Aqoonyahan Dr. Saeed Sheikh Mohamed Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland

0
637

Aqoonyahan Dr. Saeed Sheikh Mohamed Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland

“Haamaha Shidaalku waxay la mid yihiin Bakhaarrada ka furan Berbera ee la kireeyo” Wasiirka Beeraha. Waxa sida yidhi Dr. Maxamed Aw Daahir, Wasiika Beeraha Somaliland.

Anna waxan leeyahay, Alaylehe waad iska hadashay. Qore Dr. Saeed Sheikh Mohamed
Waaiir madaama aad Dr. ka horeysiisay magacaga, aqoon waxaad ka gaadhy shacaadadii ugu saraysay ee ay jaamacdi bixiso kaamana filaayo in Dr. tahay tii reer xamarka. Hadaba waxan kugu boorinayaa marka u horaysaa inaad Alle ka yaabto oo aad run ka sheeto wax welba waxa ka jira. Marka labaadna wasiirnimada ha eegine, waxad ka xishootaa maqaamka aqooneed. Bakhaarada waxa la haan jirey hay’adii dawlada ee ay INGI ka mid ahayd, waqtiigii xukuumadii militariga ahayd ay ku maamulaysay wadanka dhaqalaha xidhan (Planned economy). Waqtigaa waxa la dhigi jiray alaab ay dawladu leedahay oo dadka loogu talagaly in laga iibiyo, ama la kaydiyoba. Madama Somaliland qaadatay dhaqalaha furan (market economy) xukuumadu hawl ay ku qabsataa umataal. Sida awgeed sidii ugu haboonayd ayey xukuumadu yeeshay, bakhaaradu ilayn xidhnaan maayaane, oo way kiraysi. Bakhaaradu hadda lacag bay soo saaraan, waanaa hanti dawaladu leedahay oo marka loo baahdo xukuumadu adeegsan karto. Hanti istratiijiyana maaha.

Hamaha shidaalku waa marka hore sida kaydka shidaalku istraatiiji u yahay ayey haamuhun istraatiiji u yihiin waanaa inay Xukuumadu gacanta ku hayso sababahan awgeed: —
1) Waxa laga maarmaan ah in xukuumadu indhaha ku hayso oo si dhaba oo joogta ha ugu war hayso nooca shidaalka lagu shubaayo, xadiga ku jira maalin walba, dayac tirkooda iyo blaadhin tooda.

2) waa il dhaqaale oo sandkii soo geliya wadanka US$25 million, waana la kordhin karaa hadii loo dadaalo.
3) Berbera waxay ku taalaa meel straatijiya oo mustaqbal ka dhaw noqon kartaa goob dhexe (regional distribution point) oo aduunydu shidalka ka qaadato sida Singabour oo kale.

4) Cida lagu wareejinaya lacag bay haystaan mooyee laguma soo xulin aqoonta farsamo ee ay u leeyhin maamulka haama (Engineering, Marketing, join venture, corporate management, stock management, International business of petroleum products) intooda badanina waxa laga yaaba inaanay maqal waligood security stock.
5) Hadii laga maarmi waayo in shirkad gaar ah laga dhigo (privatization) waxa loo bahan yahay in loo maro dawga aay leedahay (privatization procedures) oo ay ugu horayso in hantida la qiimeeyo, la qiyaaso suuqa ay leedahay ee hadda jira iyo ka mustaqbal jiri kara (sida sooqa Ethiopia) iyo macaashka ay soo saarto hada iyo ka ay mustaqbalka soo saari karto, dabadeetna saamiyo laga dhigo oo la xaraasho.

6) Sharci tilmaamaya majiro koox iyo qof kaga xaqle cid kale oo muwaadiniin ah oo doonaaya inay saamiyo ku yeeshaan haamaaha iyo hantida badan ee kale ee la iibiyey ama la iibin doono.
7) Hantida dawlada ee iibka loo dhigo, dad koo dhami way u simanyihiin. kumana tala meelnaba in hanti umadeed cid gaara loo xidho.
8) Sharciga islaamka iyo sharciga aduunyada kale ee suuqa xorta ah, meelaba kagama taalo wax hoos loo kala ibsadaa. Haday dhacdana iibkaasi waa xaaraan, la gumana dhaqmi karo.
9) Hantida wadanka halbawlaha u ah intaan la iibin waa in dadka khubarada ah ee arrinka tukhasusay, khibrad dheerna ule, waa in laga tashadaa oo ay xugdheer ka soo qoraan faa’idada/khasaraha qaranku ku qabo, iyo deruufta ku geedaaman, oo dabadeetana taladooda lagu dhaqmo.
10) Xeer dajintuna way diiday in la iibiyo iyo in la kireeyo. Xukuumadana waajib keeda koobaad waa inay sharciga ilaalisaa sidu u qoranyey u fulisaa.

11) Distuurku wuxu sheegayaa wax kasta oo xeer dajintu aqlibiyad ku ansixisaa inuu sharci yahay. Madaxweynahana ay ku waajibtey inuu mudo 21 cisha ah ku sexeexo si uu u dhaqan galo. Haduu Madaxweynh ku sexeexi waayo mudadada 21 cisho ah, sharcigu sidiisa ayuu ku dhaqan geleyaa, loomana baahna in Sharci dajinta mar labaad lagu soo celiyo.

12) Haday xukuumadu u hogaan samiy waydo distuurka iyo shuruurcda wadanka u yaala, waxa markaa cadaanaysa inuu Axmed Siilaanyo dimuqraadiyadii god madow ku riday oo uu u xuubsiibtay kalidii taliye sidii Siyaad Barre. Siyaad Barre aduunyadoo dhami way ka dharag santay wixi ka raacay maamul kiisii macangaga aha. Cid kastoo Siyaad Barre dhaqankiisii iska yeel yeelana shacabka Somaliland ka yeeli maayo.
Wa Bilaahi Taw Fiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here