Awooda-Dadka iyo Tartanka Salmiga ah
Si aynu u ogaano ama u fahano mucaaradnimada, tartanka siyaasadeed iyo taageerada xisbi Qaran ama musharax qaran, waa in aynu marka hore fahanaa muxuu yahay nidaamka aynu hogaan ku xulanaa. Somaliland ahaan waxaynu haysanaa ama ayidsan nahay nidaamka dimuquraadiyada ama wax wada lahaanshaha sidaa darteed waa in aynu ka dharagsan nahay dimuquraadiyadu waxa ay tahay.
Dimuquraadiyad, oo ah kalmad qalaad oo ka timi luuqada Ingiriisiga (democracy), waa mid lagu qiyaaso inay dhalatay qarnigii 16 dhamaadkiisii. Waa kalmad Latin ah oo ka kooban laba eray oo kiiba macno gooni ah sito; 1. Demos oo ah macnaheedu dadka, iyo 2. Kratia oo macnaheedu yahay xukunka ama awood. Labada kalmadood marka laysu geeyo ayay sababeen macnaha ah demokratia amd democracy oo turjun keedu yahay xukunka ama awooda dadka. Dimuquraadiyadu waa awooda dadka oo macnaheedu yahay in dadku ay xor u yihiin doorashada cida hogaan u noqonaysa iyo cida aan sifo sharci Qaran u lahayn talada dalka. Dal ay ka shaqeyso dimuquraadiyad waa dal ay xukuntaan shacbiyadiisu oo ay talada u dhiibtaan cida ay doonayaan cida ay diidaana ka xayuubsadaan mas’uuliyada ay qaranka u hayaan. Dadka ayay u taalaa iyaga oo maraaya sifaha sharci ee qaranka inay la xisaabtamaan cida ay hogaanka iyo talada u dhiibteen.
Nidaamka dumuqiraadiyada ayaa tusaalaynaaya in qaranku wax wada leeyahay cida talada qaranku ay ka go’daana tahay shicbiyada ama bulshada qarankan iska leh oo ah markaa tirade ugu badan (majority). Somaliland waxaa cod shacab ku yimaadaa waa Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa, hogaanka Aqalka Sharci’dejinta (Chairperson of House of Parliament), xubnaha Aqalka Sharci’dejinta (Members of Parliament; MPs), iyo xubnaha golaha deegaanka (Councilors of the Municipality). Hadaba, dadkan aadka u tirada yari waa shaqaale Qaran oo ay qorteen bulshada inteeda kale. Qof kasta oo ka mid ah hogaamiyeyaasha xilaalka kor ku xusan ma helayaan jagooyinka ay u tartamayaan ilaa ay ka helaan bulshada cod aqlabiyadeed. Hadaba, mudada ay shaqsiyaadka jagooyinkan ama xilalkan Qaran u tartamaya ayaa ah mudada ay iskaga dhaadhicinayaan bulshada ee ah inay si waafi ah u sharaxaan guulahoodii hore (their curriculum vitae) iyo guulaha ay doonayaan inay inooga midho dhaliyaan (their political agendas/manifestations). Cod bixiye kasta oo bulshada ka mid ahi waxaa ku waajib ah in uu iska naqeeyo CVs ka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee ay xil doonayaashani codka inagaga raadinayaan.
Sidaas oo ay tahay ayaa codbixiyuhu noqon karaa mid taageeradiisu tahay rasmi oo si joogto ah u taageera xisbi ama musharax khaasa oo markaa uu u arko in uu la mab’da yahay ama isku aragti yihiim marka loo eego dhinaca hogaanka dalka iyo geedi-socodka qaranka guud ahaan. Sidoo kale waxaa jira cod-bixiyayaal iyagu markaas saaxada ku soo biira oo weli aan go’aan rasmi ah oo ay cid khaasa ku taageeraan aan qaadan. Cod-bixiyayaashan cusub (new voters) ayaa had iyo jeer hawl badan iska saara xulashada cidii ay codkooda siin lahaayeen. Waa cod-bixiyayaashan kuwa ay xisbiyadu tartanka u galaan sidii ay codkooda u kasban lahaayeen. Cod-bixiyayaashan cusub ayaa sabab u ah in xisbiyada tartamayaa malaayiin doolar awgood u kharash gareeyaan si ay u qanciyaan oo kasbdaan kalsoonidooda.
Xisbi kasta oo ku tartamaaya doorashooyinka ayaa diyaarsada qorshe siyaasadeed qeexaaya sida ay hogaanka dalka ku fulin lahaayeen mudada xileedka iyo arimaha ay siinayaan muhiimada 1aad. Xisbigu waxa uu ku olaleynayaa in qorshaha ay wataan uu dabooli doono baahiyaha guud ee qaranka isla markaana saameyn wanaagsan ku yeelan doono baahiyaha shaqsiga. Xisbigu waxa uu ku olaleynaya in qorshahiisu ka mudan yahay ka xisbiyada kale ee la tartamaaya isaga oo markaa is barbar dhigaaya labadooda qorshe siyaasadeed. Sidoo kale waxa uu is barbar dhigayaa tartamayaasha matalaaya xisbiyada oo uu markaa ku doodaayo in murashaxiintoodu yihiin kuwa ugu haboon ee qorshaha ka midho dhalinaya qarankana ku hogaaminaaya guulo wax ku ool ah iyaga oo uga markhaati kacaaya wax-qabadkoodii, waayo’aragnimo, iyo aqoonta ay markaa u leeyihiin ka midho dhalinta qorshayaasha hogaanka qaran.
Hadaba, hadii ay xaqiiqadu tahay in shicibku leeyihiin awooda ay kusoo saarayaan cida hogaaminaysa mudo xileedka markaa loo tartamaayo, isla markaana waajib qaran ka saran yahay xulida mas’uul u qalma xilka qaran, miyaanay shicibka codbixiyayaashu u qalmin in si aqoon, xirfad, iyo xilkasnimo leh loo qanciyo oo lagaga kasbado codkooda iyadoon markaa la caayin garaadkooda?
Ujeedad kuwaad ee aan qoraanka u diyaariyay ayaa aheyd tusaaleyn ku wajahan olole siyaasadeed kusheega ay codka ku doonayaan qaar ka mida xisbiyada isu diyaarinaaya doorashooyinka tartanka jagada madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee sanadkan 2017 ka.
Waxaa goobaha barta intarneedyada ee bulshadu ku kulanto iyo saxafadaha gaarka loo leeyahay loo adeegsadaa in lagu fuliyo nidaamyo aad u foolxun oo lasyku dayaayo in lagu taageero xisbi gaar ah ama lagu jabiyo xisbi mucaarad lagu yahay. Waxaad malin walba arkaysaa dhalinyaro, wayeel, mas’uuliyiin iyo haween ku kacaaya ficilo qalaadood oo ka hor imanaaya dhaqanka Islaamka iyo ka dhaxal-galka ah ee dadka reer Somaliland; waxaa taageero la bidayaa in la af-lagaadeeyo shaqsiyaad qarankani la’aantood aanu jireen ama heerka uu manta maraayo aanu joogeen shakhsiyaadkaas oo ah sumad qaran. Waxaa si joogto ah loo faafinayaa sawiro khaldan iyo been abuur badan si loo dhaawaco sumcada dad mas’uul ah. Waxaa la taqaaqufinayaa lana awaadhayaa dad Islaam ah oo lala jecleystay in ay tii Allahba ka horeeyaan. Waxaa la dambabasayaa isla markaana biyo col dhaanshay laga dhigayaa waxqabdaka qaran 26 sano jira. Waxaa la quudhsanayaa malaayiinka qof ee ku dhaqan dalkan Somaliland oo laga dhigaayo in sankooda hoostiisa saan qudhuntay la gogladay oo ay markaa dareen u yeelan waayeen am ay ka diidhiyi kari waayeen. Waxaa si kasta loo caayey caqligii umada laga rabo codka.
Hadii dimuquraadiyadu tahay wax-wadayeelasho iyo awood-bulsheed, codka iyo taageerada codbixiyayaashana lagu kasbanaayo qorsheyaal siyaasadeed oo hufan iyo shaqsiyaad tayo ku leh qarankooda dhexdiisa, maxaa sababay in olalihii codka lagu raadinaayey loo badalo mid si foolxun loo fuliyo oo halkii wax wanagasan lasoo bandhigi lahaa lagu mashquulo adhax jabinta taariikhda iyo wax-qabadka qaranka iyo shaqsiyaadka maan, maal, iyo muruq-gashaday qarankan?
Waxaan faaladeyda kusoo ururinayaa in sadexdan arimood ee hoos ku xusan shaqsiyaadka iyo xisbiyada qaar fiiro gaar ah u yeeshaan:
1. Mucaaridada; mucaarad oo tax dhaliilaha go’aamoda aad saluugsan tahay adigoo dul istaagaaya qodobada salka u ah dheeliga go’aankaas isla markaana taxaaya xalkii arintaa aad aaminsan tahay inay murugtay.
2. Soo bandhig qorshahaaga siyaasadeed ee aad ugu talo gashay in aad dalka iyo dadkiisa ku hogaamiso mudada xilka. Is barbar dhig qorshahaaga iyo kan cida aad mucaaridayso oo ku qanci cod-bixiyaha sababta kaagu u istaahilo xulasho
3. Taageer musharaxaaga adiga oo faahfaahin ka bixinaaya shaqsiyadiisa, aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa, iyo wax-qabadkiisa uu qaranka kusoo kaabay intii aanu xilka hogaanka isku soo sharixin
Waxaan aamin sanahay in taageerihii ama xisbigii sadexdaa qodob laga waayaa uu yahay mid aan kalsooni isku qabin kana heli doonin kalsooni cod-bixiyayaasha isla markaana ah candho doonaysa in dadka inta kale ee hagaasan ay marto. Waa qaran dumis aan istaahilin codkeena iyo saameyn ay ku yeeshaan go’aanada qarankan. Waa fanto, xasad, iyo juhalo doonaaya inay sababaan kala-fogeyn iyo dibu dhac hanaanka dimuquraadiyadeed ee dalkani ku sifoobay.
Cod-bixiye u fiirso cida qorshe siyaasadeed kaa iibinaysa adigoo baandhaysanaaya tayada qorshahooda. Ka marag-kac hogaan waxtar leh oo danta dalka iyo dadka u heelan adigoo jeydaalinaaya waxqabadkiisii hore.
Qalinkii Salma A. Sheikh