Cabbashada reer Awdal ee Saami Qaybsiga Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ma Garbaa mise waa si kale? C/kariim Axmed Maxamed (Xinif)

0
939

Doorashadii golaha wakiillada ee 2005 markii loo diyaar garoobayey waxa fadhiyadii golaha wakiillada ee waqtigaa socdey gebi ahaanba ka baxay xildhibaannadii ka soo jeedey gobolka Awdal, taasi waxay keentay in cabashadoodii oo ahayd sed ayaa naga maqan laga dhegaysto iyadoo maslaxadda guud la eegayo, kaddibna loo kordhiyo hal kursi iyadoo aan loo eegin gar iyo gardarro ka ay tahay.

Isla maanta oo ay ka soo wareegtey toban sannadood isla tii oo aan waxba ka beddelnayn ayaa dhacday, xildhibaannadii ka soo jeedey gobolka Awdal waxa ay ka dareereen fadhiyadii golaha iyagoo isla dooddii hore qaba.

Arrintan waxa khasab ah in sidaa u soo noqnoqonayso una taagnaanayso markasta oo doorasho golahan ahi dhacayso haddii aan go’aan waara iyo xal kama danbays ah laga gaadhin.

Go’aanka laga qaadanayaana waa inuu noqdaa mid xaqiiqda ku dhow oo aan ahayn qancin iyo danta guud halloo eego, waayo waa dhibaato haddii danta guud mar walba cidi sed bursiinyo ku hesho cidna laga sed bursado.

Anigoo ka duulaya arrintaas ayaan isku deyey inaan jawaab u helo cabashad reer Awdal, jawaabtan maaha mid aan leeyahay iyada ayaa sax ah ee halla raaco, mana lihi waa khalad ee halla tuuro, waxay ka mid tahay aragtiyaha muwaadiniinta reer Somaliland iyo jawaabaha arrinta qof waliba aragtidiisa ku salaynayo.

Arrintan marka aan ka hadlayo waxan ka eegayaa dhinacyada soo socda.

Saamigii Degmooyinkii 1960-kii reer Awdal ma waxbaa ku seegay oo kaga maqnaa waqtigaa?

2005-tii ma waxbaa laga duudsiyey mise sed baa loogu daray Saami-qaybsigii?

Reer Awdal ma waxay u tarmeen si aan dadka kale u tarmin oo waxbaa sidaa kaga maqan?

Mise reer Awdal sed bursiimo ayay doonayaan oo ay filayaan in ay helayaan haddii ay sidan ku adkaystaan?

Su’aalahaa jawaabohooda waxaan ku saleeyey

Doorashadii 1960kii ee degmooyinkii waqtigaa oo hadda gobollo ah

Doorashooyinkii Dalka ka dhacay 2002-2012 iyo codadkii gobollada dalka oo dhan xaqiiqo ha ahaadaan codadkaasi ama yay ahaane reer awdal dadka ayuunbay kala mid ahaayeen.

Diiwaan gelintii dalka ka dhacday 2008 oo qiyaas ahaan uun laga qaadan karo, diiwaan gelintaasi may ahayn mid xaqiiqo ah dalkuna wuu wada qabey arrintaase, manay ahayn tiro koob, waayo tirokoobka Muwaadiniinta iyo diiwaan gelinta codbixiyayaashu way kala duwan yihiin.

GUDO-GALKA FALANQAYNTA SU’AASHA

1960-kii dalka waxa loo qaybiyey Lix degmo oo hadda gobollo ah, mid walbana waxa loo qoondeeey kuraas lagaga tartamo, oo ahaa sidan:

Hargeysa 7 kursi. oo kala yaalley: Dacar-budhuq, Baanka, Sheekh Madar, Gebiley, Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley

Burco 6 kursi. oo kala yaalley: Masjid jaamaca, Sh. Ismaaciil, Laasdhuurre, Duruqsi, Qoryaale iyo Oodweyne

Berbera 5 Kursi. oo kala yaalley: Dekedda, jaamalaaye, Bullaxaar, Mandheera iyo Sheekh.

Boorame 5 kursi. Oo kala yaalleyBoorame, Saylac, C/Qaadir, Boon iyo Dila

Ceerigaabo 5 kursi. Oo kala yaalley Ceerigaabo, Xiis Laasqoray, Ceel-Afweyn iyo Jiidali

Laascaanood 5 Kursi. Oo kala yaalley Caynabo, Xuddun, Lascaanood, Widh-widh iyo Taleex

Sidaa ayay u qaybsanaayeen 33kii kursi ee Baarlamaanku.

Si kale haddii loo eego waxay ahaayeen 17 xildhibaan oo saddexdii degmo ee galbeedka ka soo baxay iyo 16xildhibaan oo saddexdii Degmo ee bariga ka soo baxayey.

Haddaba tirada guud ee dalka oo dhan ka codaysay waxay ahayd 81,366 oo qof

Hargeysa waxay lahayd codad dhan 28,085 cod

Boorame waxay lahayd 10,561 Cod

Berbera waxay lahayd 10,957 cod. Fiiro gaar ah. Berbera way ka codad badnayd Boorame

Burco waxay lahayd 17,105 Cod.

C/gaabo waxay lahyd 9,183 cod

L/caanood waxay lahayd 5,272 Cod

Fiiro gaar ah: Burco waxa jirey kursi aan lagu tartamin waana kursigii yaalley Oodweyne oo uu qaatay qofkii keli ahaa ee cidi kula taratami weydey, kaas oo ahaa Maxamuud Sh Muuse sidaa darteed codkiisu inta uu noqon lahaa lama hayo tira degmadana ,kuma jiro waxana suuro gal ah in ay Burco gaadhi lahayd 20,000 maadaama kursiga ay ku tartamayeen wax ka badan hal qof aan ka soo qaado laba qof inuu midkiiba heli lahaa 1500 oo cod

L/caanood Laguma tartamin saddexdii sanduuq ee kala yaalley L/caanood, Widhwidh iyo Taleex, oo iyagana ay qaateen saddexdii qof ee cidi kula tartami weydeykuwaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Cabdalle X. Faarax iyo Cismaan Garaad Maxamuud sidaa darteed codadkoodii halkan kuma jiraan maadaama aan la garanayn waxa ka soo bixi lahaa waxa suuro gal ah midkiiba haddii aynnu ka soo qaadno 2000 inay noqon lahay L/Caanood 11,000, waayo kursi walba oo meel yaalla waxa ku tartamayey laba qof qaarkoodna saddex qof, markaa celcelis ahaan qofkiiba waxan ka soo qaaday 1000 kuraasta aan lagu tartamin inuu ka heli lahaa.

Sidaa darteed Boorame marna may soo gelin kaalinta labaad waxay ku jirtaa kaalinta Afraad ama Shanaad ilaa haddana waa sidii, sida aan xagga danbe ku sheegi doono. La Soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here