Bastian Schweinsteiger oo laga doonayo horyaalka Brazil

0
662

waaxa qoreya yaasir br

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Bastian Schweinsteiger ayaa looga gacan haatinayaa horyaalka dalka Brazil.

Tababaraha kooxda Santos ee dalka Brazil Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay isku dayi doonto soo xerogalinta laacibka reer Jarmal.

Schweinsteiger ayaan xitaa hal kulan garoonka u soo galin kooxdiisa xiliciyaareed kan, Santos ayaana doonaysa inay ka faa’idaysato khibrada Bastian.

“Waxay ahaan doontaa lama filaan aduunka oo dhan uu layaabo suuqa kala iibsiga” ayuu yiri tababaraha Santos oo ka hadlay soo xerogalinta Schweinsteiger.

“Qorshaha aan doonayo inaan ku qanciyo maamulka Santos ayaa ah inaan helno laacib heer sare ah, waa inaan ka raadinaa gudaha kooxaha reer yurub, ciyaartoyda aan sifiican looga faa’idaysanayn”.

“Schweinsteiger waa mid kamid ah ciyaartoydaas, arinkaas wali ma hordhigin maamulka Santos, aniga oo kaliya ayaa doonaya inaan helno laacibka reer Jarmal”.