Cabdicasiis Samaale oo lagu soo dhaweeyey Washington DC‏ Xubnaha Xisbiga kulmiye oo ku qaabiley Calnk Xisbiga iyo Ka qarankaba

0
384

Cabdicasiis Samaale oo lagu soo dhaweeyey Washington DC‏ Xubnaha Xisbiga kulmiye oo ku qaabiley Calnak Xisbiga
Kulmiye Washington DC

Washington DC(Warsugannews)War Saxaafadeed – May 1, 2016- Waxa maanta oo taariikhdu tahay bisha May kowdeeda, 2016, lagu soo dhoweeyay Cabdicasiis Maxamed Samaale garoonka diyaaradaha ee Washington Dulles International Airport. Waxa halkaas ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee Waddanka Maraykanka, Rashid Garuf, iyo qaar ka mida odoyaasha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Washington DC. Cabdicasiis Samale wuxu ka qayb gelayaa shir xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Washington bisha May 7-deeda.

samale_1

Samaale waxa kale oo uu ka qayb galayaa shirka Somaliland Conference ee lagu qabanayo Washington DC bisha May 20keeda iyo 21keeda. Kaas oo loogu dabaal degaayo 25-tan guuradii madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Shirkaas (www.somalilandconference.com) oo ay ka soo qayb geli doonaan madax ka socota dawlada Somaliland, xisbiyada qaranka, barlamaanka, gudida doorashooyinka, ururada madaxbanaan, iyo aqoon yahano Maraykan ah.

samale_2

Samaale wuxu mahadnaq u soo jeediyay dhamaan taageerayaasha Kulmiye guud ahaan iyo gaar ahaan jaaliyada Kulmiye ee Washington DC ee sida qiimaha badan ugu soo dhowaysay Airportka. Wuxu yidhi waxaynu isku waraysan doonaa shirka May 7-deeda inoo qabsoomaya, haddii illaahay yidhaahdo.

Contact Information:

Kulmiyewashingtondc@gmail.com