Beelaha Maxamed Sh. Isxaaq (Cimraan) Oo Cadeeyey Taageeradooda Xisbiga Kulmiye Iyo Difaacista Saldanadooda Guud Oo Ay Meel Uga Soo Wada Jeesteen + sawiro

0
948

Beelaha Maxamed Sh. Isxaaq (Cimraan) Oo Cadeeyey Taageeradooda Xisbiga Kulmiye Iyo Difaacista Saldanadooda Guud Oo Ay Meel Uga Soo Wada Jeesteen.

Hargeysa(WSN)Cuqaal, aqoonyahan, waxgarad, xildhibaano, siyaasiyiin iyo dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Maxamed Sh. Isxaaq (Cimraan) ayaa shir balaadhan oo ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa waxay ku muujiyeen taageeradii ay horeba ugu hayeen Xisbiga Kulmiye oo ay caddeeyeen in aanay waxba iska bedelin beeluhuna ay ka midaysan yihiin taageeradii ay awlba u hayeen xisbiga iyo xukuumadiisaba. Sidoo kale waxa ay sheegeen in haba yaaraatee aanay jirin cid sheegan karta suldaan ama ugaas kuna hadli karta magaca beelaha Cimraan, suldaanka guud ee reer kuna uu yahay suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur.

Waxaana halkaasi hadalo ka jeediyey masuuliyiin dhawra oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Diiriye oo isagu ka tirsan golaha guurtida Somaliland waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “halkan waxa aan ka cadaynayaa reerka la yidhaa Maxamed Sh. Isxaaq Cimraan ku magac dheer in aanu lahayn in Maxamud Xaaji Xuseen Nuur Cali maahee lahayn madax dhaqameed kale jaadkuu doonayaba ha sheegtee ama ha sheegto ugaas ama ha sheegto suldaan ama ha sheegto garaad iyo malaaq IWM ah, halkan waxan ka cadaynayaa in aanu Maxamuud Xaaji Xuseen maahee aanu reerku suldaan kale lahayn, ninkii kale ee maanta u sharaxan oo aanu ognahayna aanu jirin”

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamuud Ismaaciil Xasan oo ka tirsan golaha wakiilada JSL, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Maanta halkan waxa aanu u fadhinaa in aanu cadayno laba arrin oo beryahan media ku wareegayey, laysla dhex xulayey ayaanu doonaynaa in aanu idinla socodsiino in reerku leeyahay hal suldaan oo ah Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur iyo cuqaal ma jirto cid kale oo laga tashaday oo reerka dhex timid oo wax waydiisatay oo laysla ogol yahay ma jirto taasi waa arrin cadaana weeyi, cid ku hadli karta suldaankaa iyo cuqaashaas mooyaane cid kale ma jirto cid teetalkaa sheegan kartaa ma jirto, taa waanu u cadaynaynaa bulshada Somaliland iyo Xukuumada Somaliland waanu u cadaynaynaa, Arrinta labaad ee aanu halkan ka cadaynaynaa waxa weeyi ka mid tahay beeshani waxay ka mid tahay beelihii aas aasay xisbiga Kulmiye kuwii rukunka u taagay, halkeediibay ku neg tahay meel aanu u guurnay ma jirto meel aanu u hayaanay ma jirto meel aanu u hayaamaynaa ma jirto iyadoo isku duuban oo isku dhan, salaadiinteeda, cuqaasheeda, waayeelkeeda dhamaan waxa aanu taageersanahay si buuxda u taageersanahay xisbiga kulmiye dedal badan ayaa naga galay, tacab badan ayaa naga galay ma jirto beeshu meel ay u digo rogatay ”.

Waxa iyana markooda la wareegay hadalka qaar ka mid ah cuqaasha,iyadoo uu Chief Caaqil Cali Caaqil yare kelmad ka yidhi halkaa”ninka ugu weyn cuqaasha ayaan ahay oday ayaan ahay in ka badan 40 sano ayaan anigu caaqil ahaa waxan leeyahay maanta iyadoo beeshu suldaankeedii, cuqaasheedii, guurtideedii, iyo waxgaradkeedii ay dhan tahay beeshu waa kulmiye meel kalena ma qaban karno anagaana aas-aasnay kamanaanu guurin meeshii aanu dhidibada u taagnay, waxa kale oo aan idin sheegayaa beeshan ugaas kalena ma jiro suldaan kale oon ahayn Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur ma jiro”.

Caaqil Jaamac Diiriye Guuleed oo isna halka aka hadlay ayaa yidhi “ waxan halkan ka cadaynayaa in aanay beeshu lahayn suldaan kale oon ahayn suldaan Maxamuud X Xuseen Nuur, wax kastaba ha la sheegee weligayo xisbi ayaanu deganahay waana kulmiye”

Caaqil CalI Siciid oo isna kelmad halkaa ka yidhi ayaa yidhi “ dadka waxa aanu u sheegaynaa suldaanka guud ee beeshu waa suldaan maxamuud X Xuseen Nuur, suldaan ka horeeyeyna ma jirin mid ka dambeeyey oo aanu isla garanayna ma jiro, beeshuna waxay hore ugu jirtay xisbiga kulmiye oo lagu ogaa oo ay caan ku ahayd isaga ayaanu imikana nahay ma jirto meel aanu uga diga roganayn iyo meel aanu ku soconaa toona ”

Ganacsade Diiriye Jaamac Cabdi oo ka mid ah ganacsada beesha ayaa isna sheegay in xisbiga kulmiye yahay midkii ay tacabka u soo galeen ee ay u rafaadeen, afartii qof ee meel ka hadlaana aanay waxba ka bedelayn mowqifka beesha mid la soo aas aasayana aanay gelayn ee kaa ay weligiidba ka midka ahaayeen ka sii mid ahaanayaan.

Gudoomiye kuxigeenka Asxaabta Xisbiyada Qaranka Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi”anigu xisbiyada dhex ayaan u ahay halkan uma fadhiyo in aan xisbi ka hadlo laakin waxa la soo weeraray reerkii ilmaadeeraday waxan leeyahay qolada waddani isuma samayno madax dhaqameedkee aynu kala xishoono ixtiraam ayaa inaga dhexeeya, dad walaalo ah ayeynu nahay ma cayno madax dhaqameedkiina iyo salaadiintiina wax kama sheegno waxan leeyahay aynu kala xishoono waxaana hadalkaa I geeyey dhaqankii reerka oo la soo weeraray”.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Bashiir Diiriye Ibraahim oo ay walaalo yihiin nin isagu beesha Ugaaska Beesha Maxamed Sh. Isxaaq waxaanu yidhi “waxan u kacay in aan laba qodob ka idhaahdo arrinta saldanada ee beesha oo ah mid qoto dheer oo mudooyin soo jirtay waana mid la ogyahay suldaanka reerkuna waa Suldaan Maxmauud X Xuseen cid kale oo ku hadli karta ama meel wax kale laga sheegi karaa jirto ka reer diiriye xaaji ibraahim ahaana anigoo ah Bashiir Diiriye Ibraahim waxan doonayaa in aan halkan xaalka siiyo arrintaa uu ninkaa aanu walaalaha nahay ku kacay Cabdiraxmaan Diiriye Ibraahim in aan arrintaa xaal ka siiyo reerka oo aan leeyahay arrintaas waa arrin khalada waa arrin aan marnaba la aqbalayn waa mid aan reer Diiriye kula socon cid kale oo cimraan ahina aanay kula socon balse ku kooban isaga, cida isaga dabada ka riixaysana waxa aanu uga digaynaa in ay arrimahaa beesha faraha kala baxaan ”

Ugu dambayn waxa shirkaasi soo xidhay gudoomiyaha Beesha Maxamed Sh. Isxaaq (Cimraan) Cabdirsaaq Jibriil Aadan (Caga-yare) “waxanan halkan ka cadaynayaa anigoo ku hadlaya afka beesha in aanay madax-dhaqameed kale ama suldaan sheeganaya ama ugaas sheeganaya malaaq sheeganaya waxa aanu u sheegaynaa in aanay beeshu suldaan aan ahayn sul. Maxamuud X Xuseen Nuur aanay lahayn meel suldaan kale ama wax u dhigma lagu caleemo saarayna aanay jirin.

Waxanan u sheegayaa xisbiyadan doonaya inay reerka maamulaan oo ay u sameeyaan madax-dhaqameed kale oo aanu reerku dooran in reero kale noo sameeyaana raali kama nihin, hadii faraha lanagala bixi waayana wax kale oo aanan anagu doorana la noo soo cimaamado anaguna qaar kale ayuunbaanu samayn doonaa. Xisbiyada arrintaa wada ee uu waddani ka mid ka yahay inay faraha kala baxaan arrintaa dhaqanka reerka, beeshuna waxay si buuxda u taageersan tahay horena ay u ahayd Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadiisa, hadana ay tahay si buuxdana ay u taageersan tahay cod dheer iyo cod gaabana aanu ku sheegaynaa
dsc_0169

dsc_0170

dsc_0171

dsc_0172

dsc_0176

dsc_0177

dsc_0180

dsc_0187

dsc_0193

dsc_0194

dsc_0196

dsc_0197

dsc_0198

dsc_0200

dsc_0202

dsc_0203

dsc_0204

dsc_0206

dsc_0208

dsc_0212

dsc_0215

dsc_0223

dsc_0224

dsc_0229

dsc_0231

dsc_0235

dsc_0238

dsc_0243

dsc_0247

dsc_0249

dsc_0253