Bayern Munich oo Noqotay Kooxdii Ugu horeysay Ee Bundesliga 10 Kii Ciyaarood ee Furitaankaba Badisa

0
370

Bayern Munich oo Noqotay Kooxdii Ugu horeysay Ee Bundesliga 10 Kii Ciyaarood ee Furitaankaba Badisa

Arjen Robben ayaa shabaqa ku hubsaday gool ciyaariisii koobaad ee uu dhaawaca ka soo noqday, iyadoo kooxdiisa Bayern Munich ay ku garaacday naadiga Cologne 4-0, sidaana ku noqotay kooxdii koobaad ee guulaysata 10 ka ciyaarood ee furitaankaba horyaalka Bundesliga.

Kooxda tababare Pep Guardiola waxay hogaanka ku sii dheeraysatay 10 dhibcood oo nadiif ah, iyadoo ku jirta qorshihii ay ku hantiyi lahayd horyaalka Jarmalka markii afraad oo xidhiidh ah.

Robben, oo 31,jir ahi ayaa gool uu kalidii ka shaqaystay shabaqa ku hubsaday, waxaana mid labaad raaciyey Arturo Vidal intii aanay qaybtii hor eee ciyaartu dhamaanin.

Robert Lewandowski gool uu 16 kaga dhigay goolasha uu dhaliyey sagaal ciyaarood, iyo rigoodhe Thomas Muller ku hubsaday shabqa ayay naadiga Bayern ku tirsadeen guushoodii 1000 aad ee ay gaadhaan Bundesligaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here