Astaantii Siyaasadda Geeska Afrika Qormadii, MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL 2aad, QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF

0
268

Astaantii Siyaasadda Geeska Afrika Qormadii, MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL 2aad, QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF

MUCJISADII KA DHACDAY MADASHII AASKA ISBEDELKII  CIMILADDA. 10 KUN OO GAADHI  SI NABAD AH U YIMI/KANA   BAXAY MAGAALADA, 360.000  Qof  OO GOOBJOOG AHAA,   ILMADII KA DAREERTAY  INTII AY ISUGU FOGAAYEEN,  SALAANTII  KAL IYO LAAB U DHEXMARTAY  COLKII DEERADU DHEXMIRANAYSAY.

QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF

Qormadii 2aad

 

Markaan   dib u milicsado Jawigii  Magaala Xeebeeda Berbera  oo ahayd halkii uu ku dardaarmay  In lagu Aaso AHN Maxamed X.Ibraahin Cigaal.aynu ku horeyno labada Wado ee Mid ka timaado dhinaca Hargeysa iyo Jidka   Burco u baxa. Qaabka ay u socdeen  Baabuurta noocyada kala duwan isugu jira ee u  yimi inay ka qaybgalaan Aaska, waxa intooda badani  usoo dhaqaaqeen dhinaca Berbera  Galabnimadii 5.5.2002  oo maalintu Axad ahayd.

 

Habka  ay u sunsumayeen Baabuurtaas oo sanka isku hayey, masaafo aad u dheer. arinta la yaabka leh ee aan filaayo inaanay ayaantaas ka hor ka dhicin, waxay ahayd  meelaha qaarkood oo  Labada Haad ee sida caadiga ah Bidix iyo Midig  Gawaadhidu isugu dhaafto  ayaa gebi ahaanba isu bedelay. In  dhinac keliya oo Xagga Berbera ah   usoo wada jeestaan mana jirin shilal culus oo dhacay, marka la qiimeeyo siday ahayd.

 

Markii gabalku dhacayna  muuqaal jawigii  maalinimo  ka duwan ayaa soo baxay Kaaha  Nalalka  baabuurta isku xidhiidhsan Masaafada dheer,    Iftiinkoodii is-dabayaalay   sawir cajiiba ah oo nooc kale ah yeeshay.

 

Inta ay u suurto gashay inay soo raacaan Baabuurta Magaalada Imanaysay,  ka sokow waxaa jiray Dad kale oo dhalinyaro u badnaa oo Lug kaga soo baxay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.  Waxaana xiligaa gacan weyn ka geystay daabulkooda Gawaadhida waaweyn. Ee waaraadka loo yaqaano oo si tabaruc ah oo gaadhsiiyey Magaalada.

 

Saacadihii hore ee Habeenkaas 5.5.2002, waxaa marba marka ka dambaysa sii badanaayey Dadka Berbera ku sugan ee u yimi  ka qaybgalka Aaska.

 

Dad aad u badan ayaana habeenkaas seexday meelaha banaan ee Magaalada dhexdeeda,  sidoo kale cidhifyadda iyo Kooneyaasha Berbera waxay hoy u  noqdeen ilaa intii waagu beryayey  Mowjado dad ah, halka in kalena iyagoon  il iyo baal isu keenin. sidaa ku tageen Xabaashii,  mar keliyana  may  kala go’in saxmada iyo cidhiidhiga  kumanaankaa qof.

 

Intii aanu Waagu beryin iyadoo weli dhulku hiimse hiimse yahay, ayaan u kacay  dhinaca Airportka Berbera, halkaasoo ay kasoo degeysay Dayuuradii sidey Meydka AHN M/weyne Cigaal.iyadoo aan garabka ku sito Kamarad nooca waaweyn ee Fiidwoyga ah.

 

Intii aan sii socdayna  masaafada u dhexaysa Magaalada  ilaa  Garoonka   cadadka dadka ku sugnaa usha kor loo tuuraa dhulka kumay dhacayn.

 

Markii aan gudaha u galay  dhismaha weyn ee  Airportka, waxaan hore u dhaafay Albaabka oo ciidankii joogay iyo dadkii tirada badnaa ay khaatiyaan isla taagan yihiin,  waxaase Aniga iyo Baabuurkii aan la socdayba noo hawl-yareeyay  inaan gudbo, Kamaradii Fiidyowga ee aan sidey, iyo xubno Askarta kamid ah oo I gartay.

 

Cajiib buuqii iyo cidhiidhigii debeda waxaaba kun jeer ka badan gudaha garoonka oo meel cagtaa la dhigaaba  aanay banaanayn colkayagii saxaafada ka socday waxaanu toos u abaarnay gudaha shishe ee gegida Aniga iyo Filimqaade Mukhtaar Cismaan oo aanu kawada tirsanayn Telefishinkii SLTV. Oo markii dambe la Magac baxay Somaliland Space Chanel,  Waxaa noo suurtogashay inaanu u baxno Taawarka  Sare ee laga hago Dayuuradaha oo  aanu ka duubnay,  muuqaalkii guud  dhabaha dayuuraduhu caga dhigtaan iyo barxadda weyn oo si aan caadi ahayn dadku u dhoobnaa.

 

Saaxiibkay Mukhtaar Cismaan oo mudo dheer aanu ka wada tirsanayn Saxaafadda,  waxaanu ka wada qaybgalnay Tababarkii u horeeyey ee  Warbaahinta  Sland loo qabto  1998kii.  iyadoo kii u dambeeyay oo bishii May 2001.ku beegnaa

 

Waxaa Casharada bixinaayey suxufiga weyn ee Joseph Orange oo ahaa khabiir ka tirsan Telefishinka BBC-da.  Dersi maalintaa aad noo anfacay Aniga (Cali-Mahad,  iyo Mukhtaar oo ku saabsanaa qaabka looga   hawlgalo xaaladaha  degdega, oo aanu Layligiisa hore u qaadanay ayaanu si dhab ah  ula kulanay.

 

Hadaba Intii   aanu ku sugnay  gudaha garoonka  waxaa soo galay Wefti miisaanleh oo uu hor kacayo M/weynihii cusbaa Daahir Rayaale Kaahin, Shirgudoonkii  labada  Gole  guurtida iyo Wakiilada AHN Sheekh Ibraahin iyo AHN Qaybe.

 

Sidoo kale xubho ka tirsan golihii wasiirada  oo aan filayo inaan hadda  cidiba ka noolayn ayaa iyaguna kamid ahaa xubnaha barxadda Garoonka yimi ragaas oo kala ahaa Wasiirkii Caafimaadka AHN  Xasan Ismaaciil, Wasiirkii Warshadaha AHN Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye),  Wasiirkii Daakhiliga AHN C/laahi-Cadde.

 

Dhamaanba  Madaxda goobta ka joogta  Ilaa M/weynaha  ma jirin cid hadal kasoo baxay

 

Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo dhowr talaabo ii jiray, oo  jawi murugaysani ka muuqdo.  Ayaa anigoo isticmaalaya  dhoweysada Sawirka (Zoom) waxaan si caadi ah ugu beegay   wejigiisa, balse Kamaradii  muuqaal Naxdin leh ayay qabatay, waaba dagaal adag oo   gacanta  iyo labada indhood ee M/weynaha  ka dhex socda.  ilmo  si aayar aayar  ah uga soo boodaysa Indhihiisa, iyo masarka gacanta ugu jira oo joojin kari la ilinta dareeraysa…..

 

Anigoo filaya  inuu dareemay  kamarada ku jihaysan, ayuu si dhaqso ah  hareeraha u eegay kadibna   Muraayad madow Jeebka sare ee Shaadhka  kala soo baxay. Sidaana   labada indhood ku  gashaday.

 

Markii ay  soo cagadhigatay Dayuuradii uu saarnaa Meydka AHN M/weyne Cigaal isla markaana ay istaagtay goobtii loogu talagalay,  waxaa mar qudha isku dhexdaatay Nidaamkii iyo Qaabkii loo taagnaa, ciidan gaar ah oo loo diyaariye inay Meydka Dayuurada kasoo rogaan iyo Masuuliyiintii Maamulka ayaa Isku qasmay,  xoogaa kadib ayaana xaaladu caadi kusoo noqotay.

 

Naxash calanka Somaliland ku dednaa oo lagu sidey Meydka AHN Marxuum Cigaal  inta Albaabka dambe ee Diyaarada laga soo dejiyey  dhulka la dhigay waxaa Salaan  gaar ah ku maamuusay Cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka,  iyo kooxdii  Baand-boydu tumayso Heestii Tacsida ee “Waa Ayaanba ayaan.duni aakhir samaan.Nina aanu lahayn dhaqsa looga Idlaan, Nin Aroos gelayaa, Nina iil gelayaa…..

 

markay soo dhamaadayna waxaa la bilaabay in Meydka  Marxuumka oo saaran Gaadhi Ambalaas ah loo dhaqaajiyo goobtii laga diyaariyey Xabaasha, oo ahayd qubuuraha dhinaca  ku haya Xerada Guutada ee Berbera.  markalese  cidhiidhi qayril caadi ah oo ka dhashay Kumanaankii Gaadhi iyo Mowjadihii Dadka ayaa meel lakala maro la waayey,

 

Waxaanay sababtay in Ambalaaskii Meydka Marxuumka sidey uu  waqti badan kadib soo gaadho Xabaalihii,  waxaase ii suurta gashay inaan gelin hore tago  Xabaashii iyadoo  weli meydkii  dhexda kusoo jiro,  jawigii  taagnaa iyo siday xaaladu ahayd. Ayaanan waxoogaa  duubay

 

Xaqiiqa ahaana maalintaas  waxaan la kulmay khatar iyo halis badan oo Alaha raxmaanka ahi iga badbaadiyey,  tiraba laba jeer ayaa  gaadhigii aan saarnaa oo daaqada  dambe ee Baabuurka  aan qoorta kala baxay iyadoo  Kamaradu garabka ii saaran tahay   waxaa I sigey   Baabuur si xawli ah u ordaysay. oo xagga Xabaasha u socday waa intii aanu kasoo dhaqaaqnay Eeribootka.

 

Xawaaraha iyo isbarbar-yaaca  gawaadhidaas  sida  ay u socdaan wuxuu ahaa khatar,  balse  ma jirin cidi wax ku noqotay.

 

Madashii Aaska oo muuqaalka dadku sida Hirarka  Badda, oo kale ahaa waxaa is dhex uugaamaayey Kumanaan qof.  dhacdooyinka aan weli xusuustoodayda ka bixin waxaa kamid ahaa Jawigii Cimiladda oo xiligii Kulaylaha lagu jiray, waxaase cirka  dabooshay Daruur aan roob ahayn  oo hadhaysay  guud ahaanba  Magaalada, gaar ahaan   intii dadku joogay.

 

Inkastoo murugada iyo dhiilada jirtay  qof walba wejigiisa ka muuqatay. Fagaaraha Aaskuna ahaa mid Mowjado dad ahi dhex uugaamayeen,  Baabuur Sameecado quraan iyo ducooyin ka baxayaana  gaaf-wareegayaan.

 

Ayaa  mar qudha xaaladu is-bedeshay waxaa soo muuqday Ambalaaskii Meydka M/weynuhu saarnaa oo ay gelbinayaan  Baabuur kale oo Gawaadhida Dab-demiska ah,   dhawaaqa  Hoonka dhiilada ee ay yeedhinayeena, iyo qaabka socodkooda oo ahaa mid naxdin leh,

 

gaadhi walbana shaaga  rogaayo,  waxaa  afarta gees ka yeedhay  Oohinta  iyo baroorta, ilaa heer lays maqli waayey. Dhamaanba umadii meesha joogtayna wax ilmeynaya iyo in foorarta  oon hadalba kasoo baxayn ayay noqdeen.

 

Arimaha kale ee maalintaas  taariikhda galay waxaa kamid ahaa Ragii ay sida weyn isaga soo horjeedaan  AHN M/weyne Cigaal oo ilmada ceshan waayey, colaadii iyo xanaftii sanadaha  u dhexaysayna  ku dambaysay Saamaxnaakum. Iyo Alloow  Marxuumka u naxariiso.

 

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) oo ahaa siyaasigii ugu tunka weynaa mucaaridkii ay aad isu-hayeen ayaa mar uu is-dultaagay Qabriga Marxuumka oo aan weli meydkii lagu ridin,  intuu jaleecay godkii Xabaasha,  si degdeg ahna uga soo jeestay ayaa mar qudha  ilmo xoog ahi labadiisa indhood kasoo booday. Dhalinyaro goobta ku sugnayd ayaa markiiba  soo dhaqaajiyey iyagoo uga baqay inuu sarajooga ka dhaco,

Wiil dhalinyaro ah oo Reer Berbera ah ayaase weydiiyey oo ku yidhi  Saleebaan sowdinkii colka ahaa maxaad la oyday…?

 

Inkastoo ay ahayd su’aal  adag,   balse jawaabtii Saleebaan waxay noqotay..

‘”waar waxaanu doono aanu isu qabnee walee Geesi baa Inaga baxay   wax badan inagaga gudbanaa”…..

LA SOCO QORMADDA  3AAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here