Booliska Oo Xoojiyay Amaanka Suuqyadda Hargeysa iyo Taliye Fadal Oo Ka Hadlay

0
401

Booliska Oo Xoojiyay Amaanka Suuqyadda Hargeysa iyo Taliye Fadal Oo Ka Hadlay

Hargeysa(warsugannews): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta kormeer ku soo maray suuqyadda waa weyn ee Caasimadda Hargeysa, maadaama oo ay sida caadiga ah sax-madda suuqyadu kor u kacdo maalmaha ay ciiduhu soo dhawaadaan.

Waxaanu taliyuhu u kuur-galay sida ay boolisku uga hawl gelayaan, ee ay uga hor tegayaaan Tuugta ku soo dhex dhuunta dadka suuqyadda ka dukaamaysanaya iyo waxyaabaha kale ee nabadegliyadda wax u dhimmi kara.

Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal, ayaa kormeerkiisan waxa uu ku soo maray suuqyadda Waaheen iyo Gobanimo ee Caasimadda Hargeysa oo ay ka hawl gelayeen Ciidammo boolis ah oo ammaanka ilaalinayay isla markaana waalidiinta carruurta wadata ee suuqyada wax ka iibsanaya ka ilaalinayay in ay cidhiidhiga suuqa ugu soo dhex dhuuntaan Tuugtu oo ay baadhasho u geystaan.

Waxaanu taliyuhu ku adkeeyay in ay si dhaw ula socdaan wax kasta oo dadka iyo dawladaba dhibaato u keeni karaa in ay saxmadda iyo buuqa suuqyadda ku soo dhex-dhuuntaan, isla markaana ay isha ku hayaan hannaanka isu socodka gaadiidka oo aanay sababin in ay waddooyinka cidhiidhiga ah xawaare sare ku maraan, iyadoo ay ka dhalan karto in ay dadka shilal soo gaadhsiiyaan.

Taliyaha booliska ayaa intii uu ku guddo jiray kormeerka uu ku marayay suuqyadda sida weyn looga dukaamaysto ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ciidamadda suuqyadaasi ka hawl galayay waxay ka dhegaysteen warbixino la xidhiidha in ay si naxariisleh oo dabacsan dadka ugu adeegaan oo waalidka jilicsan ee cidhiidhiga suuqa awoodi waaya in uu caruurta la dhex galo in ay gacan siiyaan.

Sidoo kalena qofka xanuun ku soo boodo ee degdeg gurmad caafimaad ugu baahda in ay gacan siiyaan nabad gelyadana ilaaliyaan.

Dhinaca kale bulshadda ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee ka markii uu taliyuhu kormeerka ku marayay suuqyadaasi ka dukaamaysanayay ayaa soo dhaweeyay, kuna farxay markii ay arkeen taliyihii Booliska oo ammaankooda kormeeraya oo dhex lugaynaya suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here