Baahida ugu weyn ee taalla Berberi waa Korontada waxaana la filayaa inuu baahidaa wax ka qabto socdaalka Madaxweynaha ee isu-tagga imaaraadka Carabtu

0
432

Baahida ugu weyn ee taalla Berberi waa Korontada waxaana la filayaa inuu baahidaa wax ka qabto socdaalka Madaxweynaha ee isu-tagga imaaraadka Carabtu

Dhulku iyo degmaadadu kala dabeecad. Meelaha qabowga miidhana marka uu jiilaalku jiro sida dhulka joogoodu sareeyo cida ceerigaabo, sheikh iyo Togwajaale, meelana kullaylka xagaaga ayaa meel sare gaadha sida xeebaha oo intooda badan sanadka kullayl ah siiba xagaaga.

Magaalo marseedkeena berbera heerkulku waxa uu gaadha xiliyada xagaaga 40-50 Digree oo Sintigireedh (CO) kaasoo ah kullayl aad u ba’an. Berbera waa caasimad, waa magaalo madax gobol, waxaanay ku taalaa dekeda caalamiga ah ee dalku leeyahay, sidaasi awgeed xukuumada waxa saran sidii xeego xeego ku noqon lahayd, ilkano ku nabadgeli lahaayeen. Waxaan uga jeedaa sidii ay nolol caadiya ugu noolaan lahaayeen dadka reer Berbera iyo inta ka muraadsanaysa dekeduba iyadoo ilaahay ka dhigay dhulkaa xeebtaa ee kulluul, taas oo macneheedu tahay in lala yimaado qorshe wax lagaga qabanayo kullaylka badan ee magaalada ka jira.

Wax qabadka koowaad ee kulkaasi hoos loogu dhigi karaa waa berbera oo hesha Koranto ku filan, taasina waxay u baahan tahay qorshe weyn oo dawladu la timaado sidii loo heli lahaa koronto ku filan magaalada oo habeen iyo maalinba ah, waayo korantadu waa ta loo isticmaalayo iftiinka, qaboojinta hawada, sida marawaxadaha iyo Ac yada, qaboojinta biyaha iyo cuntada ee talaagadaha iyo dhamaan wixii lagama maarmaan ah ee u baahan koronto.

Socdaalka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hor kacaayo waa inay mudnaanta koowaad siiyeenaan baahidaa sida gaarka ah u taabanaysa magaalada berbera ee dhinaca korantada oo aanu in badan ka cabanay balse maanta aanu soo dhawaynayno heshiiskaasi madaxweynuhu saxeexay.
W/Q: Ugaas Muuse
ugaasyare2000@gmail.com