Anshax-Xumooyin Ugub ah!

0
509

Anshax-Xumooyin Ugub ah!
Gu’yaashii u dambeeyay nolosha ummadda soomaliyeed guud ahaanba waxa lasoo darsay is bedello waaweyn oo kala dambeeyay, waayahooduna kala gadisnaayeen. Waxa lagu tilmaamaa qaar kamid ah inay ahaayeen amase yihiin kuwo lagu hirto halka in kalana aan la mahadin. Wax khasaare ahi majirto wax wal oo dhacaaba waa gallad Eebe oo faa’iido door ah ayuun bay xanbaarsan yihiin.

Kasoo bilaw waagii guumeysigu uu yimi qaaradda Afrika oo ay ku yaalaan dhulalka ay soomaalidu dagto idilkoodba, gaar ahaan geeska Afrika. waxa soo kala guumeystey guumeystayaal kala gadisan oo qoloba dhaqan iyo caadooyin u gaar ah ay la guurayaan. waagaa Soomalidu waxay u badnayd reer miyi oo magaalooyinku sidan imika u cammiran yihiin uma camirnayn haddana dadaal adag oo muruq iyo maskaxba leh ayaa lagu bixiyey sidii looga takhalusi lahaa gumeysigaa hadheeyay, ILLAAHAY mahadi ha uga sugnaatee lagu guulaysay in aragoodii la iska fogeeyo laakiin waxa ilaa hadda aan ka suulin ruuxdoodii oo ay innagaga dhex tageen. Intii ka dambaysay waxa bilaabmay is bahaysiyo hor leh oo lagu midaynayo magaca soomaalinimo balse raadadkii ay reer galbeedku innagaga tageen awgood waxa dhacday in aynnu innagii isku uur samaan wayno oo la is dulmo, taasi oo ina dhaxal siisey inuu dab ka aloosmo hadba dhinac oo cid sii babbisa mooyee cid damisa lawaayey. Ummadduna iyadoo wada soomaali ah haddana majirto cid u diideysa inay wadamo kala duwan yeeshaan bil masal carabi ciidaasay ka badan tahay magacuna waa kulmiyaa haddana inta waddan ee ay ka kooban yihiin lagaaga warami maayo.

Haddaba dagaaladaa soo wajahay waxay saamayn weyn ku yeesheen hab nololeedkii guud ahaanba bulshada oo waxa loo qaxay dhulal shisheeye ha uguba dhawaato Itoobiya, Kiiniya; ilaa Yurub, Mareykan iyo Ustareeliya cagaha lasaarey.
Barakacyadaa kadib waxa soo food saaray ummadda soomaliyeed idil ahaanba is bedel dhaqan oo hor leh, ilbaxnimo iyo jahlinimoba jaad kasta ha noqdeene, balse waxaan qalinka la dul istaagaya maanta ujeedada iyo nuxurka qormadan oo ah inay aad iyo aad bulshada waayadan danbe ugu soo badanyaan dumarka balwada leh amaba aynu shaaca ka qaadnee (Dumarka cuna Qaadka, caba sigaarka, nuugana badeecada amaba shiishada).

Sidaynu laabta iyo hiyigaba ku hayno hooyadu waa tiirarka u waaweyn ee ay bulshadu ka dhisanto waa meesha kaliya ee illaahey sokadii barbaarta gacanta ku haysa. Haa, cidina ma diidi karto in aabuhu quutal daruuriga u keeno ubadkiisa iyo reerkiisaba, balse akhlaaqdooda, nadaafadooda, kobcintooda iyo korintooda toona wax badan kama oga qaarna maba ogaba, iyadoo ay aad ugu mashquulsanyihiin waayaha shaqooyin iyo hawl maalmeedyo ee ku gadaaman.
Haddaba markaynu u kuurgalno xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaska ay hooyadu u beeni-baxday cunista maandooriyahaa iyo sidoo kaleba balwadahaa kale ee cibaarada leh. Waxa aan la dafiri karin inbadan oo kamid ah guryahaasi inay gun iyo baar isku dunsan yihiin, ubadkiina ay baaba’ iyo balanbal ku sugan yihiin oo masaariiftii loogu talagalay in lagu quudiyo caruurta yar yar gurigana lagu dayac tiro waxa loo leexiyey dhinac kale oo aan dhib mooye dheefiba kasoo naaso cadeyn.

Iyana waxaan meesha ka maqnayn halista caafimaad ee ay keeni karto, oo dhaawac weyn u gaysanaysa hooyada iyo haddii ay ilmo qaadaba, sida ay cadeeyeen cilmi baadhisyo caafimaad oo tiro badan, nuugista sigaarka iyo shiishadu waxay saamayn weyn ku yeeshaan ilmaha ku jira uurka hooyada oo ay badiyaaba sababaan inay u keenaan dhimasho amaba naafo halis ku keenta cunugaa iyo mustaqbalkiisaba. Xaaladaha u badan ee dhicisku (waa ilmaha oo soo dhaca iyadoon shinkiisii gaadhin) waxay lasoo darsaan hooyooyinka qabatimay isticmaalka maandooriyayaasha, sidoo kalena waxey hooyooyinkaasi la kulmaan halis dhimasho, xaalada dhalmada oo uu ku dhufto xanuunka loo yaqaano dhiig-karku oo la ogaaday in uu salka ku hayo sababo badan, hawguba badnaato qabatinka maandooriyayaashaasi.

Dhanka kale waxaa nabaad guurta oo meesha ka baxda naxariistii, beer-jileecii, damqashadii iyo kalgacalkii hooyo lagu garan ogaa, oo waxaad arkeysa ilmo yar oo gaajo la il-daran oo hooyadii oo labiska kii u danbeeyay xidhan ay sii dhaafayso. Naxariis darro dheh! Waa hooyo beerkii, wadnihii iyo maskaxdiiba laga badashay. Alle ha soo hadeeyee.
Taasina waxa ka dhalatay in ilmihii uu ku koro nacayb iyo daryeel la’aan isna aannu hadhaw waxbaba shu,asysan oo nolosha meel khaldan iyo wado xun ka abaaro, layaab ma leh oo kalgacal iyo wax toosiyaba muu helin, amaba uu nolashaba uu naco falalka ay hooyadii ku kacayso awgeed oo uu markasta isku dayo inuu bulshada ka dhuunto kana dheeraado goobaha bulsho isku aragto, oo caaqiibadeedu noqoto inuu ku danbeeyo waali.

Waxbaba may ahaateen hadday intaasuun hawshu ku eegtahaye waxa kaaga daran xishoodkii iyo xayadii sideedaba waa laga xayuubiyey haweenkaa oo rag, dumar, caruur, ciroole iyo cidnaba kay lahadlayso maba kala garanaysid. Waa u qaylo iyo qawdhan uun, waxey dhibco badan ka sitaan xaga shaxaadka oo ay qof walba waydiinayaan waxoogaagii maanta lagu fadhiisan lahaa, iyo qaar kamidoo foolxumo kasta ku dhacaya si ay u helaan waxoogaa yar oo lacag ah.

Waxaasoo dhanba waxa meel iska dhigay anshax-xumooyinka kale ee aan tirade lahayn ee soo wajahay bulshada iyo iyadoo mararka qaar ay kuguba noqoneyso u qaadan waa, af-kala-qaad, amakaag iyo dhabano-hays, oo waa xaajo inagu uguba oo aynaan dhaqan iyo caado toona u lehayn ceebna ka aheyd agteena in la arko dumar tuugsanaya amaba dawarsi usoo tafaxaytey oo kadin walba tuman, laga yaaba inaad arki jirtey lakiin waxey ahaayeen dadka inooga yimaada wadamada jaarka sida itoobiya oo kale.

Waxa iyana aan marnaba maskaxdeyda ka bixin falalka foolxumada leh ee ay qaarkood ku sameeyaan gawaadhida ay siiqaadista(Lift) waydiistaan oo sharaftii iyo maamuuskii ka xayuubisay haweenkii lagu ogaa dhawrsoonida iyo xishoodka aan xadka lahayn ee aan marnaba loo ogoleyn iney lugeeyaan amaba haddii la arko hooyo jidka banaanka ah lugeynaysa aanay marnaba dhici jirin in ay baabuurtu ku dhaafdhaafto halkaas. Se imika ay bac ka qaadeen dadkii iney cid ba u gargaaraan oo ay sababteeda leedahay dhacdooyinka ciida iyo camaarka ka badan ee ay kala kulmeen dumarka qaar oo ah kuwa caadeysta balwadahaa kala duwan ee aynu kor kusoo xusnay, kuwaasoo qofka ku dirqiya inuu siiyo amaba bixiyo lacag haddii kale ay masiibo meesha ka dhici doonto diidana iney kaba degto baabuurkaa.

Yeelkeedee tani dhacdaye masiirka umadda falalkaasi ay muquuniyeen ee ay waliba xawliga balaadhan ku soconayaan maxaa ay ku danbeyn tolow, Mooji! Se maxaa gundhig u ah oo sababaya iney heer intaa leeg kor ugu kacaan sanadahii udanbeyey?

ALLAA-MAHAD-LEH

Mahad Gaara
Cabdishakuur Axmed Cabdi (Raage)
Asma Cabdi Jaamac

W/Q: Hibo Ciise Maxamed (Basbaaso)