AKHRISO:- Liiska Madaxda Heerka Caalami ee ka qeyb galaya Caleema-saarka M/weyne Farmaajo…

0
493

Guddi ka kooban sideed xubnood ayaa loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Guddiyada loo magacaabay caleemo saarka ayaa ka kooban lix Giddo oo mid waliba uu guddoominayo Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee xilka sii heysa, iyadoo guddi waliba

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajao ayaa 8-dii Febraayo lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Mudaddaas kadib wuxuu xarun ka dhigtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkasoo xarun KMG ah ay u tahay.

Madaxda lagu casuumayo xafladda caleemo saarka Farmaajo ayaa la sheegay inay ka mid yihiin madaxda dalalka IGAD marka laga reebo Ereteria.

Waxaana lagu wadaa inay Muqdisho yimaadaan:

M/weynaha Jabuuti, ismaaciil cumar geeli

M/weynaha Kenya Uhuru kenyaata

R/wasaaraha Itoobiya, Heilamariam

madaxweynaha Uganda Yuweri Musafani.