Al-Shabaab Oo Fagaare Ku Toogtay Nin La Sheegay Inuu Sixiroole Ahaa

0
266

Gelinkii dambe ee shalay koox Al-shabaab ayaa deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen nin lagu eedeeyay inuu Sixiroole ahaa.

Al-shabaab ayaa dadweyne badan isugu geeyay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacayay, si ay u daawadan xukunkaas oo lagu fuliyay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Sidiiq Xuseen oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ninkaas ayaa waxaa Shabaabka ay sheegeen inuu dadka ku dhibaateyn jiray sixirka, isla markaana uu qirtay in falkaas muddo sannado ah uu ku shaqeysanayay, sida lagu sheegay Qoraal lagu faafiyay baraha khadka ee Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa hore rag lagu soo eedeeyay inay Sixiroole ahaayeen waxaa ay ku toogteen deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada Soomaaliya, sidoo kalena hore u toogtay rag kale oo arrimo kala duwan lagu eedeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here