Andy Carroll oo sameystay ilaalo cusub kaddib tuugadii mootada ku ceyrsatay

0
336

waaxa qoraya yaasir br

Dhaliyaha West Ham Andy Carroll ayaa shaqaaleysiiyay ilaalo cusub kaddib cabsi soo wajaday mar ay mooto ku bursadeen tuugo dooneysay inay dhacaan.

Carroll ayaa sheegay in niman mooto wata ay baabuurkiisa ku soo dhawaadeen iyadoo uu mid u amaanay saacadiisa qaaliga ah ee ku fadhisa 28,000 oo bound.

Xiddiga reer England ayaa intaa kaddib sheegay inuu u mahad celiyay ninkii amaanay saacadiisa balse ay ku xigtay inuu ku yiri soo fur saacada isagoo  qori ku soo taagay, balse ninka dheer ma uusan yeelin warkaa oo inta muraayada dalacday la cararay baabuurkiisa waxayna eryanayeen 15 ilaa 20-daqiiqo, balse ugu dambeyn wuu ka baxsaday.

Cabsidaasi soo wajahday kaddib 27-jirka ayaa sameystay ilaalo cusub si uu oga fogaado inay markale qabsato arrimaha ceynkaa oo kale ah.