AXMED NUUR JAANGO HORYAALKII LAXAMKA AFSOOMAALIGA Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

0
408

AXMED NUUR JAANGO HORYAALKII  LAXAMKA  AFSOOMAALIGA

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

Xiligu  Waa  goor casar ah, meerto taariikheedkuna 25.3.2008 ayay mareysay,  waxaanu  ku qayilaynay, guriga   Maayar-xigeenkii hore ee Magaalada Berbera  Cabdi Jaamac Faduul.

Ragga aanu galabtaas wada fadhinay oo u badnaa haldoorkii Magaalada,  sheekada Qayilka ka sokow  waxaanu daawanaynay Telefishinka Al-Jaziira oo uu ka socday mowduuc   taariikhi ah oo aan aad uga helay,

Balse xiisihii filinka iyo xaraaradii  Qayilka waxaa  bedelay  war naxdin leh oo ay sii daysay baahintii  Galabnimo ee laanta Afsoomaaliga  Idaacada BBC-da,  waa dhiilo culus iyo dhimashada mid kamid ah tiirarkii Fanka Afsoomaaliga , waa Axmed Sheekh Nuur Iidoow Abtiile oo ku magac dheeraa Axmed Nuur Jaangow.

Waa magac aan hubo  shanta qof ee Afsoomaaliga ku hadasha  Afar kamid ahi si fiican u garanayso,  Sida idaacadu ku warantayna  Maanta ku geeriyooday Muqdisho oo uu deganaa. Isla maantana lagu aasay, Inaalilaahu  waa Inaa ilayhu raajicuun Geeridu waa xaq nafwaliba dhadhamin doonto, waana xaqiiq la hubo,   run ahaan wuxuu ahaa Macalin ka koowaad ee Laxamka afsoomaaliga.

Waxaa xusuustayda hor timi kaabadii Samiir Video oo ku yaalay Xaafadii   Xamar-Bila ee  Muqdisho. Madashaasi oo ahayd bar kulanka  Asxaab dhalinyaro u badan.

Xilligu waa Badhtamihii Sanadkii 1986kii, odayga noogu weynina  wuxuu ahaa Mulkiilaha Samiir Video oo lagu magacaabi  jiray Saciid Cabdalla, Carab-Soomaali kaftan badan oo sheekadiisa  lagu soo hirto ayuu ahaa,

Waxaanay  saaxiib aad isugu dheer  ahaayeen AHN Axmed Nuur Jaangow,  inta badana Fiidka  ayuu iman jiray oo ay  wada fadhiisan jireen Kaabadaasi. Waana halka aanu isku baranay Axmed Nuur Jaangow,

Dhowr jeer oon hadalkiisa maqlay isagoo sheekaynaya  cod weyn oo  Geydh leh,  in xabeebi ku jirtona la moodo  ayuu lahaa,  luuqda caadiga ah ee uu  ku heeso ayaana laga dareemaayey, waxaa isu kay qaban weyday   lahjaddiisa koonfurta Somaliya  uu dhalasho ahaan kasoo jeeday, si caadi ahna ugu hadli jiray,  iyo habka  Fasiixa ah  ee  heesihiisa oo  luqad  Soomali waafiya  ahayd.    waayahaas iyo  Cawayskii Kaabadii Samiir Video oo asxaabtii aanu xiliyadaa ku kulmi jirnay uu kamid ahaa Maxamed Cumar Maxamed Yoonis (Qadaafi), Isaaq Cilmi Askar, iyo C/raxmaan Xuseen Jaamac (Cabdi-Jadami)  oo aanu wada deganayn Xaafadii Xamar-Bila.

Muuqaal ahaan Axmed Nuur Jaangow  nin Joog-dheer oo  Xoogan, weliba dhererka toosan ah,   dabeecad ahaana  shaqsiyad  af gaaban oo aan hadal badanayn ayuu ahaa.

Fadhiga kaabadda  Samiir Video  oo labadiisa dhinac bidix iyo midig ay ka xigeen  Biibitadii (Mac-macaanle) Bashiir Boore iyo Makhaayadii Cali Jaamac-Koosafaare qofka Kaabada ka sheekaynaya  iyo cida labadaa Dabakaayo fadhidaana waxaa u dhexeeya wax hal mitir ka yar, oo hadalka lagu wadaagi karo.

Markastoo uu madashaasi kasoo muuqdo, Axmed Nuur Jaango  Barbaarta iyo da’yarta Daba-kaayooyinkaasi ku cawaynaya waxaa ka dhex bilaabmi jiray sheekooyin  marba marka xiga xaraaradoodu kor usii kacdo  Heeso midiba ta kale ka daran tahay oo uu laxamka saaray ayaa warkooda lays dhaafsan jiray, marka cabaar hadalku sii socdana waxaa laysku raaci jiray inuu yahay Horyaal aan cidi ku dherersan karin.

Inkastoo Akhiyaartani  aanay ahayn Hobolo, balse waxay ahaayeen D’adii  la kacaantay Horumarkii Fanka Af-soomaaliga oo waayahaasi meel  aanu hore u gaadhin maraayey,   Ikhiyaarta  xiliyadaa calanka u siday Fanka,  xaqiiqa ahaan waxay ahaayeen Dadka  umada ugu caansan,

Sida lagu bartaana wax-hawlyar ma ahayn,  meesha keliya ee lagu arkaana waxay ahay ahayd masraxa,   balse barbaarta iyo waayeelka u jeelan Fanku waxay  macluumaad  ka heli jireen ilo xogtoodu sugan tahay,  oo ay ugu weynayd  Baahinta Idaacada oo  lagu sheegi jiray hees walba  Magaca fanaanka ku luuqaynaya, cida midhaha Iska leh,  Ninka Laxamka u sameeyay, iyo taariikhda ay kaydka soo gashay,

Waana sababta caanka ka dhigtay Axmed Nuur Jaangow. iyo baadi-soocda Laxamadiisa, beryahaas  Iidhehda loo sameeyo Riwaayadaha  Idaacadu sheegayso   waxaa mid mid loo tebin jiray  Magacyada  iyo Naanaysaha  Kooxda Muusika tumaysa.

Ikhiyaar badan oo   si fiican uga war-helay macluumaadkaas ayaa hab  farshaxan u   dhigi jiray sheekooyinka  qubanaha ah  ee  ay warkeeda ay hayaan,  iyadoo mararka qaar lagu amaanayo hebel kaalintaas ku fiican,  mid halkaa kale ku haboon.

Xusuusaha kale ee igu soo dhacay,  waxaa kamid ahaa Maalin aan  booqday Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan, ayaantaas oo aan soo arkay Axmed Nuur Jaangow Aabihii,  Sheekh  Nuur Iidoow Abtiile, oo  ahaa wadaad  caan  ah ka ah Magaalada, waxaanse maqlay in Mihnadda Faneed ee Axmed Nuur Jaango ay hido raacayso Hooyadii Maryan-Beerey oo ahayd Hobolad ilaa Xiligii Xisbiyadii  Gobanimadoonka  ee ka horjeeday Fagaarayaasha ka heesi jirtay, si cajiib ahna u  tumi jirtay Turumbadda.

Bilowgii todobaadanaadkii ilaa badhtamihii Sideedanaadkii waxaa Caalamka Afsoomaaliga ku baahay, Riwaayado Qisooyin iyo sheekooyin cajiib ah xambaarsan heesaha ku jiray,  Habka loogu luuqaynayo sida talantaaliga ah ee laysugu dhiidhaabayo, muusika u dhacaya  oo ilaa maanta aan laga xiisa dhicin,  Ragga xiliyadaa sida weyn u qurxiyey midhihii iyo ereyadii hal-abuurka    waxaynu ka xusi karnaa

  • AHN Axmed Nuur Jaango
  • AHN C/kariiin Faarax Qaarey (Jiir)
  • AHN Muxiyadiin Sh.Muumin (Jiim Sheekh Muumin)
  • Siciid Maxamed Xarawo
  • AHN Aways Abuukar Nuur (Aweys-Goobe)
  • Axmed Naaji Sacad
  • Xasan Sabriye Afrax (Xasan-Garayt)
  • Saalax Qaasin Naaji
  • AHN Ismaaciil Cabdi (Ismaaciil-yare)
  • Maxamed Nuur Ikhiyaar
  • AHN Axmed Gacayte Yuusuf.
  • Daa’uud Cali Masxaf (Inkastoo uu ahaa barbaartii madaxa lasoo kacday sideetanaadkii)

Marka dib loo milicsado   Riwaayadaha uu laxamkooda inta ugu badan ku lahaana  AHN Axmed Nuur Jaango waxaa ugu caansanaa

1-Dumistii Aqalkayga iyo arooskii Inankayga.

2-Dab jacayl kari waa,

3-Galbeed waa la xoreeyey waarsaa giigixisay,

4-Bidaari sibiq bay kugu gashaa,

Hadaynu is dultaagno qaar kamid ah heesaha Riwaayadahaasi ku jirey  oo Abwaan Xasan-Ganay, iska lahaa markii uu laxamka u sameeyay Axmed Nuur Jaango caanka ka noqday Caalamka Afsoomaaliga inkastoo aynaan qoraal kooban lagu soo ururin karin waxaa kamid ahaa Caashaqa ha baayacin, Samatar iyo Magool,  Dalsan Samatar iyo Magool,  Gorayooy Gabal kuu dhac, Xasan Aadan, Jaaw Nabadgelyoo Magool, Guyaal Caashaqii gudhnaa Xasan Aadan iyo Sahra Axmed, waxaa kale oo kamid ahaa Heesta SAYLO oo khubarada fanku ku sifeeyeen heesta koowaad ee dhaqanka iyo quruxda deegaanka qaaday.

Habka laxamka loo saaray ayaana gaadhsiisay heerkaasi, QALANJO Cigaal iyo Aamina C/laahi, Ambabaxaye Socodkaa Cigaal iyo Aamina C/laahi, Lab haween ku taagsaday AHN Sahra Axmed iyo AHN  Bacalwaan, heesaa badan oo gabdho iyo wiilal isugu jiray,  ayaana kusoo  shaacbaxay, laxamada uu   ku farayaraystay AHN Jaangow, oo si weyn u shiday luuqdooda.

Heesaha qubanaha ah  oo   aan   riwaayadaha ku jirin  qaarkoodna  wadani ahaayeen ayaan qudhoodu tira yarayn, dhinaca  kale Maxamed Aadan Dacar  oo ahaa Hal-abuur weyn, dhowr kamid ah Riwaayadihiisa waxaa kaalinta Laxamka qayb weyn ku lahaa  AHN Axmed Nuur Jango waxaana kamid ahaa

1-Dirqi maaha Jacaylku,

2-Bad jacayl badanaa,

3-Beeney waa run,

Heesaha Riwaayadahaasi ee sida weyn caanka u noqdayna waxaa kamid ahaa ,  Anigu ku dayran maayee… Cumar-Rooraaye iyo Qamar-Harawo, waxaa kale oo aan tira yareyn heesaha ku  jiray Bad Jacayl badanaa ee Laxamka Axmed Nuur Jaango cirka ku shareeray, Anoo Nugaal iyo ku nool… Codadkii AHN Sahra Axmed iyo Bacalwaan, heestan oo kamid ah sadexda heesood ee ugu muusika macaan Fanka afsoomaaliga, waxaan  dhegeystay iyadoo ay ku wada luuqaynayaan AHN Sahra Axmed iyo AHN Jaangoow  qiyaas ahaana Codka Jaangow ayaa aad uga Sareeyey Bacalwaan,

Caashaqa Isoo Riday AHN Axmed Mooge iyo AHN Sahra Axmed, Yaa Garayska kaa fura…  AHN Bacalwaan iyo AHN Sahra Axmed,  Sirmaqabe……AHN Sahra Axmed,  Dhinaca kalena Riwaayadii Beeneey waa run oo markii ugu horaysay sanadkii 1986kii lagu dhigay Magaalada Xamar waxa uu kaalin weyn ku lahaa Heeso dhowr ah oo uu laxam cajiib ah u sameeyay oo ay kamid tahay heesta Googaa oo markii koowaad ay wadajir u qaadeen C/qaadir Juba, Sahra-Dawo, Xabiiba X. Tooxoow iyo Xasan Aadan, balse marka 2aad ee lagu duubay Jabuuti waxaa kusoo biiray sadex Fanaan oo cusub  AHN Axmed Mooge, Sahra Axmed, iyo Aamina C/laahi,

 

AHN Axmed Nuur Jaangow, kuma koobnayn Hoboladda Waaberi maadaama uu ahaa Sarkaal Meleteri  waayihii dambe  wuxuu hogaanka u qabtay     kooxdii Horseed ee ciidamada qalabka sida,  xiliyadaasoo uu ahaa Laxamiistaha koowaad ee kooxda Horseed   waxay saaxada fanka kusoo bandhigtay ,  riwaayado si weyn  looga daba dhacay,  kaalinta laxamka ka sokow wuxuu   Aktarka (Arbaha) koowaad ama ka labaad ka ahaa Riwaayadahaas,oo ay kamid ahaayeen

1-Qalanjo Qaybsami weyday,

2- Wed Jacayl iyo war la’aanta Hablaha,.

3-Leysla wada arag.

4-Wakhti iyo Waali Jacayl

AHN Axmed Nuur Jaango oo  Falkinta iyo farsamaynta Laxamka ka sokow lahaa Cod toolmoon oo aad u macaan, Heesihii uu ku luuqeeyey  ee ilaa maanta aan xiisohoodu hoos u dhicin qaar kamid ah hadaynu soo qaadano oo dhamaantoodba uu laxamkooda lahaa waxaa kamid ahaa  1-Lahasho   heestan oo AHN Axmed Nuur Jaangow ay si talantaali ah u wada qaadeen ilaa sadex Fanaanadood oo ay ugu horaysay  AHN Siraad Cabdule Ugaas, AHN Sahra Ileeye, iyo Suqra C/laahi,

 

                     2- Ama Inan Filkii ugu fiicanoo….oo si talantaali ah isu weydaarsadaan AHN Sahra Ileeye, marna AHN Siraad Cabdule  3-Risiqii laguu qoray haduu raago waad heli….. oo ay ku wada luuqeeyaan Isla Sahra Ileeye, 4Hobeey hobeey hooy horaan kuu idhi wax kuuma hayee hobey hooy waxay ahayd hees ku daadsi (Foorjo) oo ku jirtay riwaayadii Wad jacayl  si talantaali ah waxay u wada qaadi jireen AHN Xaliimo Muuse Milaano, 5-Rab-rab baan dulsaarnahay waxaa heestan caan ku ah AHN Yaasiin-Digfeer,

Balse  markii koowaad waxaa iska lahaa AHN Axmed Nuur Jaango, midhaha heesta waxaa lahaa C/qaadir C. Shube, labada fanaan ee heestan midba mar qaaday waxaa farqi weyni u dhexeeyaa habka loo tumay muusika.  marka Digfeer ku luuqaynayo waxaa aad uga dhexbaxaya Aaladaha Muusika oo dhan  Codka Baytatiga.

Heeso wadani ah oo qaab farshaxan ah uu laxamka u saaray aadna uga bixi jiray Idaacadaha, inkastoo ay jireen  heelooyin tira-badnaa oo qaarkood  Ereyada ku jiray gelayeen Amaantii MSBare,  Saaxadana ka baxay dhicistii Nidaamkaasi kadib,  sida Heestii DALJIR  Oo Xasan-Ganay curiyey, INUU YAHAY ASKARI SOW LAMA OGAA ereyadeeduna waa Cabdi Aadan Bedey,   dhinaca kalena  heeso Af-soomaaligu la cimri ah oo midhohoodu xikmad weyni ku jirto, ayaa kamid ah fankiisa,  waxaana kamid ah   1-Anigu Geeskaan degaa…waxaa ku luuqeeya AHN Axmed Nuur Jaango   keligii  2-Soomaalaan ahayoo…waxaa si talantaali ah isugu dhiidhiiba AHN Axmed Nuur Jaango, AHN Digfeer, iyo Xasan Ismaaciil oo ay la jiibinayaan Hoboladii Kooxda Horseed,

Celcelis ahaana dhamaanba heesaha uu laxamka saaray Axmed Nuur Jaangow waxay ka sinaayeen, Habsamida iyo  Habla-dhaca Muusika, Kitaarka codka dheer, Sagsoofanka hadba qaab u dhacaya, Ruulada  Baytariga, Bayska sida Aarka u gurxamaya, Oorganka sida cajiibka ah dusha iyo hoosta ka raacaya Qalabka intiisa kale,  barbaarta  ka dhawaajinaya oo si xarago ah  Aaladiba ta kale ugu jawaabayso.

Marka shaybaadh rasmi ah lagu sameeyo Laxamada AHN Axmed Nuur Jaangow, waxaa ka dhex muuqanaya jabaq la yaableh oo mararka qaarkood maqalkaaga dib u xusuusinaya   Guuxii gaadiidkii Meleteriga sida TM-yadii, PG-yadii, xitaa waxaan ka madhnayn bigilkii Ciidamada, Codkii dalabka Madaafiicda goobta, waxaana suurtagal ah aaladaha muusika qaarkood   inuu kasoo baxo cod  aad ugu eeg Layligii iyo cayaarsiiskii ciidamada.

Khubarada ku xeeldheer falkinta suugaanta marka ay qiimeynayaan  tayada laxamada waxay si gaar ah u soo qaadaan  dhowr heesood oo ay kamid tahay    heesta Soomaalaan ahayoo…. Heestan oo mudooyinkan dambe ay dib usoo tumeen Fanaaniintan dambe ee Maamul-goboleedyada Dalkaasi Soomaaliya,  waxa midhaheeda iska lahaa Kornayl Jaamac Cali Xasan (Gaashaan-cade)  oo Jiilasha hadda Jiraa u garanayaan Qoraaga Buuggiisii  u dambeeyay ee  Astaan Halgan ee uu ka qoray AHN Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).

Waxaana in badani ku xusuustaan Sheeko taxane ah oo kusoo bixi jirtay Wargeyskii Xidigta Oktoobar  oo magaceedu ahaa “Cali Caan-baxay” waxa kale oo intii u dhaxaysay 1978-83 uu ahaa Gudoomiyaha Magaalada Garoowe oo xarun u ahayd gobolka Nugaal

AHN Axmed  Sheekh Nuur Iidoow Abtiile (Jaangow)  saaxada Fanka Afsoomaaliga wuxuu  kaga jiray kaalin aan cid kale gaadhin. dhowr kooxood oo Fanaaniin ah ayaanu  laxamka u samayn jiray. Gaar ahaana riwaayadahii magacoodu sida weyn looga daba dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here