Boorama: Ganacsatada Qaadka Oo Ku Jaahwareeray Cashuur Dawladda Hoose Ku Kordhisay iyo Wasaaradda Ganacsiga Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Cashuurta Dawladda Hoose Qaadayso

0
361

Boorama: Ganacsatada Qaadka Oo Ku Jaahwareeray Cashuur Dawladda Hoose Ku Kordhisay iyo Wasaaradda Ganacsiga Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Cashuurta Dawladda Hoose Qaadayso

Boorama(Warsugan) Dadka ka ganacsada Qaadka ee magaalada Boorama, ayaa la yaab ka muujiyay cashuuro dheeraad ah oo Maayarka Boorama ku soo rogay. Ganacsatada ayaa sheegay in shalay Maayarku diiday in qaadkaasi soo galo magaalada, islamarkaana jid gooyo u dhigay, taas oo sababtay in qaadku laydhsado ama gubto.Waxay dalbadeen in maayarku magdhaw bixiyo, islamarkaana u magac bixiyo lacagaha uu ka doonayo, maadaama wasaaradda maaliyaddu ka qaado cashuuro ay qayb ahaan leedahay dawladda hoose, sidoo kalena qaadku sifo sharci ah dalka ku soo galo.

Tallaabadan waxaa hore isugu khilaafay badhasaabkii hore Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane. Maayarka ayaa rabay in kiillooga Jaadka ah la saaro laba kun oo shilin, balse badhasaabka hore ayaa ku xaddiday shan boqol oo shilin, arrintaasi oo uu diidanaa Maayarku, balse hadda uu dib u soo kiciyay damaciisaasi.

Qaadleyaasha ayaa cabashadooda sidan u sharaxay“Waxaanu ka cabanaynaa Maayarka Boorama, Cashuurta Maaliyaddana waa loo raaciyaa, marka Qaadku magaalada soo galena waa nalaga qaadaa, waxaanu nagu soo rogay cashuur saddexaad oo aanan qaadi Karin. Qaadkayagii maanta wuu gubay, waxaanu leenahay xisaabtaasi aad bay u adag tahay, sababtoo ah gobollada Somaliland ayaanu wax la qabnaa, markaa waxaanu doonaynaa inuu iska bixiyo hantidayada uu afarta saac haystay ee gubatay, islamarkaana uu naga daayo deelqaafka aanan Somaliland inteeda kale la qabin.”

Sidoo kalena waxay la yaab ka muujiyeen talaabada Maayarku ku xannibay qaadka “Wuxuu Maayarku samaystay jid gooyo aan sharciga waafaqsanayn iyo cashuur aan baarlamaan ka fadhiisan, markaa qaadka oo juwankii cashuurta sita ayuu jid gooyo u dhigtay sidii jabhadda, markaa hantidii magdhawgeeda ayaanu ka rabnaa. Lacagaha nalaga doonayaa waa sharci darro, mana bixinayno, raggaas xidhana waxay ku xidhan yihiin khalad,” ayaa ka mid ahaa hadalkooda

Sidoo kalena qaarkood ayaa la yaabay cashuurta labaad ee dawladda hoose doonayso maadaama wasaaradda maaliyaddu cashuurta qaado “Waxaan u malaynayaa inay laba dawladood oo iska dhul dhisan ay yihiin iyo in qaybi cid kale u shaqayso oo aanay halkani Somaliland ka tirsanayn garan maayo, waxa weeye qaadkan waa la cashuuraa oo awalba maaliyadda ayaa cashuuraysay, sifo sharci ahna dalka wuu ku soo gala, dee dawladda hoose iyo Maaliyadda xisaabtu iyaga ayay ka dhexaysaa laakiin, dawladda hoose inay qaadka miisaan u soo dhigato oo iyadu calaa kiilloo u miisaanto meesha uma taallo.”

Geesta kale Isu duwaha wasaaradda ganacsiga ee gobolka Awdal Cumar Kadiye, ayaa sheegay inaanay ogayn waajibaad dawladda hoose ku qaadi karto cashuur madax bannaan oo ay qaadka ku soo rogto “Ma hayno wax sharci ah oo dawladda hoose cashuur ku qaadayso, cashuurta gaar baa loogu qaadaa, waxay leeyihiin 22.5 maalin walba loo qaado intaas wax ka badan oo ay ku leeyihiin ganacsatada qaadka soo dejisa ma jirto, wixii dheeraad ah ee ay sheegtaana iyagu ha keenaan

Xigasho Wargeyska Warsugan