Badhan: Masuuliyiintii Ay Aftuubteen Ciidamada Puntland Oo Xoriyadoodii Helay

0
424

Badhan: Masuuliyiintii Ay Aftuubteen Ciidamada Puntland Oo Xoriyadoodii Helay

Hargeysa (warsugannews) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi , iyo guddoomiyaha hay’adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax, xildhibaanad Qamar iyo xubno kale ayaa xorriyadoodi dib u helay.

Labada mas’uul oo ka tirsan Somaliland, oo shalay lagu qabsaday degmada Badhan, ayaa goor dhoweyd oo ay la soo xidhiidheen BBC, waxay u cadeeyeen in xorriyadoodii loo celiyay oo la soo daayay dhammantood oo ka koobnaa sideed ruux.

Waxay sheegeen in ciidamo deegaanka Sanaag bari oo taageersan Puntland ay ku haysteen magaalada Badhan, wax dhibaato ahna aanay u geysan.

Masuuliyiintan oo haatan ku soo jeeda degmada Ceerigaabo, waxay markii hore u tageen deegaanka Sanaag bari wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ee la filayo march 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here