Bravo! Faysal! Waad asiibtay

0
434

Bravo! Faysal! Waad asiibtay

Waxaa dadka waddaniyadu ku wayn tahay ee Somaliland aad iyo aad ugu diirsadeen qudbad qiimo iyo qaayo leh oo uu Faysal Cali Waraabe (horjoogaha UCID) ka jeediyey jaamacadda Addis Abeba ee Hargaysa ku taal. Faysal wuxuu is barbar dhigay Addis Abeba iyo Xamar. Wuxuu sheegay in Xamar xumaan iyo xabbad uun innooga yimaadaan, wax khayr lehna ayaynaan weligeen ka arag. Halka Addis Abeba (Itoobiya) ay innooga yimaadaan manaafacaad badan sida caanaha, khudradda, cilmiga (qarniyadii hore xataa diinta barashadeeda wax loo doonan jiray Itoobiya) iyo nabadgelyada. Wuxuu xasuusiyey umadda in hammigii shanta Soomaliyeed ee 1960kii Xamar inna geeyey uuna maanta jirin. Marka horeba dadka Somaliland uun baa shanta raadin jiray ee kuwa kale marna kumay talo gelin.

Xamar, Djibouti, Wajeer iyo Jigjiga toona ma rabaan inay mid kale hoos tagaan oo la maamulo ee waa yaabe maxaa Hargaysa oo kaliya farta loogu fiiqayaa? Bal nin ku leh: “walaalo aan kugu darsado oo aan kuu imaado”; wax uun baad ka yeeli. Laakiin bal ka warran mid kaa liita oo ku leh: “ma tashan kartid oo dhulkaaga ma maamulan kartid ee aniga i hoos imow”.

Faysal wuxuu ka warramay taariikh loo baahan yahay in jiilasha dambe ka faaidaystaan. Wuxuu sheegay in xataa magacii Soomaaliwayn la leexshay oo lagu soo koobay Xamar iyo Hargaysa iyadoo la rabo in lagu qaldo dadka. Si loogu ekaysiiyo in danta Soomaali oo dhan la wado, iyadoo ujeedadu tahay keliya in Somaliland la gumaysto.

Faysal wuxuu sheegay in aqoonsiga Ilaahay keeno waqtiga uu isagu doono ee qaddaro ee Maraykan iyo cid kale toona ayna gacantiisa ku jirin. (Arrintani waa arrin aad muhiim ah sababtoo ah qofka muslinka ihi wuxuu rumaysan yahay in addunyadan wax uuna Ilaahay doonin ka dhici karin, xataa caleen geed ka soo dhacaysaa waa qaddar Ilaahay ee iskama dhici karto). Sidaa darteed looma baahna inaan dal kale is hoos dhigno oo aan ka barino aqoonsi, sababtoo ah kuma siin karaan haddaan Ilaah ku siin.
Faysal wuxuu sheegay haddii caqiidadeenu sidaa tahay, waxa la innaga rabaa waa cabsi Ilaahay, cibaado toosan iyo inaan ummad ahaan iska ilaalino inaan Rabbigeena caasino. Waa inaynu Ilaahay kelidii barinaa oo aan isaga keliya talo saaranaa, kana doonaa taageero.

Maanta waxaynu ka fiicannahay 31kii sano ee ay Xamar inna guumaysanaysay. Ninkii waqtigaa joogay ee maantana nool ee deggen dalka ayaa arrintaa si fiican u dareemaya, kana markhaati kacaya.

Maanta waxaan aragnaa dad ka dhiidhiyaya meelaha danta guud ee dawladdu iibinayso laakiin su’aashu waxa weeyi ma dal iyo dan guud jacayl bay innaga tahay? mise xasad aan xasdiyayno ka iibsanayaa iyo ka dawladda ah ee iibinayaa?
Ok, hadday inaga tahay dal jacayl bal ka warran kaa iibinaya ee dawladda ah oo ka yimid Xamar, Gedo iyo meelo baas oo aanad weligaa hore u maqal oo intuu kuugu yimid Burco iyo Berbera iibinaya wixii danta guud oo ka iibinayana mid ay meel ka wada yimaadeen!!!!! miyayna kaaga xanuun badateen??????

Muddo 16 sano ka horraysay ayaan aabbahay A.H.N. oo sideetan jir ahaa booqday, markaasaan uga cawday musuqa dalka ka jira. Wuxuu igu yidhi: “waar naga aamus hadday cidi wax cunayso ha cunaan kuwan dalka u dhashee oo kan waabad garanaysaa oo wuu ku qadarin laakiin mid ku lahaa xunyohow xunku dhalay oo qabiil ahaan kuu xaqiraya ayaa awal cuni jiray”
Macnuhu maaha inaynu musuq raali ka noqonno ee xaaladdu siday ahaan jirtay ayaan ku dareensiinayaa.

Dhammaan siyaasiinta Somaliland waxa laga rabaa inay si cad sidaa Faysal oo kale qaddiyadda Somaliland uga hadlaan. Gaar ahaan hoggaamiyayaasha xisbiyada ee ku hammiyaya in la doorto oo ay waddanka madaxwayne ama ku xigeen ka noqdaan waa inay mowqifkooda siyaasadeed ee gooni isku taagga Somaliland caddeeyaan. Waa inayna madmadow, xan iyo tuhun marnaba fursad siinin.
Afeef: Ma ihi taageere UCID ee waxaan ahay ruux ay ku wayn tahay qaddiyada Somaliland, jecelna qof kasta oo arrintaa wayneeya.

Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde Nuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here