Akhri Wararkii Maanta ee Wargeyska Warsugan Media Group

0
633

 

Qunsuliyadda Turkiga Oo Hagar-daamo Ku Haysa Shacabka Somaliland Iyo Wax Is-daba-marinta Fiisaha

“Cabashadaasi Way Jirtaa Oo Waa Laga Wadda Cabanayaa Qunsuliyadda. Goluhunna Xidhiidh Toos Ah Lama Leh Safaaradaha Dalka….”Baashe Maxamed Faarax

 

Hargeysa, 16 October 2019 (Warsugan)-Muddooyinkii u danbeeyey waxa soo baxayay cabashooyin is-dabayaal, oo ka soo yeedhay shacabka reer Somaliland ee dalku galka uga baahda qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay gudaha Somaliland, gaar ahaan Caasimada Hargeysa, balse maalinnimadii Axadii ayey wax-walba soo baxeen, ka dib markii Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Somaliland loo diiday dalku galka Turkiga oo uu  baahday inuu xaalad caafimaad ugu baxo, taa bedelkeedanna waxa uu kala kulmay in askar loo dhiibo oo la yidhaa dibadda dhiga.

 

Wargeyska Warsugan Media Group oo muddo ku daba-jiray xaq-jiinta warkan ayaa soo taabtay gunta iyo halka sartu ka qudhuntay iyo sida xaal yahay, waxaanu wargeysku diirada saaray siddii uu wax uga ogaan lahaa dhibaatadda dadka ka haysata dalku galka Turkiga.

 

Marka hore bal aynnu is-barbar dhigno Safaarada Ethiopia ku leedahay Somaliland iyo tan ay Turkigu siday u shaqeeyeen:- Safaaradda Ethiopia waa safaaradda ugu faca-weyn safaaradaha dalka ka hawlgala waana ta ugu nidaamka wacan marka loo eego kuwa kale, waxaanay ku shaqaysaa nidaam ah aan arko qofka oon qiimeeyo xaaladiisa ka dibna aan u diro wixii shuruud ah ee looga baahan yahay iyadoo marka horeba dadku barteen waxa laga doonayo oo ay hore ka soo qaataan, sidaasina lagu siiyo ama loo qabto muddo kooban oo aan muran ku jirin maalintay u gaadhana uu qofku ka qaato Fisaha dalku galka.

 

Su’aasha aynnu u soconaa ayaa ah sidee ayey u shaqaysaa safaaradda qunsulka Turkigu? Kow waxa ay safaaraddu qofka ku xidhaa in uu haysto warqad caafimaad oo ka soo baxday dalka Turkiga ama warqad degenaansho ama lahaansho guri oo lagu cadeeyey nootaayo, marka labaad waxa loo diraa warqada caafimaadka ee Somaliland, marka saddexaad waxa loo diraa warqada denbi la’aanta (CID), marka afraad waxa loo dirayaa inuu xisaab lacageed oo tiro badan ku shubo account uu isagu ku qoran yahay, marka shanaad waxa loo dirayaa inuu keeno qof damiin ah, marka lixaad waxa lagu xidhaa inuu keeno qof dawladda xilka haya, marka todobaad waxa lagu xidhaa warqad ka socota arrimaha dibeda Somaliland iyo dhawr waraaqood oo aan munaasib ahayn, balse ay xujo kaga dhigayaan dadka.

 

Haddiiba qofku intaaba soo buuxiyo haddana ma sahlana in uu si fudud ku qaato fisaha  dalku galka ee waxa uu la kulmaa diidmo iyo wakhti lumis iyadoo aad ku arkayso safaaradda horteeda dad xanuusanaya oo lagu sido baabuurta gargaarka degdega ah ama sariiraha la riixo oo haddanna ku odhanaya muddo ayaan halkan imanayey wax ka soo socdaana ma jiraan.

 

Waxa hadaba intaaba ka sii daran oo jirta isku xidhnaan la’aan ka jirta shaqaalaha Soomaalida ah iyo masuuliyiinta safaaradda, taas oo ah in qunsulku soo bixiyo Fisaha dal ku galka balse gacmo hoose ay marto oo suuqa lagu iibiyo qofkii lahaanna dibeda uun subax-walba soo fadhiisto oo marka uu ku caajiso labada lagu yidhaa iska tag maanta oo soo noqo, taasoo dad ka mid ahi soo tabteen sida aannu xogta ku helnay ama ay nooga warameenba dadkii ay ku dhacday ee markii ay wado kale u mareen qunsulka uu ugu jawaabay sowtaan bil ka hor ku siiyey miyaa soo noqotay.

 

Waxa  layaab ah in dadkan sugaya visa ee dibeda fadhiya ay ku dhex jiraan dad dilaaliin ah oo numberada ka qora dadkan dibeda fadhiya lana balama una sheega inay wado kale oo ka fudud u soo marin doonaan kana baxaan kiyuugan dheer, gurigana ay ugu keeni doonaan hadii ay bixiyaan lacag cadadkeedu ka bilaamo 2,000 oo doolar ilaa 6,000 oo doolar oo qofba halkii laga helo ah, dadkaasina waxa damiin u noqda dad ganacsato ah oo suuqa fadhiya ama meherado leh oo caan ah, si loo aamino inta ay ku keenayaan visa dalku galka ee laga waayey safaaradda kuwaas oo marka lacagta loo horumariyo qaybo ka mida deg-deg ku keena isla safaaraddii u diidayna uga soo qaada. Taas oo cadayn u ah musuqa iyo wax isdaba marinta ka jirta visa dalku galka ee ay bixiso qunsuliyadu.

 

Waxa kale oo Meesha ka baxay doorkii wasaaradda arrimaha dibeda oo ay ahayd inay sharci u kala samayso muwaadiniinta iyo safaaraddaha, iyadoo aad moodo in safaaradduhu kaba awood badan yihiin sharciga dalka oo ay siday doonaan ka yeelayaan muwaadiniinta u dhalatay dalka.

 

 

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, wuxuu sheegay inay soo gaadhay cabashadda shacabka reer Somaliland ee qunsuliyadda Turkigu ku hayso

“Cabashadaasi way timi oo horrenna way u jirtay oo waa laga wadda cabanayay qunsuliyadda. Goluhunna xidhiidh toos ah lamma leh safaaradaha dalka. Cabashadda waxaannu u gudbinaynaa wasiirka arrimaha dibadda oo wasiirka arrimaha dibadda ayaa u dhaxeeya dublomaasiyiinta. Marka cabashada waxaynnu u gudbinaynaa wasaaradda arrimaha dibadda.”Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax

 

 

Taliyihii Horre Ee Nabad Suggidda Soomaaliya Oo Taxay Dhibaatooyinkii Loo Geystay Somaliland

 

“Somaliland Waa Dalka Kaliya Ee Midaysay Soomaaliya, Cidda Soomaali Kala Dirtaynaa Waa Koonfur….” Sanbaloolshe

 

“Dadkii Dagaalka iyo Dhibaatadda U Geystay Somaliland Waa In Dembile Loo Aqoonsado….”

 

Hargeysa, 16 October 2019 (Warsugan)-Taliyihii horre ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya  Cabdillaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa xukuumadda Farmaajo ugu baaqay in maxkamad la geeyo dadkii dembiyadda ka galay Somaliland, sidoo kalenna la joojiyo heesaha guuloow siyaad oo aad uga xanaaqan dadka reer Somaliland, islamarkaanna Somaliland tahay  tii isu-keentay ummadda Soomaaliyeed.

 

Sanbaloolshe, wuxuu sheegay cidkasta oo dagaal ku qaaday Somaliland loo aqoonsaddo dembile dagaal.

Taliyihii horre ee Nabad Suggidda Qaranka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Somaliland waa dalka kaliya ee midaysay Soomaaliya, cidda Soomaali kala dirtaynaa waa koonfur. Somaliland inay maqnaato koonfurta ayaa masuul ka ah, marka Somaliland waa dad tashadday oo tamaraystay oo wixii dhex-doodda yaallay way dhammeeyeen, dannahooda iyo dadkoodda ayay maamulanayaan. Dad iyagu dhiigoodda xalaalaystay oo is-cunayaa oo waxba kala maqlayn ha u lug xidhnaadaan sax ma’ahaa.”Ayuu yidhi Sanbaloolshe.

 

Siddoo kale, Taliyihii horre ee Nabad suggidda Qaranka Soomaaliya wuxuu sharrax qoddobo muhiim u ahaa Somaliland oo lagu waajihii karro waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya”Dagaalka lagu qaaday iyo dhibaatadda loo geystay waa in dembiyo dagaal loo aqoonsaddo oo koonfurta Soomaaliya raali-gelin bixiso. 2-In alle iyo inta dembi ka gashay ee la yaqaanno ee waqooyi dembi ka gashay waa in la soo maxkamadeeyaa. 3-waa in magaaladda muqdisho laga qaadin guuloow Siyaasad. Nimankaasinna ma maqli karraan guuloow Siyaad.” Sidaa ayuu yidhi Sanbaloolshe

 

Go’aanno Ka Soo Baxay Guddida Caddaaladda Oo Isugu Jira  Xil-ka Qaadis, Isu-bedel, Dallacsiin Iyo Digniin

 

Hargeysa, Somaliland 16 Oktoober, 2019 (Warsugan) – Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray go’aanno isugu jira magacaabis, beddelaad, dallacsiin, ansixin Guddoomiyeyaal, garsoorayaal, digniin, aqbalaad shaqo-ka-tegis ah  iyo shaqo-ka-saarisba ah, kuwaasoo saamayn ku yeeshay ilaa 45 xubnood oo isugu jira garsoorayaal iyo guddoomiyeyaal ka hawl-gala qaybaha kala duwan Maxkamadaha hoose ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Go’aanno ka soo baxay fadhi ay Guddida Caddaaladdu ku yeesheen Caasimadda Hargeysa shalay oo nuqulo ka mid ah soo gaadheen saxaafadda, waxa ku cad in arrintani ay si gaar ah u saamaysay Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Gobolka Hargeysa, Degmada Hargeysa, Degmada/Gobolka Gabilay, Gobolka Sanaag, Degmada Ceerigaabo iyo Maxkamadda Degmada Gar-adag oo loo dhiibay Guddoomiyeyaal cusub, halka sidoo kale ilaa toddoba degmo oo cusub loo sameeyey Maxkamaddo, kuwaasoo kala ah; degaannada Qol-ujeed, Allaybaday, Gumburaha, Go’da-weyn, Fara-weyne, War-idaad iyo Laasa-dawaco.

 

Waxa kaloo go’aannada ka soo baxay Guddida Caddaaladda Somaliland ku cad in la dallacsiiyey Garsoorayaal muujiyey shaqo-wanaag, halka qaar kale oo shaqooyinkooda salluug iyo cabashooyin laga muujiyeyna hoos loo dhigay shaqooyinka ay ka hayeen Garsoorka, iyadoo xubno ka mid ahna laga saaray shaqada garsoorka, qaarna loo diray digniin, halka sidoo kale xubno si ku-meel-gaadh ah xilal Guddoomiye iyo garsoorenimo hayeyna shaqooyinkaas si rasmi ah loogu ansixiyey.

 

Go’aannada ka soo baxay Guddida Caddaaladda Somaliland oo loo cuskaday qodobbada dastuurka ee 107-aad, farqaddiisa 3-aad iyo qodobka 108-aad, isla markaana ay sheegeen inay eegeen danta guud ee caddaaladda Somaliland, waxay u qornaayeen sidan;

 

Qodobka 1-aad: magacaabis Garsoorayaal

  1. Muuse Cabdi Xuseen waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ah.
  2. Xasan Axmed Maxamed waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ah.
  3. Khadar Maxamed Diiriye waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Hargeysa ah
  4. Bashiir Cismaan Cigaal waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Hargeysa ah.
  5. Aadan Maxamed Faarax waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Hargeysa ah.
  6. Maxamed Cabdi Aadan waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada/Gobolka Gabilay.
  7. Shabcaan Cabdi Yuusuf waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Allaybaday ah.
  8. Axmed Aw Cabdi Dubbad waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gumburaha
  9. Sheekh Cabdisalaan Maxamed Abokor waxa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Degmada Boorama
  10. Khadar Siciid Bulaale waxa loo magacaabay Garsoore ah Maxkamadda Degmada Boorama.
  11. Maxamed Cilmi Sabban waxa loo magacaabay Garsoore ah Maxkamadda Degmada Qol-ujeed
  12. Idiris Ibraahim Ducaale waxa loo magacaabay Garsoore ah Maxkamadda Gobolka Saaxil
  13. Cali Ismaaciil Xaaji Aadan waxa loo magacaabay Garsoore ah Maxkamadda Degmada Laasa-dacawo
  14. Nuur Axmed Oday waxa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Degmada Burco
  15. Yuusuf Maxamed Xuseen waxa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Degmada Go’da-weyn.
  16. Cabdillaahi Saalax Cabdi waxa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo.
  17. Cabdicasiis Cabdillaahi Bare waxa loo magaacabay Garsooraha Maxkamadda Gobolka Sool.
  18. Sayid-Daahir Cabdillaahi Xaaji Cabdi waxa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Degmada War-idaad.
  19. Cabdillaahi Muuse Axmed waxa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex oo ah diwaan-hayaha hantida ma-guurtada ah.

Qodobka 2-aad: Beddel Garsoorayaal

  1. Jaamac Yuusuf Geelle waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex.
  2. Idiris Maxamed Maxamuud waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex
  3. Idiris Maxamed Muuse waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna loo beddelay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex.
  4. Xasan Qorane Cali waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex.
  5. Cabdikariin Cumar Cabdi waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/degmo Gabilay, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex.
  6. Khadar Ibraahim Jaamac waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Deg/gobol Gabilay
  7. Samiir Axmed Cabdillaahi waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Degmada Hargeysa, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
  8. Faarax Maxamuud Abokor waxa laga beddelay Degmada Hargeysa, waxaanna loo beddelay Gobolka Maroodi-jeex.
  9. Ilyaas Daa’uud Ibraahim waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Degmada Hargeysa, waxaanna loo beddelay Garsoore Degmada Berbera
  10. Sakariye Maxamuud Shirwac waxa laga beddelay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Saaxil.
  11. Guuleed Daa’uud Axmed waxa laga beddelay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna loo beddelay Maxkamadda Gobolka Saaxil.
  12. Cabdi Faarax Ibraahim waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay.
  13. Cabdi Axmed Xasan waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay, waxaanna loo beddelay Maxkamadda Gobolka Togdheer.
  14. Maxamed Baashe Xuseen waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Degmada Dila.
  15. Maxamed Salaan Muxumed waxa laga beddelay Maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Degmada Faraweyne.
  16. Jaamac Cawil Aadan waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Gar-adag, waxaanna loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag.
  17. Cali Sidiiq Xaaji Faarax Jaamac waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag, waxaanna loo beddelay Garsooraha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Saaxil.
  18. Salaad Muuse Jaamac waxa laga beddelay Garsooraha Maxkamadda Degmada Ceel-afweyn, waxaanna loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Gar-adag.
  19. Siciid Cali Xasan waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo, waxaanna loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Sanaag.
  20. Maxamed Axmed Olol waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Degmada Ceerigaabo, waxaanna loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo.

Qodobka 3-aad: Shaqo-ka-saaris

  1. Maxamuud Cabdi Cabdillaahi oo ahaa Garsoore Maxkamadda Racfaanka Hargeysa, waxa laga saaray shaqadii garsoorka.
  2. Ibraahim Xaaji Jaamac oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gobolka Togdheer, waxa laga saaray shaqadii Garsoorka.

Qodobka 4-aad: Aqbalaad Shaqo-ka-tegis

  1. Axmed Dalmar Ismaaciil waxa laga aqbalay codsigii shaqo-ka-tegista.

Qodobka 5-aad: Ansixin Guddoomiyeyaal iyo garsoore

  1. Cabdi Qawdhan Cabdi waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna lagu ansixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
  2. Yaxye Xuseen Yuusuf waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanna lagu ansixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa.
  3. Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, waxaanna lagu ansixiyey Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Go’aankan waxa soo saaray Guddida Caddaaladda oo kala ah; Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Aadan Xaaji Cali Axmed, Maxamed Cumar Geelle, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Sheekh Cabdillaahi Maxamed Cismaan, Cabdirisaaq Maxamed Xarbi iyo Jimcaale Maxamed Xaashi.

 

“Dariiqa Ay Somaliland Aqoonsiga Ku Raadinaysay Waa Khalad Iyo Qardo-Jeex…” Xildhibaan Kijaandhe

 

 

Hargeysa, 16 October (Warsugan)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa soo jeediyay in Somaliland ay dib uga noqoto dariiqii hore ee ay mari jirtay aqoonsi raadinta, kaasoo uu ku tilmaamay mid khaldan oo qardo-jeex ah.

Xildhibaan Axmed Kijaandhe, wuxuu ku baaqay in qabto shir lagaga tashanayo sidii wax looga bedeli lahaa dariiqaa hore ee ay Somaliland ku socotay 28-ka sannadood ee ay jirtay.

 

Xildhibaan Kijaandhe, oo hadal ka jeediyay fadhigii Shalay  ee Golaha Wakiiladda waxa uu ka warbixiyay shirka Baarlamaanadda Wadamadda Barwaaqo sooranka oo bishii hore uu kaga qayb galay dalka Uganda.

Wuxuunna Xildhibaan Kijaandhe  sheegay in shirkaasi ay ka soo qayb galeen xubno Baarlamaan oo ku dhaw shan boqol ilaa kun ruux.

 

Islamarkaanna ururaddaas ku midoobeen  53 wadan oo adduunka tirsan, isla markaana wadamadaas Baarlamaanadoodu shirkaasi isugu yimaadaan.

 

Xildhibaan Kijaandhe oo arrimaha sharraxay wuxuu yidhi “Waxaannu tagnay dalka Ugaandha si ay  qaybgelan shir lagu casuumay oo ahaa Baarlamaanadda barwaaqo sooranka. Shirkaas oo ahaa mid aad iyo muhiim u ahaa oo ka mid ahaa ururadda ugu waawayn ee la isugu yimaado aduunka kuwa ugu waawayn, oo ay ka soo qaybgeleen xubno Baarlamaan oo ka badan inta u dhaxaysa shan boqol ilaa kun. Wuxuu ahaa ururka barwaaqo sooranka kuwoodda ugu waawayn ee halka ka dhaca. Ururkaasi runtii waa urur taariikh  dheer leh, waxaanna ku midoobay ilaa 53 dal oo adduunyadda ka tirsan Baarlamaanadoodda ayaa isugu yimaadda.”Ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe waxaannu hadalkiisii sii raaciyay ”

 

“Dariiqa ay somaliland aqoonsiga ku raadinaysay waa khalad iyo qardo-jeex ay haysay ee ay ku doonaysay Somaliland 28-kii sannadood ee danbeeyey ictiraaf inay dib ugu noqoto oo way khaldantahay oo uu qarda-jeex uu ahaa, oo la qabto shir wadda-tashi ah oo loo marayo ictiraafka Somaliland.”Ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe

 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo Sheegay Inuu Xisbiga Waddani Hakiyey Xubintii Komishanka Cusub

Hargeysa, 16 October (Warsugan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax baa ka hadlay warqadda cabashadda ah ee xisbiga Waddani ku hakiyey xubintiisii ka mid ahaanshaha Komishanka Doorashooyinka, kadib markii cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo xubin ka mid ahayd koomishankii horre.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in loo soo gudbiyey toddabadii xubnood ee komishanka doorashooyinka, islamarkaanna uu Goluhu ka gudan doonno waajibaadkiisa sharciga ah.

 

Guddoomiyuhu isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waraaq waxa soo qoray Xisbiga Waddani uu ku hakiyey xubinnimadiisii uu cabashanna ka muujiyay. Marka waraaqdaasi way nasoo gaadhay oo waxay ka cabanayaan laba xubnood oo ay leeyihiin waxay ka tirsan yihiin xisbiga Kulmiye, gabadhunna waxay ka mid ahayd gudidii horre, marka cabashadaasi way jirtaa, oo toddobaddii  xubnoodba waannu haynaa.” Ayuu yidhi Gudoomiye Baashe

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  ayaa hakiyay xubintii ay dhawaan u xusheen in ay ku darsadaan guddida cusub ee doorashooyinka cusub.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Komishanka Doorashooyinka cusub u soo Magacaabay Marwo Kaltuun oo ka mid ahayd Komishanka Wakhtigiisu dhamaaday, Mustafe Dhawal iyo Cabdirashiid Riyo-raac.

Mustafe ayaa la sheegay inuu mar ahaa Xoghayaha Golaha Wasiirrada, halka Cabdirashiid Riyo-raacna uu Wasiiru-dawle ka soo noqday noqday Xukuumaddii Kulmiye ee uu hoggaaminayeyMadaxweyne Axmed-Siilaanyo.

 

 

Diiradda Wargeysa: Iskaa Wax U Qabso Iyo Horumarka U Dal Gaadhsiiyo

 

Waddamada horumaray ee laga sheekeeyo waxqabadka ay la yimaadeen dhaqaale hadii ay noqoto, waxbarasho, caafimaad iwm waxay ku gaadheen wadajir iyo tawfiiq.

 

Waddamadaasi oo deegaanadooda iyo dhulalka ay ku nool yihiin ku gadaaman yihiin duruuf qalafsan sida baraf inta badan ku jooga iyo hawo qalafsan, isla markaana waxay waayahaasi adag kaga dabaasheen dadaal iyo adkaysi.

 

Somaliland 1991kii tan iyo xilligii ay gobanimada kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Somalia ee hagaastay rubuc qarni iyo dheeraad gaadhaya waxay ku talaabsatay horumar la taaban karo, isla markaana waxay samaystay haykal dawladeed oo dalal badan oo caalamka ah ay kaga horaysa dhinacyo badan.

 

Hadaba mushkilada reer Somaliland haysata waa maxay? Wax kale maaha ee waxa weeyaan waa dad inta badani aanay fahamsanayn waajibaadka saaran iyo ka dawlada laga rabo inay qabato.

Waa ummada hadal uun ka shaqaysa balse garan la’ muruqoodu in meesha ay u dhaqaaqaan wax ka qaban lahaa baahiya ay u baahan yihiin, wax kastana waxay odhanayaan maxay xukuumadu waxaa u qaban wayday.

 

Barnaamijkii iska wax u qabaso waa barnaamij muhiim ah oo dal horumar gaadhsiiya, waxaana xusid mudan  xilligii dawladii milatariga ahayd ee Somalia la hirgeliyay barnaamijkaasi oo faa’iido wayn laga gaadhay.

 

Shacbiga Somaliland iyo xukuumadihii soo maray iska wax u qabso afweyne ayay u naceen, arrintuna sidaa maaha, iska wax u qabso ummada lahayd ee Siyaad Barre ma lahayn.

Xukuumada talada haysa ee u hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa laga raba in barnaamijka Iska wax u qabso dalka laga hirgeliyo, kaas oo dalka gaadhsiin kara wax qabad horumar laga gaadho dhinacyo farabadan oo nolosha lagama maarmaan u ah, haday noqoto waddooyin, dhismayaasha dan guud iyo dhaamam xilliyada jiilaal cadaadiga iyo abaaraha dad iyo duunyaduba kaga samato baxaan.

Sidoo kale xukuumadu waa inay wacyigalin badan dadka ku dhiiri galisa iska wax u qabso, isla markaana ka faa’iidaysa muruqa dhalinyarada wax ay qabtaan garan la’a ee hotelada hor yuurura.

 

 

Abwaan Cabdi Muxumed Aamiin waxa maskaxdiisa ka soo maaxday hees u dhalinyarada ku wacyi galinayo wax qabsiga waxaana midhaheeda ka mid aha:

Dhulka qotaay dheeman baa laga dhuraaye

Dhibtooda oo dhexda xidha ilaasha danta

Dhaqaalaheenu ha dhuroobe

Dhalinyahay nimaan dhididini ma dharga’e

Dhaqaaqa, Muruqa dhuuxa dhalinyahay.

Hadaba ummada reer Somaliland oo xaaladeed wakhti xaadirkan marayso fadhi ku dirir, dhagax haddii meel laga qaaadayo waa xukuumadu maxay u qaadi wayday la xasuusinaya inay fadhiga ka kacaan oo dadaal sameeyaan, kaas oo uu ugu horeeyo hirgelinta barnaamijka iska wax u qabso

 

 

Somaliland: Dirawal Wasiir Oo Toogtay Qof Shacab Ah

 

Berber, 16 October 2019 (Warsugan)-Dirawalka Wasiirka Waxbarashada Somaliland, ayaa Shalay  nin shacab ah ku toogtay deegaanka Tuulada Dhubato, nin shacab ah oo waday mid ka mida Baabuurta waweyn ee marayey Jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa, Xili Wasiirku safar ugu sii jeeday dhinaca Gobolka Togdheer.

 

Dhaawaca ninka shacabka ah baa lagu dawaynayaa Cusbitaalka Dacar-budhuq sida uu warbaahinta sheegay goobjooge ku sugnaa goobtu dhaawacu ka dhacay. Dirawalkii Wasiirka ee bastoolada ku dhaawacay ninkan shacabka ayaa lagu xidhay Saldhiga Degmada Laasgeel, waxaanna labadoodaba xalay loo soo qaaday dhinaca caasimadda Hargeysa.

Weftigii Wasiirka oo xiliga ku sugan Magaalada Berbera ayaa gaadhigisii si ku meel-gaadh ah, waxa loogu dhiibay Dirawal ka mida shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Saaxil.

 

 

Ururka Midnimadda Somaliland

 Oo Lagaga Dhawaaqay Dalka Ingiriiska

 

London 16 October 2019 (Warsugan)-Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa isugu yimi kulan aad u ballaadhan oo lagu daah-furayo urur lagu magacaabbo ururka midnimadda  Somaliland.

 

Kulanka waxa ka soo qayb-galay Salaadiin, Cuqaal iyo Aqoonyahanno ka soo kala jeedda Magaaladda London iyo dacalladeedda. Kulanka waxa sharraxay Aqoonyahannaddii ka soo qayb-gelay kulanka lagu shaacinayay ururka midaynta Somaliland  “Ururka midaynta Somaliland waxa loo aas-aasay oo macnihiisu waxa weeye isu-duubni waddareed. Umadda Somaliland waa in ay isu-duubnaata min cidhif ilaa cidhif.”

 

 

“Dareenkaasi markii uu yimi, waxaannu garanay in meel la isugu keenno reer Somaliland oo dadka samaha jecele isugu yimaadaan.” “Ninkii midnimadda Somaliland iyo nabadgelyadeedda iyo degannaanshaheedda ka horyimaadda, haddii uu wacyi-gelinta ku waantoobi waayo waa inaynnu si kale shaqo uga qabno oo aynnu waddanka daafacno.” Guddoomiyaha ururka Midnimo ayaa gaba-gabaddii khadka skype-ka ka soo galay dalka Australia.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maraykanka Oo Xayiraad Saaray Wasiiro Turkish Ah

Washintong, 16 October 2019 (Warsugan)-Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil sare iyo dhowr Wasiir oo Turki ah, taas oo Mareykanka uga fal-celinayo howlgalka Miletari ee uu Turkigu ka wado waqooyiga Suuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isla markaasna ka codsaday in heshiis xabad joojin ah la gaadho, sida uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.

Pence wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u safri doono gobolka si xaaladda loo dejiyo.

Sida ay sheegtay wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu, iyo Wasiirka Tamaarta Fatih Donmez.

Xubnahan ayaa la xanibay hantida ka taalla Mareykanka, waxaana la mamnuucay in wax xidhiidh maaliyadeed ah lala sameeyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadinaya dowladda Turkiga inay joojiso hawlgalka ay ka waddo Waqooyiga Syria, wuxuuna qorsheynayaa inuu Ankara u diro wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, si ay mas’uuliyiinta dalkaas ula yeeshaan wada-hadallo lagu xalinayo xaaladda.

Tallaabooyinka Trump ayaa ka dambeeyey dhalleeceyn xooggan oo uu la kulmay toddobaad kadib markii Aqalka Cad uu ku dhowaaqay in Turkiga ay ku dhaqaaqayaan hawlgalkooda ka dhanka ah Kurdiyiinyta Mareykanka ka taageeray dagaalka Daacish.

Trump ayaa Isniintii telefoonka kula hadlay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan iyo Jeneral Mazloum Kobani, oo ah madaxa jabhadda SDF ee ciidankeeda badankood ay yihiin Kurdiyiinta.

Mareykanka ayaa sare u qaaday canshuurta la saaro biraha Mareykanka looga soo dhoofiyo Turkiga, wuxuuna hakiyey wada-hadallada heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 bilyan oo dollar oo uu la lahaa Turkiga.

Dhinaca kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuu toddobaadka soo socda u safri doono magaalada Brussels, si uu gaashaanbuurta NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ugu cadaadiyo cunaqabateen ka dhan ah Ankara.

 

 

Ka Daa Dhallanteedka Dhaqankeenna

Soomaalidu waa dad ku nool Bariga Afrika, waa dad xoolo dhaqato ah,isla markaan ka yimi nolosha miyiga, Waa dad reer guuraa ah noloshooduna ku tiirsan-tahay xoolaha iyo wax-soo-saarka dhulka.Waa dad ku abtirsada diinta Islaamka. Sidaa daraadeed qiyam-ka ummadann iyo dhaqankeeddu waxay isu-fal-galeen si aada. Waxayna dhaqanka iyo Diinta ay heystaan oo Islaam ah noqdeen qaar isu milma.

Soomaalidu waxay ka mid tahay umnadaha adduunka tirad yar ee 100% Islaam sunni ah, Hase-yeeshee ka dib guumeysigii Soomaalida waxaa soo galay dhaqamada reer galbeedka kuwaas ay soo qaadeen dad Soomali ah oo muddo ku noolaa Deegaanadaa kuwaas oo aynaan isku dhaqan iyo isu Diin midna ahayn, taana waxaa u daliila waxaad maalin walba arkaysaa waxyaabo dhaawacaya dhaqankeena wanaagsan ee soo jireenka ahaa.

Tusaale ahaan, waxaa maalim walba soo badanaya goobo loogu magac daray dhaqanka Soomalida, laakiin aanay jirin wax u raaca magacaa ay sitaan mooyaane wax kale, Taa badalkeeda lagu soo bandhigo arrimo aan dhaqan ahaan u wanaagsanayn ummadan meesha ku nool iyo Diin ahaanba. Waxaan rabaa in aan wax yar ka iftiimiyo ama kaga hadlo Mawduucaygan oo aan ugu magic-daray ama aan ugu yeedhay “Ka Daa Dhallanteedka Dhaqankeenna” kaas oo aan kaga hadli doono goobo dhowr ah oo sita magacyo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida, Balse u isticmaala si aan wanaagsaneyn, innagoo mid mid u qaadaa dhiggi doona goobahan, kuna baraarujineynna in ay is-waafajiyaan Magacyada ay sitaan iyo waxyaabaha mudan in laga helo ama ay soo bandhigayaan.

Sidaa daraadeed waxaan rabaa in aan maanta ka hadlo goobta loogu yeedho Xarunta Dhaqanka kuna taala Magaalada Hargeysa, isla markaana aan soo bandhigo  arrimo badan kuwaas oo aan u arkay in ay u baahan-yahiin in laga hadlo loona iftiimiyo dadka, iyadoo diinteenuna inna fartay in lays faro wanaaga, xumaantanna la iska reebo si loo daqabo diinteenna wanaagsan.

Waxaa dabayaaqadii bishii 7/2019 ay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ay marti qaaday nin u dhashay wadanka Batiswana ee badhtamaha qaarada Africa oo magaciisa la yidhaahdo Donald Molosi  kaas oo ah qoraa una ololeeya ama u dhaq-dhaqaaqa dadka isku jinsiga ah, kaas oo lagu martiqaaday si uu u soo bandhigo film uu sameeyey oo la yidhaado “We Are All Blue”. Waxaa iyanna hore u jiray dadyoow kale oo sidan oo kale u ololeeya dadka isku jinsiga ah oo ay xaruntanni marar badan ku soo dartay dadka ka qayb qaadanaya bandhigyada ka dhaca goobtan. Waxaa wax aad looga xishoodo ama la yaab ah in dad boqolkiiba boqol Islaam ahi ay oggolaadaan in dalkooda ay yimaadaan dad noocan oo kale ah, wallow ay dadka qaar u arkaan in ay dawladu ka gaabisay arrintan, taa badalkeedanna ay waxba kama jiraan ku tilmaantay dareenka dadka qaar, kuna sheegtay in ay ku tahay goobtan in sumcada lagaga dilayo. Waxaase  maalin iyo habeen sida fiinta uga qeyliya arrintan soo noqnoqotay dadyawga ku nool Magaalooyinka Somaliland, waxaa maalin walba lagu soo hadal qaadaa meelaha ay bulshadu ku kulanto, waxaa jimce walba ay waddaadu masaajidada ka jeediyaan Khudbaddo kala duwan. Iyagoo dawlada u dira codsiyo kala duwan kuna baraarujiya in arrintan oo kale ay ka dhalan karto caawaaqib xumo mid adduunyo iyo Aakhiraba laga dhaxli karo, haddii aan hawshan si wada jir ah wax looga wada qabanin.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah Abwaanada dalku ay ka muujiyeen dareen aan wanaagsanayn arrintan, kaas oo ay gaadhay in qaar ka mid ahi gaadhsiiyeen arrintan illaa heer Maxkamadeed, kaas oo Abwaan ka mid ah Abwaanada ku nool Magaalada Hargeysa uu muujiyey Dacwada ka dhan ah goobtan, Isla markaana uu ku baraarujiyey shacabka in ay garab istaagaan, meelnna looga soo wada jeesto wixii dhaawacaya Dadka iyo Diintaba.

Waxaa iyana ah wax aan la qaadan karin in goobo sida magaca dhaqanka ee Soomalid ay haddana ay ka socdaan wax aan meelna ka soo galin dhaqanka ay ummadanni leedahay iyo ka Diinta Islaamkaba.

Waxaan xasuusta habeen aan ka qayb galay mawduuc loogu yeedhay caqabadihii ay soo martay Somaliland 25 sanno ee ugu dambeeye(Somaliland Reflextions For The  Past 25yrs), sida ka muuqata ciwaanka khubadda waxaan muhiim ah in la qeexo marxaladihii kala duwannaa ee ay soo martay Somaliland iyo siyaasadihii kala dambeeyey ee ay soo martay. Waxaan xasuustaa habeenkaa waxaa joogay dad aan ku qiyaasay 150 oo qof waxaa iyana joogay dad  badan oo Ajenib ah kuwaas oo isugu jira caddaan iyo madowba, ku darsoo khadbaddu waxay ku baxaysay afka qalaad ee Englishka, waxaase ka sii yaab badan markii uu bilaabay khubaddii  nin isu sheegaya Prof uu ku Ibo-furay eray aan aad ula yaabay ilaa haddana aan is-wayddiiyo oo u dhignayd sida(Mr Jonson Has Been Jailed). Taas oo ay macnaheedu tahay ninkaa hebal waala xidhay, waase yaabe waxaa mar qudha sacab dheer iyo qosol wada jiibiyey kooxdii caddaanka aheyd ee meesha fadhiday, taa bedelkeedda waxaa iyana yaab iyo amakaag is-eeg-eegay dadka intii kale ee Soomaalida aheyd kuwaas ay ku adkaatay macnaha ereygan dad gaar ahi ay u sacabiyeen ee haddana aan Af-soomaaliga aheyn. Habeenkaa aad ayaan u yaabay waxa ka socda meesha.

Guntii iyo gunnaanadkii mawduucayga waxaan ku soo af-meerayaa tix-yar oo gaaban oo ka mid ah Maansadii DABA-HUWAN, Alle cimriga iyo caqliga ha u siyaadiyee Abwaankii waynna ee Ummadda Soomaaliyeed Abwaan Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Aduunyadu Waa Daryeel

Daryeela Wixii Ku Nool

Dadbey Magantiisa Tahay

Daymiyo Garashey Rabtaa

Hog Loo Dayobey Rabtaa

Dawgeeda Hadaan La Marin

Daliil Rabbi Looga Dhigin

Deynkeeda Waxaad Guddaa

Mar Aanad U Daafad Heyn

Ninkii Dabikeeda Gala

Dibey U Xasuusisaa

Digniina Horoo Badanaa

Qallinkii Iyo Wadda-jirkii

Kamaal Iyo Cabdifataax