Buubaa Goormuu Aaminay Soomaalilaan? W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
597

Buubaa Goormuu Aaminay Soomaalilaan?
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Intii aanu siyaasadda soo gelin wuxuu ahaa ganacsade si caadi ah iskaga nool, iskana lahaa shirkad ku taala Sucuudiga , gaar ahaan Jidda. Markii ay soo dhawaatay unkidii ururkii SNM ayuu toos ugu soo biiray ka mid noqoshadii SNM, wakhtigan waxa si weyn loo aaminsaa inuu ka tirsanaa sirdoonka dawladaha reer galbeedka, oo xubnihii ururkii SNM ayaa walaac weyn ka muujiyey inuu xubin ka noqdo SNM. Iyada oo arrintaa shakiga ahi miiska saaran tahay, ayaa la soo gaadhay sannadkii 1981-kii oo ahayd maalintii lagu dhawaaqay ururkii SNM, Buubaa ayey xubnihii SNM si toos ah ugu sheegeen bal waxa ka jira inuu ka tirsan yahay laanta sirdoonka Maraykanka ee C.I.A, ismabuu dhibine wuxuu si cad u sheegay inuu xubin ka ahaa, balse uu wakhtigan ka tegay, oo wuxuu tusay waraaqihiisii, taasina waxa ay badda soo dhigtay shakigii hore looga qabay.

Xogtan oo uu ii sheegay masuul ka tirsanaa aasaasayaashii ururkii SNM, balse aan jeclayn in aan magaciisa xuso. Muddo yar ka dib waxa hadana soo baxay inuu si hoose ugu biiray sirdoonka Sucuudiga oo uu ilaa haatan ka mid yahay. Wixii intaasi ka dambaysay wuxuu aqoonyahan Ismaaciil Hurre Buubaa faraha kula jiray ururkii SNM iyo sidii xukunka looga tuuri lahaa Janankii caasigaroobay ee Maxamed Siyaad, markii la soo gaadhay wakhtiyadii dalka la xoreeyey wuxuu mudane Buubaa goobjoog ka ahaa ku-dhawaaqistii la soo noqoshadii Soomaalilaan iyo xukuumadihii kala duwanaa ee Soomaalilaan ka soo talin jiray, ilaa laga soo gaadho bishii April ee sannadkii 1994-kii oo ahayd wakhtigii uu toobada seegay, kana noqday gooni-isu-taagga Soomaalilaan.

Xilkii ugu horreeyey ee Buubaa Soomaalilaan ka qabto wuxuu ahaa Wasiirkii Maaliyada ee xukuumadii C/raxmaan “Tuur” AHN, basle wax xil ah kamuu qaban wixii intaasi ka dambeeyey. Bishii April ee sannadkii 1994-kii ayuu Buubaa wuxuu ka degay dalka Itoobiya, gaar ahaan Adiis, waxa aanu si kaga dhawaaqay in aanay waxba ka jirin gooni-isu-taagga Soomaalilaan ee Burco lagaga dhawaaqay sannadkii 1991-kii, sidoo kalena uu ahaa arrinkaasi khasab, Soomaalilaan aanu dal noqon Karin sababo dhaqaale awgeed. Soomaalidu waxa ay ku maahmaadaa “Uli wey qabowdaa, hadal xuni se ma qaboobo.”

Hadalkaasina wuxuu ahaa hadalkii ugu dambeeyey ee uu Buubaa ku macasalaameeyo shacabka iyo Xukuumadii Soomaalilaan ee wakhtigaasi dalka ka talinaysay, ilaa haddana lama hayo meel uu hadalkaasi kaga noqday oo uu shacabka Soomaalilaan kaga raaligeliyey, kuna caddeeyey inuu Soomaalilaan aaminsan yahay. Wixii intaasi ka dambeeyey wuxuu gar iyo gardarro kula safan jiray cadowgii Soomaalilaan ee fadhiyey Muqdisho isaga oo dooddo badan oo ka baxay idaacaddo iyo Tilifiishano si badheedh ah uga sheegay in wax Soomaalilaan la yidhaa aanay jirin, ee ay yihiin beelo nabad ku heshiiyey. Caadi ahaan adduunka meel wada maraan, Waddani ama khaa’in, daljire ama jaajuus, halyey ama habacsane, aamin ama tuug, badbaadiye ama burburiye, samataliye ama dagaal-ooge, indheergarad ama maangaab, caalim ama jaahil, sheekh ama shaydaan. Buubaa wuxu soo qabtay xilal kala duwan iyadoo uu dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Cabdillaahi Yuusuf u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda isla markaana uu ahaa qofkii dawladda Soomaaliya u hadlay maalintii ugu horraysay ee ciidamada Itoobiya ay cagaha dhigaan caasimadda Soomaaliya, isagoo waraysiyo Af-Ingiriisi, Af-Carabi iyo Af-Soomaali ah siiyey telefishannada Aljazeera, CNN, BBC World Service iyo BBC Somali, oo uu ku difaacayey soo gelitaanka Ciidank Itoobiya.

Buubaa isaga oo ka faa’idaysanaya isku furfurnaan ka timid wadahadaladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya, oo ay ka mid ahayd cafiska joogtada ah,oo loo fidin jiray xubnihii Soomaalilaan-diidka ahaa iyo ogolaashihii xeerkii isu-socodka Soomaalilaan iyo Soomaaliye ee Baarlamaanka Soomaalilaan ansixiyey, ayuu codsi cafis ah soo weydiistay dawladda Soomaalilaan, ka dib xukuumaddu way ku qancday, balse shacabka Soomaalilaan ilaa hadda umuu caddayn meel uu kaga noqday fikirkii midnimada Soomaaliya waa muqadas, ee uu hore ugu dhawaaqay. Muddo kooban ka dib wuxuu toos ugu biiray xisbiga WADDANI oo iyaga laftoodu aan waxba iska weydiin fikirkiisa iyo halka uu ka taagan yahay Soomaalilaan. Fikirka aamusnaantu weheliso ee uu Buubaa la dhexjoogo xisbiga WADDANI waxa ay dhaawac weyn u geysan doontaa xisbigaasi, haddiiba aanay ka codsan inuu caddeeyo halka uu kaga noqday fikirkii midnimada Soomaaliya waa muqadas ahaa. Markaad u fiirsato ficilada iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee Buubaa waa nin aan weli la qabsan nidaamka axsaabta, waayo wuxuu ku dhexjiray siyaasadda Soomaaliya oo ku salaysnayd fawdo iyo qabyaalad la casrigareeyey (4.5). 1.11.2016 ayuu waraystay Tilifiishanka Universal, mar la weydiiyey wuxuu kaga jawaabayo, inay Xisbiga Kulmiye ku sheegaan inuu weli aaminsan yahay Fadaraalkii wuxuu ku af-gobaadsaday”Anigu waan ka tanaasulay Fadaraalkii, balse qolada Kulmiye waxa aan weydiin lahaa, ma ka tanaasuleen Marya-aloolnimadii”, hadalkan marka la fasiro, horta marka hore cadho ayaa ka muuqata jawaabta duqa, Buubaa waa Fadaraal diid, laakiin mabdi’ii midnimada Soomaaliya waa halkeedii oo ma diidna, Soomaalilaan ma aaminsana. Midnimadii Soomaalilaan iyo Soomaaliya waan ka tanaasulay si fiican ha u yidhaahdo Buubaa. Labada eray ee MARYO-ALOOL iyo MALEESHIYO waa erayo la isku dacaayadayn jiray wakhtiyadii dagaalkii Sokeeye, oo haatan aan waxba ka tarayn Soomaalilaan-tan tallaabsatay ee heer Xisbiyo maraysay.

Balse duq-Buubaa maaha shay lagula yaabo, waa halkii ugu dambaysay xusuustiisa markii uu Soomaalilaan ka tegay, sidoo kale waxa ku jirta cadhadii dagaalladii Sokeeye ee laga heshiiyey, maadaama oo uu isagu ka mid ahaa shakhisyaadkii aan nabadda qaadan. Maryo-alool waxa lagu dacaayadayn jiray Ciidanka Qaranka Soomaalilaan, halka Maleeshiyona lagu dacaayadayn jiray Ciidankii Ciidagale ee dagaalka kula jiray ciidanka Qaranka. Carrabka Buubaa weli uma jilicsana ku dhawaaqista magaca dalka ee Soomaalilaan, markaad eegto waraysiyo uu bixiyey intii uu ku soo noqday Soomaalilaan, waraysi kasta dhexdiisa dhawr jeer ayuu Soomaaliya ku hadaaqayaa.

Waxa se habboonayd inuu muddo yar afka xidho, si bal carrabkiisu ula qabsado magaca Soomaalilaan. Mujaahid Yuusuf Ciise Tallaabo AHN ayaa wakhtiyadii la qaramaynayey kooxihii SNM ka soo kicitimay Ceerigaalbo, si ay u wadahadlaan xukuumadii Cigaal AHN, ka dib markii uu Hargaysa yimid ayey warfidiyeenadu weydiiyeen sababta imaantinkiisa waxa aanu ku jawaabay” waxa la baadhayaa dhiigayga oo yaalla bangiga dhiiga ee Cisbitaalka “, wuxuu sarbeebay waxa aan ku biirayaa ciidanka qaranka, sidaasi darteed Buubaa may ahayn in codsiga laga aqbalo ilaa inta laga hubinaayo heerka dhiigiisa ay ku jirto Midnimo Soomaaliya iyo Fadaraal.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com