Bal Ka Warrama Hadaad Bisad Gaajoonaysa Ku Tidhaaho Kaluunka Ii Hay?

0
578

Bal Ka Warrama Hadaad Bisad Gaajoonaysa Ku Tidhaaho Kaluunka Ii Hay?

Waagii 2010 ee Olalahii lagu Qasaaraye Kulmiye lagu jirray Waxan Waddan jirray Gaadhigan Serf ta ah marka cusbaa Waxaana iga Iibiyay Good A. Abdi wuxuu iga siiyay lacag dhan $7600 Waxan ku marray Dhamaan Gobolada Dalka marka laga reebo Gobolka Sanaag oo wakhtigii la tagayay aan Anigu Burco kaga so hadhay Waftigii uu Madaxwayne Ahmed Siilaanyo Hogaaminayay, aan kuna so laabtay Magalada Hargeisa.
11954813_10152992349186825_7337333712184419638_n

Ugu danbayntiina sidaan ugu shaqaynayay Olalahii Kulmiye ayuu Gaadhigii Mishiinku iga Duqeeyay anagoo ku socona Gobolka Gabiley Waxa xusuus mudan Wakhtiga wixi ka danbeeyay in aan 3bilood bilaa Gaadhi ahaa ilaa isaga oo fur-fur ah la iga iibsaday oo aan gaadhi yaroo $3000 ah iibsaday sadex bilood dabadeed.

Caawa Waxan sheekadan ku keenay inaan idinla wadaago, waxan maqlay Nin ka mida Dawlada Siilaanyo oo baayacaaya Dhul la siinayo $90,000 hada Wakhtigaa 2010 ee aan sheegayana Walaahi $20 jeebkiisa kumu jirin waligiina shaqo tan maanta uu hayo ka horraysay mu qaban oo nin shiciba ayuu ahaa oo iska Lugeeya maantana wuxu ka mid yahay Tijaarta Wadanka ee ku Xisaabtamaysa Millions waxa Nasiib xumo ah inaanu kaligii ahayn ee ay jirran Rag iyo Haween badan oo isaga la mid ah.
11951611_10152992349011825_4871136348661071519_o
Dhawaan ayaan Magacyadooda iyo Shaqooyinkoda idiin so ban-dhigi doona Dhiig-yacabka ku ma’may xoolaha Umada ee Raga iyo Haweenba iskugu jirra.

Madaxwayne Ahmed waxa haboonayd inuu ka fiirsado Dadka uu Xilalka u magacaabay waxa se Nasiib xumo kale noqotay inaanu laba xisaabtamin dadka uu shaqada u wakiishay, waxana taa ku cadaynaysa in ay maantaba yihiin kuwa ugu Tijaarsan Waddanka waxay Wataan Baabuurta nooca ugu qaalisan waxay Magaalada Hargeisa ka dhisteen Guryo Cad-cad Acount-yadooda waxa ku jirra lacago caqligaagu diidayo waxay ku xisaabtaman Milions.
11866271_10152992348821825_2441166139295283415_n
waxay si hagar la,aan ah ugu ma’meen Hantidii umada Masaakiinta ah Xoolahii iyo Cashuurtii iyaga laga qaadayay loona baahna in isla iyaga Dib loogu so celiyo Daryeelkoda Caafimaad Biyahooda Waxbarashadooda Wadooyinkooda iyo Baahiyahooda Aas-aasiga ah.

Waxan hubaa Dadkaas Dhiigya Cabka ahi in aanay cirka ka imaan ee ay inaga’ inaga dhasheen sidoo kale waxan hubaa inay inagu dhex jirran oo ay inaga dhasheen Haldooro Mug Maamus iyo Miisan wayn leh oo ka dhabayn karra Riyada Bulshadeena.

11949398_10152992346761825_281928116633039145_n

Balse waxay xaqiiqadu tahay in aynaan u baahnayn kuwa oo inaga lafteenuba aynu nahay Bulsho bukta oo jecel Dib u dhaca kuna raaxaysata Dulmiga ay in yarri samaynayso in badanina ku gubanayso,
Marka aynu Baarlaman Gole Deegan Ama mid ka sii sareeyaba aynu Dooranayno Waxaynu wax ku so xulana Qabiil, keena ina xiga, keena Tuuga ah, keena Afmiishaarka ah, keena Beenaalaha ah, keena yaqaana sida wax loo cuno, keena yaqaana Sida xoolaha umada iyo Hantida Qarranka looga Qayilo Afmiishaarro kale iyo waji ku macaashyo kalena looga qayilsiiyo, waxaynu Nahay Bulsho Nacas ah Bulsho Nacas ahina waxay Dhashaa Dawlad Yeey ah.
11953059_10152992349096825_7655724074617296526_n

Waxaynu U baahanahay Inaynu Hurdada ka kacno oo aynu Xisaabtano oo aynu Xisaabino Maamulada aynu Talada u dhiibanayno waxaynu baahanahay in aynu Garaadkeena furro oo aynu Ogaano Ninka Madaxwaynaha ah Ka Wasiirka ah iyo Ka Xildhibaanka ahiba in ay yihiin Shaqaalaheena oo aynu inaguna nahay Loo Shaqeeyahii, Taasi markay timaado waxa iman doonta Xisaab, Xisaabi haday timaadana Tuugii ku Xadaayay iyo Afmiishaarkii la cunayayba Way iska tagi doonan.
Cashuurtaadii iyo Hantidii Qarranku lahaana Dibay kuugu so noqon Oo waxay ka Muuqan doontaa Caafimaadkaaga Biyahaaga Waxbarashadaada Waddooyinka iyo Horumarka Waddankaga.

Naciima Cabdi Galiixe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here