Badhasabka Togdheer oo Reer Burco ,Golaha Deganka Qoyskiisi iyo Guud ahaanba Qaranka ka tacsiyadeeyey Geerida Marxum Xildhiban Digool

0
519

Badhasabka Togdheer oo Reer Burco ,Golaha Deganka Qoyskiisi iyo Guud ahaanba Qaranka ka tacsiyadeeyey Geerida Marxum Xildhiban Digool

Burco (Warsugannews) Badhasabka Gobolka Togdheer Maxmed Ibraahim Aadan Qabo Isaga Oo ku hadlaaya magaciisa iyo Magacaga Shacabka Gobolka Togdheer waxa uu tacsi u dirayaa Waxgaradka, waayeelka, Aqoon yahanka, iyo Golaha Deegaanka Burco ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Maxamuud Diingool kuna geeriyooday Maalinti Shalay oo taariikhdu Ahayd 21/02/2016 Magalada Hargeysa, laguna aasi doono Magalada Burco Manta Oo Ay Tariikhdu Tahay 22.02.2016.

Qabo

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii waxgaradka ahaa ee ka soo shaqeeyey sidii qarankani dib ula soo noqon lahaa qarannimadiisa, iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada degan Somaliland, isaga oo wakhtigana ka mid ahaa xildhibaanadii golaha deegaanka Degmada Burco, ahaana xildhibaankii ugu da’a waeynaa uguna waayo aragnaa 21ka xildhibaan ee Golahaasi.

Sidoo kale waxa Badhasabka Gobolka Togdheer tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somalilandba Ee Uu Ka Baxay Marxuumku

Badhasaaabku Waxa Uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN