Alaba: Carruurnimadeydii waxaan jeclaan jiray Arsenal

0
344

Xiddiga Bayern Munich David Alaba waxa uu sheegay in uu koray isaga oo taageeraya Arsenal oo ay Champions League-ga isku beegmeen.

Labada dhinac waxa ay isku aadeen saddex jeer afartii olole ee ugu dambeeyey, Bayern waxa ay badisay saddex lixdii mar ee ay kulmeen halka ay wareega xiga u gudbeen inta jeer ee ay bug baxda isku fara saareen.

Alaba gool ayuu dhaliyey kulankii ay Bayern laba cad uga dhigtay Arsenal Allianz Arena, ciyaar  ku soo dhammaatay 5-1.

Waxa uu Bild u sheegay: “Aniga ahaan, kulanka Arsenal mar walba waa wax qurux badan maxaa yeelay ciyaalnimadeydii waxa ay ahayeen koox aan jeclahay!

“Ka ciyaaridda London waa cajiib –  sida Allianz Arena oo kale.”