Badbaadinta Soomaalilaand: Ibraahin-hawd

0
470

Badbaadinta Soomaalilaand: Ibraahin-hawd

(Waa fikrado uu qoraaga Ibraahin-Hawd toddobaadyadii tagay barta bulshada Facebook ku la wadaagay saaxiibbadii)

(1)
Isu gacan qaadkii madaxda Golaha Wakiillada Soomaalilaand (ee sharcigu ka dhacay), warbaahintu dhinac walba waa ay u faallaysay. Dhab ahaan si qumman oo gobannimo leh ayaa inta badan warbaahinta iyo bulshaduba dhacdadaa u falanqeeyeen. Arrin ayaa se yaab leh, taas oo aan ogaalkay cidi ka hadal.

Filinka warbaahinta wax aynnu ka daawannay, Cirro iyo Baashe oo intii aanay diririn murmaya, oo Cirro lee yahay “meeday askartii?”, oo Baashe ku jawaabayo “hooyadaa iyo askartaba was, ma askar baad haysataa?”.

Halkaa waxaa innooga muuqda nin askarta iyo sharciga aamminsan, iyo nin fawdo ah oo is ku hallayn kale qaba. Baashe waa Kulmiye, Siilaanyo waa Kulmiye. Xaqiiqada dhacday oo dhami waa intaa.

(2)
Reer Soomaalilaand-ow, dawlad ma noqonnaa mise waa maya? Umaddu waydiintaa beri fog ayay ka ga jawaabtay “haa”. Haddaba kooxda QAQ ma aha dawladnimo. Waa in aynnu dhisannaa dawladnimadii aynnu ku heshiinnay.

(3)
Cid waliba wax ay xaqiijisay goob kasta oo shaqo oo dalkeenna ah in uu ka jiro boob iyo musuqmaasuq la xalaashaday, dhagartaas oo aan weligeed cidi ku eedoobin. Waxaa se qasab ah goobahaas oo dhan dadka ka shaqeeya qaarkood in ay yihiin waddaniyiin xalaalquutayaal ah. Haddii ay sidaa tahay, dadkaa suubbani wax ay sir iyo caadba u fashilin karaan musuqa iyo boobka ay og yihiin ee meelahooda ka jira iyo cidda ku kacday. Dhaqankaasi wax aad u weyn buu ka tari lahaa ilaalinta hantida dalka, wax uuna aad u xoojin lahaa dareenka waddaniyadda iyo damiirka muwaaddinka.

Haddaba kol haddii hantidhawrkii iyo garsoorkii hawshan ku xil lahaa kaalintooda gabeen, muwaaddinka caadiga ah ayuu waajibku saaran yahay. La ga bilaabo karraani degmo ilaa xoghayn madaxtooyo, qof wal oo waddani ah oo leh qofnimo habbooni, ha isu xilqaamo ogaanshaha iyo shaacinta godobaha qarankiisa la ga gelayo. Taasi in ay dhibaatada yarayn lahayd ka sokow, wax ay noqon doontaa summad dhabanka ka ga taalla masuul wal oo tuug ah, si mustaqbalka loo ga ilaaliyo xil dambe oo ummadeed.

(4)
Maamulka dawladeed ee Soomaalilaand aad iyo aad buu u tayo xun yahay. Waxaa la odhan karaa, waa hab ay hadba kooxda talada haysaa ku danaysato. Dastuurku ma shaqeeyo haba yaraatee, waxaana sharci ah damaca xun ee kolba kooxda talada haysa. Bulsho karaamo leh oo mustaqbal doonaysaa u ma qalanto in ay ku hoos noolaato xaaladda maanta dawladnimada la gu sheegayo. Maxaa haddaba talo ah?

Laba arrimood mid uun baa la gu badbaadi karaa, haddii la doonayo dawladnimo dhab ah. Midda hore waa iyada oo uu soo baxo hoggaamiye cabqari ah oo han weyn, kaas oo leh qofnimo iyo karti uu ku taabba gelin karo dawladnimo adag oo loo aayo. Sida labaadna waa kacdoon ballaadhan oo ay barbaarta waxbaratay ku bahowdo, dalkana la ga ga nadiifiyo siyaasadda iyo siyaasiga xun gebi ahaanba, halkaana la ga soo saaro hab-dawladeed casri ah oo dastuurku sarreeyo, musuqa iyo qabyaaladduna godob weyn yihiin.

Labadaa riyo oo wada jira ama ka la jiraa in ay muddo yar ku yimaaddaan mustaxiil ma aha marka la eego heerka maanta la joogo hoosayntiisa.

(5)
Kuwan oo kale taariikhda dunidaba ma ay soo marin! Waaba qolo ku dagaallamaysa boobka dalka! Waxaa waajib ah dadkan in bilayska la ga ashkateeyo, oo wixii ay lacag dhaceen oo dhan la gu maxkamadeeyo, idil ahaantood. Haddii kale wallaahay dad nool bay qalan doonaan.

(6)
QAQ haddii ay Soomaalilaand u oggolaato doorasho dambe, waa haddii uu dhiig badani daatay. Hadalkaasi niyad xumo ma aha ee waa run muuqata. Ha ka yaabin in ay budhcaddani xeeriso ama oggolaato wax aan ahayn budhcadnimadeeda. Muwaaddin, wax qiimi ah ha siin warqadda liidata ee ay ku soo saxiixeen odayga asaasaqay ee ay magaciisa maalayaan. Adiga, qof ahaan, ayay kuu taallaa sidii aad ku soo ceshan lahayd dawladdaadii sharciga ahayd ee aad dooratay 26/6/2010.

(7)
Sharci darradu jaadad badan ma laha ee mar walba waa sharci darro. Siilaanyo oo aan sharci ahayn baa doonaya in uu laaluush ku muquuniyo gole wakiillo oo aan isaguna sharci ahayn. Haddii meesha sharci jiri lahaa, madaxweyne ka ma murmi kareen go’aan uu gole sharci dejineed gaadhay. Xaaraantooda ha walwalaaqdeen mar haddii la is ka qaban waayay.

(8)
Kooxaha sharci darrada ah ee QAQ, kolka ay hadlayaan wax ay is ka dhigdhigaan sidii ay yihiin golayaal sharci ah. Ma Siilaanyo iyo golihiisa budhcadda ah baa Gole Xukuumadeed ah? Ma Cirro iyo biddayasha meesha ku la xeraysan baa Gole Wakiillo ah? Ma Gaal iyo godkiisa madow baa Gole Guurti ah? Maya, Wuxuba waa qawlaysato is wada oggol oo maatada boobaysa. Sharci dadweynuhu ku doortay ku ma joogaan.

(9)
Xaaji Cabdi-Kariin (Waraabe) waa oday dhaqameed umadda reer Soomaalilaand aad u gu qaali ah, waana oday khayr qaba oo la mahadiyay. Xaajigu imika waa nin gaboobay oo aan ducada mooyee hawlo siyaasadeed taag u hayn. Cid walba oo caawa odayga eraygiisa u adeegsata dan siyaasadeed (dan musuqmaasuq) waa ku ceeb iyo xadgudub. Xaajiga ha la xaqdhawro, boobka dalka la ga wadana yaan isaga loo maragsan, waayo maba ogaan karo. Budhcadda QAQ umadda ha ka xishooto!

(10)
“Siilaanyo oo Dawladda Imaaraadka u ga tacsiyeeyay askar ka ga dhimatay dalka Yaman.” Waaba nin dhalanteed ku jira. Carruurtii uu isagu laayay hooyooyinkood u ga ma uu tacsiyayne bal ogow!

(11)
Magacooda waxaa la yidhaahdaa ”Hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa Soomaalilaand”. Dadka magacaa yaabka leh mushaharka ku qaataa weligood ma qabteen wax hawl ah oo dawladda la gu wanaajinayo ama musuqmaasuqa la gu la dagaallamayo? Haddii magaca sidaa u quruxda badan in la keeno la gartay, in la gu shaqeeyo maxaa diiday? Maamul xumada iyo musuqmaasuqa QAQ maanta dalka ka waddo ma mid ka xun baa jiri kari lahaa?

(12)
Musuqmaasuq ummad ku dhaca ka u gu xumi waa marka halabuurka la gu ammaano madaxda iyo qoyskooda si dan loo ga helo. Halabuurka xalaasha ahi waa ka xorta ah ee u taagan damiirka toosan iyo xaqa. Gabyaaga, fannaanka iyo qoraaga madaxda ammaanaa wax uu iibiyay damiirkiisa, wax uuna ku wacad furay bulshada aan codka lahayn ee uu u hadli lahaa.

(13)
Xukuumad, garsoor, xildhibaan, guurti iyo ganacsade waa ay is ku wada milmeen oo sharci darrada isu gu wada danaynayaan. Cidda awoodda dalka ku gefta ma jirto cid kale oo qabanaysa ama xisaabinaysaa. Sidaas baa la wada og yahay oo la wada oggol yahay. Maxaa markaa dawlad xumada loo ga cabanayaa? Wax weyn baa maskaxdeenna ka qaldan.

(14)
Budhcadda QAQ tab iyo xeel ay samaysaba, car haamaha shidaalka Berbera ha iibin waydo! Waayo dhadhamo weyn baa ka gashay.

(15)
Ma aha markii kowaad ee ay budhcad QAQ oo kale ahi ina soo marto, waa se jeerkii kowaad ee aqoonyahanku ka aamusay. Soomaalilaand waa dalka qudha dunida ee aan aqoonyahanku siyaasadda dalkooda ka hadlin. Qaar baa i gu yidhi siyaasadda maantu waa qabyaalad, taana la ma dhex geli karo. Hadalkaasi xilkasnimo ma aha. Ammuuraha dalka in la ga hadlo yaa la gu hallaynayaa horta?
Top of Form

(16)
“Maanta Soomaalilaand waxaa ka jirta Wasaaradda dalxiiska. Wasaaradda Tahriibka ayaa ka ga habboonayd. Maxaa la dalxiisayaa ee yaalla?” -Mohamed (Ali Bile)

(17)
“Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir ayaa loo ga yeedhay xarunta dembibaadhista, waxaana la ga waraystay xogaha wargeysku ka qoray haamaha shidaalka Berbera ee la doonayo in la wareejiyo.”

Maxaa isu keenay wargeys warbixin madani ah qoray iyo ciidanka dembibaadhista? Wallee qudhaa xigi!

(18)
Nin QAQ ka tirsan baa la gu yidhi, lacagta aad umadda ka xadaysaa waa ku gu xaaraan. Kuye, oo haddii ay i gu tahayna?

(19)
Haamaha shidaalka Berbera oo ay umadda saboolka ahi lacag badan ka heli jirtay, waxaa la xaqiijiyay in la gu wareejiyay dad gaar ah. Waxaa kale oo warbaahintu hadalhaysaa dadka haamaha la gu wareejiyay qaarkood in ay ka tirsan yihiin rajiimka Siilaanyo ama qoyskiisa. Haddii ay caddaato qof qudha oo ka tirsan kooxda QAQ ama qoysaskoodu in uu dantaa ku jiro, waa musuqmaasuq iyo boob badheedh ah, waana in la ga dhiidhiyaa lana joojiyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here