“Berbera waxa degan dad shaqaale ah, waa kuwa ugu nabadgelyada jecel, ma haleelaan inay ka sheekeeyaan siyaasada…”

0
382

“Berbera waxa degan dad shaqaale ah, waa kuwa ugu nabadgelyada jecel, ma haleelaan inay ka sheekeeyaan siyaasada…”

Mr. Cumar Abokor Jaamac, Maareeye-xigeenka Dekedda Berbera
Waa maxay Baaqa u diray Ganacsatada & Qurba-jooga dibedaha!
Berbera-(Warsugannews):- Mr. Cumar Abokor Jaamac, Maareye-xigeenka Dekedda Berbera aya augu baaqay Ganacsatada iyo qurbajoogu Somaliland inay uga faa’iidaystaan badeecadaha dalkeena laga helo ganacsi ay ugu dhoofiyaan dibedaha konteenarada madhan ee laga qaado dekedda Berbera bil walba.

Mr. Cumar Abokor oo wareysi uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan dhowaan dekedda Berbera ku siiyey telifishanka Universal ayaa sheegay inay mustaqbalka dhisi doonaan deked cusub oo maraakiibtu ku soo xidhaan barxadii badeecadahooda la dhigi lahaana wakhtigan diyaarinteed awadaan.

Su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

“Hawsha balaadhinta dekedda Berbera laba sannadood horteed ayaan bilownay qeybaha dhamaaday, laba weji oo hore ayaa noo soo dhamaaday, Ilaahay baa mahad leh nagu guuleeyey, oo xilligan lagu shaqeeyo, cidhiidhiigina kaga baxnay, qeybtii saddexaad ee balaadhinta dekedda dhowaan ayaan bilownay, si wanaagsana way u socotaa, balaadhinta barxadaha dekedda Berbera wax badan ayey ku soo kordhisay dalka, dhaqaale kordha, badeecado kordha, shaqaale kordhay, waanu kaga nasanay cidhiidhigii hore dekedu u qabtay.” Ayuu sheegay Mr. Cumar Abokor, mar wax laga weydiiyey balaadhinta dekedda Berbera.

“Shaqaalaha iyo muruq-maalka dekedda Berbera qeyb libaax ayey ka qaateen oo iska-wax-u-qabso ayey ku geli jireen hawlaha qaarkood ee balaadhinta dekedda oo hormood u yahay Maareeyaha Dekeddu Eng Cali Xoor-xoor, isagoo fulinaya talooyinkii iyo qorshahii xukuumada Madaxweyne Md. Axmed Siilanyo u dejisay horumarinta dekedda Berbera oo iskaa-wax-u-qabso ayey ku geli jireen hawlo badan.

“Waxaa yimaada labada nooc ee aduunyada laga isticmaalo konteenarada, bil walba waxaan dirnaa ilaa lix kun konteenar madhan, Waxaan ugu baaqaya ganacsatada iyo qurbajooga dibedda inay badeecado ganacsi ku ridaan konteenarada madhan ee dekedda Berbera laga qaado, maadama badeecado fara badan oo dalkeena yaala looga baahan yahay wadamadda dibedaha, ilaa biyaheena ayaa wadamada Yurub qaarkood u baahan yihiin, in laga faa’iidayto konteerada madhan ee dekedda laga qaado ayaa wanaagsan” ayuu yidhi, mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey noocyada konteenarada yimaada dekedda Berbera.

“Hay’adda cuntada Aduunka (WFP) ayaa halkan ka samaysatay xarun ay mucaawinooyinka Yemen iyo Itoobiya geynayso ka dirto, xilligan waxa laga raraa raashin mucaawinooyin ku socda dalka Itoobiya, heshiiskii isticmaalka dekedda Berbera ee dalka Itoobiyana waa la saxeexay, dhowaana wuu bilaabmayaa.” Ayuu yidhi mar la weydiiyey heshiiskii ganacsi ee Itoobiya iyo Somaliland dhowaan wada galeen.

“dhismaha barxadan saddexaad waa furahii horumarka, qorshaha mustaqbalka balaadhinta dekedda Berbera waxa ku jira in la sameeyo deked cusub oo maraakiibtu ku soo xidhato dhinaca badda, waxaan ugu baaqaya in ganacsatada dalku la soo maraan badeecadahooda dekedda Berbera, oo maamulku diyaar ugu yahay inay helaan adeeg dhamaystiran hadh iyo habeen oo qiimo jaban ah.” Ayuu yidhi, mar la weydiiyey qorshahooda balaadhinta dekedda Berbera.

“Guud ahaan Somaliland, gobolka Saaxil, waa ka ugu nabadgelyada fiican, Berbera waxa degan dad shaqaale ah, waa kuwa ugu nabadgelyada jecel, ma haleelaan inay ka sheekeeyaan siyaasada, dhaqdhaqaaqa badan ee dekedda Berbera ka socdana waa nabadgelyada, Ilaahay baa mahadeeda leh, hana inoogu sii waddo.” Ayuu ku jawaabay Mr. Cumar Abokor, mar la weydiiyey xaalada nabadgelyada dekedda Berbera siday u ilaaliyaan.