Bahda Warsugan Media Group Waxay Tacsi U Dirayaan Tafatiraha guud ee Wargeyska Warsugan Ibraahim Qaasim Oo Aabihii Ku Geeriyoday Hargeysa

0
768

Bahda Warsugan Media Group Waxay Tacsi U Dirayaan Tafatiraha guud ee Wargeyska Warsugan Ibraahim Qaasim Oo Aabihii Ku Geeriyoday Hargeysa

Maamulka Masuuliyiinta iyo Hawlwadeenada kala duwan ee Bahda Warsugan Media Group waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Tafatiraha Wargeyska Warsugan Ibraahim Cabdiraxmaan Qaasim Oo Aabihii Cabdiraxmaan Qaasim Muxumed Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa,

Warsugan Media Group waxay tacsidaasi mid lamida u dirayaan qoyska Ilma Cabdraxmaan Qaasim, ehelka, asxaabta iyo guud ahaanba qaranka uu ka baxay marxuumkaasi inuu ilaahay samir iyo imaan buuxa ka siiyo isagana uu naxariistii janatul fardowsa ka waraabiyo.

Wuxuu ahaa shikhsiyad dun wanaagsan oo alle ka cabsi badan, wuxuu ahaa adoon dhawrsan oo aadamuhu ka nabad galaan af iyo adin intaba, ilaahay qabriga haw waasiciyo naxariistiisana hawgu deeqo.

Geeridu waa xaq qofkastaana waa dhimanayaa waana hubaal inaanu qofna maalintiisa dhaafayn balse ay tahay mid lagu kala horaynaayo intii islaama ee dhintay alle haw naxariisto inaga maalinta ay teena noqono haynooga daba naxariisto.
Aamiin Aamiin Aamiin