Bayern Munich oo go’aan ka gaartay mustaqbalka Arjen Robben

0
712

Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka hadlay mustaqbalka laacibka reer Holland ee Arjen Robben.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in Robben uu isbuucyo gudahood heshiiska u kordhin doono kooxda isla markaana uu kooxda la sii joogi doono.

Robben qudhiisa oo la hadlay shalay saxaafada ayaa sheegay in aabihiis uu la fariisan doono Rummenigge si ay uga wadahadlaan arimaha heshiis kordhinta.

“Aabaheey diyaar ayuu u yahay inuu ka hadlo heshiis kordhinta, wuxuu doonayaa inuu qaxwada lacabo Rummenigge, lagayaabee in wax walba ay soo idlaadaan fadhiga koowaad, arinku aad uma cusla” ayuu yiri Robben.

Dhanka kale Karl-Heinz Rummenigge oo ka hadlay arinkaas ayaa yiri:

“Wadahadalo ayaan kula jirnaa abaaha dhalay Robben oo ah wakiilkiisa, wuxuuna noo sheegay in laacibku uu doonayo in dib loodhigo wadahadalada heshiis kordhinta ilaa Christmas-ka (Ciida Gaalada) kadib”.

“Waxaan rumaysanahay inuu doonayo inuu heshiiska noo kordhiyo, Robben Bayern Munich ayuu u ciyaari doonaa sanadka dambe”.