Baarlamaanka Colombia oo ansixiyay heshiiska nabadda ee dowladda Colombia iyo jabhadda FARC

0
567

Baarlamaanka dalka Colombia ayaa meelmariyay heshiiskii nabadeed ee dib u eegista lagu sameeyay ee u dhaxeeyay dowladda dalkaasi iyo fallaagada lagu magacaabo FARC ee mudada 50-ka sano ku dhow dagaallamayay.

Aqalka wakiillada ee dalka Colombia ayaa si aqlabiyad ah ku meelmariyay qorshaha heshiiska nabadda kaddib maalin un markii uu heshiiskan taageeray Aqalka Senate-ka.

Madaxweyne Juan Manuel Santos ayaa soo dhaweeyay waxa uu ugu yeeray “taageerada taariikhiga ah ee heshiiska” bilowga u ah hannaanka ay kumannaanka dagaalyahan ee fallaagada FARC uga soo baxayaan kaynta oo ay hubkooda ku tiirinayaan.

Heshiiskii hore ayaa waxaa lagu diiday afti la qaaday bishii Oktoobar. Heshiiska ayaa looga gol leeyahay sidii lagu soo afjari lahaa colaad socotay muddo ka badan nus qarni ayna ku dhimatay in ka badan 260 kun oo qof.
Fallaagada FARC ayaa lixda bilood ee soo socota waxaa la geyn doonaa goobo ku meel gaar ah, halkaasi oo ay hubkooda ku wareejin doonaan xisbi siyaasadeedna ay ku sameystaan.

Milateriga dalkaasi ayaa ku wareegi doono deegaanadii ay horay u maamuli jirtay fallaagada FARC si looga hortago in kooxaha ka shaqeysta daroogada ay la wareegaan.

waaxa diyeriyey yaair br