Albaabadii Wada-hadal Lagu Dhammeeyo Khilaafka KULMIYE Oo Xidhmay Iyo Ifafaalaha Kala Miir-dilaaca Waayaha Cusub Xisbiga

0
476

Albaabadii Wada-hadal Lagu Dhammeeyo Khilaafka KULMIYE Oo Xidhmay Iyo Ifafaalaha Kala Miir-dilaaca Waayaha Cusub Xisbiga

Hargeysa(warsugannews)- Iyadoo laba maalmood oo kaliya ay innaga xigaan wakhtiga loo cayimay shirka Golaha Dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE, ayaanay wali jirin fursado waan-waan lagu dhammeynayo kala qeybsanaantii xisbigaasi.

Sidoo kalene, ma jiraan wax ergo ah oo ka baxsan gudaha xisbiga oo dhexdhexaadin ku dayay khilaafka KULMIYE oo xamaasadiisu ladh iyo dareen taban ku beertay taageereyaasha KULMIYE iyo axsaabta mucaaridka ah oo ka cabsi qaba in khilaafka xisbul-xaakimku sabab u noqdo in doorashooyinkii isa saarka ahaa ee Golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda ee loo cayimay 28-ka Bisha March 2017-ka uu dib u dhac ku yimaado inta kala xayntaysanayaan siyaasiyiinta KULMIYE.

Waxa ugu dambeeyay dhacdooyinka khilaafka KULMIYE in Guddidii uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan u magacaabay inay hubiyaan diiwaan-gelinta liiska Golaha dhexe, ay iyaguna madaxweynaha iyo warbaahinta hor-dhigeen warbixin ay ku sheegeen inaanu jirin wax madmadow ah oo shaki dhalin kara oo ay ku soo arkeen baadhitaanno ay ku sameeyeen habka kaadhadhka loo siinayo xubnaha Golaha dhexe ee ka qeyb-galaya shirka lagu wado inuu Salaasadda toddobaadkan ka furmo Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa. Inkasta oo hore isbahaysiga Murrashaxiinta ee ka kooban Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Kijaandhe Iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay sheegeen inaanay guddigani dhex noqon Karin maadaama oo siday ku doodeen aan laga tallo-gelin iyaga, isla markaana Guddigu u badan yihiin saraakiil dawladeed oo Madaxweynaha ay fikirka iskaga soo horjeedaan u shaqeeya.

Ifafaalaha illaa imika muuqdaa waxa weeye in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo murrashax madaxweyne ah iyo Hoggaanka xisbiga qeyb ka mid ahi ay nidar ku mareen inaan shirka dib loo dhigi Karin oo uu wakhtigiisii ku qabsoomi doono.

Sidoo kale, lama garanayo in saddexda murrashax ee la loolamaya Guddoomiye Muuse Biixi ay ka qeyb-geli doonaan shirka Salaasadda furmaya iyo in kale. Waxaanay dadka siyaasadda rog-rogaa ay saadaaliyeen inay u badan tahay inaanay ka qeyb-geli doonin haddii aan wax laga qaban cabashooyinkii ay soo jeediyeen oo imika u muuqda qaar aan labadaas maalmood ee shirka ka hadhay xal lagaga gaadhi Karin.

Waxa kale oo xusid mudan in Guddoomiyaha KULMIYE inkasta oo uu marar badan warbaahinta ka sheegay inay ka go’an tahay in khilaafka la soo afjaro oo uu miis la fariisto murrashaxiinta ku eedeynaya inuu afduubay shirka, haddana ma jiro wax ficil ah oo uu u qaaday jawi dhalin kara in wada-hadallo u furmaan murrashaxiinta loolanku ka dhaxeeyo.

Khilaafka xisbiga KULMIYE waxa uu noqday mid u eg in dhammaan fursadihii wada hadalku xidhmeen oo xalku noqon doono in maalinta Salaasadu ay noqoto saacadihii uu qaraxa khilaafka KULMIYE kala miir-dilaaci lahaa.

Mawduuca khilaafka xisbul-xaakimku waxa uu laba bilood ku dhowaadkii la soo dhaafay ahaa sheekada loogu hadal haynta badan yahay goobaha bar-kulanka bulshadda. Waxaana ra’yul caamka bulshaduna dareenkoodu la kala safan yihiin dhinacyada ku hirdamaya murrashaxnimadda madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga u matali doona doorashada madaxtooyadda ee fooda innagu soo haysa.

Waxa dadka qaar ay ku adkaysanayaan in KULMIYE uu u bilaabmi doono hirdan xisbigu iskula dago, halka qaar kalena ay aaminsan yihiin in soddomeeye xisbi yahan uun ay albaabka dhaafi doonaan, kuwaasi oo iskugu jira murrashaxiin iyo masuuliyiintii dawladda iska casilay.

Waxa iyaduna huursan oo khilaaf aad u adagi ka dhex qarxi doonaa murrashaxnimadda madaxweyne Ku-xigeenka oo ay isku hayaan laba ka mid ah beelaha darafyadda. Waxa tartanka ugu xamaasadda kulul ee xubnaha golaha dhexe ku kala qeybsan yihiin isku wajihi doona Madaxweyne Ku-xigeenka wakhtigan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku lammaan Muuse Biixi Iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo lammaane la’aan bartamaya, waxaana laga war-wer qabaa in khilaafka ka dhasha natiijooyinka shirka Salaasaddu uu dhabaha u xaadho khilaaf dhaliya kala qeybsanaan saamaysa beelaha gobollada Awdal Iyo Sool/Buuhoodle, oo kii laga adkaadaaba uu xamaantiisa ka urursado xisbiga ugu weyn Somaliland ee KULMIYE.

Xigasho Gudgudenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here