Arsenal Oo Ku Sii Jid-martay Everton lana wareegtay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska

0
377

Arsenal Oo Ku Sii Jid-martay Everton lana wareegtay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska

Arsenal waxay qabsatay hogaanka Premier League markii ugu horaysay tan iyo bishii February sanadkii 2014, iyadoo goolal ay u kala dhaliyeen xidigeheeda Olivier Giroud iyo Laurent Koscielny ku garaacday kooxda Everton.

Kadib dagaal la isku mari waayay, kooxda Gunners ayaa ku guuleysatay inay jabiso difaaca Everton kadib markii Giroud uu madaxa ku dhaafiyey goolwadaha kubad uu ka hellay Mesut Ozil iyo Koscielny ay laba daqiiqo gudeheed laba daran doori ah u dhiibeen qaybtii hore ee ciyaarta.Arsenal oo ku jid martay Everton-

Ross Barkley kubad uu meel fog kaga toogtay goolka oo ka danab kacday difaacyada Arsenal shabaqana cuskatay ayaa rajadii u soo noolaysay Everton, laakiin Romelu Lukaku oo kharaasiyey kubad aad u fiican oo uu helay iyo Gerard Deulofeu oo isna kubad uu cidlo ka hellay uu ka badbaadiyey Goolwadaha rug cadaaga ah ee Petr Cech ayaa noqotay inaanay nasiib u hellin inay la yimaadaan goolka bareejaha ah.Arsenal oo ku jid martay Everton

Everton waxaa ayaan daro ku sii dhacday ka sokow guuldarada la baday, markii dhamaadkii ciyaarta daqiiqadihii dheeraadka ahaa oo socda kaadhka cas laga siiyey ciyaaryahan Gareth Barry khalad uu ka galay Kieran Gibbs darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here