BURJIGA ADAG, DABEECADAHA YAABKA LEH IYO MUCJISOOYINKA KU  LAMAAN FARDAHA

0
433

BURJIGA ADAG, DABEECADAHA YAABKA LEH IYO MUCJISOOYINKA KU  LAMAAN FARDAHA

Waxaa ka Sheekeeyey AHN Abwaan Siciid Maxamed Jaamac (Siciid-Biid)

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

                      Qof kasta oo Aadami ahi marka uu ishiisu qabato muuqaal ama sawir Faras, cajalada garashadu waxay soo tuurtaa xusuusta ficilada lagu yaqaano,  sida orodka xawaaraha  aan hakashada lahayn,  awooda Allaah siiyey ee qofka dushiisa saaran miisaankuu doono ha lahaadee  aanay culays ku ahayn, ayaa   ku suntan maskaxda Aadamaha  waana aragtida ay ka qabto Faraska.

 

                Hadaba si aan wax uga ogaano dabeecadaha iyo habdhaqanka fardaha waxaan 11 Sano ka hor 9.2.2011. la kulmay Abwaan dhaqan-yaqaan ahaa oo khibrad weyn u lahaa aqoonta Fardaha,  Allaah haw naxariistee Marxuum  Siciid Maxamed Jaamac (Siciid-Biid) oo 29.11.2020 Ku geeriyooday Jigjiga, xiliga aan qoraalkan ka diyaariyeyna wuxuu macalin  ka ahaa Dugsiga Sare  Bursade ee Magaalada Berbera.  

 

                 Abwaankan oo Waayihiisii Nololeed kasoo hawlgalay deegaano badan oo dhulka Af-soomaaliga lagaga hadlo ah, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeeday Degmada Taleex oo caan ku ah dhaqashada Fardaha, ilaa haatana laga heli karo Fardo isirkoodu ku arooro  Dirkii DHOODI-MEER iyo XIIN FINIIN. Oo kamid ahaa Fardihii  ugu caansanaa Cahdigii Daraawiishtii  Sayid Maxamed Cabdule Xasan,

                  Alaah haw naxariistee Abwaan Siciid-Biid oo kamid ahaa raga fara-kutiriska ah  ee wax laga weydiiyo aqoonta Fardaha.

                    Waxa  uu  ahaa dhaqan-yaqaan xog  badan ka haya taariikho iyo dhacdooyin  bulshooyinka Afsoomaaliga  ku hadla soo dhexmaray, isla markaana   xafidsan tix iyo tiraab wixii  waayahaasi lays weydaarsaday,

            Arimaha kale ee AHN Abwaan Siciid-Biid lagu xusuusto waxaa kamid ahaa     Maansooyin dhowr ah,  sidaan filayona abwaanka kasoo maaxday, horaantii sanadihii Sagaashanaadkii,  inkastoo ay  aad u caanbaxday markii lagu baahiyey Telefishinada madaxa banaan,  waa mudadii uu ku sugnaa Magaalada Jigjiga.

 

            Maansada  ugu magaca dheerna waa GOOGAA ABWAANKOOW.  Oo sida abwaanku sheegay ka koobnayd 630 tuduc,  xaqiiqo ahaan waxay  ku qotontay dhud suugaaneed oo farshaxan ah, baaq furan iyo fariin baahsan oo ku socday dhamaanba Hal-abuurada iyo Abwaanada suugaanta Afsoomaaliga ayaanay ahayd  waxaana isku arkay silsiladaasi  19 Abwaan.

 

             Dhinaca kalena sida abwaanku sheegay waxaa jirey tiro Riwaayado ah oo uu Alifay, qisooyinka iyo sheekooyinka ay xambaarsanyihiin uu kaga sheekeeyay waraysiyo  uu saxaafada siiyey,

   Kaydka keliya ee laga reebay Abwaankana waxaa laga heli karaa dhowr Telefishin oo ay kamid yihiin SRTV iyo Astaan TV. Anigoo aad u hambalyeynaya dhamaanba suxufiyiintii iyo filimqaadeyaashii hawshaasi galay oo xaqiiqo ahaan badbaadiyey,   qayb kamid ah xogtii iyo xikmadii murti dhaadhigaasi   oo marka si dhow loo tilmaamo ahaa   Matxaf galbaday.

                AHN Abwaan Dhaqan-yaqaan  Siciid-Biid oo  mihnadiisa Fanka ka sokow lahaa xirfad Bare-nimo  waxa uu macalin suugaanta iyo cilmiga luqada soomaaliga  ka noqday Dugsiyo, iyo Jaamacado dhowr ah. Xaqiiqo ahaana wuxuu ahaa Shaqsiyad qaali ah  oo cid kasta oo aqoon u lahayd  aanay ka xiiso-goyn jirin  sheekadiisa, sanadihii  u dambeeyey noloshiisana wuxuu Barmaamij soo saare ka ahaa shabakada Warbaahinta  Murti Media TV mudadii uu ka hawlgelaayeyna waxaa kusoo xidhmay kumanaan qof oo aad uga helay macluumaadka uu tebin jiray.

 

       Badiba dhalinyaradii iyo asxaabtii ay isku barteen Magaalada Berbera oo mudo dhowr sanadood ah uu  macalin ka ahaa, waxay tilmaameen inuu ahaa shaqsiyad aanay suurtogal ahayn in la helo qof u dhigma,  oo buuxin kara dabeecadihii iyo hab-dhaqankii uu lahaa. Waayahaa uu macalinka ka  ahaa  Berberana waxaa loogu yeedhi jiray Naanaysta AWOOWO oo ahayd  kelmad  uu dadka ku odhan jiray.

 

                Markaan hadaba usoo noqdo Sheekada Fardaha iyo sharaxada uu AHN Abwaanku ku xusay

  • Noocyadda Fardaha
  • Midabada ay yeeshaan oo saamayn ku leh tayada Faraska ama Geenyada
  • Qaababka orodkooda oo mid waliba leeyahay Magac u gaar ah iyo Asto
  • Qaar kamid ah xanuunada ku dhaca iyo sababaha ay ku yimaadaan iyo sidoo kale waxyaabaha lagu daweeyo ee dabiibka u ah.
  • Iyo sidoo kale arimo dhaqan ahaan aad laysaga ilaaliyo oo hadii ay dhacdana xaal iyo ganaax culus leh.. waana sheeko aad u yaab badan oo tilmaamaysa ixtiraamka iyo karaamada Fardaha.

                     Waxaanu sheekadiisii ku bilaabay  farduhu waa xawayaan aad u burji  badan, soomaaliduna waxay tidhaahdaa “wax booda oo markuu damco inuu soo dego intaanu dhulka gaadhin dib u noqda waxaa jira Faras iyo Libaax”

                Markalena inta noole alle abuuray waxaa ugu dhegawadan  waa Faraska oo awood  u leh inuu maqlo jabaq ama  sanqadh meel aad u fog ka baxaysa.

 

        Hadiiba ay dhacdo inuu farasku dhib dareemo wuxuu dhaqso u toosiyaa ninka gacanta ku haya, sidoo kale xoolaha oo dhami  haday weel ku cabaan ma isticmaali kartid,

           laakiin fardaha waad ku weysaysan kartaa, sababtoo ah farduhu way luqluqdaan marka ugu horeysa ee ay biyaha afka saaraan, 

 

               Arimahaasina waxay ka dhigeen in Soomaalidu  u aqoonsado Gobta xawayaanka, oo aan lagu arag fal saqajaanimo oo dadku ku nacaan, 

                    sida badan dadka reer miyiga waxa ugu muhiimsan ee ay dhaqdaan waa Geella,  oo qoyska aanu kasoo dareerin xagooda uu gun ka yahay, balse marka Faras la kala iibsanayo,   qiimaha ugu hooseeye ee la kala siisto waa Todoba qaalmood  oo ugub ah,                    

 

      sidoo kale wax xaal laysu siiyo  waxaa ugu qaalisan waa Hablaha,  waxaana ku xiga Fardaha, sababtoo ah Fardaha waxaa loo aqoonsan yahay Teknikadda Dagaalka, ninka aan faras lahayna haduu 300 Halaad u dareeraan, waxaa ka xarago qaada wiil keliya oo Faras ku jooga. Hadii aanay difaac fardooley lahayna si fudud baa looga didsan karaa.

            Arimaha dhaqankii hore ee soomaalida ku jiray ee  hadiiba ay dhacdo  xaalka badan  lagu kala qaado  waxaa kamid ah Hadii Ninku Inaadeerkii ama saaxiibkii  uu Faras ka kaxaysto,   marka uu soo celiyo haduu yimaado Gurigii oo ragii ka maqan yahay, waxaa reeban inuu Faraska Haweenka u dhiibo,

             Waxaana ka yaala xeer hadii la jebiyo ganaaxiisa leh. dhinaca kalena marka Geenyadu dhasho ee lays weydiinayo neefka ay dhashay erey bixinta la isticmaalaa  wuxuu noqdaa  Geenyadii maxay umushay, iyadoo afka laga dhowrayo in xawayaanka kale lagala meel dhigo.

 

  Noocyada Fardaha ku dhaqan Dhulka Afsoomaaliga waxay u qaybsamaan Saddex

1-Boqonweyn ama Galbeedi

2-Wajeer

3-Sunaari

Wajeer iyo boqonweyn markii la shirabay waxaa tartankii kusoo baxay nooca Wajeeri, hase ahaatee fardaha sunaari kuma dherersan karaan (lama beretemi karaan) waayo neef sunaari ah haduu aad u kicitimaayo  ama uu ku jiro xawli ma dhici karto inaad aqoonsado qofka saaran ama neefku mid uu yahay,  waxaana halkaasi ka cad, sida  ay u kala dheereeyaan oo kaalinta koowaad uu leeyahay nooca sunaari, ama qoobyaraha oo asal ahaan laga helo Deegaanka Nugaal.

 

  Kaalinta 2aad waa Faraska Wajeeri, halka 3aad uu gelaayo Faraska Galbeedi ama Boqonweynaha.

 

      Arimaha kale ee saamaynta ku leh Noocyada Fardaha waxaa kamid ah tababarka labada qaybood ee Wajeer iyo Boqonweynaha  marka la jarabarayo,  ninka macalinka ama jarabaruhu wuxuu ku dul baraa 3-5bilood,  halka faraska sunaariga ah lagu dulbaro sanad iyo sideed bilood waa mudo gaadhaysa sanad iyo lixbilood.

MIDABADA FARDAHA

             Midabada fardaha ayaa iyaguna lagu fasiraa  inay qeybweyn ku leeyihiin, orodkooda iyo mid walba  awoodiisa dhinaca deegaanka ama goobta uu marayo, tusaale ahaan waxaa jira faras ay dhib ku tahay  meesha dhagaxa leh, iyo mid dhulka ciida badan marka uu ordaayo socodkiisa wax  iska bedelaan, AHN xeeldheeraha aan sheekadan ka qoray wuxuu tilmaamay inta uu isagu indhihiisa ku arkay ilaa 15 Nooc oo kala ah

  1. BOOD 6-CAYNAB                        11-BAROOR SUULAL MADOOW
  2. ASHKIR  7-BUR-CIID                        12-CUSBAA-WIIR
  3. QAAJE 8-DHUUX-CAD                 13-BAROOR CIID
  4. XAMAR  9-DHIMBIIL                       14-CUSAYB-NOOR
  5. GUULAAMO 10-CAS-BAROOR              15-CIR-BICIID 

 

             Hase ahaatee  Gabaygii Sayid Maxamed Cabdule Xasan  ee caynlayda wuxuu AHN  Abwaan Siciid-Biid ku tilaamay inuu sifaynayo ilaa 45 midab oo Farduhu leeyihiin.                                   Midabka Baroorka la yidhaahdo oo noqon kara Faras ama Geenyo waa ka ugu muhiimsan dhamaan.

 

                In badan waxaynu maqalnaa magaca Senge, waa Faras isagoo yar la dhufaanay markay beretan noqotana, waxaa ag iman kara darmaan garabweyn ah oo aan weli Faras  kutin, sidaa si lamid ah raga Fardaha ku xeeldheeri waxay isku raacsanyihiin  Sange Baroor ah mooyee wax kale ma hawaysan karo darmaan Garabweyn ah.

KOORAHA FARDAHA

Farduhu waxay leeyihiin heense  waa agabka ugu muhiimsan ee aan la’aantood la fuuli karin heensuhu wuxuu ka kooban yahay 9 shay oo kala ah koore markuu isku dhanyahay ka kooban afar qaybood oo kala ah.

1-Geed la qoray          6-Yaar ama Xakame

2- Harag lo’aad laga shaqeeyey  7-Hoos dhig

3-Rakaab                                     8-Korsaar

4-Wegerad                                   9-Shalmad ka samaysan marada Shaalka

5-Jare

 

ORODKA FARDAHA

                  Hadaynu jaleecno orodka iyo qaababka kala jaadka ah ee lagu yaqaano oo mararka qaarkood xarrago iyo quruxda socodkooda indhaha aad usoo jeedo AHN abwaan Siciid-Biid oo ah Macalinka waaya araga ah ee Sheekadan aan ka qoray wuxuu tiriyey 7 Nooc oo kala ah

1-Kadle  4-Gaaguf

2-Cidilaab 5-Kacdin

3-Jeefag   6-Xawaare

                 7-Xawli

            Intaas oo u kala horeysa sidey isugu xigaan marba marka ka dambaysa ayuu sii kordhiyaa, socodkiisa waxaa jira laba hab oo loo fuulo Fardaha waxaanay kala yihiin  LEEDO iyo HEENSO.

 

              Dhinaca caafimaadka  xaalado dhowr ah oo hadaan cida Faraska watadaa  ka taxadarin sababi kara xanuuno halis ah oo ku dhaca ayaa jirta, marka uu farasku galo orodka nooca loo yaqaano KACDIN ma neefsado. Raga aqoonta u lihina marku mudo sidaa ku hayo intuu qabto ayuu neefta kasii daayaa.

 

   Hadii kale waxaa Faraska ku dhaca oo aan seegin cudur la yidhaahdo FUDROOR, daaweyntiisuna waxay ku qaadataa hawl badan waxaana qasab ah sagaal ama toban wan oo ahmin ah, inaad u qasho wan kastaana siduu u dhan yahay xitaa dhiigiisa oo la karshimay ayaa la cabsiinayayaa.

 

                              Waxaa kaloo  jira cudur  soomaalidu u taqaano DARFAC oo kaga dhaca feedhaha, xanuunkan waxaa sabab u ah marka in mudo ah lagu fuulo mir la’aan. Waxaana lagula tacaalaa subag Idaad, qisada yaabka leh waxay tahay iyadoo aan loo quudhin dawada ugu dhow oo ah  Dab, balse waxaa dhacda in faraska xanuunsanaya meel  lasoo joojiyo, goob dhowr talaabo u jirta oo u muuqadana waxaa la keenaa dameer, kadibna intii meelood ee faraska dabka lagaga dhufan lahaa, waxaa lagu dhejiyaa Dameer aan waxba qabin jiritaanka qisadana wuxuu tusaale usoo qaatay AHN abwaanku heesta  CUDURKA KAA GALA FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER . gabagadiina waxaan leeyahay Rabbi haw naxariisto oo ha u nuuro Xabaasha Cidkastoo Nasiib u yeelada Qormadan Akhriskeedana waxaan si aad ah uga codsanayaa in loo duceeyo Marxuumkaas, Allena uga barino inuu Dembigiisa dhaafo Naxariistii jano ka waraabiyo.. Aaamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here