradka ay maamulaan ee bariga Xalab.

Dagaal cusub ayaa sidoo kale wuxuu ka billowday qeybo kamid ah caasimadda ee Dimishiq, Mareykanka, Ruushka iyo dowlado kale ayaa caawa la filayaa inay xarunta Qaramada Midoobeey kaga wada hadlaan xaaladda ugu dambeysa ee Suuriya.

Hase yeeshee, sarkaal sare oo u hadlay Mareykanka waxa uu sheegay inaysan fileyn in heshiiskii xabad joojinta la badbaadin karo.

Akhwaan Muslimiin Oo Markale Ka soo Dhex muuqday Tartanka Doorashooyinka  Urdun

Doorashooyinka ka dhacaya Urdun (Jordan) Talaadada ayaa ku soo aaday soo noqodka Akhwaan Muslimiinta, oo ku yaraanaya meelaha kale ee Bariga Dhexe, Garabka siyaasadda ee ururka Akhwaan Muslimiinta, ee Islamic Action Front (IAF), ayaa ku tartamaya doorashada baarlamaanka ee wddanka oo dhan.

Dhammaan bartamaha Cuman, oo ay jidka oo dhan ay ku dhagan yihiin sawirrada doorashooyinka, musharaxiinta  ayaa aad looga arkaa, Meelaha dadka ay ku doodayaan magaalo madaxda, oo taageerada laga helo ayay ka helayaan taageerada ugu badan.

” Waxaan u malaynayaa tani waa soo noqosho wayn. Waxay noo suurto galisay inaan dib ugu noqono taageerayaasheena oo aan ugu gudbino siyaasadeena si cad oo la aqbali karo” ayay sheegtay musharaxa IAF, Dima Tahboub.

Markii hore IAF wuxuu ahaan jiray xisbiga mucaaradka ee Urdun, iyadoo uu taageeray Akhwaan Muslimiinta iyo barnaamijyada saboolka loogu talagalay, Laakiin waxay ka baxeen labadii doorasho ee baarlamaan ee ugu danbeeyay, kadib doorasho lagu murmay 2007-dii.

Isbadal lagu sameeyay doorshooyinka, ayaa la sameeyay hab xisbiyada ay helayaan kuraas hadii ay ka helaan codad badan deegaanadooda, taas darteed IAF ayaa doonaysa inay ka qayb qaadato doorashada, waqtiga adag, xisbiga ayaa aad ugu baahan inuu muujiyo muhiimadiisa, wuxuuna iska dhigayaa inuu yahay waddani iyo isbadal doon.

“Halkan Urdun waxaan leenahay tusaale looga qaybqaato siyaasada oo gooni ah” ayay sheegtay Ms Tahboub. “Dhaqdhaqaaq Islaam darteed waxaan ka mid nahay habka. Hadii aan ka harno tartanka doorashada waxaan ka mid nahay mucaaradka rasmiga”.

Sanadkii 2011-ka, Akhwaan Muslimiinta ayaa qayb wayn ka qaatay kacdoonkii Tunisia, Masar, Libya iyo Suuriya

Iyadoo ay ku baaqayaan isbadal si taxadar leh, ma aysan ka baxsan dhabarjab uga yimid gobolka markii Maxamed Morsi, oo ka tirsan Akhwaan Muslimiinta Masar laga riday xukunka.

Sanadkii hore, Akhwaan Muslimiintii asalka ahaa ee Urdun, oo jiray toddobaatan sano ka hor ayaa lagu dhawaaqay in la mamnuucay, xafiisyadoodiina waa la xiray, kadib markii dad ka baxay ay furteen urur cusub.

Laakiin, masuuliyiinta Urdun ayaa hadda rajaynaya in ka qayb qaadashada tartanka ee IAF ay kordhinayso dadka codaynaya iyo aqoonsiga.

“Dadka ayaa go’aan ka gaari doona inta qof ee matali doonta”, ayuu sheegay wasiirka arrimaha siyaasadda iyo baarlamaanka, Musa Maaytah.

” laakiin ma walwalsani, dowladda ma walwalsana. Waan ku faraxsanahay qof walba inuu ka qayb qaadanayo doorashadan”.

 

Waxaa isbadal la sameeyay laga arkayaa xisbiga IAF waqtiga ololaha doorashada, Iyadoo la sameeyay doorashada hab loo qoondeeyay kuraas dumarka iyo diimaha laga badan yahay, xisbiga ayaa ku daray liiska musharaxyadooda dad diinta kiristaanka haysta iyo dad u hadla.

Waxay la tartamayaan xisbiga cusub ee Zamzam, oo ka go’ay Akhwaan Muslimiinta, oo dhawaan sameeyay kulankoodii xisbiga ee waddanka oo dhan, oo sheegaya inay leeyihiin siyaasad gooni ah.

“Waan ka duwanahay kuwa kale. Waxaan raadinaynaa dowlad rayad ah, ma raadinayno dowlad Islaami ah”, ayuu sheegay Kamal Awamleh, ku xigeenka madaxa xisbiga ZamZam goloheeda maamulka.

“Diinta Islaamka waxay noo tahay wax aan aaminsanahay, laakiin Islam ma aha siyaasad. Diinta waa fiican tahay laakiin diinta wax kama qabanayso dhibaatooyinkeena nolol maalmeedka, sidii loo xalin lahaa dhibaatada dhaqaalaha iyo caafimaadka.”

 

Filinka Bridget Jones’s Helay Lacagtii Ugu Badnayd

Film ka lagu magacaabo Bridget Jones’s Baby ayaa noqday filinka qaatay lacagta ugu badan dalka isagoo qaatay £8.1milyan markii la furay Jimcihii.

Filinka ayaa ah kii saddexaad ee Bridget Jones iyo kii ugu horeeyay 12 sano tan iyo 2004 -tii.

Renee Zellweger and Colin Firth ayaa filinka ku jira, iyadoo dadkii daawaday ay sheegeen inuu fiican yahay.

Maalmihii la furay filinka ayaa qaatay siddeed jibaar filinka ku xigay ee lacagta badan qaatay oo ah Blair Witch oo galay kaalinta labaad. Wuxuu helay £959.000.

The Beatles, Eight Days A Week, oo ah dekumentari laga sameeyay taariikhda kooxda heesta ayaa gashay kaalinta saddexaad, kadib markii ay heshay £655,000.

Filimaanta ugu horeeya shineemooyinka UK

 

1. Bridget Jones’s Baby – (£8.1m)
2. Blair Witch – (£959,000)
3. The Beatles: Eight Days A Week – (£655,000)
4. Sausage Party – (£615,000)
5. Kubo and the Two Strings – (£599,000)

 

Obama oo Khudbad U Jeediyey Golaha Amaanka ee QM

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dunida ay tahay inay garowsato in isku furnaanshaha caalamka ee dadka isku keenay uu sidoo kale soo saaray dal daloolo badan.

Khudbaddiisii ugu dambeysay ee uu ka jeediyo kulanka guud ee QM isaga oo ah madaxweynaha Mareykan ahb, ayuu Obama  kaga hadlay burburka ku yimid bariga dhexe, isaga oo sheegay in bulshada caalamka uu madow badan hadheeyey.

Obama “Waxaan aragnaa in dalal badan ay aamusinayaan suxufiyiinta, caburinayaan mucaaradka, iskuna dayayaan inay maamulaan qulqulka akhbaaraadka” ayuu yidhi Obama.

Isagoo hadalkiisa sii wata “Kooxaha argagxisada waxay ay baraha bulshada u adegesanayaan inay baddalaan maskaxda dhallinyarada, ayna halis geliyaan bulshooyinkeena, ayaga oo abuuraaya carro ka dhan ah dadka muhaajiriinta” ayuu si raaciyey madaxweyne Obama.

Kulanka guud ee QM oo uu maanta furay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayuu ku baaqay in lasoo geba gebeeyo dagaalka Syria.

Dacwada U Dhaxaysa Kenya Iyo Somaliya Oo Gashay Maalintii Labaad

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee magaalada Hegue ayaa maanta maalintii labaad dhageysatay dacawadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Murankan oo mudo badan soo socday ayaa waxaa hada laysla tagay Maxkamada Caalamigaa ee Denbiyada taasi oo ay hada ka socoto Dacwadu waxaana lagu muranyahay xuduuda biyaha u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa shalay dhageysatay doodii Kenya, oo ku doodeysay in dib loogu noqdo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen sanadkii  2009-kii. Dacawaddana lagu dhameeyo wada xaajood.

Mucaaradka Jabuti Oo Ku Bahoobay  Dallad Mideysa

Qaar ka mid ah garabyada Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti ee USN ayaa shaley galinkii dambe ku dhawaaqey dalad cusub oo mucaarad ah oo loo bixiiyey AMAN.

Arintani ayaa timid kadib markii qaar kamid ah mucaaradku ay kulan ku yeesheen Jabouti ka sheegeen in tani ay tahay isbedel cusub, oo ay qabaan fikir ahaan inay ku samaysan karaan cudud iyo awood buuxda.

Dalladani cusub iyo sababaha loo sameeyey ayaa waxaa ka waramay  Cabduraxmaan Maxamed Geelle oo ahaa duqii hore ee Jabuuti iyo afhayeenka daladan cusub, waxaana uu shaxaraad ka bixiyey asbaahaha keenay inay aasaasaan dalladan islamarkaana ay ku haboohaan, waxaana uu mudnaanta sidii ujeedadu inay tahay sidii oo heli lahaa cudud balaadhan oo mucaarid taasi oo samaysa isbedel dhab ah.