AQOONSIGA SOMALILAND WAA XASILOONIDA IYO DEGENAANSHAHA MANDAQADDA GEESKA AFRIKA

0
390

AQOONSIGA SOMALILAND WAA XASILOONIDA IYO DEGENAANSHAHA MANDAQADDA GEESKA AFRIKA’’’’ Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

Somaliland waxay ku taalaa mandaqad colaado badani saameeyeen oo ilaa wakhtigan

La joogo gubanaysa mandaqadaha colaaduhu saameeyeena waa soomaaliya iyo itoobiya oo

Weli colaadoodii taagan tahay ama ay socoto,itoobiya iyo eleteriya oo colaad aad u xuni

Dhexmartay welina ay is hor fadhiyaan,soomaaliya iyo Kenya oo aan isku wanaagsanahayn

Marka laga hadlo dhinaca Shacabka ama isu gudubka xuduudaha,somaliya oo dhexdeeda

Ka jiraan jabhaddo ama hogaamiyaal kooxeedyo qolo waliba hubkeeda haysato isku dhac

Haddii uu bilaabmo ay halis noqonayso iyo Ururada Islaamiyiinta Al-shabaab oo somaliya

Inteeda badan gacanta ku haya welina awoodoodii milateri,dhaqaale,siyaasad iyo isku

Duubni ay dhisan tahay oo aynu idaacadaha ama tv-yada ka maqalno ama ka daawano

Yagoo gudaha Kenya ka dagaalamaya ha noqoto Suuqwaynihii caanka ahaa ee west mall

Ee ku yaalay caasimadda Kenya ee Nairobi,waxaa kaloo soo raaca weeraro badan oo ay

Gudaha Kenya ka fuliyeen ha noqoto magaalooyinka mandheera,wajeer iyo magaalooyinka

Xeebta ku yaala,haddana wadamada afrika waxay noqdeen afku dhiiglayaal aan caqli

Lahayn oo aan garanayn habkee bay soomaaliya colaaduhu kaga dhamaan karaan,habkee

Baa ugu haboonoo xasilooni iyo nabad buuxda lagu heli karaa??

Wadamada Afrikaanku xaqiiqada dhabta ah ee nabad lagu heli karo way garanayaan,

Balse waxay ka door bideen inay ka ganacsadaan Ciidamadooda loogu talo galay inay

Wadamadooda difaacaan mustaqbalna yeeshaan in askarigii colaada somaliya ku dhintaba

Magtiisa ay qaadato wadanka uu ka soo jeedo madaxdooda lana gaadhsiin eheladooda

Magta inaankooda,ama aabahood ama walaalkood.

Soomaaliya waxay nabadgelyo buuxda ku helaysaa oo ay noqon kartaa wadan xuduudihiisa

Soo xidha Wadamada reer galbeedka oo aqoonsada Somaliland sababtoo ah Amisomta

Afrikaanka ee Soomaaliya la keenay dani uguma jirto soomaaliya oo cagaheeda isku taagta

Sababtoo ah waxay ka doorbidayaan Mashruucan ay heleen ee ay ka taajireen .

Balse Somaliland oo aqoonsigeeda laga warwareego waxay keenaysaa in colaadaha

Somaliya iyo Yemen ka socdaa ay saamayn ku yeeshaan oo mandaqadda geeska afrika

meeshii ugu xasiloonayda ay noqoto gobol gubanaya ama colaaduhu saameeyaan oo

Ay ururada ISlaamigu ay xarumo milateri ka furtaan sida Ururka DAACISH,AL-QAACIDA IYO

AL-SHABAAB ,ururadaasina ay shacabwaynaha Somaliland ka helaan dhalinyaro milyan ku dhowaada

Oo ay ciidamo ka dhigtaan Marinta BAABUL MANDABNA uu noqdo goob ka caagan maraakiibta

Caalamka iskaga Gooshta isu socodkii baduhuna ay xidhmadaan.

Wadamada Afrikaanku in badan yagoo ay wadamadoodii baylah ka yihiin dhinaca dib u dhiska,

Caafimaadka,Biyaha,Waxbarashada iyo Xasiloonida ayey haddana cadaadis diplomasiyadeed

Ama cadaadis siyaasadeed ay ku hayeen Somaliland si aan loo aqoonsan,laakiin wakhtigan

La joogo Wadamada Reer Galbeedku xanuunka ugu wayn ee ka haysta geeska afrika hadda ayey

Xaqiiqaddii ogaadeen oo ay garoowsadeen oo ay intaas ka hadlayaan Barlamaanadoodii,Shacabkoodii

Iyo Siyaasiyiintoodii oo ay Runtii ku soo noqdeen oo ay habeen iyo maalinba ay leeyihiin Somaliland

Oo wadamada reer galbeedku aqoonsadaan waa furaha ,xasiloonida Soomaaliya,Afrika iyo Bariga

Dhexeba .

Waxaa Xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)

La gudboon inuu sida ugu dhaqsaha badan uu cagihiisa ku tago Barlamaanka Midoowga yurub,

Barlamaanka Maraykanka oo uu khudbad qiimo leh oo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka hadlaysa

Iyo sida ay dani ugu jirto inay danahooda ilaashadaan kuna dhiiradaan aqoonsiga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here