Benitez Oo Meesha Ka Saaray In Kooxdiisa Real Madrid Ay Suuqa Ka Raadsanayso Gooldhaliye Cusub, Muxuuse Ka Yidhi Cristiano Ronaldo Iyo Karim Benzema?

0
412

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Rafa Benitez oo kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah kooxdiisa Madrid macalin u noqon doona marka ay Real Madrid barri la ciyaarto kooxda Sportign Gijon ayaa meesha ka saaray in kooxdiisu ay suuqa ugu jirto sidii ay ula soo saxiixan lahayd gool dhaliye cusub.

Gooldhaliyaha Real Madrid ee Karim Benzema ayaa si wayn loola xidhiidhinayaa kooxda Arsenal laakiin Benitez ayaa meesha ka saaray inay gooldhaliye suuqa ka doonayaan, wuxuuna Benitez markale ku celiyay in Benzema uu gool dhaliye fiican yahay wuxuuna yidhi: “Waxaan marar badan sheegay in Benzema uu yahay gooldhaliye fiican, taasina waa sababta aan ugu bartilmaameedsaday inuu 25 gool dhaliyo si aan isaga u dhiiro galiyo. Waxa kale oo aanu haysanaa Cristiano, Jese iyo Mayoral. Hadda suuqa kama raadinayno gooldhaliye”.Benzeama

Intaa kadib ayaa Benitez wax laga waydiiyay in Cristiano Ronaldo uu kooxdiisa uga ciyaari doono weerarka dhexe ee No.9 wuxuuna yidhi: “Armihani waxa ay ku xidhan yihiin sida ay ciyaartu noqoto.Ciyaartoydu waxay xor u yihiin inay dhaqdhaqaaq sameeyaan oo ay muujiyaan hibadooda hal abuuriseed. Cristiano waxa uu ka ciyaari doonaa weerarka haddii ay lagama maarmaan noqoto. Haddii kale waxa uu ka ciyaari doonaa baasha weerrka wuxuuna dhalin doonaa goolal taas ayaa ah waxa aan jecelahay in aan inta badan arko iyo wax uu Ronaldo inta badan sameeyo”.ronaldo1

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here