Cabdikariin Axmed Mooge oo ka hadlay Khilaaf Xisbiga UCID sheegayna hadii ay jirto cid dabada ka riixaysa oon ka tirsanayn ucid in laga saaro

0
389

Cabdikariin Axmed Mooge oo ka hadlay Khilaaf Xisbiga UCID sheegayna hadii ay jirto cid dabada ka riixaysa oon ka tirsanayn ucid in laga saaro

“HADAY JIRAAN CIDKA BAXSAN XISBIGA UCID OO DABADA KA RIIXAYSA,IN MEESHA LAGA SAARO MURSHXNIMDA JAMAAL,WAXAAN LEEYAHAY GODOB SIYAASADEED MA HADHO! WAXAANA TUSAALE INOOGU FILAN KHILAAFKII SIYAASIYIINTA SOMALILAND EE LIXDANKII!!C.KARIIM AXMED MOOGE

Haday dhab tahay in Faysal Ali Waraabe, maaganyahay in uu ka takhaluso musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbiga UCID, taasi waa go’aan siyaasadeed oo aan laga fiirsan oo magac xumona ugu filan isaga iyo xisbigaba.

Abdirashid Hasan Mataan is-casilaadiisu waxay ila muuqata mid uu ku degdegay oo garab ku banaysay murrasharax Jamaal Ali Huseen, Abdirashiid waxay hayd in ilaa halka ugu danbaysa in uu garab taagnaado Saxiibkii xiliga adag!

“Soomaalidu waxay tidhaahda caano daatey dabadood la qabay” xisbiga UCID waxay qaadi karaan talaabo ay ku badbaadinayaan kuna ixtiraamayaan heshiisyo wixii hore loo galay ee ahaa in Jamaal Ali Huseen yahay murrashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID, waxaaney iscasilaada Abdirashiid u baddalan karaan fursad iyaga oo ummadda ka soo dhex xullanaya murrashax madaxweyne ku xigeen oo kale oo keeni kara tageerayaal xisbiga ka dhigi kara xisbi xaakimka bari.

haday jiraan cidka baxsan xisbiga oo dabada ka riixaysa in meesha laga saaro murrashaxnimda Jamaalna waxaan leeyahay godob siyaasadeed ma hadho! waxaana tusaale inoogu filan khilaafkii siyaasiyiinta Somaliland ee lixdankii!