Barre intellectual group:Qaylo dhanku wajahan wadada saldhiga dhexe ilaa Edna

0
397

Barre intellectual group:Qaylo dhanku wajahan wadada saldhiga dhexe ilaa Edna
Baaqayagani wuxuu ku wajahamyahay golaha deegaanka caasimada Hargeisa,wadada isku xidha saldhiga dhexe ilaa Edna oo ah wadada aykusoo dhacdo wadada Airpotku run ahantii wax aka muuqda burbur faro badan waxaana ka dilacay godod iyo dhijaamo, way adag tahay in ishaadu qabato laamay ciid iyo dhagax moyee, waxa dayac tir ugu dambaysay dawladii afwayne, wadadan edna ilaa saldhiga oo marka ay total soo gaadho kusoo darsanto wadada aada dhabada diyaradaha ee cigal airport waa wadada ay cagta soo saaran siina maraan wufuuda iyo martida kasoo degta Airportku halkaas oo qofku ka qadan karo sawir iyo male xun oo uu ka aamino wadanka , waxay ahayd in waa horeba wadadan la hagaajiyo si bilicda magaladu kor ugu kacdo lkn wali masuul xilkasa oo arinkaa bilicda magalada ka fikira ina ma soo marin ilahayse waynu ka rajaynaynaa.
Dakhli yaraantu maaha in aynu u ee kaano sida aynu iminka u eegnahay wadama badan oo inaga hayn yar ayaa inaga farsamo wanagsan hadaan hawlaha sida ay ukala muhiimsan yihiin lookale horaysiina halka yanu hiigsanayno hore ugaadhi mayno, hagaajinta iyo nadiifinta wadadani waxay kusoo kordhin doontaa magaalada bilic iyo sawirsan oo aan la malaysan Karin hada, waa wado balaadhan oo afarhaada waliba meelihii dadku marayeena dheertahay.
Ugu dambany waxanu golaha Deeganka caasimada usoo jeedinaynaa in ay fadhiga ka kacaan oo ay bilicda iyo horumarka magalda ku dedaalan Hargeisa oo ah magaalo abuur ahaan (juqurafi)ahaan aad u qurxoon waxa meel walba yaala qashin iyo xashiis, hadii roob da, o magaladu way kala go,aysaa waa caasimad halmilyan iyo badh ku nooshahay oo aan biyo mareen lahayn , wadooyinkii sidii loogu soo siqayay ee kolba daar loogu soo dhawaynayay waa lasoo wada galay gaar ahaan fooqyada dhaadheer ee badhtamaha magalda laga dhisayo sida ay wadada ku yihiin waad argagaxaysaa madawga iyo laydh la,anta dariiqyada waawayn ee magalada habenkii marmarbad ku fikiraysaa malaha ay cidlo ah ayad maraysaa caasimad daayoo, waxyaabahaas oo dhami waa wax wax laga qabankaro oo u baahan xilkasnimo iyo daacad nimo, waqti wanagsan oo rubuc qarni magaaladu ka joogto burburkeedii ayaad kusoo beeganteen rajada ugu way nee shacabku idin doorteena waa gaadhsinta maglada caasimadaha kale ee geeska Africa.
Gebo gebadii maaha asluub wanagsan in talo loosoo mariyo masuul dawldeed warbaahinta hadana tani waa dariiqa kaliya ee aan hubno in ay kugu soo gaadhi karto taladan iyo qaylo dhaantani waxananu idinka rajaynaynaa wax qabad dhaman caasimada maasheeya.
Ilahay garabkiina ha galo
Aqonyahanka Barre group