Arday Somaliland wax ku baratay oo shalay ka qalin jebiyey Jaamacada New Generation looguna qabtay xafladii qalin jebinta Dalka Ehtiopia gaar ahaan xarunta midawga africa

0
505

Arday Somaliland wax ku baratay oo shalay ka qalin jebiyey Jaamacada New Generation looguna qabtay xafladii qalin jebinta Dalka Ehtiopia gaar ahaan xarunta midawga africa

Addis-Ababa(Warsugannews)- Munaasibad balaadhan oo ay ku qalinjabinayeen Difcadii Saddexaad ee ka qalinta jabisa Jaamacada New Generation qaybaheeda Hargeysa iyo Adisababa ayaa lagu qabtay Xarunta Midawga Afrika ee Magaalada Adisababa.
11947608_937699336303395_9094996888860895506_n

11921712_10152976929946825_3092731600024080156_n

11923255_10152976930311825_6937789634941606543_n

11940713_10207553030486155_5112863505723145990_n
Munaasibadani qalinjabinta ayay ka qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Somaliland, iyo Ethiopia, Agaasimaha Guud ee Arimaha Afrika ee Midawga Afrika Selomon ababe, Doctor Yones oo ku hadlayay afka Gudoomiyaha Guud ee Midawga Afrika, Safiiro, Agaasimayaaal, Gudoomiyaha Guud Jaamacadaha New Generation Mathios Kichile Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada New Generation ee qaybaheeda Addis ababa iyo Hargeysa.

Gudoomiyaha Jaamacada New Generation Mustafe Alkhaliili oo ka ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inay difcadii saddexaad oo ay qayb ka yihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumada kuwaasi oo dhamaystay Culuumta la xidhiidha Siyaasada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computerka isagoo u mahadnaqay dhamaan masuuliyiin ka soctay Somaliland, kuna amaamay siday u dhiirigalinayaan Waxbarashada, waxaanuu yidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiinta uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee nagala soo qayb galay Munaasibadan qalinjabinta difcadii saddexaad ee ka qalinjabisay jaamacada New Generation, kuwaasi oo bartay Culuumta Siyaasada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computer-ka, waxaanan ugu talo galnay inay dhiirigalin u noqoto ardayda wax ka barata jaamacada New Generation, Waxaanan ku amaanayaa masuuliyiinta nagala soo qayb galay siday u dhiirigalinaya waxbarashada iyagoo safarkaasi dheer u soo maray inay ardaydooda kala qayb qaataan Munaasibadan qalinjabinta”.

Waxaana uu sheegay in ay NEW GENARATION UNIVERSITY tahay safiir Somaliland qadiyadeeda gaadhsiiya meel kulmisa Dawladaha Africa Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay C/casiis Maxamed Yuusuf oo isaguna ka mid ahaa dadkii aasaasay jaamacada, waxaana uu hambalyo u diray ardaydaasi qalinjabisay waxaana uu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa Ardaydani qalinjabisay, waxaanan ugu talogalnay inay ardaydu wax ka bartaan Midawga afrika iyo araydooda kale ee ka qalinjabisay jaamacada Adisababa” Maamulka Guud ee Jaamacada New Generation ee Ethiopia oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay Somaliland iyo Jaamacada Ardaydaasi ay soo saareen iyagoo u balanqaaday inay qaybaha kale ee Master-ta ay gaadhsiin doonaan Hargeysa, waxaanan hambalyo u direen dhamaanba ardaydaasi qalinjabisay. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ardaydani qalinjabisay, waxaana uu ku amaanay jaamacada New Generation xoojinayaan wada shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia “Waxaan amaanayaa Jaamacada New Generation kaalinta ay kaga jirto dardargalinta waxbarashada Somaliland iyo isku xidhka labada dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaanan hambalyaynayaa ardayda qalinjabisay” Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyay ardaydani isagoo xusay inay dareen xoog leh muujinayso ardaydani ku qalinjabinaysa xarunta AUd-da “maanta waa wax wayn Ardayda Somaliland ee ku qalinjabinaysa jaamacada New Generation, waxay muujinaysaa walalnimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxaanay hormood ka noqon doontaa arintani inay Somalil.and ictiraaf ka hesho beesha caalamka”. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhamaanba ardayda jaamacada New Generation ee qalinjabisay isaga oo ku amaanay jaamacada kaalinta ay kaga jirto waxbarashada Somaliland.
11913507_1208403835843812_6397132714180508346_n

11896072_10152976930146825_1531205468760251574_n

11892253_1208403865843809_9000453639839599183_n

11892195_937699409636721_3110343873696272418_n

11891110_10152976930706825_309559664339327663_n

11889496_877542682320917_7912269839838114573_n

11887973_937699239636738_6656425636855806287_n

11885282_1208403769177152_7090573255819949097_n

11880381_937699119636750_8167599815881752316_n

11873537_10152976930246825_4103796775598440748_n

11873415_889142497806036_4210631415333222540_n

11870699_937699306303398_5900239651106778279_n
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismacil Saylici oo soo gabogabeeyay munaasibada ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay “Waxaan hambalyo u dirayaa Ardaydani qalinjabisay ee ku sugan xarunta Midawga Afrika, waxaa rajaynayaa inay jaamacada New Generation ay hormood ka noqon doonto xidhiidhka Midawga Afrika iyo Somaliland, waxaanan ku amaanayaa jaamacada New Generation inay noqotay Jaamacada Kaliya ee ardaydeed ku qalinjabiyeen Xarunta Midawga Afrika.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here