Askar Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Ka Hor-joogsaday Galitaanka Xarunta Wargeyska Haatuf Ee La Xidhay April 2014

0
429

Askar Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Ka Hor-joogsaday Galitaanka Xarunta Wargeyska Haatuf Ee La Xidhay April 2014
Hargeysa (Warsugan) Garsooraha Maxkamadda gobolka Hargeysa Sh. Idiris Axmed Muuse ahna xaakimka ka garnaqaya dacwad ka dhan ah wasaaradda daakhiliga oo uu muduci-na ka yahay mulkiilaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayey askar bilays ahi iska hortaageen inuu galo xarunta wargeyskaasi galinkii hore ee maanta.

Askartaas ayaa is-hortaagooda maxkamadda u cuskaday in aanay madaxdooda ka haysanin amar fasaxaya galitaanka xarunta Haatuf oo ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay awood ciidan kula wareegtay April 2014-kii. Dacwadan oo dhagaysigeedu bilaabmay Isniintii hore ayaa mulkiilaha wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu maxkamadda kaga codsaday in hantidiisa laga dulqaado ciidanka ay xukuumadu ku wareejisay, isla markaana ay dawladu bixiso khasaarihii maaliyadeed ee ka dhashay talaabadaasi, iyadoo uu ku doodayo in si sharci darro ah loo xayiray xarunta saddexda wargeys.

Dacwadan ayaa waxa dhinaca muduciga uga wakiil ah labada qareen ee kala ah Cismaan Askar iyo Xasan Cali Xasan, halka dhinaca xukuumadda uu matalayo xafiiska qaryaqaanka guud ee dawladdu.
Tan iyo intii uu Madaxwayne Cigaal xilka qabtay iyo ilaa wakhtigan xaadirka ah waa markii 2-aad ee maxkamadaha Somaliland ay ka garnaqaan dacwad magdhaw ah oo ay xukuumadu eedaysane ka tahay, taas oo la filay inay dareenka bulshadda aad usoo jiidato.

Wargeyska Haatuf ee lagu qori-jiray luuqada Soomaaliga ayaa maxkamadu 25/6/2014 ku riday xukun ay ku baabiinayso ruqsadii uu kusoo bixi jiray, iyadoo ay maxkamadu ku eedaysay inuu caadaystay cayda masuuliyiinta qaranka.

Maxkamadda oo uu xiligaa gudoominayey ex garsoore Asad Nuur ayaa waxa kale oo ay xadhig saddex sanadood iyo afar sanadood kala ah ku xukuntay mulkiilihii wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatirihiisii Axmed Cali Cige.

Inkastoo qaraarka maxkamadda ee ruqsad kala noqoshada uu khusaynayey wargeyska Haatuf ee af-soomaaliga kusoo bixi jiray, hadana xukuumadda Somaliland laga bilaabo April 2014-kii waxay xayirtay labada wargeys ee The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi, iyadoo aanu jirin xukun maxkamadeed oo ay xayiraadaasi u cuskatay.