Arsenal oo halis ugu jirta inay wayso Arsene Wenger sababo la xiriira Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez dartood

0
424

Arsenal ayaa halis ugu jirta sida la warinayo inay wayso tababaraheeda muddada dheer la soo joogay ee Arsene Wenger sababo la xiriira heshiisyada Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez.

Mustaqbalka Wenger ee Gunners ayaa ku tiirsan amaba ku xiran joogista Ozil iyo Sanchez ee kooxda kuwaa oo aan weli heshiis cusub laga saxiixin.

Heshiiska uu macallinka reer France kula joogo Arsenal ayaa waxa uu dhacayaa dhammaadka kal ciyaareedkan inkastoo ay kooxda reer London ku kalsoon tahay inay sanad amaba labo sano oo kale ka saxiixaneyso macallinkeeda.

Laakiin Daily Mirror ee ka soo baxda England ayaa sheeganeysa in Wenger uu si way u raboon doono inuu isaga huleelo Arsenal haddii ay ku guul darreystaan inay heshiisyo cusub ka saxiixdaan Sanchez iyo Ozil taa oo sii kordhineysa cadaawada ay isaga u qabaan taageerayaasha kooxda.

Arsenal ayaa waayahanba waday wada hadalada heshiiska loogu kor dhinayo labadan laacib, balse weli ma jiraan wax ka soo naaso caddaaday mise mid ku dhow inuu heshiiska saxiixo.