Ben Woodburn oo RIKOODH cusub u dhigay Liverpool

0
444

WAAXA DIYERIYA YAASIR BR

Da’yarka Liverpool Benjamin Woodburn ayaa jabiyay rikoodhkii Michael Owen isla markaana isku xardhay buuga taariikhda kaddib goolkii uu dhaliyay kulankii xalay ay Liverpool ka adkaatay Leeds EFL Cup.

Ben Woodburn ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ebid taariikhda ee gool u dhaliya kooxda Liverpool 17-sano iyo 45 –maalmood kaddib markii uu dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa kulankii xalay ay 2-0 uga adkaadeen Leeds.

Da’yarka reer Wales ayaa jabiyay rikoodhkan u yiilay rugcadaagii kooxda ee Owen.

Xiddiga reer England ayaa durba boggiisa ugu soo hambalyeeyay Woodburn kaddib markii uu jabiyay rikoodhkiisa wuxuuna soo qoray: “Rikoodh kale oo la iga jabiyay, Hamablyo Ben Woodburn noqoshadaada laacibka ugu da’da yar ee gool u dhaliya Liverpool 17-sano iyo 45 –maalmood.”.